SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
CIRAAQ - MAQAAL

 YEY MASLAXAD UGU JIRTAA RIDISTA SADAAM XUSEEN?!!

Qaybta 4aad  | Qaybta 5aad | Qaybta 6aad 

I  I  D  H  E  H

Dagaalkii uu Mareykanku ku qaaday Afghanistan oo aan weli dhammaan ayuu Maamulka Mareykanku miiska soo saartay khariidada Ciraaq isla markaana arrin lagama laabtaan ah ka dhigay weerarka la filayo inuu ku qaado dalkaasi oo ujeedadiisu tahay in Xukunka Sadaam Xuseen laga xayuubiyo, marka aad eegtana laga soo bilaabo mas’uuliyiinta sare ee Mareykanka ilaa Saxafiyiinta waxaa la hadal hayaa in dhammaanba Dunidu ku qanacday inaysan suurtagal ahayn sii joogitaanka Sadaam Xuseen iyo inuu sii ahaado hoggaamiyaha Ciraaq oo ay waajib tahay in meesha laga saaro.

Maamulka Mareykanka qeybtiisa seef la boodka ah iyo qeybta kale ee caadiga ah intaba way isku waafaqsan yihiin baahida loo qabo khaarajinta Sadaam Xuseen, waxaase la isku hayaa in si degdeg ah tallaabadaas loo qaado iyo in meelo kale wax laga eego, taasi wuxuu macnaheedu yahay in khilaafka u dhaxeeya Maamulka Mareykanka uu yahay oo kaliya xilli ee ay ka go’an tahay inay guluf ku qaadaan Ciraaq iyo Maamulkeeda uu hoggaamiyo Sadaam Xuseen.

Booqashooyin ay madax Mareykan ahi ku tageen dalalka Carbeed ayaa muujisay sida Mareykanku u doonayo dagaalka uu la damacsan yahay Ciraaq, waxaana dadaal aan kala go’ lahayn ay ugu jiraan sidii ay dalalka Carbeed ee ay saaxiibada yihiin ugu qancin lahaayeen arrintaasi, iyagoo ka tusinaya dhinaca haboon iyo miraha ka dhalan kara haddii meesha laga saaro Sadaam Xuseen.

Doodaha kala duwan ee mas’uuliyiinta Mareykanku la soo taagan yihiin iyo waxyaabaha ay cuskanayaan kuna banneysanayaan inay ku duulaan Dowlad xor ah, iyagoo ujeedadoodu tahay inay bedelaan nidaam jira ayna keensadaan mid iyaga taabacsan ayaa waxay kala yihiin:

Horumarinta Hubka wax gumaada: waa kan ugu horeeya ee ay ku doodayaan Mareykanku, Sadaam Xuseen ayaa loo heystaa inuu weli sii wado sameysashada iyo diyaarinta Hubka wax gumaada ee Niyukliyeerka, Bay’olojiga iyo Kiimikadaba leh, taasoo uu halis ku gelinayo nabadgelyada iyo xasiloonida Bariga Dhexe iyo isagoo ah Ma-naxe Hubka halista ah u adeegsaday Kurdiyiinta dadkiisa ah isla markaana Gantaallo waaweyn ku garaacay magaalooyin ka tirsan dalka Iiraan.

Arrinta labaad ayaa iyaduna ah in Maamulka Sadaam Xuseen kan ugu xun ee Dunida ka jira xilligan ee dadkiisa cadaadiya.

Arrinta saddexaad ee ay ku doodayaan Mareykanku waxay tahay in Sadaam Xuseen uu yahay nin Dhiigya cab ah oo ma-naxe ah isla markaana shacabkiisa dadka, Carbeed iyo dadka Adduunkaba aad u neceb.

Tan ugu dambeysa ee ay Mareykanku cudurdaarka uga dhiganayaan inay ku duulaan Ciraaq inuu Maamulkiisu yahay mid Faasid ah oo aan ku taagneyn wax looqaateen ah xilligan Adduunku casriga yahay oo uu matalo oo kaliya naftiisa iyo in yar oo ku dan ah.

CABSIDA CARABTA KA HEYSTA RIDISTA SADAAM XUSEEN

Marar badan ayaa la maqlaa dalal Carbeed oo ku dhawaaqaya inay ka soo horjeedaan weerar Mareykanku ku qaado Ciraaq, waxaase isweydiin leh sababta ay dalalka Carabta intooda badani weerarka Mareykanku la damacsan yahay Ciraaq uga soo horjeedaan oo ay u door bidayaan inuu Sadaam Xuseen sii joogo.

Dagaal lagu qaado Sadaam Xuseen wuxuu meesha ka saarayaa awoodii Ciidameed ee Ciraaq, Hubkeedii in badan la buunbuuniyay ee halista ahaa isla markaana loo heystay in uu la tartami karo Israa’iil, sidoo kale dalalka Carbeed waxay rumeysan yihiin in dagaal lagu qaado Ciraaq uu hordhac u noqonayo weeraro kale oo ku soo socda dalal Carbeed, taasoo aan la ogolaan karin, waxayna dagaal cusub oo lagu qaado Ciraaq keeni kartaa dhibaato ba’an oo ku soo fool yeelata shacabka Ciraaq iyo qaxooti malaayiin ah oo ku soo shubma dalalkaas.

Haddaba haddii ay dhacdo inuu Mareykanku bilaabo howlgalkiisa isla markaana uu iska dhega tiro wax alla iyo wixii uga digayay inuu tallaabadaas ku dhaqaaqo, cida ay maslaxadi ugu jirto ridista Sadaam Xuseen, arrintaasi haddii dhowr dhinac laga eego waxaa la dhihi karaa: Haddii aan Mareykanka u yeelno sida uu doonayo oo loola jeedo inuusan dagaalku ahayn mid Ciraaq lagu qaadayo ee uu yahay mid lagu beegsanayo Maamulka Sadaam Xuseen oo ah nidaam koox aqlabiyad yar oo umadeeda baabi’isa, go’doon ah, shacabkeeda iyo deriskeedana halis ku ah, Adduunka oo dhana laf dhuun gashay ku noqotay lagama maarmaana ay tahay in meesha laga saaro si looga reysto qatarta uu dadkiisa, Gobolka iyo Adduunkaba ku hayo.

Haddii uu Mareykanku dalka Ciraaq iyo bedelkan Maamulka Sadaam Xuseen Ciraaq u dhisayo Dowlad Dimoqoraadi ah oo xuquuqda shacabkeeda ilaalisa gaar ahaan kuwa laga tirada badan yahay, deriskeedana ixtiraam iyo nabadgelyo kula noolaata waa mid ay baahi u qabaan shacabka reer Ciraaq.

Haddii sidoo kale hadafka Mareykanku yahay in la baabi’iyo Dowladda Sadaam Xuseen oo nabad iyo xasilooni loo raadiyo Gobolka oo dhan si ugu dambeynta Ciidamada shisheeye ee kuwa Mareykankuna ku jiraan ay uga baxaan Gobolka, maadaama xaalada ismariwaaga ee ka taagan Bariga Dhexe ay sahli karto inay ka soo baxaan shaqsiyaad la mida Usaama Bin Laaden waa waajib kale oo Mareykanka saaran, waxaan shaki ku jirin in adeegsiga awoodeed ee baabi’inta Dowlad noocii ay doonto ha ahaatee Dunida ka jirta aysan boos ku lahayn Qawaaniinta Caalamiga ah iyo Sharciyada lagu dhisay Qaramada Midoobay.

XISBIGA BACATH EE CIRAAQ

Xisbiga Al-Bacath waxaa markii ugu horeysay dhismihiisa looga dhawaaqay dalka Suuriya Bishii April 1947-kii waxaana asaasay ninkii la oran jiray Miisheel Caflaq, wixii markaas ka dambeeyay Xisbigaas aad ayuu u fiday awood badana ugu yeeshay dalal badan oo Carbeed, wuxuuna yeeshay laba hoggaan oo ka jiray inta badan Dowladihii Carbeed, waxaana hoggaankii Xisbiga Al-Bacath ee Suuriya uu qirtay Sanadkii 1952-kii inuu qeyb ku leeyahay Ciraaq oo loo magacaabay nin la dhihi jiray Fu’aad Al-Rakaadi.

