QOWMIYADAHA
CIRAAQ
Qaybta
5aad | Qaybta 6aad
KURDIYIINTA
Kurdiyiinta waa qeyb muhiim
ah oo ka tirsan Mujtamaca reer Ciraaq, sidaasoo ay tahayna Ciraaq oo kaliya
maahee waxay ka jiraan dalal kale oo Bariga dhexe iyo Aasiyaba ku yaala,
waxaa lagu qiyaasaa tirada guud ee dadka Kurdiyiinta 25-Milyan oo Ruux, Shan
dal ayayna ku nool yihiin: 46% waxay degan yihiin Turkiga, 31% waxay ku nool
yihiin Iiraan, 5% waxay ku firirsan yihiin Armania iyo Suuriya, halka Ciraaq
oo aynu ka hadleyno ay ku nool yihiin 18%.
18-Lahjadood ayay
Kurdiyiintu ku hadlaan luqad ahaan, waxayna leeyihiin taariikh dheer oo
hodon ah marka loo fiiriyo Islaamka, waxaana la helayaa shaqsiyaad magac
dheer ku leh Diinta Islaamka oo ka soo jeeda Kurdiyiinta, gaar ahaan ninka
lagu magacaabo Abuu Muslim Al-Khuraasaani oo ahaa hoggaamiyihii Dowladdii
Cabaasiyiinta ee caanka ahayd, Salaaxudiin Al-Ayuubi oo isna si aad ah u
caan baxay, Sheekha caalimka ah ee la wada yaqaan ee Ibnu Teymiyah iyo kuwo
kale oo fara badan.
Dalka Kurdistan ee Ciraaq
ka mida waxaa dega 3800,000-Ruux dhammaantoodna Kurdiyiin ah waana kooxo iyo
beelo isu tegay oo ku nool hab dhaqameed Beeleed oo aad u adag laguna dhaqmo
caadooyin iyo dhaqano laga soo guuriyay Awoowayaal hore, wuxuuna
Dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay Xoolaha iyo Beeraha.
Dhinaca Siyaasadda
Xisbiyada ugu waaweyn waxaa ka mida Xisbiga Dimoqoraadiga Kurdistan oo la
asaasay 1946-kii, hadana waxaa hoggaamiya ninka lagu magacaabo Mascuud Al-Barasaani
oo uu dhalay Mullah Mustafa Al-Barsaani, Xisbigaasi waxaa aad ugu weyn
qowmiyada, wuxuuna ku tiirsan yahay Beesha uu ka dhashay hoggaamiyahooda
Barasaani, taageerayaashiisuna waxay ku badan yihiin Gobolka Arbiil ee
Waqooyiga Ciraaq, wuxuuna xiriir xoog leh la leeyahay Turkiga iyo Xukuumada
Ciraaq, Mareykanka, dalalka Carabta laakiin xiriirkiisa Iiraan ma aha mid
hagaagsan.
Xisbiga labaad ee Wadaniga
Kurdistan waxa uu ka soo go’ay Xisbiga ka horeeyay, waxaana hoggaamiya
ninka lagu magacaabo Jalaal Daalibaani, isagoo gooni isu taagay Sanadkii
1975-kii, sidoo kale Xisbigan waxay fikradihiisu ku qotomaan qowmiyad
Kurdinimo, wuxuuna xarumo ku leeyahay dhinaca Koofureed ee Kurdistanta
Ciraaq, isagoo xiriir adag la leh Iiraan iyo Mareykanka, laakiin xiriirka uu
la leeyahay Dowladda Ciraaq ee Baqdaad ka dhisan iyo waliba Turkiga ma aha
mid caafimaad qaba.
Xisbiga Itixaad AL-ISLAAMI
Xisbigan oo wata fikrada
Ikhwaanul Muslimiinta waxaa la asaasay 1992-kii, waxaana hoggaaminayay
Sheekh Salaaxudiin Maxamed Bahaa’udiin, wuxuuna leeyahay fikrado dib u
habeyn ah oo aan wax badan la xiriirin halgan hubeysan, wuxuuna qeyb ka
yahay xukuumada Arbiil ee uu hoggaamiyo Mascuud Al-Barasaani oo uu hal
Wasiir ku leeyahay, Xisbiga Al-Itixaad Al-Islaami waxa uu xiriir fiican la
leeyahay kooxda Ikhwaan Al-Muslimiin ee reer Masar iyo hoggaamiyaha reer
Turki ee Najmudiin Erbakaan iyo kooxdiisa.
DHAQDHAQAAQA ISLAAMKA
Dhaqdhaqaaqan oo Kurdi ah
lehna fikrado Islaami ah wuxuu ahaa dhaqdhaaq muddo dheer soo jiray oo ugu
roon Xisbiyada Islaamiga ah ee Kurdiyiinta, waana Xisbi aan wax badan ka
fogeyn dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinta caalamiga ah, waxaana la asaasay
Sideetameeyadii iyadoo uu hoggaaminayay Mullah Cuthmaan, kaddibna waxaa
hoggaankeeda qabtay Mullah Cali C/Casiis, ninkaa markii uu geeriyoodayna
waxaa la wareegay Mullah wiilashiisa Mulla Cali iyo Mulla Saadiq.
Xisbiga Kaadaxi ee Kurdistan
Xisbigan waa mid bidix jira
oo uu hoggaamiyo ninka lagu magacaabo Qaadir Casiis, wuxuuna xiriir fiican
la leeyahay Xisbiga wadaniga ah ee Kurdistan oo ay bahoobeen doorashadii ka
dhacday Gobolka Suleymaaniyah sanadkii 1992-kii, isagoo la saftay Xisbigaas
Bishii August 1996-kii markii Ciidamada Ciraaq ay soo galeen Suleymaaniyah.
KOOXDA ANSAARUL ISLAAM
Kooxda Ansaarta Islaamka
waa Xisbiyada ugu dambeeyay ee ku soo biira masraxa Siyaasadda Kurdiga,
waxaana la asaasay 10-kii December 2001, waxaana hoggaamiya Sheekh Faatix
Karikaar oo lagu naaneeso (Abuu Sayid Qudub), kooxdan waxay ka soo go’day
kooxda ka horeysay ee Dhaqdhaqaaqa Islaamka, iyadoo ah koox xag jirta oo
lagu tilmaamo inay tahay Daalibaanta Kurdiyiinta.
DOWLAD KURDI AH IYO CABSIDA
LAGA QABO KALA QEYBSAN
Ilaa xilli fogba
Kurdiyiintu waxay ku riyoonayeen dal ay leeyihiin oo kulmiya taariikhdooda,
luqadooda, Dhaqankooda iyo horumarkoodana u halgama, laakiin waxay sahay u
noqdeen dalal awood waaweyn oo kala qeybsaday si ba’anna u kala dhantaalay
ilaa iyo iminkana waxay doonayaan inay dhistaan Dowlad ay iyagu leeyihiin oo
u gaar ah, mana jirto cid ka mida Dalalka ay ku hoos nool yihiin oo dooneysa
inay Dowlad noqdaan laga bilaabo Suuriya, Turkiga, Ciraaq iyo Iiraanba.
Wixii ka dambeeyay 1991-kii
xaalad cusub ayay Kurdiyiintii Ciraaq galeen, iyagoo ku guuleystay inay
helaan goobo aamin ah oo ay ku koontoroolayaan Diyaaradaha Ingiriiska iyo
Mareykanka, waxaana dhashay laba Xukuumadood iyo laba Madaxweyne oo midkood
ka taliyo Suleymaaniyah, taasoo raacsan Xisbiga Wadaniga Kurdistan ee uu
hoggaamiyo Jalaal Daalibaani, waxaana Dowladaasi maamula Dr. Barham Saalax
waxayna xiriir soke la leedahay Iiraan.
Dowladda labaad oo raacsan
Xisbiga Dimoqoraadiga Kurdistan waxay ka talisaa Arbiil, waxayna isbaheysi
la leedahay Turkiga iyo Xukuumada Ciraaq, waxaana hoggaamiya Mascuud Al-Barsaani,
waxaana xukuumadaasi maamula Nishrawaan Barsaani.
Bishii Oktoobar 1991-kii
waxay Xukuumada Ciraaq go’aansatay inay shaqaalaheeda iyo dhammaan mas’uuliyiintii
ka joogtay Kurdistanta Ciraaq ay kala baxdo halkaas kaddib markii xayiraada
Mareykanku ku soo rogay Diyaaradaha Ciraaq inay goobahaasi soo dulmaraan
marka laga bilaabo diilinta 32-aad ee dhinaca Waqooyi, halkaasoo labada
Xisbi ka faa’iideysteen oo ay gacanta ku dhigeen Maamulkii Goboladaasi oo
ay gacan uga helayeen Hay’ado caalami ah iyo ilaalada Diyaaradaha
Ingiriiska iyo Mareykanka.
Bishii May 1991-kii
Kurdiyiintu waxay ku dhaqaaqeen doorashooyin ay ku sameynayaan Baarlamaan ay
leeyihiin oo ay labada Xisbi u loolameen Kuraasta Baarlamaankaasi, waxaana
lagu dhawaaqay dhismaha Xukuumad July 1991-kii, laakiin Isbaheysigii labada
Xisbi ayaan wax badan jirin oo degdeg u burburay, dagaalo iyo isku dhacyona
labada dhinac isaga hor yimaadeen.
Haddii aynu eegno xaalada
nabadgelyada iyo Milateriga ee Kurdistan wixii ka horeeyay dagaalkii labaad
ee Khaliijka waxay ahaayeen meelo halis ah oo fowdo ah ayna isaga hor
yimaadaan kooxo hubeysan, iyadoo ay waliba ka talineysay Xukuumada Ciraaq,
wixiise ka dambeeyay 1991-kii wax badan isma bedelin xaaladii, maadaama isla
markiiba khilaaf ka dhex oogmay labadii Xisbi ee ugu waaweynaa Kurdiyiinta,
Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan iyo Xisbiga Dimoqoraadiga Kurdistan, taasoo
keentay in midkood uu kaalmeysto Xukuumada Ciraaq, halka kan kalena quwado
shisheeye taageero u raadsaday, xiisadihii ugu xumaa dhex marayna waxay
ahaayeen sida:-
Dagaal qaraar ayaa ka
dhex qarxay May 1994-kii labada Xisbi markii uu faraha ka baxay
khilaafkii u dhaxeeyay.
Mascuud Al-Barsaani
ayaa Agosto 1996-kii ka dalbaday Ciidamada Ciraaq inay xaalada soo
farageliyaan, Ciidamadii Ciraaq ayaa taasi yeelay, waxayna dharbaaxooyin
waaweyn ku dhufteen xoogagii Xisbigii Daalibaani.
Waxaa fashilmay xabbad
joojin labada dhinac laga dhex waday Oktoobar 1996-kii, mana hirgelin in
Bishii November ee isla Sanadkaasi xabbad joojintii dib u dhaqan gasho
iyadoo waliba ay dhexdhexaadinta wadeen Mareykanka, Ingiriiska iyo
Turkiga.
September 1998-kii
waxay labada dhinac kala saxiixdeen heshiis uu ka soo shaqeeyay
Mareykanka.
Iska hor imaadyo kale
oo hubeysan ayaa July 2000 dhex maray Ciidamada labada Xisbi, waxayna
socdeen dhowr maalmood iyadoo ay ku dhinteen 40-ruux oo u badan
Ciidamada Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan.
Dagaal kale ayaa labada
dhinac dhex maray bartamihii Sebtembar 2000 isagoo ahaa mid goosgoos ah
oo socday laba toddobaad, waxaana la sheegaa inay tobanaan qof ku
dhinteen dagaaladaasi.
4-tii Oktoobar 2000
ayuu istaagay dagaalku markii Xisbiga shaqaalaha Kurdistan oo hal dhinac
oo kaliya xabbad joojin uga dhawaaqay.
Dr. Barham Saalax oo ah
Guddoomiyaha Gobolka Suleymaaniyah kana tirsan Xisbiga Dimoqoraadiga
Kurdistan ayaa April 2002 la isku dayay in gaadmo lagu dilo, waxaana
lagu eedeeyay inay falkaasi soo maamushay kooxda Ansaarta Islaamka oo
iyaduna iska fogeysay.
LUGTA DOWLADDA CIRAAQ KU
LEEDAHAY BULLAALINTA XIISADA
Waxaa lagu eedeeyaa
Xukuumada Ciraaq inay sabab u tahay ismariwaaga iyo is faham la’aanta dhex
taala Kurdiyiinta, halka Hay’adaha Xuquuqda Insaanka ay ku eedeynayaan
Dowladda Ciraaq inay Kurdiyiinta iyo dadka Turkumaanka ah ay ka
barakicineyso degaanada ay ka mid yihiin Karkuuk, Khaaniqiin, Makhmuur,
Sanjaar, Duuz, Khurmaato iyo meelo kale si ay halkaasi uga sifeyso oo ay
dooneyso inay ku beerto dad kale oo Carab ah, iyadoo la wareegeysa
hantidoodii, Guryahoodii kaddibna u qaadeysa goobaha ay gacanta ku hayaan
Kurdiyiinta mucaaradka ah.
KURDIYIINTA IYO DAGAALKA
MAREYKANKU DAMACSAN YAHAY
Cidna kama qarsoona inay
Kurdiyiintu muhiim yihiin, marka loo eego tallaaba kasta oo laga qaadayo
Ciraaq, qaabka ah inay helaan Federaal ay la galaan Maamul kasta oo ka
dhasha Ciraaq ayaa laga yaabaa inaysan ku qancin Kurdiyiin badan, inkastoo
ay taasi shaqeysay tobankii sano ee ugu dambeysay oo ilaalada Mareykanku ay
ku hoos noolaayeen, halka Sadaam Xuseena uu talada Ciraaq ka hayay, waxayna
ku doodayaan in Xukunka Federaalka yahay tijaabo la soo maray, haba ku
tiirsanaado ilaalada Diyaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska’e, tabar
darrana ha ku rido midnimada Dowladda Dhexe ee Baqdaad, balse inuu xasilooni,
awood qeybsi cadaaladeed iyo nabadgelyo ka abuuray degaanada Kurdiyiinta.
Saadaalo kale ayaa
tilmaamaya inay Kurdiyiintu door weyn ka qaadan karaan sidii Xukunka looga
tuuri lahaa Sadaam Xuseen iyo iyagoo la bahoobaya Mareykanka dagaalka uu ku
qaadayo Xukuumada Ciraaq, iyadoo waliba loolanka colaadeed ee Xukuumada
dhexe ee Ciraaq iyo Kurdiyiintu leeyahay taariikh dheer, gaar ahaan Sanadkii
1988-kii oo halka lagu magacaabo Xalbaxa Ciidamada Ciraaq ay ku laayeen
5000-ruux oo u badan rayid, iyagoo u adeegsaday Sun Kiimiko ah.
Iyadoo aan la ogeyn hadafka
dhabta ah ee qorshaha faragelinta Milateri ee Mareykanku la damacsan yahay
Ciraaq siiba wejigeeda cusub ee soo fool leh ayaa Kuridiyiin badan aanay
xamaasad badan u heynin Xukunka oo laga qaado Sadaam Xuseen, waxayna u
arkaan in Madaxweynaha Bush-kii hore uu khiyaameeyay Sanadkii 1991-kii,
isagoo ku booriyay kacdoon ay uga soo horjeedaan Sadaam Xuseen kaddibna uga
baxay, taasoo ku keentay inay le’daan dad badan oo Kurdiyiin ah lagana
yaabo in Bush-ka inanka ah uu tallaabadaas qaado, waxaana arrintaas si cad u
sheegay Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqoraadiga Kurdistan Mascuud Al-Barsaani.
Waxay isku waafaqsan yihiin
Xukuumadaha Kurdiyiinta ee ka dhisan Arbiil iyo Suleymaaniyah in qorshaha
Mareykanka ee hada la diyaarinayo ay jiraan labo arrimood oo cabsi weyn
keeni kara haddii ay taageeraan howlgalka Mareykanku uga horjeedo Sadaam
Xuseen, haddiiba ay dhacdo inuu bilowdo dagaalka Mareykanka, Dhulka
Kurdiyiintu wuxuu noqon doonaa goobaha laga diyaariyo weerarada Dhulka ee
Ciidamada Mareykanku qaadayaan sida ay sheegeyso mid ka mida xogta la helay,
tan labaad oo ah in Ciidamo Kurdiyiin ah Mareykanku adeegsanayo sidii
Isbaheysiga Waqooyiga ee Afghanistan.
Labada arrinba haddii
Mareykanku sameeyo ama midkood qaato waxaa Kurdiyiinta u daran inay helaan
Ismaamul hab Federaal ah ku dhisan oo ay uga mid noqdaan Dowladda Sadaam
Xuseen bedeli doonta, inkastoo mas’uuliyiinta Mareykanku ay sheegaan inay
ka horjeedaan dowlad ay leeyihiin Kurdiyiinta oo laga dhiso Waqooyiga Ciraaq
si ay ugu raalligeliyaan Turkiga oo ah Isbaheysigooda ugu weyn ee ay Gobolka
ku leeyihiin, waxayna su’aasha taagani noqon doontaa in dagaalka
Mareykanku ku qaadi doono Xukuumada Ciraaq xal u keeni doono arrinta
Kurdiyiinta iyo inuu xaaladooda uga sii dari doono.
SHIICADA CIRAAQ
Shiicada reer Ciraaq waxa
ay qeyb muhiim ah ka tahay shacabka dalkaasi, waxayna dhalasho ahaan ku
abtirsadaan Carab, madhab ahaana waa Shiico caan ka ahayd muddo dheer
Islaamka iyo Gobolkaasi, Shiicanimaduna ma aha Qowmiyada la sheegto ee
dhaqan ama caado ee waa koox qaadatay oo aaminsan waxyaabo fikrado diineed
ku qotoma oo kooban.
Meelaha Shiicadu ay
barakeysato waxay u heystaan inay Ciraaq tahay meel ka mid ah oo muhiim u ah
waxaana laga helaa Koofurta Ciraaq goboo ay Sanad kasta malaayiin Shiico ah
oo ka kala yimaada Iiraan, Lubnaan, Sacuudiga iyo Ciraaq laf ahaanteeda,
goobahaas oo caan ku ah taarriikhda Shiicada iyo dhaqankeeda waxaa loo
yaqaanaa Karbala iyo Najaf waxayna Shiicadu u tagtaa inay nooleyso xuska
Xuseyn Ibnu Cali Ibnu Abii Daalib oo ah hoggaamiyaha Saddexaad ee Shiicada.
Waxaa la sheegaa in kooxaha
mucaaradka ee Shiicada reer Ciraaq iyo kooxaha u dooda Xuquuqda aadanaha ay
ku doodaan in Shiicadu cadaab daran iyo cadaadis ah kala kulantay Xukuumada
dhexe ee Baqdaad ilaa xilli taariikheed oo fog, waxaana laga xusi karaa:
Dilkii loo geystay
Aayatullaah Maxamed Saadiq Al-Sadr iyo wiilashiisii oo February 1980-kii
lagu dilay Najaf.
Meel ka dhacyo isugu
jira silcin, xarig iyo jirdil loo geystay dad Shiico ah 1999-kii
In si joogto ah la
isaga xiro oo loo xukumo Shiicada dhaqdhaqaaqa Siyaasadda ku lug yeelata.
Xukun dil ah oo lagu
soo rogay ugu yaraan 6-Shiico ah oo la burburiyay Guryahoodii, kuwaasoo
ka tirsanaa Ardayda Culuunta Diinta ka barata Najaf.
Shaki laga qabo geerida
Aayatullaah Sayid Xuseen Baxar, kaasoo si kedis ah oo aan la ogeyn
meydkiisa loo helay 22-kii June 2001-dii.
DHAQDHAQAAQA SIYAASADEED EE
SHIICADA CIRAAQ
Golaha Sare ee Kacaanka
Islaamiga Ciraaq oo ay Shiicadu leeyihiin gacan weyna ku leedahay Iiraan
ayaa dhismihiisii 1982-kii ujeedadiisu ahayd inuu kooxaha Shiicada Ciraaq
hoggaan siyaasadeed oo mid ah u yeelo, xarunta Golahaasi waa magaalada
Tehraan, waxaana hoggaamiya ninka lagu magacaabo Xujatul Islaam Maxamed
Baaqir Al-Xakiim oo Ciraaq ka tegay 1979-kii kuna nool Iiraan, inta badan
xubnaha Golahaasina waa Ciraaqiyiin u baxsaday dhinaca Iiraan intii uu
socday dagaalkii labada dal.
Kaalinta Xujatul Islaam
Maxamed Baaqir Al-Xakiim ku leeyahay Xisbigaas ayaa ah mid muuqata, waxaana
loo arkaa in Golahaasi uu yahay Urur hal shaqsi uun ah oo leh Siyaasad gaar
ah, xiriirka uu la leeyahay Iiraan ayaa ah mid aad u dhow, wuxuuna iska
wadaa inuusan ahayn nidaam ku xiran Iiraan oo ku kooban Shiicada balse uu
yahay koox awood siyaasadeed leh oo dooneysa inay Maamulka wax ka qabato.
Garabkiisa Milateriga waxaa
loo yaqaanaa LIWAA BEDER wuxuuna xarumo ku leeyahay Iiraan, Ciidamadiisa
intooda badana waa Shiico ay tababaraan Saraakiil Sunniyiin ah, sidoo kale
xiriirka ay la leeyihiin Mareykanka ayaa ah mid aan caga badneyn, waxayna
beeniyeen marar badan inay wax taageero ah ka heleen Mareykanka, inkastoo
Koongareeska Mareykanku Lacag gaareysa 97-Milyan Dollar ugu tala galay
taageerada mucaaradka Ciraaq.
Xisbiga Dacwada CIRAAQ
Xisbigan waxa uu ka mid
yahay kuwii ugu horeeyay Xisbiyada Islaamka Ciraaq, waxaana asaasay nin
Sheekh ah oo la oran jiray Aayatullaahi Baaqir As-Sadr 1968-kii, wuxuuna ka
kooban yahay kooxo kala duwan oo Khaliijka iyo dalal kaleba ka jira waana
Xisbi aaminsan adeegsiga xooga, iyadoo uu ku doodayo in Islaamka iyo
Dimoqoraadiyada ay is dhex geli karaan.
Khilaafka kala dhaxeeya
Golaha Sare ee Kacaanka Islaamiga ah ayaa ah inuusan Xisbigan aaminsaneyn
Maamul qaabka Iiraan leh oo Diintu hoggaamineyso, waana laba Xisbi oo aad
isaga horjeeda fikrad ahaan, sidoo kale waxaa jira fikrad kale oo
Siyaasadeed oo Cilmaani ah wax diin ahna aan shaqo ku lahayn si toos ahna u
raacsan Dimoqoraadiyada reer Galbeedka oo ay aaminsan yihiin inay tahay tan
ugu haboon ee lagu ilaalin karo Xuquuqdooda.
-dhammaad-
Waxa diyaariyay: Shariif
Macallin Maxamed
shariif55@yahoo.com
Muqdisho---Somalia
Kulaabo
Bilowga Qoraalkan..... GUJI....
AFEEF: Aragtida qoraalkan wa mid u gaar ah
qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com.
|