ISAAQU WAA BEEL CABASHO BADAN OO
HADDANA CU NSURI AH!
Waar niman yahow waa adduunya gadoon
iyo adduun dabadii ma haatan bay aniga ila tirsaneysaa! Naayaahee waa
islaanta, ma anigoo Reer Shiikh Isxaaq ah baad ila tirsan kartaa? Ma
anigoo askari Somaliland ah baad hadalka igu celin kartaa?.
Hadaladaasi waxay ka soo burqanayeen
Askari boolis ah oo afka ka xunbeynayey caro awgeed isagoo fadhiyey
Oobiga mid ka mid ah isteeshinada lagu xiro laguna gumaado dadka
Masaakiinta ah iyo kuwa musaafurka ah. Waxay ahayd goor barqa ah markii
ay Hooyo qurbaawi ah oo aan in badan arag wiilkeedii ay soo dul
istaagtay askarigan aan arxanka lahayn si ay u weydiiso wiilkeedii ka
maqnaa in mudo ah. Waxaysa sarajooga ka dhacday markii la tusay sawirka
wiilkeedii laguna wargeliyey inuu dhintay oo laga soo helay Dooxa
Hargeisa isagoo meydkiisa uu waraabe dhinac ka cunay. Eheladii wiilka oo
aan la wergelin dhimashadiisa iyo sida deg-dega ah ee ay ku aaseen iyo
weliba afxumada iyo hanjabaada loo geystay ayaa waxay cadeysay gumaadka
aan gabashada lahayn ee Askarta Isaaqu ku hayaan Beesha Muuse
Dheriye(Gabooye). Afxumo, Bah dil joogta ah iyo Quudhsi abad lagu hayey
Beesha Muuse Dheriye ka sokow ayaa waxaa ilaa sanadkii la soo dhaafay la
soo saaray sharci u fasaxaya Askarta Dowlad ku sheega Soomaaliland inay
ugaarsadaan oo ay cayaar cayaar (sport) u dilaan dadkan ay qarniyaal soo
bakhti wareemeen. Dadkan oo ah la haystayaal oo kale oo markii Beesha
Isaaqu dhexdooda iska disho la soo xiro Mid Gabooye ah si loogu aaro,
Markii xabsiga wax xaaqa ama nadiifiyo la waayo la soo xiro Mid Gabooye
ah si uu u nadiifiyo, sariiraha u goglo, saxaradana uga qaado, Markii la
doonayo in tababar ama tijaabo la sameeyana lagu sameeyo Muuse Dheriya
ah iyo markii Marqaanku tuso ama Xaraaradu hayso uu ku sanifo Mid Muuse
Dheriya ah.
Tacadiyada lagu sameeyo dadkan Muuse
Dheriyaha ah waxaa ugu danbeeyey tii ay Askar sarkhaansan kana soo
dheregtay isbiiritada quruntay ee Xabashidu ku iibiso badhtamaha
Magaalada Hargeisa ayaa waxay goor habeen ah ku soo baxeen dhallinyaro
fadhiday Makhaaxi lagu shaaheeyo. Markii indhaha lagu dhuftay Khadar
Adan C. Dhabar iyo asxaabtiisa oo ka soo jeeday Baashan laga tiro badan
yahay ayaa midabkii Askarta wejigoodu is bedbedelay sidii Jirjiroolaha.
Waxaay ka yaabeen waxa Muuse Dheriye saqda dhexe dhex fariisiyey meelaha
aan loo ogolayn ee ay sida Boodhadhka wax lagu qoro maskaxda Isla weynta
ugu qoran tahay “Midgaan Free Zone”, “Islaweyn Only”, “Aji Only ama
“Isaaq Only”.
Dad aad u xanaaqsanaa oo ka murugeysnaa
warka dhiilada leh ee ka soo yeedhay Hargeisa ayaa waxaa soo dul
istaagay Oday tukubaya, markaasuu weydiiyey waxa jira. Markii loo
sheegay ayuu Odaygan Reer Waqooyiga ahi xanaaqay oo uu ku cataabay:
“Waxaa la yaab leh sida ay Beesha Isaaqu iloowday wixii Qarniyaashii
hore ka soo maray takoorka iyo quudhsiga markii aysan ka soo degi jirin
Buuraha, gabdhahoodana aan la guursan jirin”. Waxaa dadkii meesha tubnaa
oo dhallin yaro u badan ay mar qudha ku dhawaaqeen Oh! Yaah, Wow! Wow!.
La soco qoraalka soo socda ee taariikhdaas ka sheekeynaya
“ Ninba waa markiisee mus ma kula koray”.
Sidii caadada u ahayd ee lagu
yaqaanay Beeshan isla weyn ee Hargeisa ayaa waxay jir dil, toogasho iyo
xabsi ka buuxin ku bilawday dadyow aad u qiireysnaa oo sida Foolkaanaha
u qarxay maadaama aysan intaa in ka badan u adkeysan Karin adoonsi danbe.
Waxaa magaalada Hargeisa meel walba ka soo burqaday Kacaan cusub oo
Gumeysi diid ah oo Gobanimo u dirir ah oo ka gilgishay
Isboortiga(Hunting game) lagu sameynayo iyo maalaayacniga loo dilayo.
Boolis ku sheega gashan dharkii Booliskii sharafta lahaa ee
Soomaaliyadii hore ayaa isagu ka amar qaata Ina Rayaale meeshii uu hoos
tegi lahaa Duqa Magaalada Hargeisa. Booliskan gashan koofiyada Biciidku
ku xardhan yahay ayaa ka beensheegay Calaamada madaxooda dul saaran oo
ah Biciidka nabada jecel. Waxay geesteen tacadiyo faraban oo noocya kala
duwan ah tan iyo intii ay la baxeen magaca ah Somaliland: Xasuuqid
shicib aan ahayn Beesha Isaaq, iska dil iyo xasuuqid joogta ah oo lagu
sameeyo Beesha Muuse Dheriye oo aan cidina uga daba tegin, Dhoofin,
Masaafuris, tarxiil iyo Cadow u geyn shicib aan waxba galabsan, Kufsasho
iyo jir dil Birmageytada aan u dhalan Beesha Isaaq. [Eeg
halkan]
Waxaa la yaab ku noqotay Wasiirka
Arrimaha Gudaha Ismaaciil Faqash iyo Madaxyaweyntiisa sababta ay
Gabooyuhu u dhiiradeen ee uga damqadeen Xasuuqa iyo darxumada lagu hayo.
Waxaa la yaab ku noqotay inay ka xoroobaan oo ay sheegtaan magaca
Gabooye. Ismaaciil Faqash ayaa ku amray Ciidamadiisa cunsuriga ah inay
Gabooyaha hooskeenaan beelahii Isaaqa ee ay weligood ku abtirsan jireen
kana tirsanaan jireen. Wuxuu Ismaaciil ku hanjabay inuusan marna yeeleyn
Beelo ay awoowayaashood lahaan jireen oo ka tirsan Beelaha kala duwan ee
Isaaqa una adeegi jirey inay maanta sheegtaan magac iyo mansab ay ku
faanaan isagoo ka baqaya inay la simaan. Wuxuu ku wargeliyey in ay
Beesha Isaaq ku baraarugto kacdoonkan iyo kacaankan cusub ee Gabooyuhu
ka wadaan hoostooda kaasoo ku yeelan doona saameeyn mustaqbalka
carruurtooda iyo waxay sii dhalaan. Wuxuu ku tilmaamay dadklii la laayey
iyo kuwii la jir dilay Dameero bakhtiyey oo aan laba Cali isweydiineyn!.
Waxaa wax aad looga naxo ah sida uu
Ismaaciil Faqash Idaacada BBC-da uga faafiyey sida ay dhamaan u tahay
Beeshan uu ka dhashay mid aan is qaban ee ay Shiikh, Shariif, Oday,
Ciroole, Caamo iyo Xuquuqul Insaanba ay ugu wada faraxsan yihiin
gumaadka Gabooyaha. Waxaa kaloo isagana Dagaal Qaboow ku la jira Beelaha
aan Isaaqa ahayn Weriye ku sheega Beeshan u adeega ee ka tirsan Idaacada
BBC-da Siciid Cige oo isagu wixii ku saabsan Bahdiisana buunbuuniya
wixii uu u arko inay sumacadooda wax u dhimaysana aan dheg jalaq u siin.
Waxaa kaloo wax aad looga naxo ah
Barnaamijka SomaliShow Tv. Ee ay daadihiyaan C/Maalik Askar iyo
Xaayow(Sakariye) oo markii Bulshada Gabooyaha wax ku dhacaanba ka
sheekeeya wax lidi ku ah. Barnaamijkani oo loogu talagalay Bulshada
Soomaaliyeed ee Minneapolis in lagu wacyi geliyo ayaa nasiib xumo waxaa
loo adeegsadaa waxyaabo ka dhan ah Bulshada La quudhsado. Tusaale ahaan
markii shir lagu qabto Magaalada ayaa waxay si xun u sheegaan oo
faafiyaan dacaayad iyo iyagoo hadaladii meesha laga soo jeediyey u
sheega si aan ahayn sidii loo yidhi. Waxay inta badan C/Maalik iyo
Xaayow ku soo celceliyaan been abuurkii ay ka sheegeen Boqor Xaaji Muuse
iyo shirkii 3 sano ka hor ka dhacay Magaaladan iyagoo aad uga xanaaqsan
oraahdii ahayd “I’m Midgaan So What”. C/Maalik isagoon soo wareysan
ninkii funaanadaa xirnaa ayuu ku masabitay ereyo uusan odhan, wuxuuna
ilaa iyo maanta kusoo celceliyaa ereyadaas iyo Oraahyadii Boqor Xaaji
Muuse inkastoo ay ka soo wareegtay in kabadan 3 sanno. C/Maalik oo ay
cunsuriyadu tahay hoygiisa aadna u taageersan Soomaaliland ayaa wuxuu
maanta bilaabay dacaayad hor leh oo uu ku minja xaabinayo gefefka loo
geysanayo dadka Muuse dheriyaha ah. [Eeg
halkan]
Waxaa la wada ogyahay maanta in Beesha
Muuse Dheriye meel ay joogaanba ay ku rafaadsan yihiin oo ay soo
dilootay quudhsi, cunsuriyad iyo iska dil aan loo aaba yeelin. Waxaa
kaloo la ogyahay dhamaan Beelaha laga tira badan yahay ee ay Soomaalida
kale u bixisay DHICIS (NUS) in ay yihiin Beelaha ugu Muwaadinsan
Soomaaliya ee aan marna is hubeyn, hubna u raadsan Dawlado Shisheeye.
Waxaa waajib noqotay in Maanta ay Beelahani is difaacaan oo ay
Dagaalamaan maadaama Soomaalinimo, Islaanimo iyo Insaaninimo intaba aan
lagu tixgelineyn. Waa xaq in qofku is difaaco maadaama lagu xadgudbay
sharaftiisa, maalkiisa iyo naftiisa. Waa xaq inuu qofku isdifaaco
maadaama loo turi waayey. Waxaan kula talinaynaa dhamaan dadka laga tiro
badan yahay inay iskaashadaan bilaabaana sidii ay isaga difaaci
lahaayeen cadowga gudaha ah ee ay leeyihiin!
Waa xaq inaad aadaan meeshii aad ka
heli kartaan caawimo, saanad iyo dhaqaalaba maadaama ay sameeyaan kuwa
Isweyneysiinaya ee idinku adoonsanaya maal iyo awood aysan lahay ee ay
ka soo amaahdeen Xabashida. Waxaan kula talinaynaa Odayaasha Muuse
Dheriye(Gabooye) inaysan marnaba u dhega nuqlaan Ismaaciil Faqash iyo
Culumadiisa kana digtoonaadaan inay noqdaan maqaarsaar.
Ballanteenu waa Halgan, Harjad iyo
Hubkoo la qaato!
Xusid: Waxaa nagu maqaala ah in ay
Jabhada SNM ee ka talisa Waqooyiga Soomaaliya ayaa buunbuunisa Magaca
Gabooye si ay ugu adeegato. Magaca dadkani waa Muuse Dheriye!
C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2005
Waraysi:
Garaadka Beesha Gabooyaha
Nin u Dhashay Beesha
Gabooyaha ayaa Hargeysa Lagu Diley, Dadkii Arintaas Ka
Mudaharaadayna Xabsi ayaa la dhigay, waxaana arintaas ka waraysanay
Garaad Axmed Diiriye Geylan...
Guji...
|