Hadafyada Xisbiga Al-Bacath waxay ahaayeen saddex arrimood oo markii ugu horeysayba lagu dhawaaqay, halgan lala gelayo isticmaarka si looga xoreeyo dalalka Carbeed, in loo howlgalo sidii loo mideyn lahaa Carabta ayna u yeelan lahayd Dowlad kaliya oo awood leh, iyo in la hagaajiyo dhibaatooyinka iyo musuqmaasuqa ja jira Carabta dhexdeeda, iyadoo qaab inqilaab loo marayo, wuxuuna ku caan baxay hal heysto ay ka mid yihiin: UMMAD CARBEED OO MID AH, MIDNIMO, XORRIYAD IYO ISKAASHI.

Xisbiga Al-Bacath ee Ciraaq haddii aynu u soo daadegno waxa uu soo shaac baxay Kontomeeyadii Qarnigii hore, markii inqilaab Milateri uu hoggaaminayay C/Salaan Caarif lagu riday Boqortooyadii Feysalkii labaad halkaasoo ay Ciraaq ku macasalaameysay Maamul Boqortooyo ayna ku soo dhoweysay awood inqilaab, waxayna inqilaabyadu isdaba joog u socdeen 1958 ilaa 1968-kii, Xisbiga Shuuciga ah ee Ciraaq ayaa ahaa kan awooda sare leh ee inqilaabyadaasi ku soo baxayay, laakiin ninkii la oran jiray C/Kariin Qaasim ayaa noqday hoggaamiye mideeya Ciraaq, waxaana fashilmay dadaal uu ku doonayay Miisheel Caflaq 1958-kii in Maamulkii cusbaa ee Ciraaq uu la midoobo Jamhuuriyadaha midoobay ee Carbeed oo ahaa Suuriya iyo Masar, waxaana ka hor yimid Xisbigii Shuuciga ee Ciraaq.

Saraakiil ka tirsan Xisbiga Al-Bacath ee Ciraaq ayaa inqilaab dhiig badani ku daatay ku afgembiyay Madaxweyne C/Kariin Qaasim 8-dii February 1963-kii waxayna dhiseen Xukuumad uu Madaxweyne ka yahay C/Salaan Caarif, halkaasna waxaa ka bilowday loolan u dhaxeeya laba garab oo ka mida Xisbiga Al-Bacath, mid mowqifkiisu fog yahay iyo kuwo dhexdhexaad ah, C/Salaan Caarif ayaa si weyn isaga fogeeyay kooxihii Al-Bacath ee xag jiray, isagoo soo dhoweystay kuwii dhexdhexaadka ahaa oo uu 1963-kii Madaxweyne ku xigeen u magacaabay Axmed Xasan Al-Bakar.

Waxaa la riday Bishii September 1966-kii Dowladdii C/Salaan Caarif, waxaana Xisbiga Al-Bacath ee Ciraaq uu dhammaanba xilalka ka xayuubiyay intii la soo shaqeysay ninkaasi, waxaana loo magacaabay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kacaanka iyo Madaxweynaha Ciraaq Axmed Al-Bakar isla Sanadkii 1968-kii Sadaam Xuseen ayaa loo magacaabay Ku xigeenka Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kacaanka iyo ninka mas’uulka ka ah nabadgelyada gudaha. November 1979-kii Sadaam Xuseen waxa uu noqday Madaxweynaha Ciraaq kaddib markii Axmed Al-Bakar laga xayuubiyay xilalkii uu hayay

Gudaha Ciraaq waxaa ka jira 22 qeybood iyo faracyo ku baahsan dhammaan Gobollada dalkaas iyo saddex qeybood oo caasimada Baqdaad ka dhisan, ciqaabta uu leeyahay Kaadir ka mida Xisbiga Al-Bacath inuu ku biiro dhaqdhaqaaq Siyaasadeed ama Urur kale waa in la dilo, isagoo lagu oogayo khiyaamo Qaran, waxaana iminka halis ku jira jiritaanka Xisbiga oo ay u soo bir tumanayaan xoogag gudaha ah iyo quwado shisheeye si ay mid aan weligii jirin uga dhigaan.

Akhri Qaybta Xigta.... GUJI....

 Qaybta 4aad  |  Qaybta 6aad  

Waxa diyaariyay: Shariif Macallin Maxamed
shariif55@yahoo.com 

Muqdisho---Somalia
 

AFEEF: Aragtida qoraalkan wa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com.


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD