SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
CIRAAQ - MAQAAL

 MAXAA XILIGAN LOOGU SOO BEEGAY HOWLGALKA DAGAAL EE CIRAAQ?  

Qaybta 2aad  | Qaybta 3aad | Qaybta 4aad 

I  I  D  H  E  H

Maxay tahay sababta xilligan la joogo keeneysa inuu Mareykanku weeraro Ciraaq?, maxay mas’uuliyiinta Mareykanka laga soo bilaabo Madaxweynahooda George W. Bush ilaa laga soo gaaro Sarkaalka Gaashaandhigga Mareykanka u qaabilsan qorsheynta Paul Wolfwutis ay ugu cad cad yihiin inay ka taqalusaan hoggaanka dalka Ciraaq oo ay qaadaan dagaalkii ugu weynaa ee ay abid galaan Ciidamada dalka Mareykanka oo arrintuba noqoto mid ka go’an Mareykanka oo waqtigii uun la sugayo.

Waxaa aad u adag in qorshe kama dambeys ah oo guul u soo hoyn kara Mareykanka loo dhigo si dagaalka ku soo fool leh ee uu la gelayo Ciraaq ugu dhammaado sidii uu doonayay, waxaa kaloo adag inuu Mareykanku si fudud uga taqaluso Sadaam Xuseen, waxaana jira cabsi aan yareyn oo la xiriirta inay Ciraaq isticmaali karto Hub halis ah oo baaba’ keeni kara, waxaa kaloo meesha taala in dadka ay ka go’do talada Mareykanka aysan weli isku waafaqin qorshaha dagaal ee Ciraaq lagu qaadayo.

Durba waxay Mareykanku qaadeen tallaabooyin muujinaya in howlgalka Milateri ee ay ka damacsan yihiin Ciraaq uu yahay mid aan sinaba loo hor istaagi karin, waxaana howlgalka loo bixiyay magacyo dhowr ah oo uu ka mid yahay mid micnihiisu yahay inuu dagaalku noqon doono dagaal qorsheysan oo aad u xoog badan isdaba joogna ah si waxa la tiigsanayo si kama dambeys ah loogu burburiyo mar kaliya, waxaa kaloo ixtimaali karta in loola jeedo inuu howlgalkaasi noqonayo wax ay Mareykanku u arkaan inuu ku wajahan yahay cadowgooda ugu weyn ee Khaliijka, haddii ay ka taqalusaan ay horseed taasi u noqoneyso in dalalka kale ee Gobolku ka heybeystaan Mareykanka, sida crabta dalal carbeed qaarkood tahay inuu talaabooyin kale ka qaadi karo dalal ay ka mid yihiin Iiraan iyo Suuriya.

Awooda Mareykanku u adeegsan doono dagaalkaasi oo aynu soo sheegnay ka sokow waxaa kaloo loo dhigay istiraatiijiyad dhowr marxaladood ah waa marka horee xaalada Ciraaq dagaalkaasi kaddib iyo waxa imaan kara, xaalada Dhaqaale ee Gobolka iyo Adduunka saameynta ay ku yeelan karto, xaalada Adduunka iyo la saanqaadideeda si aysan u kala jebin xulafada Mareykanka iyo doorashada xilliga ugu haboon ee tallaabadaasi lagu dhaqaaqi karo.

Waxaa marar badan la isweydiiyaa sababta Mareykanku xilligan ugu soo beegayo weerarkiisa ku aadan Ciraaq oo in muddo ah oo ka badan 10-sano ahayd cadowgiisa koowaad ee Dunida, si loogu helo jawaabna waxay u baahan tahay faahfaahin badan:

Hor iyo horaanba Mareykanku waa ku qasban yahay inuu tallaabo ka qaado Ciraaq, mana aha arrin ku cusub xarunta Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon Daraaseynta qorshe dagaal oo Mareykanku u sundo Ciraaq wixii ka dambeeyay 1991-kii oo ku beegneyd dagaalkii labaad ee Khaliijka markii Isbaheysigii Mareykanku hoggaaminayay ay Ciidamadii Ciraaq ka saareen dalka Kuweyt, dagaalka Mareykankuna waa mid uu ku doonayo inuu wadadiisa ka wareejiyo caqabad hor taala si uu u noqdo awooda kaliya ee aan laga daba hadlin ee Gobolka Bariga Dhexe ugana takhaluso goodiga iyo halista isaga iyo saaxibadii waa Israa’iile uga imaan karta nidaamka Ciraaq.

Sidaa darteed wax xiriir ah ma laha dhacdadii 11-kii September 2001 iyo dagaalka Mareykanku kula jiro argagixisada, balse waa Istiraatiijiyad weligeedba hor tiilay Saraakiisha sare ee Pentagon-ka xilli ay ahaatana ay ku qasbanaayeen inay dib u eegaan si arrinta loogu kala baxo, waxaana muuqata in 11-sano kaddib aan loo dulqaadan karin inay caqabada Sadaam Xuseen iska hortaalo saddex Madaxweyne oo Aqalka Cad ka arriminaya, waana taas tan uu farta ku fiiqayay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Doland Rumsfield marka uu yiri: "Dib ugu laabanmeyno khaladkii dhacay 1991-kii". Isbedelkaasi Siyaasadeed ee Maamulka Mareykanka oo hadda jiraa la yimid lama garanayo halka ay la tegi doonto maadaama ay muuqato in Siyaasadii ahayd: CIRAAQ WAA BALAAYO MAREYKANKU U BAAHAN YAHAY" laga leexanayo oo sida nidaam keli talis ah Maamulka cusub ee Mareykanku u dhaqmayo inuu wax kasta xoog ku maquuniyo.

Maamulka Mareykanka ee xilliga jira waa mid ay ka soo horeyso awood adeegsi iyo xiisad abuur uu Dunida idil ahaanteedba ka wado, laga yaabee inuu ku qaboojinayo xaalada Dhaqaale ee sii xumaaneysa gudaha Mareykanka, laakiin waxaa soo baxaya waxay noqonayaan inay ka sii darto, maadaama hantidii Mareykanka loo adeegsanayo si xad dhaaf ah oo dagaaladaas lagu kharash gareynayo, hoos u dhaca Dhaqaale ee Mareykanka waxa uu gaaray 21%, waxaana Xukuumada Federaalka ah soo food saaray taagdarro dhaqaale oo dhaaftay 106 Milyaar oo Dollar, iyadoo ay intaas dheer tahay fadeexadaha Lacageed ee ka soo shaac baxay Shirkadaha waaweyn ee Mareykanka oo qasaaraha ka yimid lagu qiyaasayo 460 Milyaar US Dollar.

Xaalada dhaqaale ee Mareykanka waxay sidoo kale saameyn ku yeelatay Dhaqaalihii Adduunka iyo isu dheelitirankiisiiba, xaalad aan la saadaalin karina waxaa galay guud ahaanba isu dhigankii Dhaqaale, Siyaasad iyo nabadgelyaba, saadaasha laga bixiyay khibrad la’aanta hoggaanka cusub ee Mareykankana qiime badan ayuu ugu kacay dalka Mareykanka oo madaxa kula jira duruufo waaweyn oo ay adag tahay sida uu uga baxo.

TIJAABADII HORE EE MAREYKANKU KA QAADAY DOWLADAHA GOBOLKA BARIGA DHEXE

Haddiiba dib loogu celinayo arrinta Dowladaha ka jira Bariga Dhexe Mareykanku waxa uu tijaabo ahaan u heystaa laba arrimood oo aad u waaweyn, waa tan horee qiyaastii uu ka qaatay dagaalkii Afghanistan iyo aragtidiisa dhiiga daadanaya ee reer Falastiin, labadaas arrimoodba oo ay cadahay inuu Mareykanku si aan cadaalad ahayn cid kastana ka careysiin karta ugu tuntay lama arag xitaa Dowlad kaliya oo ku dhiirata inay YAC tiraahdo Mareykanka ama ay qaado tallaabo caqabad ku ah Mareykanka oo u muujineysa in haddii Mareykanku xadgudub bilaabo ay dhab ahaan halis galeyso dantiisa.

Haddii Mareykanku ogyahay in albaabada Naarta ah ee uu ka furayo Ciraaq ay soo gaari doonaan Washington lagana dareemi doono magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka waxaa hubaal ah inuusan ku dhiiran gardarrada uu la soo taagan yahay, laakiin muuqaal ka duwan taas ayuu arkaa waana xaalada ay ku sugan tahay Carab iyo Muslimiinba: Dowlado aan go’aan lahayn oo baqaya, Shacab aan awood iyo xeelad midna lahayn oo careysan, dalal dhan oo go’doon ah iyo Munaafaqnimo joogto ah oo Madaxdu ku kaceyso gaar ahaan kuwa Carbeed.

Haddii aad eegto xaalada ay hadda mareyso diyaargarowga dagaal ee Mareykanku la damacsan yahay Ciraaq waxaad ogaaneysaa inay inta badan diyaar yihiin awoodihii dhaqaajin lahaa howlgalkaasi:

Dib isu diyaarin goobaha howlgalka dhinaca Dhulka ah iyo iyadoo laga wareegsanayo Sacuudiga.

Xoojinta awooda dagaalku ku tiirsanaan doono oo ah dhinaca Cirka iyo Sawaariiqda.

Isku meeleynta saldhigyada iyo goobaha ku dhow dhow Ciraaq iyo diyaarinta saddex kooxood oo Ciidamada dhulka ah.

Dhameystirka dhismaha goobo laga dagaal galo oo ku yaala Waqooyiga Ciraaq gaar ahaan ZAAKHUU iyo ARBIIL iyo waliba diyaarinta 5-Garoon oo isticmaal diyaar u ah.

Iyo iyadoo la dhameeyay diyaarinta Ciidamo Kurdiyiin ah oo Waqooyiga Ciraaq lagu tababaray laguna hubeeyay iyadoo sidoo kalena qaarkood si degdeg ah loogu soo tababaray goobo ka mida Israa’iil iyo Jasiirada Qubrus. 

DIYAAR GAROWGA DHINACA HUBKA EE MAREYKANKA

Daqiiqad kaliya ma istaagin Warshadaha Hubka sameeya ee Mareykanka si loo soo kabo nusqaankii Hubka Mareykanka galay markii uu dagaalka ku qaaday Afghanistan, gaar ahaan Bambooyinka awooda leh ee Satelite-ku hago.

Waxaa la diyaariyay Saanada wax lagu weeraro gaar ahaan tan loo yaqaan JDIM.

Mareykanku Sawaariiqda loo yaqaan Tome Hawk weli lama tijaabin wixii ka dambeeyay dagaalkii Khaliijka, maxaa yeelay Sawaariiqdaasi waxaa loogu tala galay asal ahaan inay door ka qaataan difaaca iyo isku dheelitirankii awoodii Mareykanka iyo Midowgii Sofiyeeti, waxayna tijaabadii laga helay dagaalkii Khaliijka keentay in loo bedelo Hub looga faa’iideysto in si degdeg ah jawaab celin loogu bixin karo.

Mareykanka oo si degdeg ah u diyaarinaya laba aaladood oo Hub ah oo cusub welina aan lagu howlgelin, kan hore waa Diyaaradaha wax duqeeya oo keligood is wada wax dad ahna aysan saarneyn iyo kan labaad oo ah Sawaariiqda Balaastikada ah ee qaaradaha isaga gudubta ee xambaara Bambooyinka caadiga ah, iyadoo Saraakiisha Pentagon-ka aamisan yihiin in tijaabada Hubkaas haddii lagu guuleysto ay noqoneyso weji cusub oo ay yeelaneyso awooda sare ee Mareykanku leeyahay, halka lagu tijaabin karana ay tahay Ciraaq.

KHATARTA BEDQABKA SALIIDA KHALIIJKA

Dagaal kasta oo ka dhaca Khaliijka waxa uu halis u yahay inuu durba saameyn weyn ku yeesho Saliida iyo sicirkeeda taasoo Dhaqaalaha Adduunka gilgili karta iyadoo aan la iloobi karin wixii ay Ciraaq ku sameysay Ceelashii Saliida ee Kuweyt ayay u baahan tahay in arrintaasi loo fiirsado si loo nabadeeyo Saliida Bariga Dhexe oo ah tan koowaad ee Caalamku ku tiirsan yahay, haddiiba weerar xoog leh oo ay ku xigto Ciidamo Mareykan ah oo si toos ah u qabsada Ciraaq sida ka dhacday Afghanistan oo kale waxaa halkaa ka muuqanaya in qabsashadaasi haddiiba ay suuragasho waqtigeedu dheeraan doono.

Ceelasha Saliida ee Ciraaq ayaa u baahan in arrintooda meel la saaro, waxaana jira saddex Ceel oo ku yaala Koofurta Ciraaq oo Shidaalka laga soo saaro uu ka badan yahay Shidaalka ay Kuweyt soo saarto oo idil, isla xaaladaasna Mareykanku haddii ay qabsato degaankaasi waxaa u gacan galay keydka Shidaal ee Badda Qaswiin 30%, marka la eego howlaha Mareykanku ka sameeyay dalka Kazakhistan ee dhinaca Saliida ku lugta leh waxaa uga baxday Lacag dhan 30 Milyaar US Dollar iyadoo Shirkadda British Petrolium ay dalka Azerbajan ka fulisay Mashruuc hantidiisu gaareyso 12 Milyaar Dollar, sidoo kale Mareykanku waxa uu raadiyay wax u bedeli kara Shidaalka uu ka qaato Sacuudiga, isagoo heshiis la galay Raashiya si ay u kordhiso soosaarkeeda Saliida ee ah 5-Milyan Barmiil loona gaarsiiyo 8.500.000 (Sideed Milyan iyo bar bFoosto), waxayna dhowaan bilowday Raashiya howlgelinta Khad lagu qaado Batroolka ee isku xira iyada iyo Mareykanka si toos ah iyadoo aanay u baahneyn in la soo maro Kanaalka Suweys iyo waliba khad aadaya Yurub.

  Akhri Qaybta Xigta.... GUJI....

 Qaybta 2aad  | Qaybta 4aad

Waxa diyaariyay: Shariif Macallin Maxamed
shariif55@yahoo.com 

Muqdisho---Somalia
 

Faafin: March 15, 2003

AFEEF: Aragtida qoraalkan wa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com.


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD