Cudurka Sonkorowga
(diabetes)
W.Q. Faarax Axmed Muuse
| colow30@hotmail.com
M.Sc Clinical Microbiology, University of Karachi
Faafin: www.SomaliTalk.com
Qaybtii 3aad ee Wacyigelinta
Caafimaadka | AIDS
| CHOLERA
Cudurka sonkorowga ayay dad badan oo dunida
guudkeeda ku nooli ka sheeganayaan, waayadan danbena tirada soomaalida sonkorta
qabta ayaa sii kordheysa sanadba sanadka ka danbeya.
Fikrada ay dad badani ka heystaan waxa uu
yahay cudurka sonkorowga ayaad moodaa in ay wax badani ka qaldan yihiin,hadaba
qoraalkeygan ayaan doonayaa in aan wax kaga iraahdo waxa uu yahay cudurka
sonkorowgu, waxa keena, inta qeybood oo uu qeybsamo,Calaamdaha uu caanka ku
yahay iyo waxyaabo kale oo badan, waxaana isku dayi doonaa in aan usoo bandhigo
si fudud oo qof walbi u fahmi karo.
Cudurka sonkorowga ayaa ka dhasha khalal ku
yimaada qaabka uu jirku u burburiyo ama u sameysto nafaqooyinka uu u baahan
yahay ( Metabolic disorder) taas oo ugu danbeyntii sababta in xadiga sonkorta
ee dhiiga la socdaa kor u kaco (hyperglycemia) ama hoos u dhaco (hypoglycemia)
kor u kacaas ama hoos u dhacaas oo ku xiran hadba nooca khalalka ah ee jirka ku
dhaca,waxaana uga hadli doonaa si faahfaahsan.
Sonkorta ayaa ah isha ugu wanaagsan ee uu
jirka aadanuhu tamarta ka sameysto, waxaa jira noocyo fara badan oo sonkor ah
balse mida ugu badan oo uu jirku isticmaalaa waa mida loo yaqaan kuluukoos
(glucose), xubnaha isticmaala sonkorta ugu badan ayaa waxa ka mid ah 1)
Maskaxda 2) Murugyada 3) Habdhiska lafaha (skeleton system) iyo xubna kale oo
muhiin ah, xadiga caadiga ah ee sonkor ah oo dhiiga qofka caafimaadka qaba la
socda ayaa ah 80 ilaa 110 milligram oo sonkor ah 100-kii mililitir oo dhiig
ahba (80-110mg/dl).
Maalin walba waxaan isticmaalnaa xadi sonkor
ah oo badan, hadaba suaasha meesha taal ayaa ah xagee ayay aaday sonkortii
badneyd ee aan isticmaanay? maxaase maamula in aysan sonkorta qofka aan cudurka
sonkorowga qabani xadigeedii caadiga ahaa aysan ka badan ?. waxaynu wada
ognahay in falgal kasta iyo shaqo kasta oo jirka aadanaha ka dhaca uu RABI ugu
talagalay qaab loo maamulo, hadaba isticmaalka, keydinta, iyo sameysiga
sonkorta ee jirka waxaa maamula laba hormoon oo laga soo daayo unugyada ganaca
(pancreas cells) kuwaas oo kala ah 1) Insulin oo laga soo daayo unugyada ganaca
ee loo yaqaan Beta cells. 2) Kuluukagon (glucagon) oo isna laga soo daayo
Unugyada loo yaqaan Alpha cells ee Ganaca.
Shaqooyinka ay qabtaan labadan hormoon ayaa ah
kuwa liddi isku ah waayo hormoonka insulin waxa uu hoos u dhigaa xadiga
sonkorta ee dhiiga la socota marka ay dhaafto xadigeedii caadiga ahaa, su’aasha
is weydiinta mudan ayaa ah sidee buu hormoonkani hoos u dhigaa xadiga sonkorta
ee dhiiga? Mar alaale iyo markii ay sonkorta dhiigu (blood glucose level)
dhaafto xadigii caadiga ahaa ayaa waxaa la carriyaa unugyada ganaca ee loo
yaqaan Beta cells in ay soo daayaan hormoonka insulin kaas oo durbadiiba qabta
ama fududeya shaqooyinkan soo socda. 1)- In ay unugyo badan (cells), nudayaal
(tissues), xubna badan (organs) oo jirka ka mid ahi sonkorta ka nuugaan dhiiga
. 2)- In sonkor badan (glucose) si deg-deg ah loogu bedelo tamar geydsan
(glycogen), taas oo uu jirku dib u isticmaalo xiliyada gaajada amaba xiliyada
ay sonkorta dhiigu ay hoos u kacdo. 3- In hoos loo dhigo burburinta
Kaarboonhaydarayada (cuntooyinka sonkorta leh sida Macmacaanada,Bariiska,
Baastada iyo IWM) si aan sonkor badan oo kale jirka loogu soo darin. Intaas oo
shaqo ah marka uu hormoonka insuliinku qabto ayaa waxaa dhacda in sonkortii
dhiiga la socotay ay ku soo noqoto xadigeedii caadiga ahaa, unugyada ganacuna
hakiyaan soodeyntii hormoonka Insuliinka.
Hadaba khalal ku yimaada soo deynta hormoonka
insuliinka amaba carqaladeyn ku timaada hanaanka shaqadiisa ayaa waxay sababtaa
sonkorta dhiiga oo kor u kacda (hyperglycemia) ama hoos u dhacda (Hypoglycemia)
taas oo inta badan aasaas u ah waxa loo yaqaan cudurka sonkorowga (Diabetes
mellitus).
Mar hadii ay shaqada insuliinku sidaa tahay
waa maxay shaqada hormoonka kuluukagon (glucugon)? Xiliga uu qofku gaajeysan
yahay amaba uusan qaadan wax cunto ah oo sonkor leh ayaa waxaa hoos u dhaca
sonkorta dhiiga, marka si sonkorta loogu soo celiyo xadigeedii caadiga ahaa
ayaa waxaa la cariyaa unugyada ganaca ee loo yaqaan Alpha cells kuwaas oo
bilaaba in ay soo daayaan hormoonka kuulukagon, islamarkiiba hormoonkani waxa
uu qabtaa howlahan. 1)- sonkortii keydsaneyd (glycogen) ee jirka ayuu u bedelaa
sonkorta loo yaqaan kuluukoos (glucose) taas oo keenta in sonkortii dhiiga la
socotay kor u kacdo ilaa ay ka gaadho xadigii caadiga ahaa. 2)- Waxa uu cariyaa
in Duxda (lipids) iyo borotiinkii (proteins) loo bedelo sonkor (glucose)
taasina waxa ay dhacdaa xiliga macaluusha ama gaajada siyaadada ah waqtigaas oo
sonkortii keydsaneyd ee jirka loo isticmaalay tamar ahaan, u bedelida duxda iyo
borotiinka loo bedelaa sonkor (Glucose) waxa ay kor u qaadaa sonkortii dhiiga
ee hoos u dhacday. Mar hadii ay sonkortii dhiigu (blood Glucose level) ay ku
soo noqoto xadigeedii caadiga ahaa unugyada Alpha cells ee ganacu waxay ay
hakiyaan soo deyntii hormoonka kuulukogon (glucugon).
Intaas hadii aan ku dhaafno qaabka loo
xakameyosonkorta jirka qofka caafimaad qaba, aan u soo noqono maxaa keena in
sonkorta qofka cudurka sonkorta qabaa ay inta badan ka sareyso xadigeedii
caadiga ahaa ee loo baahnaa in uu dhiiga la socdo.
Maxaa sababa cudurka sonkorowga (diabetes
mellitus).
Sidii aan hore u soo sheegnay sonkorta jirka
ayaa waxaa xakameya oo ku ilaaliya inaysan dhaafin ama hoos uga dhicin
xadigeedii caadiga ahaa hormoonada kala ah Insuliin iyo kulukogon (glucogon),
hadaba khalal ku yimaada sameynta, soodeynta, iyo hanaanka shaqada ee
hormoonadan ayaa aasaasi u ah cudurka sonkorowga, khalaalkaasi waxa uu ahaan
karaa.
1. howl gab ku yimaada unugyada ganaca ee loo
yaqaan beta cells kuwaas oo soo daaya hormoonka insuliinka, howl gabkaas oo
sababa in aan wax insulin ah aan la soo deyn ka dibna sonkortii jirka ay kor u
kacdo maadama uusan jirin hormoonkii xakameyn lahaa, sonkorowga noocan oo kale
ah ayaa waxaa loo yaqaan Nooca kowaad ee cudurka sonkorowga ( Type I diabetes)
bukaha sonkorta noocan oo kale ah qabaa waxaa u baahan in si joogta ah loogu
turqo hormoonka Insuliinka. 2. unugyada jirka ee u qeybsan in ay qaabilaan
(receptor cells) hormoonka insuliinka oo howshoodii qaabilitaanku hoos u dhacdo,
sababana carqaladeyn ku timaado howshii hormoonka insuliinka , taas oo keenta
xadigii sonkorta dhiiga oo kor u kacda , sonkorowga noocan oo kale ah ayaa
waxaa loo yaqaan Nooca labaad ee cudurka sonkorowga (Type II diabetes),
sonkorowga noocan oo kale ah ayaa inta badan ka sahlan midkii aan hore u soo
sheegnay inta badana ku dhaca dadka da’doodu ka weyn tahay Afartan jir iyo
dadka aadka u buurbuuran (Obesity), bukaha qaba nooca labaad ee sonkorowgu uma
baahna in lagu turqo hormoonka insuliinka, hanaanka loo maamulo bukaha
sonkorowa noocan oo kale ah qabana dib ayaan uga hadli doonaa . ogow in cudurka
sonkorowgu uu ka mid yahay cudarada la is dhacal siiyo oo lagu qaado hidaha.
Calaamadaha uu caanka ku yahay cudurka
sonkorowgu.
Calaamadaha in badan lagu arko bukaha
sonkorowga qaba ayaa waxaa ka mid ah. · Kaadi macaan (glucosuria) · Kaadi
badan oo xadhaaf, qofka oo labadii saacba mar kaadsha (Polyuria) · Haraad fara
badan (Polydipsia) · Gaajo fara badan (ployphagia) · Miisaanka qofka oo hoos
u dhaca ( weight loss) · Hamiga galmada ee raga oo hoos u dhaca (impotence) ·
Daal (fatigue) · Qaleyl ama cuncun jirka ah ( dry or itchy skin) · Aragtida
oo shucaac ama ciiro gasho (blurry vision) · Afka oo qalala (dry mounth).
Xakameynta sonkorta bukaha cudurka
sonkorowga qaba.
Sidii aan horeba u soo sheegnay cudurka
sonkorowga (diabetes mellitus) waxaa uu u qeysamaa laba qeybood oo Kala ah 1)
Nooca kowaad ee sonkorowga ( type I diabetes mellitus) 2) Nooca labaad ee
sonkorowga ( type II diabetes mellitus). Xakameynta sonkorta bukaha sonkorowga
qabaana waxa ay ku xiran tahay hadba nooca sonkorowga ee uu qabo tusaale ahaan
bukaha qaba nooca kowaad ee sonkorowgu waxaa uu u baahan in si joogta ah loogu
turqo hormoonka insuliinka si loo xakamey sonkorta jirkiisa, ku turqida
hormoonkan ayaana iyana u baahan in la isticmaalo xadi go’an oo uu dakhtar
qeexay sidoo kale bukuhu sonkorowga noocan oo kale qabaa waa in uu ka fogaadaa
isticmaalka sonkorta iyo cuntooyinka sonkorta leh.
Waxaa iyadu in badan fudud xakameynta sonkorta
bukaha nooca labaad ee sonkorowga qaba maxaa yeelay bukaha Sonkorowga noocan oo
kale ah qabaa uma baahna in lagu turqo hormoonka insuliinka ee waxaa
sonkortiisa lagu ilaalin karaa iyada oo la xakameyo cuntooyinka uu isticmaalayo,
in uu sameyo orod iyo socod (fiyaato), in uu si joogta ah ula socdo xadiga
sonkortiisu mareyso maalin walba waxaa jira dawooyin ka qeyb qaata hoos u
dhigata sonkorta bukaha Sonkorowga noocan oo kale ah qaba , daawooyinkaasna
waxaa lama huraan ah in uu takhtar qoraa oo xadidaa xadigu uu bukuhu isticmaali
karo.
Mowduucan oo runtii ah mowduuc aad u balaaran
aana lagu soo koobi Karin hal qoraal iyo wax la mid ah waayo waxaa jira noocyo
kale oo cudurka sonkorowga ka mid ah oo aanan qoraalkan uga hadlin sababa jira
owgood, si kastaba xaaladu ha ahaatee waxaan rajaynayaa in qofkii aqriyaa
qoraalkan uu ka heli doono fikrad kooban oo ku saabasan waxa uu yahay cudurka
sonkorowgu.
QAYBTII: 1aad[AIDS]
| 2aad[CHOLERA]
W.Q. Faarax Axmed Muuse | colow30@hotmail.com
Master of Clinical Microbiology, University of Karachi
June 22, 2003
LIFAAQ:
Bahda SomaliTalk waxay gacmo furan kusoo
dhoweynayaan dhammaan aqoonyahanka Soomaaliyeed ee bartay qaybaha kala duwan ee
cilmiga anfacaya bulshada in ay cilmigaas la qaybsadaan bulshada, SomaliTalk.com
diyaar ayey u yihiin in ay soo bandhigaan cilmiga manaafacaadka leh ee
aqoonyahayka Soomaaliyeed. Cilmi waxaa ugu wanaagsan kan laga sii faa'iido.
|