ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER
Maxamuud Maxamed Jaamac, Agaasimaha
OnePound Plus
Gudaha dukaanka OnePoundPlus
Madaxa DalsanTravel, Abdirisak Khalif Hirsi
Xafiiska DalsanTravel
Ahmed Bile Rafle, Guddoomiyaga
DanSomCommunity |
Soomaalida ku nool
magaalada muslimiinta badan deggan yihiin ee Leicester ayaa muddo gaaban ku
muujiyay dadaallo iyo horumar aad u ballaaran, hadday horumarkaasi noqon
lahayd dhinaca shaqada, waxbarashada iyo guud ahaan waxqabadka ururrada kale
ee magaallada ka jira.
Haddaba, mar aan maalmahaan
booqasho gaaban ku joogay magaallada Leicester ayaa waxaan u kuur-galay
goobaha ganacsiga soomaalida ee magaallada ka jira, waxaana ka mid ahaa
ganacsatidii aan booqday Maxammuud Maxammed Jaamac oo isagu dukaan ku leh
xaafadda St. Mathew ee ay ku badan yihiin soomaalida.
Dukaankan oo alaabta taalla
lagu iibsado hal pound ayaa waxaad ka helaysaa dhammaan noocyada kala duwan
ee raashinka, cabitaannada, cadarrada iyo barafuunnada, waxyaabaha la isku
qurxiyo, maacuun noocyo kala duwan ka kooban, roogyada iyo alaabta lagu
qurxiyo guryaha iyo weliba alaabta ay caruurta ku cayaaraan.
“Alaabaha dukaanka yaalla
badankoodu waxay joogaan hal pound, waa dukaanka keliya ee noocaan ah ee
xaafadda ku yaala, macaamiisheena waxay noo muujiyaan inay nagu faraxsan
yihiin, codsiyadooda iyo dalabaadkooda si farxad leh ayaan u soo dhoweynaa”
ayuu yiri M.M.J oo ka mid ah agaasimayaasha dukaanka One Pound Plus kuna ag
yaala masjidka weyn ee Quba ee ay maamulaan Soomaalida.
Dukaanka One Pound Plus
meel aad ugu dhow ayaa waxaan misna ku soo maray hoyga xawaaladda ee Dalsan
Travel oo ah xarun gacansi aad ka heli kartid adeegyo kala duwan sida
tigidhada diyaaradaha oo jaban, xawaalad, internet iyo taleefan, kaararka
taleefannada iyo waxaa intaas dheer iyadoo dukaankan laga heli karo dhammaan
waxyaabaha ay dumarku isku qurxiyaan.
Cabdirisaaq Khaliif Hirsi
oo ah agaasimaha Dalsan Travel ayaa ii sheegay inuu ku kalsoon yahay
miradhalka hoygiisa ganacsi, isla mar ahaantaasna uu rajeynayo inuu ku
sameeyo xaruntiisa ganacsi dib-u-habayn casri ah, qancisana dhammaan
macaamiishiisa kala duwan.
“Waxbarashada aan
Jaamacadda magaalladan Leicester ka qaatay waa computer-ka oo waxaan bartay
maaddada computer science-ka, nasiib darro muddo sannad ayaan shaqo
raadinayay oo ma aanan helin, ugu danbeyntii waxay ka fursan wayday inaan u
bayro xagga ganacsiga” ayuu yiri Abdirisaaq oo ka mid ah ganacsatada deggan
magaallada Leicester.
Waxaa sidoo kale
xaafadahaan ay soomaalida ku badan yihiin aad ku arkaysaa maqaayado laga
cunteeyo oo aad u heersareeya iyo maktabahada ay yaaliin kutubada iyo
cajaladaha islaamiga ah, waxaana intaas dheer xarumo kale oo dadka ay ka
heli karaan macluumaad iyo talooyin la xiriira ardayda doonaysaya inay
waxbarasho billaabaan iyo kuwa iyagana xiiseenaya inay furtaan xarumo
ganacsi.
Madaxa Ururka DanSom
community Ahmed Bile Rafle ayaan ku soo booqday xafiiskiisa ku yaalla
xaafadda St. Mathew’s, wuxuuna ii sheegay inuu ururka xubnihiisa ay yihiin
soomaali-deenish ay wada shaqayn fiican la leeyihiin xarumaha dowladda ee
Leciester iyo weliba safaaradda Denmark ee Uk.
Xafiiska Ururka DanSom
community waxaa ku ag yaalla xarumo kale sida Xawaaladda Al-Amal, xarunta
talobixinta ganacsatada, xarumaha lagu qabto xafladaha iyo kuwo kale oo lagu
qaato tababaro kal duwan. Isla xarumahaan hoostooda waxaa ku yaalla
Maqaayadda lagu magacaabo Kilimanjaaro, ayna soomaali badan galabtii u soo
doontaan shaahii soomaaliyeed ee macaanaa.
Dhammaan ganacsatadaas
soomaaliyeed inkastoo aad mooddo inay gadayaan alaabo isku mid ah, haddana
waxaad dareemaysaa inay ku faraxsan yihiin ka gun-gaaridda yoolka ay
ganacsigooda ka leeyihiin. Waxay leeyihiin urur-ganacsi iyo wada shaqayn aad
u sarraysa, waxay iskaashi ka qaataan taageerada xarumaha diinniga sida
kirada masaajiddada oo ay ka qaybqaataan iyo baahidii kale ee si kedis ah
ugu soo siyaadda jaaliyadda.
Magaallada Leicester oo ay
deggan yihiin soomaali tiradooda kor u dhaaftay dhowr iyo toban kun waxaa la
oran karaa waxay ku sifoobeen tilmaamo ku dayasho mudan. Magaalladu waxay
leedahay masaajiddo waaweyn oo aad u qurxoon sida Masjid Cumar iyo Masjid
Al-Nuur, waxaana maamula qowmiyadaha ka yimid Asia, halka soomaalida ay
leeyihiin masaajiddada Al-Huda iyo masjidka Quba oo lagu aqriyo duruuso
diinni ah oo lagu soo jeediyo afka soomaaliga.
Waxyaabaha indhahayga soo
jiitay waxaa ka mid ahaa markii la gaaro waqtiyada salaadda oo aad arkaysid
goobihii ganacsiga oo albaabada loo laabay, iyadoo xittaa dadka markaasi ku
jira loo sheegayo in loo dareerayo salaadda. Waxaa dhacda, kan aan tukan
inuu ku qasbanaado markuu joogo goobaha ganacsiga qaarkood inuu raaco
dadkaasi masjidka aadaya, hadduusan markiisii hore tukan.
Dhacdooyinkii qaraxyadii
qaar ka dhacay London kuwii kale ee fashilmay, loona tiiriyay inay ka
danbeeyeen qaarkood dad soomaali ah ayaa culumada soomaaliyeed iyo dhammaan
ururrada soomaaliyeed ee deggan Leicester waxay ka soo saareen bayaan ay ku
dhaleeceeyeen dadkii ka danbeeyay qaraxyadaas, waxayna maamulka degmada iyo
booliiska Leicester si cad ugu gudbiyeen inay soomaalida yihiin dad nabadda
jecel, isla markaasna ayna raalli ka ahayn waxyeellada iyo dhibaatada loo
gaysanayo dadka rayidka ah ee aanan waxna galabsan.
Ibraahim Saalax Aaden
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 7, 2005
Wafdigii ka
socday Canada oo ka soo degay Garoonka Jowhar Airport
»6nin oo
looga shakiyey fulin Qaraxyo oo lagu xiray Jowhar
»Markabkii
lagu heystay Xarardheere oo lasii deynayo
»Wariye
ku xiran Xabsiga Magaalada Jowhar...
Wararka oo dhan
ka akhri halkan...
DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
Saacadda markay
ahayd shanta galabnimo ayaan soo gaaray albaabka weyn ee
laga galo xerada weyn Sandholm, ee lagu qaabilo qaxootiga
cusub ee dalka Denmark ka codsada laajinimada. "yaad
booqanaysaa iyo fadlan dokumantigaaga i sii" ayay isu-kay
raacisay gabar deenish ahayd oo igala hadlaysay muraadayadda
gadaasheeda xafiiskii ay ku jirtay.
Guji... Jun
23, 2005
DENMARK: SI MAAMUUSID
LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV
Warbixintii Ibraahim Saalax...
Laascaanood: Dhuxul
shidayaal Loo Xiray dhul Daaqsimeed ay Gubay
- Dadkii Loo Haysto
in ay Gubeen Dhul Soolasha Oo Gaadhay 50 Maxuus Ayaa
Jeelka Laascaanood Lagu Hayaa.
- Labo Oromo ah oo
kamid ah dhuxul shidayaasha.....
Waxaa Soo gaadhay magaalada
Laacaanood dadkii looga shakisanaa in ay gubeen dhulka
Soolasha, dadkaas oo gaadhaya 50 maxbuus, waxana haatan lagu
hayaa jeela magaalada Laascaanood.
Dhuxul Shidayaasha la
xiray, loon ahaysto in ay gubeen dhul daaqsimeen
Dadka la soo qabtay ayaa
waxa ka mid aha laba qof oo Qawmiyada Oromada ah ee dalka
Itoobiya kuwaas oo ay shaqaaleeyeen dad deegaanka u dhashay
oo dhuxusha shida.
Oromada dhuxusha ka
shidayey Soomaaliya ee la xiray
Taliyaha hawlwadeenkan
Gaashaanle Maxmuud Nuur Muuse ayaa saxaafada u sheegay in ay
maxkamad soo taagi doonaan dadkaas , iyada oo ay hada
gaadhayso dhulka ay gubeen 80km, oo u badanaa dhul daaq
sameed dabkuna uu sii fidayo.
Max’med Max’muud Gaaxnuug
SOMALITALK LAASCAANOOD
August 1, 2005
UNDP
oo Soo Saartay Warbixin Ku Saabsan Soomaaliya:
Hay'adda Qaramada Midoobey
ee UNDP ayaa soo saartay warbixin ku saabsan Soomaaliya,
taas oo ay ku eegeyso saddexdii bilood ee la soo dhaafay iyo
xaaladaha Soomaaliya. sawirka hoose oo muujinaya Cali
Maxamed Geedi oo ka qayb galay furitaanka kanaalka webi
Shabelle oo kamid ah warbixinta
ka akhri halkan....
[PDF
Zainab
Al-Ghazali oo Ku Geeriyootey 88-jir
Zainab Al-Ghazali
|
Zainab Al-Ghazali oo si weyn loog ayaqaan dalka Masar ayaa Arbacadii
taariikhdu ahayd Agoost 3, 2005 geeriyootey ayadoo da'deedu ahayd 88 jir.
Zainab Al-Ghazali waxay sannadkii 1917 ku
dhalatay meesha loo yaqaan Al-Baxiira. Waxana ay ka soo jeeda qoyska Cumar
Bin Khataab, Khaliifkii Labaad ee Muslimiinta iyo Xasan bin Cali ibn abii
Daalib.
Zainab waxay diinta Islaamka ka baratay
culmi aad looga yaqaan Jaamacada Al-Azhar sida Sheikh Ali Mahfouz iyo
Mohammad El-Naggar.
Yaranteedii waxat Zainab ku biirtay ururka
dumarka ee loo yaqaan "Egyptian Feminist Union", ururkaas oo sannadkii 1923 asaastay gabadha magaceedu yahay Huda Sharawi.
Laakiin Zainab ururkaas waa ka baxday
waxayna sannadkii 1937 ayadoo markaas labaatan jir ah asaastay urur ay
leeyihiin dumarka Muslimiinta ah oo lagu magcaabo "Muslim Women's
Association", ururkaas oo loo dhisay si loo dardar gelinta dumarka ayadoo
asaas looga dhigayo sida ay diintu qabto iyo ujeedada diinta.
Markii ay ururkeeda asaastay waxay isla
markiiba laysan ka heshay wasaarada Awqaafta Masar si ay u dhisto 15 masjid iyo
dersin kale oo ay ayadu gaar u maalgelisey.
Zainab Al-Ghazali waxay aad ugu
doodi jirtey dhaqan gelinta Shareeca Islmaaka, arintaas oo ka hor keentay Madaxweynihii
Masar, Jamaac Cabdi Naasir. Waxaana Zainab loo taxaabay Xabsiga, halkaas oo
si xun loogu ciqaabay, sida aad hoos ku arki doontid waxaa la weriyey si
kasta oo loo ciqaabay in aysan marna ka leexan aaminsanaateedii hirgelinta
Shareecada Islaamka.
Waxaa la weriyey in sannadkii 1962 ay si
qarsoodi ah ula xiriirtay Sayyid Qutb ayadoo u fariimaha usii marisay laba gabdhood oo
ay asaga walaalo ahaayeen, waxana la weriyey in ay sidaas ku heshay qayb
kamid ah buug uu xabsiga ku qoraayey. Barashada quraanka iyo daalacashada
buugaas Qutb ayey bilaabeen kooxo kooxo in ay si qarsoodi ah u dersaan, waxaana qorshohoosu
ahaa in dadka reer Masar diinta la baro muddo 13 sano ah, taas oo looga
qiyaas qaatay mudadii uu Nebi Muxamed Makka dadka ku wacdinayey. Kaddib in dadka
afti laga qaado, haddii markaas boqolkiiba 75% ay aqbalaan in dalka
shareecada Islaamka lagu dhaqo ay markaas ku dhawaaqaan sidaas. Haddiise taasi dhici
weydo in 13 sano oo kale dadka diinta la baro, sidaas oo kalena cod looga qaado, haddii weli dadku aysan diinta in lagu dhaqo aan 75% raacsanayn in
markale sidii loo soo bilaabo 13 sano oo hor leh ilaa laga gaaro waqti ay
dadku aqbalaan in shareecada lagu dhaqo Masar.
Sayyid Qutb waxaa la xiran sannadkii 1954,
kaddib markii la isku deyey in la dilo madaxweyne Jamaal Cabdi Naasir.
Waxaana Sayyid Qutb xabsiga laga soo daayey sannadkii 1964 arintaas xabsiga
laga soo daayey oo uu qayb ka qaatay ra'iisul wasaarihii Ciraaq, Cabdul
Salaam Caarif. Laakiin 8 bilood ka dib ayaa markale dawlada Masar xabsiga u
taxaabtay Sayyid Qutb, xilligaas oo ahayd 1965. Waxana lagu xukumay dil Qutb
iyo lix qof oo kale, waxana Sayyid Qutb daldalaad lagu diley 29 August 1966.
Dadkii la xirxiray sannadkii 1965 waxaa
kamid ahaa Zainab Al-Ghazali. Xilligaas oo ay dawlada Masar si sir ah ku
ogaatey ururada siyaasadeed ee ka jira Masar waxay ku dhaqaaqday burburintooda, waxaana la
xir xiray dad aad u tiro badan, rag iyo dumar, markaa sayaa la baabi'iyey
ururkii ay Zainab Al-Ghazali asaastay ayadiina xabsiga loo taxaabay. Waxaana
Zainab maxkamad la soo taagey sannadkii 1966 waxaana lagu xukumay
xabsi daa'im ay u dheer tahay in ay qabato shaqo culus. Waxaase la soo daayey sannadkii 1971.
Waa kadib dhimashadii Jamaal Cabi Naasir oo dhintay 1970. Waxaa markaas
madaxweyne noqday Anwar Sadaat, sidii ayeyna Zainab u sii wadey fikirkeedii
ahaa in la helo dawlad Quraanka iyo sunadu ay xukun u tahay.
Sannadkii 1981 mar waraysi lagula yeeshay
gurigeeda oo ku yaal Heliopolis, Masar, Zaynab al-Ghazali waxay tiri:
Islaamku wuxuu siiyey wax kasta rag iyo
dumarba. Waxa uu Dumarka siiyey wax kasta-- Xoriyad, xuquuq dhaqaale, xuquuq
siyaasadeed, xuquuq arimaha bulshada, xuquuq caam ah iyo mid gaar ah.
Islaamku wuxuu dumarka siiyey xuquuq aan qof kale oo qoyska ah la siin.
Xorayn waa ka hadli karaan dumarka bulshada masiixiga, bulshada yuhuuda, ama
bulshada aan diinba haysan, laakiin bulshada Islaamka waa khadal aad u weyn
oo meel ka dhac ah in laga hadlo xoraynta dumarka. Qofta Dumarka ah ee Muslimada
ah waxaa waajib ku ah in ay Islaamka barato si ay u ogaato ama ugu baraarugto in
Islaamku siiyey dhammaan xuquuqdeeda.
Waxaana lagu tilmaamay in hab fekerkii Zainab
uu sidaas ahaa ayna rabtey in dumarka Muslimiinta la baro diintooda si ay ugu
baraarugaan xuquuqda ay diinta Islaamku siisay , dhinacoodana ay u ogaadaan
waajibaadka lagu leeyahay, taas oo ay rumaysnay in ay wado u tahay
helitaanka dawlad Islaam ah oo lagu dhaqo Quraanka iyo sunada Rasuulka
Muxamed (scw).
Sannadkii 1981 waxa uu Anwar Sadat bilaabay
in uu qabqabato xabsigana u taxaabo dad tiradooda lagu qiyaasay 1600 oo qof,
arintaas oo dunda badankeedu kaga soo hor jeesatey hab lagu tilmaamay
gacantiisa adag iyo xoog ku muquuninta dadka mucaaradka ku ah, iyo
dhaqaalihii dalka oo aad hoos ugu dhacay.
Bishii October 6deedii sannadkii 1981 ayaa
la toogtey Anwar Sadat asagoo joogey goob dabaaldeg lagu soo bandhigayey.
Waxaana madaxweyne nimada la wareegey madaxweynaha hadda, Xusni Mubaarak.
Zainab Al-Ghazali intii ay noolayd buug ay
qortay ayey kaga hadashay nolosheedii, buugaas oo lagu magcaabo
Ayyam min Hayati.
Isha: Wikipedia & IslamOnline | Tarjumadii
SomaliTalk.com | Aug 7, 2005
Dadka Reer Holland oo Raacsan in Shaqaalaha
Laga Mamnuuco Dharka Islaamka...
Sida
laga soo xigtey United Press International, cod bixin ay dhowaan qaaday
hay'ad Dutch ah ayaa waxaa ay sheegtay in badanaa dadka reer Netherlands
(Holland) ay raacsan yihiin in dawladu ay dumarka Muslimiinta ah ee
shaqaalaha ah ka mamnuucdo in ay xirtaan xijaabka, khimaarka iyo dharka kale
ee Muslimiinta.
Hay'addaas oo lagu magcaabo TNS Nipo waxa
ay su'aalo weydiisey 433 qof oo qaan gaar ah, kuwaax oo 63% oo dadkaas u
dhashay Netherlands ay taageersan yihiin mamnuucida in dadka ka shaqeeya
goobaha madaniga laga mamnuuco xirashada dharka Muslimiinta, iyo in 80% ay
raacsan yihiin in shaqaalaha dawlada guud ahaan aysan xiran dhar noocaas ah.
Dadkaas su'aalaha la weydiiyey ayaa 57%
waxay yiraahdeen waa in dumarka macalimiinta ah aysan xiran khimaar, halka
77% ay yiraahdeen waa in dumarka booliska ah aysan xiran khimaar, iyo 81% oo
yiri waa in qareenadu aysan xiran khimaar, Waxa laga hadlayaa waa dumarka
Islaamka ah'e.
Waxaa codbixintu sheegtay in fikrada dadka
reer Netherlands ay wax weyn iska bedeleen marka loo barbar dhigo sannadkii
2003.
September 2, 2004 ayey ahayd markii
Sharcigii Jacques Chirac ee Dugsiyada Faransiiska Lagaga Mamnuucayey
Khimaarka Gabdhaha Muslimiinta uu Ka Dhaqan Galay dalka France.
Guji...
Halkan.
Boqorada
Denmark, Margrethe II |
Boqorka
Begium, Albert II |
Horraantii sannadkan 2005 ayay ahayd markii
Boqoradda ka talisa
dalka Denmark ay ku dhawaaqday erayo aad u kul-kulul oo ku wajahan
muslimiinta dalkeeda jooga.
Margrethe II, boqoradda Denmark ayaa Islaamka ku tilmaantay in uu yahay wax
dunida oo dhan khatar ku ah, isla markaana ay tahay in la hor istaago. “waa
in aynu muujinno diidmadeenna Islaamka” ayay tidhi iyadoo iska dhagatiraysa
layaabka dunida. Guji...
Halkan..
Isla sannadkan 2005
horraantiisii ayey ahayd markii
Boqorka Belgium uu
Taageeray Agaasime Difaacay Gabar Xijaaban. Boqor
Albert II ayaa bishii Janaayo 12keedii soo dhoweeyey nin agaasime shirkadeed
ah iyo gabar xijaaban oo uu ninkaasi difaacey, waxana uu boqorku arintaas
uga gol-leeyahy in uu ku muujiyo taageeradiisa uu u hayo ninkaas taageersan
in gabadhaasi xirato Xijaab marka ay shaqayneyso.
Guji.... halkan.
Isha: Qaar kamid ah wararka IslamOnline | Tarjumadii
SomaliTalk.com & Warar hore | Aug 7, 2005
Dalka
Ruushka oo ay Ku Nool Yihiin 23 Million oo Muslimin ah, si Joogto ahna
tiradaasi ay u Kordheyso..
Sida ay werisey hay'adda wararka u faafisa
Ruushka ee loo yaqaan Interfax, guddiga muslimiinta ruushka ee loo yaqaan
"Council of Muftis of Russia" ayaa shaaca ka qaaday in dalka Ruushka ay
hadda ku nool yihiin 23 million oo Muslimiin ah. Tirada guud ee dadka
Ruushku waa 144 million.
Warbixintaas oo ay Khamiistii faafisay
Interfax waxa ay intaas ku dartay in dadkaas Muslimiinta ah ee ku dhaqan
Ruushka ay san ahany dad qaxootinimo ama laajinimo ku yimid ruushka, balse
ay yihiin dad weligood inta taariikhdu xusuusato halkas deganaa.
Waxaa warku intaas ku daray in tirada
muslimiinta ee dalka Ruushku ay si joogto ah u koreyso dadkuna ay
diinta Islaamka u soo gelayaan si aan kala go' lahayn.
Isha: Mosnews.com | Tarjumadii
SomaliTalk.com | Aug 7, 2005
London, UK: Amiirka u
Caleemo Saaran Qatar oo Laga mamnuucay Meel Nightclub ah
Amiir:
Tameem Bin Hamad Al-Thani |
- "Saddex nin oo Reer
Qatar ah oo uu ka mid yahay Amiirka 25-jirka ah ee u
caleema saaran Qatar, Tameem Bin Hamad Al-Thani, oo
Khamriaysan, kuna kacay ficilo anshax xumo ah ayaa laga
mamnuucay Night Club-ka ugu weyn London. Club-ka waxaa
lagu magcaabaa "Good As You" oo loo soo gaabiyo
(G.A.Y ). "
Sida ay qortay shabakad
laga leeyahay dalka Qatar, Islamonline.net, Amiirka u
caleema saaran boqornimada dalka Qatar oo ah mid wax ku
bartay dalka UK, oo xilligan xagaaga ah badankiisa joogey
magaalada London, ayaa waxa uu ka qayb qaatay dagaal feer la
is dhaafsaday (saddexda reer Qatar oo uu amiirku ka mid
yahay) iyo dhallinyaro reer London ah.
"Amiir Tameem iyo
saaxiibadiis dembi laguma soo oogin, laakiin, waxaa laga
mamnuucay Club-ka muddo 30 maalmoo dah" sidaas waxaa yiri
mas'uuliyiin, sida ay xustay shabakada reer Qatar.
Mamnuucidaas oo ay amreen booliska London waxa muddo hal bil
ah ka dhigeysaa in uu san amiirku Clubka tegi karin, waa
sida ay shabakaasi qortaye. Waxaaana warku intaas ku daray
in meeshii feerku ka dhacay lagu xiray nin 30 jir ah oo
magaciisa la yiraahdo Heard Michael oo dagaalka ka qayb
qaatay.
Shabakada Islamonline.net
arintaas uu ku kacay Amiirku aad ayey u cambaraysay ayadoo
cambaraynteeda sal uga dhigeysa culmo tixraacaya diinta:
Shabakada oo qoraalkeeda
sii wada waxa ay tibaaxday sida Allah u mamnuucay quumu
luudnimada, waxana ay soo xigatey xadiiska At-Tirmidi ee
lamabarkiisu yahayi: 1376.
Waxa kale oo shabakadu soo
xigatey sheekha deggan Qatar ee aadka loo yaqaan, Sheikh
Yusuf Al-Qaradawi oo yiri: "Culmiada Islaamka sida, Maalik,
Shaafici, Axmed, iyo Isxaaq waxa ay yiraahdeen qofkii
dembiga noocaas ah ku kaca waa in lagu dilo dhagax, hasoo
maro guur ama yuusan soo marine".
F.G: Amiirka u
caleemo saaran Qatar: Waa nin ka dhashay reer Boqorka dalka
Qatar, isla mar ahaantaasna leh dhaxalka boqortooyada,
bedelina doona amiirka ama boqorka hadda.. ...
ISHA: Islamonline.net
| August 2, 2005 | Tarjumadii SomaliTalk.com
|