WIXII AAN KALA KULMAY SEATTLE WASHINGTON
Markii iigu horeysay ee aan booqasho ku
imid Mareekanka ayay markan ahayd. Waa talaadadii ina soo dhaaftay.
Magaalladii iigu horeysay ee ay diyaaraddii na sidday ay soo cagadhigatay
waxay ahayd Seattle Washington, oo dhacda waqooyi galbeed Mareekanka. Waa
magaallo tirada dadka deggan ay is le'eg yihiin guud ahaan shacabka Denmark.
Waa shan malyuun iyo lix boqol kun qiyaastii.
Waqtigii ay ahayd inay diyaaraddii aan saarnayn ay soo cagadhigato ayaa
waxay ka soo hormartay ku dhowaad saacad, waxaan intaan gudaha garoonka
diyaaradaha caalamaiga Seattle dhex socday ay ishayda qabanaysay wiilal
dhalinyaro soomaaliyeed ah oo iyagu ka shaqeenayay garoonka. Waxaa ii
suurtoowday inaan qaarkood la hadlo oo aan la sheekeesto, kadib markaan imid
dibadda garoonka.
Waxay ii sheegeen inay jiraan boqollaal soomaaliyeed oo garoonka ka shaqeeya,
ayna dhammaantood si weyn ugu faraxsan yihiin shaqadooda. Waxaan sidoo kale
isla garoonkii Seattle kula kulmay wiil soomaaliyeed oo isagu aanan garoonka
ka shaqaynin, hase ahaatee ka mid ah darwallada soomaaliyeed ee deggan
gobolka Seattle Washington. Magaciisu waa Guhaad Mohamud Ahmed. Waa 29 jir,
leh qoys ka kooban xaas iyo 2 caruur. Qiyaastii 70 saacadood ayuu usbuucii
shaqeeyaa, waa saacado badan. Denmark waxaa caadi ka ah in la shaqeeyo ilaa
37 saacadood. Isagu wuu laba jibbaaray saacadahaas. Is barasho iyo hadal
kooban kadib, wuxuu isagoo dhoola caddaynaya ii soo jeediyay inuu igu soo
wareejiyo meelo ka mid ah magaallada kahor intaanan aadin gurigii aan u
socday. Inkastoo aan jirkayga ka dareemayay daalkii sababay 11-kii saacadood
ee aan diyaaradda saarnaa, haddana furfurnaantiisii bashaashnimo ee
dabacsanayd ayaan durbadiiba la hilmaamay daalkii i hayay, sidiina ayaan ugu
booday gaarigii xammuulka ahaa ee uu darawalka ka ahaa Guhaad M. Ahmed.
"3 sanno qiyaastii ayaan shaqadan darawlnimo ka shaqeenayay, waxaan ka soo
shaqeeyay magaalooyin badan oo dalka ka mid ah sida koonfur ilaa waqooyi
"Florida ilaa Minnesota" iyo dhinaca galbeed ilaa bari sida gobolka "Maine
ilaa California" ayuu ku billaabay sheekadii Guhaad ee i gelisay cabsi shaki
wadato, waxaana annigoo la kaftamaya ku iri "waxaan hadda rajeenayaa inaynan
u soconin magaalooyinkaas?" wuxuu isagoo qoslaya igu yiri "maya maya, hadda
waan iska dhaafay safaradaas dhaadheer, qofka reerka lihi aad ayay ugu adag
tahay inuu reerkiisa ka maqnaado billooyin badan" ayuu yiri. Inkastoo ay
shaqadan adag tahay ayna wadato xaalado khatar oo aanan yarayn, haddana sida
uu Guhaad ii sheegay waxay darawallada shaqadiisa oo kale ka shaqeeya
qaataan mushaaro caqligaaga ka weyn. Dabcan, marka loo eego mushaarka uu
qaato shaqaalaha caadiga ah ee u shaqeeyaya shirkadaha kala duwan ee USA.
Mushaarka uu Guhaad qaato, sida uu ii
sheegay ayaa la mid ah mushaarka uu qaato profasoorka wax ka dhiga
Jaamacadda Koonfurta ee ku taalla magaallada Odense, dalka Denmark. Waana
tan keentay inay soomaali badan doontaan leesinka gawaarida waaweyn si ay u
billaabaan shaqada darawalnimo. Wuxuu Guhaad ii sheegay intaan la socday,
inay jiraan soomaali aad u badan oo iyagu wada gawaarida waaweyn, waxayna
intooda badan shaqadan billaabeen muddooyinkii ugu danbeeyay.
Shirkadda gawaarida xammuulada ee lagu magacaabo Swift ayuu Guhaad markiisii
hore u shaqeenayay, hase ahaatee markii uu shaqadaas ka dhaxlay khibrad iyo
aqoon dheeri ah ayuu ku dhiiraday inuu iibsado gaari uu isagu leeyahay,
waana gaarigii xammuulka ahaa ee aan muddo labo saacadood saarnaa, kahor
intaanan aadin xaafaddii aan ku deggi lahaa magaallada Seattle. Soomaalida
Seattle waxay tiradoodu kor u dhaafeen 10 000 qof, waxayna isugu jiraan
dhalinyaro wiilal iyo gabdho leh oo dhigta jaamacadaha iyo macaahidda
Seattle, halka ay jiraan soomaali kale oo iyagu u beeray suuqa ganacsiga.
Maqaayado iyo dukaanno iyo Hoteello la seexdo oo ay soomaalida leeyihiin
ayay indhahaagu qabanayaan markaad soo gashid xaafadaha ay ku badan yihiin
soomaalida.
Maqaayadda Marwo ayaa ugu caansan meelaha la fariisto, lagana cunteeyo.
Qowmiyado afrikaan ah oo ay ka mid yihiin suudaaniyiinta ayaa soo weheshada
cuntooyinka macaan ee ay yaaliin maqaayadaha soomaalida. Maqaayaddan Marwo
ayaa intaad cuntaynaysid daawanaysaa talefishinka carbeed ee Al-Jazeera,
inta fahamta carabiga waxay tv-gaas kala socdaan wixii warar ah, halka
dhalinyarada xiiseeya cayaaraha ay ka daawadaan kanaalada kala duwan ee
isboortiga soo daaya.
Xaafadaha soomaalida ay deggaan, furddada ama tekedda Seattle iyo tareenka
isteeshinka Seattle markaan cagta soo marinay kadib, ayuu Guhaad jeclaystay
inaan gurigiisa u qado doonano, sidiina ayaan isagoo weli la socdo u nimid
guriga Guhaad Mohamed Ahmed. Intuu gaarigiisa igu waday oo aan dhex soconay
magaallada, waxaan si weyn u dareemayay kala fogaanshaha xaafadaha
soomaalida ay kala deggan yihiin.
Gurigii Guhaad waxaan kula kulmay Sufyaan
oo 5 jir ah iyo Surreeya oo iyaduna 3 jir ah, labaduba intaan la joogay igu
boobeen su'aalo aad u badan, iyagoo igu weydiinayay afka ingiriisiga. Intay
caruurta hadlayeen kama aanan maqlin hal erey oo soomaali ah, xittaa markay
lahaayeen hooyo iyo aabo waxay ku oranayeen afka ingiriisiga.
Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Seattle, USA
Faafin: SomaliTalk.com | APr 17, 2006
|