SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (3)

Siciid Cali Axmed | Saidahmed67@aol.com | Ottawa, Canada

September 10, 2002

Dhibaatooyinka Qoyska (II)  

Q aybtii labaad ee silsilada maqaaladan waxa aan ku faalaynay qaar ka mida dhibaatooyinka ka hor yimid qoyska Soomaliyeed ee qurbaha deggan. Hadii Alle yidhaa qaybtani waxa ay dhamystir u tahay qaybtii labaad ee silsilada maqaladan.

Caydh ama Saboolnimo

Soomaalida qurbaha soo degtay badiba waxa ay ahaayeen dabaqadii ugu saraysay Soomaalida xag dhaqaale iyo xag tacliimeedba. Qaxootinimadu waxa ay sababtay in  isbadal wayni uu ku yimaado arinkan. Halkii ay ka ahaayeen dabaqada ugu sarysa mujtamca waxa ay badiba ka mid noqdeen dabaqadaha ugu hooseeya ee mujtamcayada ay la soo degeen. Isbadalkan dabaqadeed ee ku dhacay nolosha qoyska Soomaaliga aragtidayda aad looma fahmin. Si kor loogu soo qaado maceeshada aqalka waxa dhacday in ay qoysku isku dayeen in ay helaan qaabab (habab)  lagu kordhiyo dakhliga qoyska. Hababkan waxa ka mida kii aan kaga soo hadalay maqaalkii hore (hooyada kaliga ah). Waxa kale oo ka mida in  hooyooyin badani ay bilaabeen in   ay xoogsi tagaan. Mararka qaarkoodna waxaa dhacda in ay raggu u shaqa tagaan meelo ka fogfog meelaha ay qoyskoodu ku noolyihiin. Arimahaas oo dhamina waxa ay dhaawac ku keeneen xidhiidhka qoyska iyo tarbiyada ubbadka.

Khilaafaadka Qoyska

Khilafaadku waa shay dabiiciya oo ka dhexdhaca aqal kasta. Lakiin waxa jira khilaafaad ay sabab u yihiin duruufaha qurbuhu. Khilafaadka ugu waaweeyn ee Soomaalida qurbaha deggan waxa ka mida in ninku uu xaaskiisa ku tuhmo in ayna u ixtiraamayn sidii ay u ixtiraami jirtay waqtigii dhulkii la joogay. Waxa ka mida in ninku is tusiyo in xaasku ay kula tartamayso masuuliyada aqalka. Waxa ka mida in ay gabadhu is tusiso in ninku uu aqalka iska dhex fadhiyo wax caawimo ahna aanu ku siinayan korinta caruurta iyo shaqada aqalka oo dhan. Khilaafaadkaa yar yar ee kor ku qoran iyo kuwa la mida  oo aan sidaa u waa weyneeyn ayaa waxa ay mararka qaarkood keenaan in Boolis la isugu yeedho oo raga qaar ku mutyastaan xadhig taas oo keenta in raga ay ku dhacdo arintaasi ay kaba tagaan aqaladoodii .

Balwada

Balwadu waxa ay ka mid tahay arimaha keena khilaafaadka qoysaska . Dhibaatooyinka bulsho ee Soomaalida ku haysata dibad iyo guddaba aragtidayda  waxa ka mida balwada Qaadka taas oo  lagu ibtileeyay in aan yarayn oo ka mida raga Soomaaliyeed. Markii wadankii la joogay waxaa dhici jitrtay in ninku uu ku cuno qaadka lacagta uu soo shaqaysto ama soo shaxaado. Waxa ay arintani mushkilad noqotay marka uu ninkii doono in uu ku qayilo waxoogaaygii yaraa ee reerku soo xamaalanayeen amaba macaawinadii yarayd ee ay ka helayeen dawlada taas oo aan quudka reerkaba  ku filayn. Waxa aan arkay reer Soomaaliyeed oo 8 caruura haysata oo ku kala tagay ninkii oo raba in uu qayilo iyo gabadhii  oo leh lacagta caanaha caruurta kuma qayilaysid. Balwada qaadku waxa ay ahaan jirtay mid ku kooban ragga Soomaaliyeed laakiin maalmahan danbe waxa soo badanaya hadalada sheegaya in musiibadani ay qaar ka mida dumarka Soomaaliyeed u gudubtay.

Balwadaha kale ee dhaawaca soo gaadhsiiyay xidhiidhka qoyska waxa ka mida balwada loo yaqaan badeecada oo iyadu noqotay arin dumarka qaarkood ay aad u isticmaalaan wadamada qaarkood. Sidaas oo kale waxa jirta arin ayna dad badani u arag balwada laakiin aniga ila ah balwad taas oo ah xafladaha ay dumarku ku soo jeedaan habaynkii, xafladahaasi ha noqdaan xafladaha aroosyada amaba ha noqdaan xaflado kale oo munaasabooyin kale loo samaystaba.  

Gabagabo

Arimaha aan maqaalkan iyo kii ka horeeyayba kaga hadalaya waa turunturooyin horyaala aqalka Soomaaliyeed. Hadii aan la dawayn ama  laga hor tagina waxa ay saamayn wayn ku yeelan doonaan mustaqablaka jaaliyada Soomaaliyeed.  

Hadiii Alle yidhaa maqaal kale ayaan ku eegi doonaa mid kale oo ka mida dhibaatooyinka horyaal jaaliyada.

Qoraalkii 2aad... Qoraalka 4aad....

Mahadsanidin


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com
Ottawa , Kanada 

Faafin: SomaliTalk.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

.....Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

Madaxweynaha France oo Mamnuucay Khimaarka
Arbacadii ayuu mamnuucay khimaarka Muslimiinta ee
Guji
Waa Maxay Cudurka "Mad Cow"
Cudurkaas oo hadda soo gaarey Maraykanka.. Guji

Taariikhda Muhammed Ali
Yaa ka fekerayey in baaskiil la xaday uu ahaa furaha bilowgii guulahii Muhammad Ali? Guji
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna .. Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji
USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

Dhul-beeraadkii Soomaaliya oo lagu beeray Daroogo...

Dal Biyo La'aan ah Degaan ahaana La Qurmiyey
Jamhuuriyada Soomaaliyeed waa hooyga budcada
Cabasho Shaneemooyinka Xamar iyo aflaamnta Jinsiga

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD