MUCAARADKA
CIRAAQ
Qaybta
3aad | Qaybta 4aad | Qaybta 5aad
Waxaa sii kordhayay kooxaha
ku kacsan Xukuumada Ciraaq iyo Sadaam Xuseen wixii ka dambeeyay dagaalkii
Khaliijka ee labaad, waxaana kooxahaas taageero cad oo aan la qarsan u
fidiyay dhabtana saartay Mareykanka iyo Dowladaha Yurub, iyadoo soo dhoweyn
aan horay loo arag loo sameeyay, waxayna noqdeen tobanaan kooxood oo kala
Diin, aragti iyo dhismo duwan, mana jiraan wax ay ku mideysan yihiin oo aan
ka ahayn inay Xukunka ka ridaan Sadaam Xuseen iyo inay jagooyin Siyaasadeed
ka helaan Maamulka ka dambeeya marka la rido Sadaam Xuseen.
KOOXAHA UGU WAAWEYN
MUCAARADKA CIRAAQ
Kooxahaasi ka horjeeda
Dowladda Ciraaq waxay u kala baxaan kooxo waaweyn iyo Xisbiyo yar yar iyo
qaar iska dhexdhexaad ah intooda badana waa Dibad joogayaal aan cagta soo
dhigin Ciraaq intii muddo ah, kooxaha waaweyn waxaa ka mida Xisbiga dhexe ee
Shiicada oo ah Golaha Sare ee Islaamiga ah, waxaana madax u ah Maxamed
Baaqir Al-Xakiim, waxaana taageerta Iiraan isaga iyo ururro kale oo Shiica
ahba, waxaa dhinaca Kurdiyiintana ka muuqda Xisbiga Dimoqoraadiga ah ee
Kurdistan ee uu hoggaamiyo Mascuud Al-Barazaani iyo Xisbiga Wadaniga ah ee
Kurdistan, kaasoo uu isna hoggaamiyo Jalaal Daalibaani waana labada kooxood
ee qeybsaday Xukunka hoose ee Kurdigu ku yeesheen Waqooyiga Ciraaq wixii ka
dambeeyay dagaalkii labaad ee Khaliijka 1991-kii.
Golaha Wadaniga Ciraaq ee
uu hoggaamiyo ninka lagu magacaabo Axmed Jalabi ayaa ka mida kooxaha ugu
waaweyn mucaaradka Ciraaq waana Xisbi kulmiya kooxo dhowr ah sida uu sheegto,
waxaana Ururkaasi gacan weyn siiya Mareykanka oo ka taakuleeya dhinaca
Dhaqaalaha, isagoo ay u suuragelisay inuu furto Telefishin uu codkiisa ka
baahiyo oo lagu magacaabo Liperty TV, kaasoo xaruntiisu tahay magaalada
London ee dalka Ingiriiska baahintiisana bilaabay Sanadkii hore, laakiin
howshiisu istaagtay horaantii Sanadkan markii Mareykanku joojiyay
taageeradii Dhaqaale ee uu siin jiray, Ururkaasi waa kan uu Mareykanku
doonayo inuu awooda dalka Ciraaq qeybaha ugu muhiimsan ka qabto maadaama ay
ku idil yihiin dad kala duwan oo reer Ciraaq ah, laakiin waxaa jira dhibaato
soo wajahday kaddib markii Gole ay leeyihiin Shiicada ka baxday, waxaase
weli ku jira labada Xisbi ee Kurdiyiinta iyo waliba kooxo ka soo jeeda
Boqortooyadii Haashimiyada ee Ciraaq ka talin jirtay, gaar ahaan Shariif
Cali Ibnul Xuseyn hoggaamiyaha Xisbiga Boqortooyada Dastuuriga.
Waxaa kaloo jira kooxo qaab
hubeysan u howlgala oo Dibadda ka dhisan sida dhaqdhaqaaqa Saraakiisha
xoreynta Ciraaq ee uu Guddoomiyo Najiib Al-Saalixi, waxayna 25-kii July soo
saartay Bayaan ay kula midoobayaan koox kale oo mucaarad ku ah Sadaam Xuseen
oo lagu magacaabo Dhaqdhaqaaqa Dimoqoraadiyada ee Xoreynta Ciraaq.
Xaalada AY KU SUGAN YIHIIN
MUCAARADKA CIRAAQ
Mucaaradka ka horjeeda
Sadaam Xuseen iyo Dowladiisa iyagoo kala tagsan oo aan isku fikrad ahayn
iskana horjeedaan qorshayaashooda iyo Siyaasadahoodaba ayay hadana heysanin
shaqsiyaad waaweyn oo magac leh, waxayna weli la rafanayaan sidii ay u
midoobi lahaayeen, iyagoo gacan ka helaya Mareykanka iyo dalalka kale,
goobaha Cirka laga xayiray ee Mareykanka iyo Ingiriisku ay ka ilaaliyaan
Koofurta Ciraaq diilinta 33-aad iyo Waqooyiga Ciraaq diilinta 36-aad, waxay
nabadgelyo ay ku dhaqdhaqaaqaan siiyeen Kurdiyiinta iyo Shiicada iyo inay
mucaaradad ku kacsan Sadaam Xuseen ay markii ugu horeysay dhulka Ciraaq
joogitaan ku yeelato.
Kala duwanaanshaha dhinaca
jinsiyada ah ayaa kala qeybisay mucaaradka ku kacsan Xukuumada Ciraaq, marka
la fiiriyo dhinaca Kurdiyiinta ayaa laf ahaantoodu kala qeybsan, waxay
Waqooyiga Ciraaq ku heystaan ismaamul, waxaana Kurdistan horay u soo maray
loolan Siyaasadeed oo aad u qaraar ayna isku laayeen laba kooxood oo
asalkoodu u noqonayo taariikh aad uga fog xilligan aynu hadda joogno,
muddooyinkii ugu dambeeyayna waxaa muuqanayay istuurtuur mucaaradka
dhexdiisa ka jira, gaar ahaan Carabta iyo Kurdiyiinta markii Xisbiga
Dimoqoraadiga ee Kurdigu soo bandhigay Dastuur loogu talagalay Ciraaq Sadaam
Xuseen kaddib, kaasoo ka hadlaya nidaam Jamhuuriyadeed oo Federaali ah kuna
dhisan qowmiyadaha Carabta iyo Kurdiga, laakiin aan ku dhisneyn qaab
Goboleed Maamul ah.
Gobolka Karkuuk ee aysan
Kurdiyiintu gacanta ku heynin waxa uu qani ku yahay Saliida kaasna ay iyagu
leeyihiin iyadoo marka la fiiriyo Dastuurka ay keeneen uu u ogolaanayo
Kurdiyiinta inay yeeshaan Calan, Astaan Qaran oo u gooni ah iyo inay Luqada
Kurdigu noqoto Luqad rasmi u ah degaanadooda, sidaasoo ay tahayna labada
Xisbi ee Kurdiyiinta ayna kala hoggaamiyaan Jalaal Daalibaan iyo Mascuud
Barazaani ayay dhexdoodu ka tafan tahay oo loolan awoodeed u dhaxeeyaa,
iyadoo loolanku gaaray mararka qaar in la isu kaalmeysto Ciidamada Dowladda
Ciraaq, waxaana Sanadkii 1996-kii uu Barazaani kaalmeystay Ciidamada Ciraaq
dagaalkii uu la galay Daalibaani oo ka soo horjeeday.
Kala qeybsanaanta fikradaHA
diiMeed
Shiicadu waxay ka dhigan
tahay in ka badan 65% dadka Ciraaq, waxayna doonayaan inay helaan awood
Siyaasadeed oo u dhiganta tiradooda, sidaas daraadeed waxay kooxaha kale ee
mucaaradka Ciraaq u fahmeen Bayaankii dhowaan ay soo saareen Shiicada Ciraaq
ee loogu magac daray BAYAANKA SHIICADA CIRAAQ ee ku baaqay in meel la
iska dhigo qoloqolada ka dhex jirta dalka Ciraaq mid loolan cusub iyo halis
gelinaya Shiicada iyo taageerada ay ka hesho Iiraan, kooxaha mucaaradka
qaarkood ayaa ku baaqay in dadka Falastiin la dejiyo Ciraaq si loo xoojiyo
joogitaanka Sunnada ee Ciraaq, taasoo halis kale keeni karta iyo in
Falastiiniyiintaas loo adeegsado si looga hortago Kurdiyiinta degta
Waqooyiga Ciraaq.
BOQORTOOYO MISE MILATERI
70-Sarkaal iyo ka badan oo
reer Ciraaq ah ayaa dhowaan shir ku yeeshay magaalada London ee dalka
Ingiriiska, shirkaasoo ay joogeen xubno ka socday Mareykanka iyo Ingiriiska
waxayna dhiseen Gole Milateri oo ka kooban 15-Sarkaal, dhismaha Golahaasina
wuxuu far waaweyn ku soo qoray inay soo dhow dahay tallaabada Mareykanku ka
damacsan yahay Ciraaq, waxaana mar kale muuqata in Ciraaq nidaamka ku haboon
yahay mid Milateri, inkastoo ay kooxdaas Milateriga ah u yeertay kooxaha
Siyaasadeed ee Ciraaq ayna ku ballanqaadeen inay Ciidamadu xerooyinkooda ku
noqon doonaan haddii la rido Sadaam Xuseen iyo inuu kulankoodu yahay mid ay
iyagu abaabusheen ee cid ka dambeysaa aanay jirin.
Waxaa xusid mudan in
kooxaha Ciraaq ee mucaaradka ah ay halis ugu jiraan inay kala qeybsamaan,
iyadoo iminkaba ay Milateri, Rayid iyo Qowmiyado kala duwan u qeybsan yihiin,
shirkaas ka dhacay magaalada Lodona looguma yeerin Taliyihii hore ee
Ciidamada Ciraaq Nazaar Al-Khasraji, kaasoo Ciraaq ka cararay 1995, iminkana
ku nool dalka Denmark iyo Wafiiq Al-Saamiraay oo ahaa madaxa Sirdoonka
Ciidamada Ciraaq.
Shirkii London waxay ishu
qabatay dhaxalsugihii hore ee Boqortooyada Urdun ahna Boqorka Urdun Boqor
Cabdalla Adeerkii oo lagu magacaabo Amiir Xasan, kaasoo la socday
hoggaamiyaha mucaaradka Ciraaq Axmed Jalabi, waxaana taas loo qaatay in la
doonayo soo noqoshada Boqortooyadii Ciraaq, waxaana muuqashada kediska ah ee
Amiir Xasan uu ku dhex yimid shirka kooxaha mucaaradka ah ee Ciraaq laga
dhedhensaday Isbaheysi dhex mara Boqortooyada oo ballaaran, iyadoo iminkaba
la sheegayo soo banbaxa urur cusub oo magaca Isbaheysiga Dimoqoraadiyada ee
Boqortooyada oo heysta taageerada Dowladaha Carbeed marka laga reebo Masar.
Isbaheysigaa oo ay ku
bahoobi doonaan dhammaan kooxaha mucaaradka ah ayaa la filayaa inaan lagu
dhawaaqin inta ka horeysa weerarka lagu qaadayo Ciraaq, waxaa sidoo kale
iska soo daba dhacaya warar ku saabsan inuu Mareykanku door bidayo nidaamka
Boqortooyada oo kulmin kara qowmiyadaha aragtiyada Diineed iyo mowqifka
Siyaasadeed ee aadka u kala fog, taasoo khilaaf cusub ka dhex abuuri karta
qaar ka mida kooxaha mucaaradka Ciraaq iyo Mareykanka waana arrinta ku
saabsan soo noqoshada Boqortooyada, iyadoo taageero iyo diidmaba isbarbar
yaacayaan.
Arrintu intaa kuma eka,
inuu Mareykanku ku qanco Boqortooyada waa mid la saanqaadeysa Amiir Xasan oo
loo arko shaqsi ay wada aqbali karaan mucaaradka Ciraaq oo gacan siin kara
si aysan u kala furmin kooxaha mucaaradka ahi, taasoo iyaduna aan farxad
gelineynin Amiirka reer Ciraaq ee Shariif Cali Ibnul Xuseyn, loolankuna ma
aha mid soo afjarmaya inta uu Mareykanku midkood dhabarka ka taabanayo oo
Taajka saarayo.
BoqortooyadII HAASHIMIYADA
CiraaQ
Arrinta ku saabsan soo
noqoshada Boqortooyadii Haashimiyada ee Ciraaq kaddib riditaanka Sadaam
Xuseen iyo 40-Sano kaddib markii la burburiyay waa arrin dhici karta marka
la fiiriyo qorshaha Mareykanka, Qoyska Boqortooyadaasina qaabka uu Ciraaq u
maamuli jiray iyo taariikhdiisa waxay u baahan tahay dib ugu noqosho:
taariikhda Qoyska Haashimiyada ee Gobolka waxay la bilaabaneysay Kacaankii
weynaa ee uu hoggaaminayay Shariif Xasan Ibnu Cali Amiirkii Maka ee ka
horjeeday Dowladdii Cuthmaaniyiinta 1916-kii hadafkuna ahaa hirgelinta
riyadii dhismaha Dowlad Carbeed oo ka kooban Jasiirada Carabta iyo Shaam oo
taageero looga helayay Ingiriiska oo ujeedadiisu isna ahayd inuu burburiyo
Ciidamadii iyo awoodii Dowladii Cuthmaaniyiintu ku lahayd dhinaca Bari ee
Khaliijka iyo dalalka ku xeeran.
Markaas kaddib waxaa soo
ifbaxay qiyaamadii Ingiriiska ee ahayd inuu kala qeybiyay dalalkii Carbeed
inay midoobaan iska dhaafe, isagoo la kaashanaya Faransiiska, Falastiin ayuu
isagu la haray, halka Lubnaan iyo Suuriyana uu Faransiisku heystay, laakiin
Xijaas waxaa Ciidamadeedii lagu jebiyay dagaalkii ay la galeen
taageerayaashii Bin Sacuud kaddib markii uu qabsaday Sanadkii 1918-kii,
waxaana lagu qasbay inuu Xukunka uga dego wiilkiisii Cali 1924-kii, iyadoo
uu ku dhammaaday Xukunkii Haashimiyiinta markii magaalada Jiddah ay u gacan
gashay, waxayna arrintu noqotay in Amiir C/Casiis Bin C/raxmaan Aala Sacuud
uu noqdo hoggaamiyaha Qoyska Sacuudiga.
Ciraaq dhibaatooyin waaweyn
ayuu Ingiriisku kala kulmay inuu gacanta ku dhigo gaar ahaan kacdoonkii
Kacaankii Agosto 1920-kii kaddib, taasoo Xukuumada Ingiriiska ku qasabtay
inay Xukun hoose siiso oo Amiir Feysalkii koowaad ina Xuseyn Bin Cali Boqor
looga dhigo dalka Ciraaq 23/08/1921-kii taasoo ka dhalatay doorasho
Ingiriisku maamulayay iyo wadahadalo dheer oo Xukuumada Ingiriiska lala
galay, ugu dambeyntiina ku dhammaatay xorriyad ay qaateen 1932-kii reer
Ciraaq.
Markii uu geeriyooday Boqor
Feysal waxaa Boqortooyada Carshigeedii ku fariistay wiilkiisii madiga ku
ahaa, waxaana dhaxalka la siiyay Ghaazi, markaa kaddib waxaa dhacay
xiligiisii inqilaabkii ugu horeeyay ee Milateri 1936-kii.
Boqorkii Ghazi ayaa ku
dhintay shil Baabuur oo sidii uu u dhacay lagu muran san yahay 1939-kii
kaddibna waxaa Taajka Boqortooyada loo caleema saaray Boqor Feysalkii labaad
oo uu dhalay Gazi oo Ciraaq ka noqday Boqor, isagoo da’diisu tahay 4-Jir,
waxaana Abtigii Cabdal-Ilaah Ibnu Cali loogu dardaarmay inuu noqdo ninka leh
dhaxalka oo maamulka haya, wuxuuna ahaa Feysal kii ugu dambeeyay Boqoradii
Haashimiyiinta ee reer Ciraaq, markaana Ciidankii Ciraaq oo uu hoggaaminayay
C/Kariin Gazim ay inqilaab Milateri ku dhigeen 14-kii July 1958-kii, halkaas
ayaa lagu dilay Boqor Feysalkii labaad iyo Abtigii Cabdal-Ilaah iyo Ra’iisal
Wasaarihii Nuuri Saciid, maalintaas inqilaabku dhacay, waxaana shaaca laga
qaaday Jamhuuriyad wixii markaas ka dambeeyayna waxaa daboolmay taariikhdii
Boqortooyada Ciraaq.
BOQORTOOYADA IYO MAR KALE
Dhacdooyinkii 11-ka
September 2001 wixii ka dambeeyay oo Mareykanku dagaal u caddeystay waxa uu
ugu yeero argagixisada caalamiga ah iyo Maamulka Madaxweyne Bush oo
caddeeyay inay ka go’an tahay inay Xukunka ka tuuraan Madaxweynaha Sadaam
Xuseen waxaa la isla dhex marayaa suurtagalnimada inay soo noqoto Qoyskii
Haashimiyada iyo Boqortooyadoodii mar xukumi jirtay Ciraaq, waxaana xubnaha
ugu firfircoon Qoyskii Haashimiyada ka mida Shariif Cali Ibnul Xuseyn iyo
Amiir Xasan Ibnu Dalaal.
Ninka lagu magacaabo
Shariif Cali Bin Al-Xuseyn Hooyadii oo lagu magacaabi jiray Badiica Binti
Cali ayaa la dhalatay Boqor Feysalkii Labaad, haddii dhinacaa laga eegana
waa ninka ugu dhow qoyskii reer Boqor ee ka soo jeeda Boqor Feysalkii labaad
waana Afhayeenka rasmiga ah ee Golaha Wadaniga Ciraaq iyo Guddoomiyaha
dhaqdhaqaaqa Boqortooyada ee Dastuuriga ah, wuxuuna u socdaa inuu yahay
ninka iska leh dhaxalka Sharci ahaan Boqortooyada Ciraaq, haddiiba ay
timaado in loo noqdo Xukunkii Boqortooyada oo halkiisa laga ambaqaadayo.
Laakiin shirkii Saraakiisha
Ciraaq ee ka dhacay magaalada London oo uu ka soo muuqday Amiir Xasan Ibnu
Dalaal oo isaga iyo Boqor Feysalkii labaad ee Ciraaq ay nasab ahaan isaga
soo dhacaan Awowga Haashim ayaa iyaduna keentay su’aalo fara badan,
waxaana magaciisa la geeyay meelo Mareykanku ugu horeeyo, isagoo loo arko
inuu noqon karo nin ay wada aqbali karaan kooxaha reer Ciraaq, waxayna
dhowaan sheegtay Jariidada Guardian ee ka soo baxda magaalada London inuu
Amiir Xasan yahay inay aqbalsan tahay Wasaarada Gaashaandhigga Mareykanka
iyo kooxaha muxaafidiinta ah ee ku jira maamulka Bush.
Musharaxnimadaas haddii ay tahay isbandhig
oo kaliya xitaa waxay keeni kartaa xiisad ka dhex ooganta Qoyska reer
Haashim ee Ciraaq, waxayna saameyn ku yeelan doontaa xiriirka gudaha ee
qoyskaasi ka dhaxeeya iyo waliba xiriirka uu la leeyahay reer Haashimka u
taliya Urdun, gaar ahaan haddii ay dhac noqoto Warbixinada sheegaya in Amiir
Xasan uu door ka ciyaarayo Siyaasadda Mustaqbalka ee Ciraaq, sida la
ogyahayna Amiir Xasan Bin Dalaal waa ninka xilligii ugu dambeeyay ee
noloshiisa Boqor Xuseenkii Urdun uu ka qaaday xilka dhaxalka Boqortooyada
Urdun oo uu ku wareejiyay wiilkiisa Boqor Cabdalla oo iminka u taliya Urdun.
Akhri Qaybta Xigta....
GUJI....
Qaybta
3aad | Qaybta 5aad
Waxa diyaariyay: Shariif
Macallin Maxamed
shariif55@yahoo.com
Muqdisho---Somalia
Faafin: March 15, 2003
AFEEF: Aragtida qoraalkan wa mid u gaar ah
qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com.
|