SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (2)

Siciid Cali Axmed | Saidahmed67@aol.com | Ottawa, Canada

august 12, 2002

Mushkiladaha qoyska

Qaybtii kowaad ee silsilada maqaaladan waxa aan kaga hadlay qaar ka mida dhibaatooyinka jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Galbeedka ka haysata barbaarinta ubadaka. Qaybtan hadii Alle yidhaa waxaan ku faalayn doonaa dhibatooyinka horyaala qoyska Soomaaliyeed.

Qoyska Soomaaliyeed Qurbaha ka hor

Aqalka Soomaaligu markii la joogay dhulkii wuxuu ahaa aqal ay u dhan yihiin dhamaanba tiirarkii uu aqal ku dhismi lahaa. Wuxuu ahaa aqal masuuliyadiisa ay wadaagaan reerka oo dhami. Masuuliyada guud ee aqalku badiba waxa ay dusha ka saarnayd aabaha. Qayb wayn oo masuuliyada aabuhuna waxa ay ahayd in uu dibada ka soo shaqeeyo soona dabaro masruufka reerka. Hooyadu waxa ay mas’uul ka ahyd kala socodsiinta arimaha aqalka. Tarbiyada caruurtu waxa ay ahayd mid ay labada waalid iska kaashadaan. Qoysaska dibada u soo qaxay oo badidoodu yihiin intii ugu ladnayd Soomaalida waxa aqaldooda joogay shaqaale caawiya hooyada. Inkasta oo xalinta mushkiladaha reerku ay markasta dusha ka saarnayd labada waalid, hadana markii ay ku adkaato in ay xaliyaan dhibaatooyinka soo foodsaara qoyska waxa ay haysteen meelo ay ula noqdaan. Awoowga, ayayda, adeerka, abtiga iyo dhamaanba qaraabadu waxa ay ahaayeen kuwii door wayn ka ciyaara xalinta mushkilada reeraha. Mushkilado waa ay jireen dhulkii, laakiin mushkiladahaas qoysku waxa ay ahaayeen kuwo kooban, inta badana xal baa loo heli jiray burburna ma ku keeni jirin qoyska

Qurbaha Iyo Qoyska:

Isbadalka ku yimaada qayb ka mida nolasha qofku waxa uu saameeyaa dhamaanba qaybaha kale ee hab nololeedka qofkaas. Qoxootinimaduna shaki la’aan waxa ay saamaysay guud ahaanba nolasha dadka soomaaliyeed ee dibada u soo qaxay. Aqalku, aragtidayda waa meelaha uu is badalkani sida wayn u taabtay. Dhinacyo badan ayuu ka taabtay, waxaase ugu muhiimsan kawan :

Aqal Hooyo Kaliya (Single Mother)

Tirakooboyo lagu sameeyay Somaalida ku nool Galbeedku waxa ay sheegayaan in badiba aqalada Soomaalidu ay yihiin aqalo uu waalid kaliyi masuul ka yahay. Sagaashan iyo sagaal boqolkiibana waalidkaasi waa hooyo. Asbaabaha ay ku dhacday arintani ma aha ujeedada waraqadan, waxaanse shaki ku jirin in arintani ay mushkilado u keentay qoyska Soomaaliyeed. Mushkiladahaa ay keentay waxaa ka mida:

Barbaarinta Caruurta

Hooyo kaliya, haysa 4 , 5 ,6,… caruura, mujtamacyadan ku dhex nool, aan ciidan caawiya haysan, mustawaheeda cilmi hooseeyo oo aan dhaqaalo fiican haysani waxa ay sababtay hoos u dhaca tarbiyadeed ee ku dhacay qaar ka mida ubadka Soomaaliyeed. Waraqad laga qoray dadka madow ee Marykanka ah oo aan dhawaan akhriyay ayaa waxa ay faalaynaysay sababaha keenay in 11% dadka madaw ee Marykanka ahi ay masuul ka yihiin 50% dilka ka dhaca wadankaa. Sababo dhawr ah ayay waraaqdu sheegtay laakiin ta asaaska ahi waxa ay ahayd burburka qoyska ee hasyta dadka madow. Waxa ay sheegtay waraqadaasi in dadka u xidhan danbiyada waawayn sida dilka iyo daroogadu ay badiba yihiin qaar ku soo koray aqalo aan AABO joogin.

Hadii aad tahay dadka ka dhex shaqeeya arimaha jaaliyada waxaan filayaa in aanay kaa qarsoonayn xidhihdka ka dhexeeya aqal ka cararka, danbiyada , saaqidnimada iskuulka iyo AQALKA ay caruurtu ku korayaan. Aabuhu door wayn ayuu ku leeyhay tarbiyada caruurtiisa, maqnaanshihiisuna waxa ay keentay hoosu dhaca tarbiyadeed ee aad ka dereemi karto ubudka aanu aabuhu la joogin Ma lihi hooyo kasta oo kaliya (single mother) tarbiyada caruurteedu waa ay xumaan sidaas oo kele ma lihi joogitaanka aabaha ayaa caruurta badbaadinya. Badbaadinta caruurtu waa ay ka wayntahay joogitaanka shaqsi ee aabaha iyo hooyada. Waxa ay u baahantahay dadaal xoog leh oyo kaalmada Alle. Dadaalka ay u baahantahayna waa mid la rabo in hooyada iyo aabuhu ay si isku mida uga qayb qaataan. Hadii hooyada uu dadaalkani kaligeed ku soo baxsadana waxa ay tajaaribtu sheegaysaa in shaqadani ay culays wayn ku tahay hooyada . Waana dhibtaa ta ka muuqata qoysas badan oo aabuhu ka maqanyahay.

Burburka Qoysaka

Badbaadinta qoysku waa masuuliyad si siman u saaran labada waalid. Maqnaanshaha aabuhu (si dhab ah ama si khayaali ah) uu uga maqanyahay aqalkuna waxa ay sababtay burburka aqalo aan yarayn oo Soomaaliyeed. Nin Sheekh ah oo magaalada aan degenahay degan ayaa waxa uu sheegay in usbuuc kaliya uu lix dumara oo Soomaaliyeed ka fasaqay odayadoodii. Sababaha keenay in dumarkan ay sidaa yeelaan waxa ay tahay maqnaanshaha ragau ay aqaladoodii ka maqan yihiin mudada dheer. Mararka qaarkood waxaaba laga yaabaa in inta ay dhulkii ku noqdeen ayba reero kale halkaas ku yeesheen kuwii halkan joogayna iskaba ilaaween. Taas oo sababta mararka qaarkood burburka qoyskaas.

Hadii ay jiraan duruufo arintan kalifaysa (sida in gabadhii ay ka soo hormarto odaygeeda) waa mid la aqbali karo waana mid dhamaanaysa , laakiin marka ay hooyada kaliga ahi (single mother) tahay mid la sameeyay oo khayaaliya (waad fahmi kartaa waxaan u jeedo) wa taa ta maanta aqalo badan oo Soomaaliyeed burburisay.

Xaalada Nafsiga Ee Hooyada

Aqal Waxaa loo unkaa in lagu deggo. Labadii qof ee wada noolaa hadii mid la waayona waxa lumaya ujeedadii aqalka (daganaanshihii). Hooyada kalida ahi (single mother) waxa ay keentay in shucuurtii ama xaaladii nafsi ee hooyada soomaaliyeed uu dhaawac soo gaadho. Dhaawacaas nafsiga ahina waxa uu saameeyay noloshii qoyska ay hooyadaasi masuulka ka tahay. 

Waa socotaa….

Dhibaatooyinka kale ee hor yaala qoyska waa maawduuca qaybta soo socota ee maqaaladan. 

Fiiro Gaar ah

Maqaaladani waxa ay ku dhisan yihiin tajribadayda 10 kii sano ee aan ku noolaa wadanka Kanada iyo waliba siyaarooyin aan ku tagay meelo ka mida wadamada Soomaaidu degaan. Wixii macluumaad ah ee mawaadiicdan ku saabsan iyo wixii tao ahaba waxaad iigu soo diri kartaa e-mailka hoos ku qoran 

Waa socotaa…… Guji halkan....

Qoraalkii 1aad... Qoraalka 3aad....

Mahadsanidin


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com
Ottawa , Kanada 

Faafin: SomaliTalk.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

.....Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

Madaxweynaha France oo Mamnuucay Khimaarka
Arbacadii ayuu mamnuucay khimaarka Muslimiinta ee
Guji
Waa Maxay Cudurka "Mad Cow"
Cudurkaas oo hadda soo gaarey Maraykanka.. Guji

Taariikhda Muhammed Ali
Yaa ka fekerayey in baaskiil la xaday uu ahaa furaha bilowgii guulahii Muhammad Ali? Guji
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna .. Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji
USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

Dhul-beeraadkii Soomaaliya oo lagu beeray Daroogo...

Dal Biyo La'aan ah Degaan ahaana La Qurmiyey
Jamhuuriyada Soomaaliyeed waa hooyga budcada
Cabasho Shaneemooyinka Xamar iyo aflaamnta Jinsiga

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD