MAAMULKA CIRAAQ
EE XILLIGAN IYO SADAAM XUSEEN
Qaybta
1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 3aad
Madaxweynaha Ciraaq Sadaam
Xuseen waxa uu iminka marayaa xilli taariikhi ah oo halis weyn ay soo food
saartay inuu sii jiro xukunkiisa ayna sii kordhayaan mucaaradka gudaha iyo
kan dibadda oo uu hoggaanka u hayo Mareykanka ayna ka mid yihiin dalal kale
oo Sadaam Xuseen u arka inuu halis ku yahay danahooda iyo nabadgelyadooda.
Haddaba waxaa isweydiin leh
nooca uu yahay Maamulka Ciraaq, 23-kii sano ee la soo dhaafay qaabkii
Siyaasadeed ee uu u dhaqmayay, haddii aynu ku horeyno Dowladda Ciraaq waxaa
hoggaamiya oo aan laga daba hadlin Madaxweynaha Sadaam Xuseen, waxa uu
dhashay 1937-kii waxa uuna Xukunka dalka Ciraaq qabtay 1979-kii kaddib
markii hoggaamiyihii ka horeeyay Axmed Xasan Al-Bakar lagu qasbay inuu
Xukunka ka dego.
Maamulka Sadaam Xuseen waa
mid aad u adag, wuxuuna ku tiirsan yahay Hay’ado iyo shaqsiyaad reer ahaan
isugu xiran oo gacanta ku haya goobaha muhiimka ah ee hoggaanka dalkaas,
waxayna leeyihiin Ciidamo gaar ah oo kala duwan si joogto ahna u ilaaliya
jiritaanka Maamulkooda, una xilsaaran inay madaxa ka garaacaan wixii
mucaarado ah ee soo bixi kara, wax farqi ahna kalama laha in ruuxa
mucaaradka noqonaya uu ka soo jeedo reerka Sadaam Xuseen iyo in kale sida ku
dhacday ninkii la oran jiray Xuseen Kaamil oo qabay Gabar uu dhalay Sadaam
Xuseen.
Sadaam Xuseen waxa uu
leeyahay ilaalo u gaar ah oo si toos ah isaga oo kaliya uga amar qaadata
kana dambeysa, waxaa kaloo jira Ciidamada loo yaqaan Ilaalada Jamhuuriga oo
leh tababar sare isla markaana ku nool nolol heer sareysa, waana Ciidamo aad
loo tababaray oo waajibkoodu yahay ilaalinta Maamulka Sadaam Xuseen iyo ka
hortagga shaqsi, koox Ciidamo leh amaba shacbi haddiiba ay ka hor yimaadaan
Sadaam Xuseen.
Dhinaca kale xubnaha ka
midka ah Xisbiga Al-Bacath ayaa ah qeybta ugu dambeysa ee nidaamka Ciraaq ka
kooban yahay, inkastoo aysan jirin cid la tartami karta Sadaam Xuseen ama
xitaa ciriiri gelin karta ha ahaadeen Kurdiyiinta dhinaca Waqooyi oo laf
ahaantooda kala qeybsan ama Shiicada Koofureed oo Madhab ahaan aysan is
keeneynin dadka kale ee reer Ciraaq ee Sunada ah ayaa caddeyn u ah fashilka
ay mucaaradku gudaha ku fashilmeen inay tartan la sheegi karo la galaan
Sadaam Xuseen ama ay keenaan isu dheelitiran Siyaasadeed oo ka jira gudaha
Ciraaq.
23-kii sano ee uu Xukunka
heystay Sadaam Xuseen waxay Ciraaq soo martay dhacdooyin waaweyn oo ay ugu
muhiimsan yihiin in dalkaasi noqday dal casri ah isla markaana ah mid ka
mida awoodaha ugu waaweyn Bariga Dhexe sanadihii hore ee Sadaam Xuseen,
taasoo ka timid Siyaasadihii Dhaqaale iyo Milateri ee uu qaatay Sadaam
Xuseen.
Dhinaca Dhaqaalaha horumar
weyn ayay Ciraaq ka gaartay taasoo ay ugu wacneyd Shidaalka ay soo saarto,
waxayna Ciraaq ahayd dalka labaad ee Saliida u dhoofiya Dibadda, Sacuudiga
oo kaliya ayaana ka horeeyay, balse Shidaalku ma ahayn isha kaliya ee ay
Ciraaq hantida adag ka soo gasho sida ay yihiin Dowladaha kale ee Khaliijka,
laakiin Ciraaq waxa ay lahayd meelo kale oo Dhaqaale fiicani uga yimaado
gaar ahaan Waxsoosaarka Beeraha.
Dhinaca Milateriga haddii
aynu eegno Maamulka Ciraaq waxa uu qaaday tallaabooyin horumar ah oo waaweyn,
isagoo awooday sameynta Hubka kala duwan iyo waliba Hubka Niyukliyeerka, kan
Bay’olojiga iyo Kiimikada, ugu dambeyntiina waxay noqotay inay Ciraaq isu
bedeshay mid ka mida Dowladaha ugu waaweyn ee soo koraya Ciidan ahaan iyo
Hub ahaan, gaar ahaan Bariga Dhexe wixii ka horeeyay dagaalkii labaad ee
Khaliijka.
Dhacdooyinkii ugu waaweyn
ee soo mara Ciraaq waxaa laga xusi karaa: Dagaalkii Koowaad ee Khaliijka,
hal sano uun kaddib markii Sadaam Xuseen uu qabtay talada dalkiisa waxay
Ciraaq dagaal adag ku qaaday dalkii deriska la ahaa ee Iiraan oo markaas
Kacaankii Islaamiga ahaa ee ka dhashay uu isagu laf ahaantiisa ahaa Sanad
jir, dagaalkaas oo ka bilowday marin Biyoodka caanka ah, iyo waliba
khilaafaad ka dambeeyay oo la isweydaarsaday la iskuna eedeeyay in Dowlad
kasta ay taageerto kooxaha ka horjeeda.
Dagaalkii Ciraaq iyo Iiraan
waxa uu socday 8-Sanadood (1980---1988) isagoo bilowday si rasmi ah 22-kii
September 1980-kii kaddib markii Ciidamada Cirka iyo kuwa dhulka ee Ciraaq
weerar ba’an ku qaadeen Xuduuda ay dhinaca Galbeed ka wadaagaan Iiraan
ayna ka horeysay isku dhacyo yar yar oo Ciidamada labada dal isla sanadkaas
xuduuda ku dhex maray, laakiin si weyn ayuu dagaalku mid buuxa isugu rogay
loona adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka uu ka dul
dhacay goobo badan oo ay ka mid yihiin magaalooyin waaweyn oo dad badani
degen yihiin.
Xilligaas ay Ciraaq
dagaalka kula jirtay Iiraan waxa ay kaalmo Milateri iyo mid dhaqaaleba ka
heleysay dalal fara badan oo ay ugu horeeyaan dalalka Khaliijka Carbeed, iyo
waliba dalalka Mareykanka, Kuuriyada Waqooyi, Shiinaha, Midowgii Sofiyeeti,
taasoo keentay in guusha dagaalku dhinaceeda u janjeersato.
Bishii July 1988-kii waxaa
Iiraan lagu qasbay xabbad joojin, taasoo ay Iiraan ula macno ahayd inay Sun
cabeysay sida uu yiri Aayatullaahi Khumeyni, dagaalkaasi dhex maray labada
dal waxaa ka dhashay qasaare baaxad leh, iyadoo ay ku dhinteen Milyan iyo
bar qof oo labada dal ka tirsan iyo waliba qasaare hantiyeed oo aan qiime
Lacageed lagu qiyaasi karin.
Dagaalkii labaad ee
Khaliijka intii aysan Ciraaq ka soo kabsan dagaalkii ay Iiraan la gashay
isla markaasina ololkii iyo qaacii uu reebay ay dusheeda sare taagan yihiin
ayay dagaal labaad fooda gashatay iyadoo markaas la beegsaneysa dal yar oo
markaas ay deris ahaayeen, shalayna taageerayay oo ah Kuweyt, xiisada labada
dal waxay ka bilaabatay eedo la isweydaarsaday oo la xiriiray sicirka
Saliida, kaasi oo Ciraaq iyo Kuweyt ay isku heysteen, isla markaasna waxaa
miiska la soo saaray dooda ku saabsan inay Kuweyt Saliid ka xaday Ciraaq,
taasoo ay Ciraaq sabab uga dhigatay weerarkii ay ku qabsatay Kuweyt Subax
Khamiis ah 2-dii Agosto 1990-kii.
Ciraaq waxay shaaca ka
qaaday inay Kuweyt tahay Gobolkeeda 19-aad, waxayna Gobolkaasi u magacowday
Guddoomiye reer Ciraaq ah kaddib markii Qoyskii xukumayay dalkaa ay isaga
carareen, 7-dii Agosto 1990-kii waxay Boqortooyada Sacuudigu dalbatay
Ciidamo Mareykan ah si ay uga ilaaliyaan halista uga soo fool leh Ciraaq,
waxayna Mareykanku bilaabeen iyagoo wata magaca Q/Midoobay inay Ciidamo ka
kala socda 32-dal oo Isbaheysiga Caalamiga ah loo bixiyay isu diyaariyaan
weerar ay ku qaadaan Ciidamada Ciraaq si looga saaro Kuweyt.
Q/Midoobay ayaa 29-kii
November ee isla sanadkaasi soo saartay go’aan ah inay Ciraaq ka baxdo
Kuweyt, Ciidamadeedana ka qaadato inta ka horeysa 15-ka Janaayo 1991-ka,
markii uu diiday Sadaam Xuseen go’aanka Q/Midoobayna 180kii Janaayo 1991
waxaa bilowday dagaalkii Mareykanku hoggaaminayay ee lagu qaaday Ciraaq ee
la magac baxay Howlgalka lama degaanka oo uu Taliyaha ka ahaa
Janaraalkii Mareykanka ee Norman Sfatskoff, wuxuuna dagaalku ku bilowday
weeraro is daba joog ah oo aad u waaweyn oo Ciidamada Cirka ku qaadeen
Ciraaq si loo baabi’iyo awoodii Ciidamada Ciraaq ee Isgaarsiinta,
Kaabadaha waaweyn, Xarumaha Korontada iyo Biyaha si loo yareeyo awooda
Ciidamada Ciraaq.
Ciraaq isla markiiba waxay
ku degdegtay inay Sawaariiq iyo Gantaalo la beegsato Boqortooyada Sacuudiga
iyo Israa’iil si ay u dhaawacdo Isbaheysigii caalamiga ahaa ee ka
horjeeday, dagaalku wuxuu socday 18-kii Janaayo ilaa 28-kii February 1991
markaas oo uu Madaxweynihii Mareykanka George Bush (Madaxweynaha hadda
aabihii) si rasmi ah ugu dhawaaqay in Xabbadda la joojiyay markii Ciidamad
Ciraaq lagu qasbay inay ka baxaan Kuweyt, qaarkoodna ay is dhiibeen, waxaana
markaas lagu dhawaaqay in Kuweyt dib loo xoreeyay oo Dowladdii Sharciga
ahayd ay dib ugu soo noqotay.
BURBURINTII KACDOONADII
SHIICADA IYO KURDIYIINTA
Maamulka Ciraaq waxa uu ku
jiray xaaladiisii taag darro tii ugu ba’neyd, markaas ayay kooxihii
Kurdiyiinta ee Waqooyiga Ciraaq iyo Shiicadii Koofurta ay is tuseen inay
heleen fursadii ay in badan baadi goobayeen si ay kacdoon u sameeyaan
shacabkuna ka hor yimaadaan Maamulkii Sadaam Xuseen oo ay ku eedeynayeen
inuu hortaagan yahay xaqa ay u leeyihiin Maamul madax bannaan oo Goboleed
iyo inay hagaajiyaan xaalada ay ku nool yihiin ee nololeed, balse Maamulkii
Ciraaq ee Sadaam Xuseen waxa uu ku guuleystay inuu burburiyo kacdoonadaas
looga hor yimid oo uu si adag uga hor tegay 1991-kii, markaasoo uu dib u soo
xusuusiyay sidii uu Kurdiyiinta ula dhaqmay 1988-kii markii uu ku tuhmay
inay taageerayaan Iiraan oo markaas dagaal kala dhaxeeyay, Ciidamada
Ciraaqna waxay Hubka Kiimikada ah u isticmaaleen dadkaasi waxaana la
xusuustaa masiibadii XALBAXA oo lagu dilay in ku dhow 5000 oo Kurdiyiin ah
una badan dad rayid ah.
Goobaha cirka laga ilaaliyo
Mareykanka wuxuu go’doon
ku soo rogay Diyaaradaha Ciraaq inay dul maraan dhinaca Waqooyi khadka
36-aad marka laga soo bilaabo si looga ilaaliyo weerar uu ku soo qaado
Sadaam Xuseen Kurdiyiinta iyo Koofur xariiqa 32-aad si loo ilaaliyo dadka
Shiicada ah, Ciraaqna waxay xayiraadaasi Mareykanku saaray u qaadatay mid
Sharci darro ah, maadaama aysan wadan wax go’aan ah oo ka soo baxay Q/Midoobay,
laakiin uma suurtagelin inay soo jebiso xayiraadaasi, maadaama lagu
burburiyay inta badan difaaceedii Cirka dagaalkii looga xoreeyay Kuweyt ee
Howlgalkii lama degaanka.
XAYIRAADA DHAQAALAHA
Culeys Mareykanka iyo
Ingiriiska ka yimid ayay Q/Midoobay xayiraad Dhaqaale ku soo rogtay Ciraaq
1991-kii ilaa iyo hadda 11-sano xilligaasi laga joogana waa taagan yahay,
kaasoo saameyn ba’an ku yeeshay Ciraaq gaar ahaan nolosha dadka caadiga
ah, ma aysan awoodin reer Ciraaq inay dib u dhistaan wixii uga burburay
dagaalkii Isbaheysigu ku qaaday, xayiraada la saarayna waxay sii kordhisay
duruuftii nololeed ee dadka Ciraaq iyo quutulyoonkii ay ku noolaayeen, gaar
ahaan waxyaabaha asaasiga ah sida: Biyaha, Korontada, Caafimaadka, iyadoo uu
hoos u dhac weyn ku yimid Lacagtii Diinaarka ahayd ee reer Ciraaq, waxaana
baahi weyn ka timid raashinka la cuno, Daawada iyo duruuriyaadka kale, waxaa
dib u soo laabtay Q/Midoobay oo isku dayday inay fududeyso dhibaatadaasi
Bani’aadanimo, waxaana la saxiixay heshiis loogu magac daray (Saliid la
dhaafsanayo Raashin) laakiin heshiiskaasi ma aha mid ku filan wax ka
qabashada dhibaatada heysata shacabka Ciraaq iyo in dib loogu celiyo
noloshoodii caadiga ahayd.
DHIBAATADA BAARAYAASHA
CAALAMIGA AH
Dagaalkii Khaliijka ee
labaad kaddib Q/Midoobay waxay soo saartay go’aan amraya in Hubka wax
baabi’iya laga dhigo Ciraaq isla markaana lagu soo rogay in wax Hub ah
laga iibiyo, si loo fuliyo go'’anadaasi waxaa la dhisay koox qaabilsan
baaritaanka Hubka Ciraaq, waxaana wafdigii howshaasi loo xilsaaray ee ugu
horeeyay la dhisay 1993-kii, balse Ciraaq ayaa ka hor timid dhismaha
wafdigaasi oo ay ku badnaayeen xubno Mareykan ah, waxayna ku eedeysay inay
wadaan howlo Basaasnimo ah, muddo kaddib waxaa soo baxay inay wax ka jiraan
arrintaasi iyadoo Xoghayaha guud ee Q/Midoobay Kofi Annan uu qirtay, isla
markaana ninkii la oran jiray Scout Writear oo ahaa kuwii ugu firfircoonaa
kooxdii baaritaanka Ciraaq uu isna qirtay inay jireen howlo ka baxsan tii ay
u xilsaarnaayeen.
Howsha kooxda baaritaanka
waxay socotay 1993—98-kii markaasoo Mareykanku weerar ku qaaday Ciraaq,
waxaana la amray baarayaashii ka socday Q/Midoobay inay isaga baxaan Ciraaq,
afar maalmood kadib weeraradii Cirka ee Mareykanku ku qaaday Ciraaq waxaa la
damcay in dib loogu celiyo baarayaasha dalka Ciraaq, waxaase ka hor yimid oo
diiday Ciraaq inay aqbasho inta xal loo helayo arrinta Ciraaq iyo Q/Midoobay
u dhaxeysa, gaar ahaan tan la xiriirta in xilli go’an loo sameeyo
cunaqabateynta saaran Ciraaq.
Ciraaq waxay la kulantay
cadaadis aan yareyn iyo goodin tallaabo Milateri oo Mareykanku la damacsan
yahay, Ciidamo badan ayaana Mareykanku soo dhoobay dalalka ku dhow dhow
waxaana olole Warbaahineed, mid Siyaasadeed iyo mid Diblomaasiyadeed lagu
qaaday Dowladda Ciraaq, hadana ay socoto qorshihii ugu dambeeyay ee Milateri
oo lagu doonayo in lagu rido Dowladda Sadaam Xuseen, waxaana arrintaasi ay
furi kartaa albaabo aan la ogeyn waxa ka soo bixi doona, xilliyada soo
socdana waxaan shaki ku jirin inay dhacdooyin miiran noqon doonaan.
WARBIXIN KU SAABSAN
MAREYKANKA
Dalka Mareykanka waa
Dowladda xilligan ugu awooda badan Dunida oo idil wixii ka dambeeyay
burburkii Midowgii Sofiyeeti, baaxada dhulka ay ku fadhido Unite States of
America waxa uu gaarayaa 3,787,425 Ml oo Iskuweer ah, waxayna dhacdaa
dhinaca Waqooyi ee Qaarada Ameerika, caasimadu waa Washington, waxayna
xornimadooda ka qaateen Ingiriiska 4-tii July 1786-kii, Dastuurkooda waxaa
la ansixiyay 4-tii Bishii March 1789-kii, dadka Mareykanka ah waxaa
tiradooda lagu qiyaasaa 275,562,673, waana tirakoobkii la qaaday Sanadkii
2000, kororka dadku waa 0,91%.
Dadka kudhaqan Mareykanka
waxay u kala baxaan Jinsiyado kala duwan, dadka cadaanka ah waxay ka dhigan
yihiin 83,5%, halka madow ay yihiin 12,4%, waxaa soo raaca dadka Aasiyaanka
oo ah 3,3% iyo ugu dambeynta Hindidii loogu tegay Mareykanka oo ah 0,8%,
qiyaastan oo ah tii soo baxday Sanadkii 1992-kii, luqadaha looga hadlo
Mareykanka waxaa ugu weyn Ingiriiska, waxaana soo raaca Luqada Spanishka,
97%-na dadka Mareykanka waa kuwo waxna akhriya waxna qori kara, Diimaha
Mareykanka laga aaminsan yahay waxaa ugu weyn Kirishtaanka Borotestanka oo
56% dadku aaminsan yihiin, waxaa ku soo xiga Roman Katholik oo ah 28%,
Yahuuda ayaa iyaduna noqoneysa 4%, waxaa Diin la’aan ah 10%, Diimaha
kalena waa 4%, Daraasadan oo la qaaday Sanadkii 1989-kii waxaa xusid mudan
inaan wax tilmaan ah laga bixin tirada sii kordheysa ee Muslimiinta
Mareykanka oo la sheegay inay ugu yaraan gaarayaan 6-Milyan oo ruux.
Qaabka lagu maamulo
Mareykanka waa qaab Jamhuuri ah oo taladu ka go’do Madaxweynaha, waxaana
iminka haya talada Aqalka cad ee Mareykanka George W. Bush, maamulada
Mareykanka waa 50-Gobol, Xisbiyada ugu waaweyn ee Siyaasadda waa Xisbiga
Dimoqoraadiga oo la asaasay Sanadkii 1796-kii iyo Xisbiga Jamhuuriga ah oo
isna dhidibada loo taagay 1854-kii, waxaana afartii sanaba mar la doortaa
Madaxweynaha dalkaas, iyadoo Kongareesku yahay Sharci dejiyaha, wuxuuna u
kala qeybsamaa Golaha Odayaasha oo ka kooban 100-xubnood laguna soo doorto
aqlabiyad ku dhisan laba xubnood oo ka imaanaya Gobol kasta, saddex marka
loo qeybiyo qeyb ahaan Kuraastaasi labadii Sanaba mar ayaa doorashadu
dhacdaa xilliga uu Goluhu jirayana waa 6-Sanadood iyo Golaha Mudanayaasha oo
tiradiisu gaareyso 435-Kursi, waxaana xubnihiisa lagu soo doortaa si toos ah
oo labadii sanaba mar doorashadu dhacdo.
Dhinaca Garsoorka waxaa
xukuma Guddi sare oo ka kooban 9-Garsoore oo uu soo magacaabayo Madaxweynaha
marka uu kala tashado Golaha Odayaasha ee Senedka inta ay nool yihiin ayayna
shaqeynayaan.
Dhinaca Dhaqaalaha waa mid
buuran, hantida Mareykanka waxaa Sanadkii 1999 lagu qiyaasay 9,255 Trilion
US Dollar, celceliska kharashka uga soo hagaagaya qofka Mareykanka ah
hantidaa 33,900 US Dollar, koritaanka Dhaqaalaha waa 4,1% daraasadii 1999
isla Sanadkaas awooda shaqaale ee howlgasha waxa ay gaareysay 139,4 Milyan
oo Ruux, shaqo la’aanta waa 4,2% isla Sanadkaas, dadka Mareykanka ah ee
faqriga ku nool waa 13%, miisaaniyada Mareykanku waa 1,828 Tirilion US
Dollar, waxyaabaha uu Dibadda u dhoofiyo waxaa ka soo gala 663 Milyaar oo
Dollar, waxyaabaha uu Dibadda kala yimaado waa 912 Milyaar oo Dollar,
Deymaha lagu leeyahay waxay gaarayaan 862 Milyaar oo Dollar waana Daraasadii
la sameeyay 1995, Ciidamada Mareykanka waxay howlgalka Milateri ku jiraan 15—49-jir,
hantida lagu bixiyo Milateriga waxay gaareysaa 276,7 Milyaar oo Dollar waana
sahankii la qaaday 1999-kii, Ciidamada Mareykanka 1370,000 ayay gaarayaan.
Akhri
Qaybta Xigta..... GUJI ..
Qaybta
1aad | Qaybta 3aad...
Waxa diyaariyay: Shariif
Macallin Maxamed
shariif55@yahoo.com
Muqdisho---Somalia
Faafin: March 15, 2003
AFEEF: Aragtida qoraalkan wa mid u gaar ah
qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com.
|