SOOMAALIDA EURO-AMERICAN: SANNADO BADAN AYAAN KU LUMINAY YURUB
Maalintii jumcadii ayay ahayd, mar aan ku soo tukaday masjidka Cumar Sabri
ee ku yaala suuqa weyn ee 24, magaallada Minneapolis. Qiyaastii waxaa
masjidkan salaaddii jumcada ku tukanayay soomaali tiradooda kor u dhaaftay
2000 qof. Waxay ku tukanayeen gudaha iyo dibadda masjidkaba. Waxaa maamula
masjidka soomaali, iyagoo wax qarash ahna aynan ku bixin masaarifta ku baxda
masjidka. Nin carbeed oo ah milkiilaha suuqa 24 ee soomaalida leedahay ayaa
aabihiis masjidka waqaf ahaan ugu deeqay muslimiinta.
Sheekha khudbada aqrinayay ayaa khudbaddiisa ku jeedinayay labada luqadood
ee soomaaliga iyo carabiga, wuxuuna si waafi ah oo faahfaahsan u bayaamiyay
ahmiyadda ay aqoontu ugu leedahay guud ahaan aadanaha, isagoo soo qaadanayay
aayado quraan ah iyo axaadiis la xidhiidha mowduucan isaga ah.
Salaaddii kadib, ayaan waxaan masjidka kula kulmay dad aan horey u aqiinay
oo 30 ku dhowaad ahaa, kuwaasoo markoodii hore degganaa Yurub, oo hadda
siyaabo kala duwan ugu soo wareegay Mareekanka, waxayna intooda badan
degganaayeen dalalka lagu magacaabo Scandinavien-ka sida Sweden, Norwey iyo
Denmark. Intooda badan, waxay hadalkooda ku billaabayeen hadalladan
“goormaad u soo guurtay Mareekanka, imisaad joogtay Mareekanka” iyo kuwo la
mid ah, annigana waxaan dhinacayga u sheegayay inaan booqasho 2 usbuuc ku
imid, dabadeedna aan dib ugu laabanayo halkaan ka imid.
Waxay isugu jireen arday dhigata macaahidda sare iyo jaamacadaha ku yaalla
gobolka Minnesota, halka qaarka kalena ay ka xammaashaan isla gobolka.
Dhinaca kale, waxay ii muujiyeen sida weyn ee ay ugu faraxsan yihiin nolosha
Ameerika.
“culeyskii iyo cunsuriyaddii xad-dhaafka ahayd ee dalalka Skandinavien-ka ka
jiray aad ayaan uga raysanay, waxaan si weyn ugu faxsanahay in saxaafadda
Mareekanka aynan si goonni ah uga hadlin shisheeyaha, halka sida Denmark ay
si joogto ah uga hadlaan shisheeyaha” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradii
aan kula kulmay masjidka Cumar Sabri, isagoo iga codsaday inaanan magacaabin
magaciisa.
“kama jiraan halkan waxbarasho iyo caafimaad bilaash ah sida Denmark oo
kale, hase ahaatee waxaan waxaas ka doorbiday inaan ku noolaado dal aan si
goonni ah loo beegsanin shacabkan miskiinka ah ee soomaaliyeed” ayuu markale
yiri, wuxuuna raaciyay intaas “waxaan xasuustaa in madaxa xisbiga xagjira ee
Dansk Folkeparti naagta lagu magacaabo Pia Kjærsgaard ay codkooda badan ku
heshay wax ka sheegga shisheeyaha, gaar ahaan muslimiinta siiba soomaalida.
Run ahaantii waan ka shaalayay in toban sannadood aan ku lumiyay Denmark. ”
ayuu markale misna yiri.
Waxaa kaloo jiray nin kale oo isagana reer Sweden ahaa, wax ka bartay,
degganna gobolka Minnesota. Inkastoo uu Ameerika ugu soo wareegay xaaskiisa
oo deggan awgeed, haddana wuxuu walaac ka muujiyay qoysaska iyo ubadka
soomaaliyeed ee iyaga ku nool dalalka Sweden, Norwey iyo Denmark.
“maadaama dalalka aynu ku noolnahay aynan muslimiin ahayn, haddana waxaa ila
habboon in soomaalida iskandineefiyanka ku dhaqan ay u guuraan dal ay ku
badan yihiin jaaliyadaha muslimiinta sida dalka England” ayuu yiri, isagoo
aanan weligiis maskaxdiisa ka bixin dhacdooyin madow oo murugo leh oo uu
kula kulmay Sweden intii uu ku noolaa.
"billowgii sagaashaameeyadii ayay ahayd markii innagoo koox ah nala dejiyay
waqooyiga Sweden, dadkii degganaa tuullada ayaa na dhibsaday, waxayna in
badan duqa magaallada u gudbiyeen dacwado kala duwan oo ay kaga codsanayeen
in nalaga raro tuullada. Cabsi ayaan ku mari jirnay suuqyada iyo
waddooyinka, aad ayay u adkayd inaan helno shaqo, iskaba daa waxbarasho
warkeeda" ayuu yiri, isagoo xusayna in markii badankoodii ay ka guureen
daarihii ay degganaayeen ay dadweynihii swiidhashka ahaa dhigteen xaflad ay
ku dabbaaldagayeen guuristooda.
"Ma dadkaas ayaa lala deggi karaa oo lala noolaan karaa?" ayuu is weydiiyay
ninkan soomaaliyeed oo 8 sannadood oo uu degganaa Mareekanka kadib isagu
aaminsan inuu leeyahay hanti fara badan oo uu rajaynayo inuu ganacsi kala
duwan ku sameeyo dalal ka mid ah Afrika iyo dalkii hooyo.
Nin soomaaliyeed oo magaciisu loo soo gaabiyo A. M. ayaan isna kula kulmay
gobolka Colarado oo aan ku sugnaa qyaastii 12 saacadood. Shaqadiisu waa
taksiile, waa qoys leh 5 caruur, waxayna hore u degganaayeen isaga iyo
qoyskiisaba dalka Finland.
"annigu waxaan halkan ugu soo wareegay shaqo ahaan, run ahaantiina waxaan ka
nastay qabowgii darnaa iyo nacaybkii weynaa ee cunsuriyiinta Finland. Dalka
Finland waa dalka ay kumanaan kun oo soomaaliyeed ka qaateen waxbarasho
sarsare, waxaana rajo weyn ka muujinayaa in dadkaas aqoonyahaniinta ah ay
dalkooda u aayi doonaan mustaqbalka dhow" ayuu yiri, wuxuuna fikrad ahaan
qabaa in qurbo meeshaad ka joogtid ay meesheeda kale tahay.
"dabcan waddamada ingiriisiga ku hadla ayaan ubadkayga la jeclahay inay wax
ku bartaan, hase ahaatee macno weyn anniga iima samaynayso marba haddaan ku
nolahay dal aanan ahayn dalkayga hooyo" ayuu intaas raaciyay.
Sannadihii 1995-kii ilaa sannadkii 2000-ka waxay ahaayeen sannado si
xad-dhaaf ah ay saxaafadda Denmark u hadal hayn jireen dhalliilaha
soomaalida. Nama dhex galaan, dumarkooda way xijaaban yihiin, dalkoodii ha
loo celiyo, ee mayee aynu dejinno jasiirado fogfog iyo oraahyo kale oo aan
caddaaladda ka fog oo ayay madaxda xisbiyada Denmark ka jira ay ku
dagaal-geli jireen tartamadooda doorasho.
Bogagga hore ee wargaysyada ayaa soomaalida xummaan aynan lahayn loogu
sheegi jiray, waana tan keentay in soomaali badan damiirkoodii keeni waayay
inay ku sii noolaadaan dal noocaas ah. Aqoonyahanno soomaaliyeed oo
dhaqaatiir ku jiray ayaa meelo kale u shaqo doontay, halka dhalinyaro
badanna ay ka doorbideen inay soo aadaan dalalka England iyo Waqooyi
Ameerika.
Markaan ka imaado soomaalida EURO-AMERICAN ama ah soomaalida horey u
degganaa dalalka Yurub, haddana si fiican u sal-dhigtay Mareekanka, ayaa
waxaa jira soomaali kale oo u badan kuwo laga keenay dalalka Afrika, gaar
ahaan Kenya, Uganda, Itoobiya iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta sida Masar
iyo Suuriya oo kale, waana tirada ugu badan ee soomaalida Mareekanka ku
dhaqan. Sannado aan badnayn kadib waxaa la qiyaasayaa in gobolka Minnesota
si weyn u soo geli doonaan tobaneeyo kun oo ka yimaada Afrika. Boqol ku
dhowaad oo aan maalmo gudahood kula kulmay xaafadda Cedar ee magaallada
Minneapolis waxay yimaadeen gobolka Minnesota toddobaadyadii la soo dhaafay,
waxayna mas'uuliyad weyn saaran tahay ururrada firfircoon ee goboka ka jira,
gaar ahaan culumada iyo aqoonyahannada iyo waxgaradka soomaaliyeed ee reer
Minnesota siday istaraatiijiyad wanaagsan ugu samayn lahaayeen talo-bixinta,
midaynta iyo taageeridda guud ahaan soomaalida Mareekanka, gaar ahaan reer
Minnesota.
Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | USA
Faafin: SomaliTalk.com | Apr 24, 2006
SOOMAALIDA
MINNESOTA: Safarkii Ibraahim Saalax... Guji |