xubnaha Shabakadda xiriirka soomaaliyeed
oo dhagaysanaya qodobbada shirka |
SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA
SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK
wq. Ibraahim Saalax
| SomaliTalk Denmark
Shir ay soo qabanqaabisay shabakadda xiriirka
soomaaliyeed ee Denmark ayaa ka dhacay sabtidii taariikhdu ahayd 22-02-2003
xarunta aqalka dhalinyarada ee magaallada Odense, Denmark.
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen xubnaha
shabakadda xiriirka Soomaaliyeed [somaliNetwork] ayaa looga dooday fikrado fara badan oo ay ka mid
ahaayeen tarbiyadda caruurta, arrimaha qoyska, dhaqamada kala duwan, xiriirka
waalidka iyo ubadka ka dhaxeeya, dhibaatooyinka aalaba dhalinyarada kala soo
gudboonaada dhaqamada dalalka ay ku nool yihiin, dowrka kaga aaddan Shabakadda
SomaliNetwork sidii loo ilaalin lahaa sumcadda soomaalida ku dhaqan Denmark [DK] iyo
mawaadiic kaloo fara badan oo laga soo jeediyay goobtii shirka.

Maxammed Xassan Geelle |
Markii ay goobtii shirka yimaadeen dhammaan
xubnihii lagu casumay shirka, waxaa madashii shirka albaabada u furay madaxa iyo
guddoomiyaha Shabakadda xiriirka soomaaliyeed ee Denmark Maxammed Xassan Geelle,
isagoo mahadnaq iyo amaan shirkii uga soo jeediyay dhammaan ka soo qayb
galayaashii shirka oo isugu jiray xubnihii soomaaliyeed oo rag iyo dumar isugu
jiray iyo marti u dhashay Denmark oo ka kala socday hay’adda laanta qaxootiga
ee Denmark iyo Jaamacadda ku taalla Copenhagen ee la yiraahdo Copenhagen
University.
Furashadii shirka iyo is barashadii xubnaha
dhexdooda iyo martidii ka soo qayb gashay shirka kadib, waxaa durbadiiba la
galay qodobbadii shirka u degsanaa oo ay ka mid ahaayeen:-
- Tarbiyadda caruurta
- Sumcadda soomaalida Denmark
- Mashaariicda dib u dhiska Soomaaliya
- Dowrka ay leedahay ka qayb qaadashada
warbaahinta DK
Tarbiyadda caruurta
Cambaro Xaashi Nuur |
Xubnihii soomaaliyeed waxay
waqti badan ku bixiyeen dooddi la xiriirtay tarbiyadda caruurta. Maxaa keena
tarbiyad xumida caruurta soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka qurbaha, sidee ayeey
iyagoo haysta dhaqankoodii iyo tarbiyaddoodii toosnayd ugu noolaan lahaayeen
dalka Denmark, yaase ka danbeeya inuu cunugga ka weecdo tarbiyadda toosan ee uu
haysto.
Guud ahaan dadkii ka hadlay shirka waxay farta
ku wada fiiqeen inay waalidiinta mas’uul ka yihiin tarbiyad xumida caruurta.
“Maandhoow waalidiin ma joogaan Denmark, denbi ma lahan caruurta ay ka luntay
tarbiyaddooda” ayeey tiri Cambaro Xaashi Nuur oo madax ka ah ururka haweenka
soomaaliyeed ee dalka Denmark, kuna caan baxday ka qayb galka shirarka caalamiga
ah ee dunida ka dhaca. Way sii hadashay hooyo Cambaro oo waxay misna tiri “waalidiin
badan ayaanan wada degganayn, seperate/kala noolaasho been ah ayeey ku jiraan,
marka sidee macquul u noqonaysaa caruurtii ay waalidiintaas dhaleen inay toosaan”
ayeey tiri Cambaro oo deggan Århus magaallada labaad ee dalka Denmark.
Cabdirashiid Abdi oo deggan Odense kana
shaqeeya degmada Odense qaybteeda dhalinyarada iyo caruurta ayaa isna dhinaciisa
walaaac ka muujiyay dhalinyarada soomaaliyeed ee ku sii badanaya ka ganacsiga
iyo isticmaalka mukhaadaraadka, wuxuuna waalidiinta ku waaniyay inay si
feejignaan leh ula socdaan ubadkooda. “dhalinyarada soomaaliyeed qaarkood
waxay iyagoo kaashanaya deenishka ka ganacsada maandooriyayaasha ay soo geliyaan
Denmark mukhaadaraadka noocyadiisa kala duwan, waxay wataan gawaari cusub”
ayuu yiri Cabdirashiid oo shaqadiisu u badan tahay dhalinyarada iyo caruurta
soomaaliyeed. “badbaadada caruurtaas waa iyadoo aan ka caawino sidii aan ugu
hagi lahayn waddooyinka ka caawin kara mustaqbalkooda waxbarasho.
Cabdirashiid |
Waxaa wax laga
naxo ah inay jiraan caruur badan oo soomaaliyeen oo laga marin-habaabiyay
waddooyinkii saxda ahaa ee waxbarasho, waxaa loo diray koorsooyin aan faa’iido
ugu lahayn msutaqbalkooda, waa kuwaas kuwa ay waajib tahay inaan garab istaagno”
ayuu yiri Cabdirashiid Cabdi oo tobankii sanno kala shaqaynayay degmada Odense
laamaha caruurta iyo guud ahaan shisheeyaha.
Inkastoo ay ballaarnayd dooddii ku saabsanayd
tarbiyadda caruurta, hase ahaatee qaar ka mid ah dadkii goobtii shirka joogay
ayaanan xal ugu arkin caqabadaha hortaagan tarbiyadda in xal loogu helo. “Uma
arko inuu jiro xal go’an oo looga hortagi karo tarbiyad xumida caruurta”
ayuu yiri Cabdikariim oo isagu deggan magaallada Copenhagen.
Kala duwanaansho fikradeed
Maxammuud Khaliif |
“waxaa i soo
jiidatay muxaadaro uu soo jeediyay nin khibrad u leh soomaalida oo jaamacadda
muxaadaro ka jeedinayay, wuxuu sheegay inay soomaalida ay diintooda sidaas aynan
ugu camal fali jirin markii ay joogeen Soomaaliya. Waxay ahaayeen sida bulshada
deenishka ay maanta ugu liitaan ku dhaqanka diintooda kirishtaanka oo kale”
ayuu yiri Maxammuud Khaliif oo macalin ka ah dugsi ku yaalla magaallada Århus,
degganaana Denmark 22 sanno.
Hadalkaas ayuu shaki iyo xanaaq geliyay Muse
Askar oo isna macalin ka ah dugsi hoose/dhexe ee ku yaalla Copenhagen, isla mar
ahaantaana ka mid guddiga maamulla dugsiga khaaska ah ee Al-Konwnain Friskole ee
ay maamulaan soomaalida, wuxuuna sheegay inay hadalkii uu M. Khaliif yiri uusan
sax ahayn “waxaan soo jeedin lahaa inaan ka fiirsano hadallada aynu ku
hadlayno, Ilaah ayaa nagu addoonsaday ku dhaqanka islaamka, sax ma ahan waxa uu
yiri M. Khaliif” ayuu si caro leh u yiri Muse Askar, wuxuu dhinaca kalena ka
digay inaan bulshada soomaaliyeed ee Denmark u qaybino qaybo kala duwan. “Ujeeddadeennu
waa mid, baahideenuna waa mid, waxaynu nahay dad islaam ah, waan ka mideysanahay
wax ka qabadka baahideenna” ayuu markalena yiri
Intuu shirka socday, waxaa hadalladii iyo
dooddii ay soo jeedinayeen soomaalidii isugu yimid shirka dhageysanayay Navja
Kleist oo ka socotay Jaamacadda Copenhagen, kuna talo jirta mustaqbalka dhow
inay risaaladeeda Phd-ga ku diyaariso baaritaan la xiriirta siday u nool yihiin
soomaalida ku dhaqan dalka Denmark iyo Jens Frederiksen oo isna ka socday laanta
hay’adda qaxootiga Denmark, waxaana dhexdooda fadhiyay nin soomaaliyeed oo
afka deenishka ugu tarjumayay hadalladii lagu soo bandhigay doodda shirka.
Shirkan oo uu si wacan uu u agaasimayay
Maxammed Xassan Geelle ayaa si kala danbeyn leh looga doodayay qodobbada shirka,
iyadoo ay dhiiragelisay habsami u socodka shirka inay ka soo qayb galayaashii
shirka ay dhammaantood si hufan oo dhiiranaan leh ay u dhiibtaan fikradahooda.
Sumcadda soomaalida Denmark
Waxaa kaloo intaa
kadib shirka looga dooday sidii loo wanaajin lahaa sumcadda soomaalida ku dhaqan
dalka Denmark. Qodobkan oo ay dadka badankooda ay xiiso u qabeen ayaa durbadiiba
billaabatay falanqayntiisa. Laga soo billaabo bishii Nofeembar ee sannadkii hore
ilaa dhammaadkii bishii hore ee jannaayo waxay guud ahaan saxaafadda Denmark ka
hadlayeen soomaalida iyo gudniinka, taasoo sababtay inay qoysas soomaaliyeed ay
arrintaan kala kulmaan dhibaatooyin badan.
Haddaba, xubnaha shabakadda SomaliNetwork ayaa
goobtii shirka ku nuuxnuuxsaday ahmiyadda ay ugu leedahay in shabakadda laga
dhex doorto guddi daba gala qoraallada laga qoro soomaalida, iyagoo isla mar
ahaantaasna ku hadlaya magaca bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Denmark.
“Wargaysyada Denmark qaarkood ayeey waxay doonaan ka qora soomaalida, mar aan
sii fogeyn ayaa maqaal ka hadlaya Falastiin lagu soo bandhigay haween
soomaaliyeed oo xijaaban sawirkeeda, markii aan eegayna waxaan ogaaday in
maqaalka wuxuu ka hadlaya iyo sawirku uusan is lahayan, sidiina ayaan ula
xiriiray wargayska” ayuu yiri Saciid oo deggan Copenhagen, kana mid ahaa
xubnihii shirka ka soo qayb galay. Wuu sii waday Saciid hadalkiisa, oo wuxuu
kaloo yiri “khaladkaan dhacay waa mid aan si kama’ ah aan ku arkay, ka
warama khaladaadka kale ee laga gelayo soomaalida oo aynan isla mar ahaantaasna
aynan ka warqabin”.
Aynu saxno qaladaadka aan leenahay
Navja iyo Jens ool ootarjumayo
|
Dadkii ka
hadlay qodobkaan ayaa ka mid ahaa Cabdirashiid, wuxuuna soo jeediyay in sumcad
wanaajinta soomaalida Denmark loo adeegsan kara dadka u dhashay Denmark,
kuwaasoo ayuu yiri si wacan u yaqaana soomaalida sidaasna u difaaci kara. Waxay
qaar kale tilmaameen inay jiraan qaladaad ay leeyihiin soomaalida laftooda,
taasoo ay habboon tahay in la saxo. “xisbiga ka soo horjeeda ama naceb
shisheeyaha ee Dansk Folkeparti waxaa codad si dadban u siiya soomaalida,
sidaasna waxaa ii sheegay nin wasiir uga ahaa dowladdii ugu danbeysay ee dhacday
ee socail-ka” ayuu yiri Eng. Abdi Ashuur Hassan oo deggan magaallada
Fredericia. Wuu sii hadlay Abdi Ashuur oo wuxuu yiri “markaan weydiiyay sida
ay soomaalida codadkooda ku siiyaan ii sheeg wuxuu yiri waxay xisbigaas
aruursadaan qaladaad badan oo aad galaysaan” ayuu markale yiri, wuxuuna u soo
jeediyay soomaalida inay lahaadaan markasta feejignaan joogto ah.
Waxbarashada oo lagu dadaalo iyo goobaha
shaqada laga muuqdo ayaa ka mid ah waxyaabaha kor ugu soo qaadi kara sumcadda
soomaalida DK, waxaana sidaas isla meel dhigay xubnihii shabakadda SomaliNetwork.
Mashaariicda dib u dhiska dalka
Muse Askar
|
Waxaa kaloo shirka looga dooday sidii loo xoojin lahaa mashaariicda dib u dhiska
dalka ee ay hadda gacanta ku hayaan hay’adda qaxootiga Denmark, iyo sidii la
isugu xiri lahaa guud ahaan mashaariicda howlaha ka wada qabanayo Soomaaliya.
“aad ayaan ugu faraxsanahay guud ahaan mashaariicda wax loogu qabanayo
dalkeena Soomaaliya, annigu matalan waxaan la shaqeeyaa urur lagu magacaabo
Somscan and UK oo mashruuc weyn ka wada waqooyiga Soomaaliya, aad ayaana u so
dhoweynayaa mashaariicda kale ee laga wado Soomaaliya” ayuu yiri Muse Askar oo
aad ugu dheeraaday kartida soomaalida qaarkood ay ugu leeyihiin waxqabadka
dalkooda iyo dadkooda. “waxaan garanayaa haween soomaaliyeed oo degganayd
Denmark oo dugsi weyn oo hoose/dhexe ah ay ka dhistay magaallada Hargaysa ee
Soomaaliya, aragtida deenishka ay ka qabeen hooyadaas waxay ahayd mid aad u
hoosaysa, waxay arkayeen inay ahayd qof aanan waxna qorin, waxnana aqrin, hase
ahaatee waxaa hubaal ah inay ahayd hooyo karti leh aadna ugu firfircoon
himilooyinka ay tiigasanaysay” ayuu yiri Askar oo xusay dugsiga ay hooyadaas
ka dhistay Hargaysa in la yiraahdo Scandinavien primary school.
Ugu danbeyntii shirkii shaleey ka dhacay magaallada Odense oo run ahaantii looga
dooday qodobbo aad muhiim ugu ahaa jaaliyadda soomaaliyeed ee DK ayaa ahaa mid
si wanaagsan leh loo soo agaasimay, inkastoo laga yaabo inaynan ka soo bixin
natiijooyin sidaas u sii weyn, haddana waxaa hubaal ah inay wada-hadalku iyo
doodaha noocaan oo kale ee ay is dhaafsanayaan soomaalida ay horseedi karaan
horumar waaweyn mustaqbalka fog. Shirkan oo kale ayaa la filayaa in lagu qaban
doono magaalooyin badan oo ku yaalla Denmark
Ururka shabakadda xiriirka Soomaaliyeed [SomaliNetwork] waxaa la aasaasay sannadkii 1999-kii, waxaa
guddoomiye ka ah Maxammed Xassan Geelle, waxaana loogu talo galay wargelinta iyo
xog is-dhaafsiga soomaalida ku dhaqan Denmark, sidoo kale bulshada deenishka ee
markaas xiiseeya arrimaha soomaalida iyo Soomaaliya. Dhaqaalaha ku baxa
shabakadda waxaa bixiya dowladda Denmark, iyagoo dhaqaalahaas u soo marsiiya
laanta hay'adda qaxootiga Denmark
Shabakadda SomaliNetwork wuxuu dowr weyn ka cayaari karaa midnimada iyo isu
keenidda 16-ka kun ee soomaaliyeed ee ku dhaqan Denmark, waa haddii si wacan loo
agaasimo, isla mar ahaantaana si wadajir ah la isaga kaashado taageeradiisa.
WAXAA ISKU SOO DUBARIDEY:
Ibraahim Saalax |
ibra88@hotmail.com [SomaliTalk
Yurub]
Odense, Denmark
Faafin: Feb 23, 2003
com
|