FAA’IIDOOYINKA AY CAANAHA HOOYADU U
LEEYIHIIN ILMAHA
W.Q. Faarax Axmed Muuse
| colow30@hotmail.com
M.Sc Clinical Microbiology, University of Karachi
Faafin: www.SomaliTalk.com
Qaybtii 5aad ee Wacyigelinta
Caafimaadka
Qaybihii hore | AIDS
| CHOLERA |
SOKOROW | JABTO
Tignoolojiyada casriga ah ee
aduunku maanta gaaray waxa ay awood u waayeen ama ka caajiseen in ay sameyaan
amaba ay soo saaraan caano la mid ah kuwa hooyada xaga walxaha ay ka kooban
yihiin, dhadhanka iyo waliba midabka iyo uduga.
Caanaha hooyada ayaa ah nafaqo dhameystiran oo
buuxin kara rabitaanka iyo koriinka cunuga, intaas waxaa dheer in ay caanaha
hooyadu ka kooban yihiin walxo badan oo kordhiya difaaca cunuga, kuwaas oo inta
badan dib u dhiga ama ka hortaga cudarada ay ka mid ka yihiin
1) cudurka dabeysha (polio)
2) Hargab (flu)
3) Dhega xanuun (otitis)
4) Cudurada ku dhaca habdhiska Neefsashada ( Respiratory tract Infections)
5) iyo cudurada caloosha, Xiidmaha iyo marinka cuntada (Gastrointestinal tract
infections)
Waxaa waayadan danbe soo soo kordhayay in
hooyooyinku aysan nuujin ilmahooda hadii ay nuujiyaana aysan nuujin mudadii iyo
waqtigii ku haboonaa oo ay durbaba Mujuruc iyo masaasad ku quudin ku bilaabaan.
Run ahaantii waxtarka caanaha hooyadu ma ahan mid ku kooban intaas aan soo
sheegnay balse waxay kale oo leeyihiin caanaha hooyadu faa’iidoyinka soo socda.
1) Caanaha hooyada waxaa ku jira qaar ka mid
unugyada difaaca jirka oo uusan cunugu sameysan Karin bilaha u horeya
noloshiisa sida IgA, IgM iyo IgG , sidoo kale caanaha hooyadu waxaa laga helaa
borotiino la falgala birta jirka (iron binding proteins) loona yaqaan
Lactoferins, isugeyoo unugyadan iyo borotiinadan waxa ay hakiyaan taranka iyo
koritaanka noocyo ka mid ah bagteeriyada laga helo xiidmaha bani’aadmiga,
bagteeriyadan ayaa inta badan u keenta cuduro uu shubanku ugu horeeyo caruurta
la siiyo caanaha dadsameyga (Formula Milk).
TUUR MASAASADA OO NUUJI CUNUGAAGA |
2) Saxarada ilmaha naaska la siiyo ayaa ah mid Aysiidh ah kana kooban maado loo
yaqaan Acetate buffer, maadada Acetate buffer ee laga helo saxarada Ilmaha
naaska la siiyo ayaa waxa ay ka hortagaa koritaanka iyo waxyeelada Noocyo badan
oo Bagateeriyada ka mid ah oo la isku yiraahdo Gram negative Bacteria taas oo
inta badan Qatar ba’an iyo cudura halis ah u keenta Ilmaha aan naaska la niijin.
3) Caanaha hooyadu waxay kaloo ka kooban yihiin macdano miisan oo aan qashin
saarka ilmaha dhib weyn u geysan Karin siiba kelyaha, meesha ay caanaha dad
sameyga ahi ka kooban yihiin macdano fara badan oo halis gelin kara kelyaha
ilmaha, maxaa yeelay kelyaha ayaa ah xubinta jirka u qaabilsan qashin saarka
macdanaha iyada oo raacineysa kaadida wax alaale iyo wixii macaadin ah ee jirka
siyaada ku ah.
4) Sidoo kale caanaha hooyada ayaa qani ku ah dux aan dheregdhaafsaneyn
(Unsaturated Fatty acid) taas oo ka qeyb qaatada koritaanka maskaxda iyo
garaadka cunuga halka ay caanaha dad sameyga ah aad ugu yartay dux-dani amaba
aan lagu ogeyn qaarkood.
Ilamaha lagu quudiyo masaasada (Mujuruca) ayaa
inta badan aad u cayila una nugul cuduro badan oo faafa marka loo barbar dhigo
Ilmaha naaska hooyadii la siiyo.
Shaxdan hoose ayaan waxaan ku muujineynaa sida
ay ugu kala nugul yihiin cudarada inta badan ilmaha ku dhaca Cunuga naaska la
siiyo iyo midka masaasada lagu quudiyo.
Cudurka Ama Jirada |
Ilmaha Naaska la
siiyo |
Ilmaha Masaasada la siiyo |
Dhega xanuun |
3.7% |
9.1% |
Cudurada Ku dhaca sanbadada iyo
feeraha |
1.1% |
5.6% |
Shubanka iyo
mataga |
3.5% |
6.9% |
Inta Goor ee cusbitaal ama takhtar loo
geeyo |
1.1% |
5.6% |
Wadarta
guud |
8.2% |
21.1% |
Faa’iidooyinka kale ee naasnuujintu leedahay ayaa waxaa ka
mid ah nadaaminta iyo kala fogeynta ilmaha, maxaa yeelay jiqida ama nuugista
cunugu uu naaska nuugayaa waxa ay carisaa unugyada maskaxda kuwaas oo sii daaya
hormoonka loo yaqaan Prolactin, hormoonkan ayaa inta badan hakiya in hooyadu
hesho dhiiga billaha ah (caadada) teedana in aysan hooyadu qaadin uur inta uu
ilmuhu nuugayo (waa hadii si joogta ah ilmaha loo nuujiyo).
Hooyooyin badan baa laga yaabaa in ay ku
andacoodaan in ay naasahoodu laheyn caano ku filan cunugooda, hadaba si aysan
taasi u dhicin hooyadu waa in ay isticmaashaa cabitaan badan cunugana naaska
ugu dhigtaa si joogta ah si uu naasku ula qabsado nuugista cunuga una dhiiqo
caana badan.
Hooyada Ilmaha nuujineysaa ma haboona in ay
isticmaashaa cabitaanka Kafeyga, sigaarka, iyo daawooyin aan takhtar u qorin,
maxaa yeelay kafeyga iyo daawooyinka qaarkood ayaa ka kooban maadada daroogada
ah ee loo yaqaan caffeine, maadadan oo maskaxda cunugu wax yeeli karta.
Sidoo kale Nuujinta ilmahu waxay abuurtaa jaceyl, farxad iyo reyeyn dhexmarta
ilmaha iyo hooyadii taas oo laga yaabo in ay ka duwanaado mida dhex marta
ilmaha masaasada la siiyo iyo hooyadii..
ISLAAMKA IYO NUUJINTA ILMAHA.
HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!!!!
Guji....
|
Diinta islaamka ee sharafta badan ayaa ah
nidaam nololeed oo kaamil ah oo uu ALLAAH ugu tala galay in ay ahaato dastuurka
dhabta ah ee ay tahay qof kasta oo muslim ahi in uu ka dhinbila qaato, balse
nasiib daro muslimiinta maanta joogta ayaa noqday dad maskaxda laga gumeystay
aadna moodaa in aysanba ku fekereyn sidii ay duliga saaran uga bixi lahaayeen,
qaar badan oo dadyowga muslimka ahi waxayba u arkaan Kitaabka Qur’aanku in uu
yahay mid aan la jaanqaadi Karin casriga tignoolojiga, mase oga in uu quraanku
yahay masdarka (source) habab nololeed casri walba iyo xili kasta la socon kara
.
Hadaba ALLAAH waxaa uu Quraanka Kariimka ah noogu tilmaamay inta ugu haboon oo
ay tahay hooyadu in ay nuujiso cunugeeda, ogowna ALLAHA sameeyey caanaha hooyada
ayaa uga aqoon badan cidwalba inta ugu haboon ee ay tahay in ilmaha la nuujiyaa,
Rabi waxaa noogu sheegay suuratul baqara ayaada 233aad ( WAALIDIINTU HA
NUUJIYAAN ILMAHOODA LABA SANDOOD, HADII DOONAYAAN IN AY NUUJINTA U
DHAMEYSTIRAAN ILMAHOODA) sidoo kale waxaa uu ALLAAH noogu tilmaamay suuratul
Luqmaan aayada 14aad iyo suuratul Al-axqaaf ayaada 15aad in ay nuujinta ilamahu
tahay Laba sanadood.
Ugu danbeyntii waxaan aad ugula talinayaa
hooyooyinka soomaaliyeed iyo dhamaan hooyooyin muslimiinta ah in ay caruurtooda
nuujiyaan labasanood si loo helo jiil caafimaad qaba, nuujintan ayaa ah mid wax
badan ka tareysa nadaaminta caruurta oran maayo xakameynta taranka sida ay
gaaladu aaminsan yihiin, waayo muslimiintu waxay u baahan yahay taran fiyow oo
joogta ah.
Gabagabadu waa:
TUUR MASAASADA OO NUUJI CUNUGAAGA.
Qaybihii
hore | AIDS
| CHOLERA |
SOKOROW | JABTO
W.Q. Faarax Axmed Muuse | colow30@hotmail.com
Master of Clinical Microbiology, University of Karachi
March 12, 2004
LIFAAQ:
Bahda SomaliTalk waxay gacmo furan kusoo
dhoweynayaan dhammaan aqoonyahanka Soomaaliyeed ee bartay qaybaha kala duwan ee
cilmiga anfacaya bulshada in ay cilmigaas la qaybsadaan bulshada, SomaliTalk.com
diyaar ayey u yihiin in ay soo bandhigaan cilmiga manaafacaadka leh ee
aqoonyahayka Soomaaliyeed. Cilmi waxaa ugu wanaagsan kan laga sii faa'iido.
|