w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
-
CANADA
|
Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (1)
Siciid
Cali Axmed |
Saidahmed67@aol.com
| Ottawa, Canada
July 8, 2002
Closings of
cash transfers businesses spurs Somalis to depart Nashville
Abdi Ali said he is unable
to wire money from Nashville to his family in Somalia since the closure of
Dahabshil Inc. Although he has lived in Nashville for several years, Ali said
he is seriously contemplating moving to Atlanta.
Read at
tennessean.com
|
Sida la wada ogyahayba dhibaatadii ka dhacday Soomaaliya waxa
ay keentay in dad aan yarayn oo Soomaali ahi ay ka cararaan degaanadoodii. In
badan oo dadkaas ahi waxa ay hoy ka dhigteen Wadamada Galbeedka. Guulo badan
ayay gaadhay jaaliyadu mudadii yarayd ee ay deganayd Galbeedka, sidaas oo kale
carqaldo badan ayay kula kulmeen qurbaha. Maqaalkan waxa aan ku taataaban doonaa
qaar ka midda carqaladaha ugu waaweeyn ee hor yaal jaaliyada Soomaaliyeed ee
Galbeedka ku nool .
Dhaqamo Cusub
Dadka soomaaliyeed ee yimid galbeedku waxa ay (badiba)
ahaayeen dad ku soo dhex koray mujtamac wadaaga diin, luqad iyo dhaqan kaliya (isku
mid ah). Wadamada Galbeedkase Soomaalidu waxa ay kula kulmeen mujtamacyo haysta
diimo, dhaqamo iyo luqado ka duwan kuwii ay yaqaaneen. Dhaqamadan cusubina waxa
ay saamayn ku yeesheen nolasha dadka Soomalida ee soo dagay dhulkan. Saamayntani
waxa ay keentay in jaaliyada dhexdeeda (khaasatan dhaliinyarada) mudooyinkan
danbe lagu dhex arko dhaqamo aanay Soomaalidu hore u aqoonin. Dhaqan gadoonkan
ku dhacay qaar ka mida jaaliyada khaasatan kuwooda soo koraya waa turunturo wayn
oo ka mida turunturooyinka horyaala dadaka Soomaaiyeed ee galbeedka deggan.
Barbaarinta Caruurta
In la soo saaro ubad ku dhaggan dhaqankooda iyo diintooda
iyaga oo isla markaa ka faa’idaysanaya fursadaha yaala wadamadan waa shaqo aan
fududayn oo u baahan hawl culus. In kasta oo korinta caruurtu ay sideedaba
wadamadan dhibteeda iska leedahay, hadana dhibtani waa ay sii labanalaabmaysaa
marka ay caruurtu yihiin qaar dhaqankooda iyo diintooduba khilaafsan yihiin inta
badan ee bulshada ay la degenyihiin. Hadii aad u kuur gasho xaalada da yarta
Soomaaliyeed ee qurbaha ku korayasa waxa jira dhibaatooyin dhawr ah oo
aragtidayda u baahan in lagu baraarugsanaado waxana laga qabto. Dhibaatooyinkaa
kuwooda ugu waawayn waxa ka mida:
Jaahilnimada Diinta
Diintu qofka Muslimka ah waxa ay nolashiisa ka ciyaartaa door
wayn. Dadka ku dhaqan Wadamada Galbeedka se in kasta oo ay diimo u
nasab sheegtaan hadana diintu raad wayn oo la sheegi karo kuma laha noloshooda.
Sababaha keenay arintan ( yacnii diintu in aanay raad wayn ku yeelan reer
galbeedka) ma aha mawduuca maqaalkan, laakiin waxa ay runtu tahay in jawiga
noocan ah ee ka jira Galbeedku uu saamayn wayn ku leeyahay barbaarinta diineed
ee ubadka Soomaaliyeed. . Maalin dhawyd anoo isku dayaya in aan ogaado aqoonta
diineed ee ubadka Soomaaliyeed ayaa waxa aan la kulmay ubad Soomaaliyedd oo da’doodu
u dhaxayso 8-15. Ubadkaa waxa aan waydiiyay in ay “ASHAHAATAAN”. Intooda
Badan iska daa in gartaan macnaheeda ee waxa ku adakayd ku dhawaaqideeda.
Arintani ma aha mid gooni ku ah ubadkan aan la kulmay ee waa mid haysata guud
ahaanba in badan oo ka mida ubadka Soomaaliyeed ee galbeedka ku dhaqanl Waxa
ayna arintanini ka turjumaysaa fahamka ay ubadkeenu u leeyihiin diintooda. Arin
kale oo u baahan in la tilmaamo waxa weeye, hadiia aad u fiirsato Masaajidada
iyo Macaamadaha Quraanka lagu barto waxa aad arkaysaa in dada u dhaxaysa (14-18)
ay ka maqanyihiin. Waxaad moodaa in ubadka intooda badani marka ay gaadhaan 14
ay ka koraan Quraanka iyo meelaha lagu hayo diinta. Da’dani waa d’da
musaqbalka jaaliyada Soomaaliyeed . Ka maqnaanshaha ay ka maqanyihiin meelaha
khayrka lagu hayana waxa ay keeni kartaa in mustaqblaka ay soo baxaan
dhaliinyaro magaca ka ah Muslim laakiin aanay jirin waxa ay ka og yihiin
Diintooda. Aragtidayda, tani waa caqabad iyana ugu yaraan mudan in lagu
baraarugsanaado.
Inta aanan nuqdadan ka bixin waxa haboon in la sheego in ay
wali jiraan dhalinyaro aad ugu dhagan dhaqankooda iyo diintooda, laakiin waa ay
yaryihiin .
Luqada
Ubadka Soomaalida ee ku koraya wadamadan intooda badani
luqadii hooyadood waa ay ka luntay. Tanina waxa ay keentay in uu daciifo
xidhiidhkii (communication) ay waalidiintu (oo intooda badani aanay si fiican u
aqoonin luqadaha ajnabiga) la lahaayeen ubadkooda (oon aan si fiican aqoon ugu
lahayn luqada waalidkooda). Wadan wadamada yurub ah oo aan tagay ayaa waxa aan
kula kulmay reer Soomaaliyeed oo haysata 10 caruura. Reerkaasi waxa aan ka
waayay ilmo kaliya oo ubadkoodaa ka mida oo ku hadala luqada waalidkii. Sidaas
oo kale waalidka caruurtaasi maysan ahayn qaar si fiican u garanaya luqada ay ku
hadlayaan ubadkoodu. Ma aha arintani mid ku kooban reerkan oo kaliya. laakiinse
waa mid lagu arkayo meelo badan oo ka mida meelaha ay Soomaalidu dageen. Waxa
aan maalin aan sii fogayn akhriyay maqaal uu qoray qoraa Soomaaliyeed. Qoraagu
waxa uu ka waramayay dhibaato kala haysata reer Soomaaliyeed iyo ilmo ay dhaleen.
Dhibaatada gunteedu waxa ay ahayd is faham la’aan xagga luqada ah oo u
dhaxaysa ilmahaa iyo waalidkiis. Waxa uu qoragaasi sheegay marka iay waalidkaasi
rabaan in ay arin muhiima u sheegaan inankooda in ay u yeedhaan qof u kal
turjuma.! Sheekadani waa laga yaaba in ay u egtahay waxaan masakaxda gali karin
laakiin aragtidayda waa mid dhici karta, waxaanay ka turjumaysa xidhiidhka ay in
badan oo waalidka qurbaha joogaa la leeyihiin ubadkooda.
Inta badan ee waalidiinta soo qaxday ma ay ahayn qaar luqado
qalaad bartay markii ay wadankii joogeen. Sidaas oo kale marka ay dhulkan
yimaadeen intooda badani heer sare kama gaadhin luqadaha wadamdan looga hadlo.
Ubadku se markii ay halkan yimaadeen waxa u fududaatay in ay bartaan luqadaha
looga hadlo dhulkan, luqadooda afsoomaaligu se waa ay daciiftay amaba waxa aad
odhan kartaa qaarkood waxbaba kama garanayaan. Arintanina aragtidayda waxa ay
keenatay in waalidku ubadkiisa aanu si fiican u gaadhsiin karayn waxa u rabo.
Luqadu ma aha wax afka looga hadlo uun ee waxaa ay tahay aalad lagu gudbiyo
dhaqanka iyo xadaarada ummada. Daciifnimda luqada Soomaaliga ee ubadka
Soomaaliyeedna argtidayda waxa ay door wayn ka ciyaartay is faham darada iyo
kala fognaanta argtiyeed ee aad ku arki karto qaar ka midaqoysaska Soomaaliyeed
ee degan qurbaha..
Gabagabdii
Maqaalkan sida aad arakteenba waxa aan culayska saaray in aan
sooo bandhigo qaar ka mida mushkiladaha barbaarinta caruurta ee hortaala
jaaliyad Soomaaliyeed. Gabagabdii, waaxaan leenahay ubadka iyo barbaarintiisu
waxa ay tahay ahaana doonataana carqaladaha ugu waaweeyn ee hor ooli doona
jaaliyada Soomaaliyeed ee galbeedka ku nool. Waa carqalad uu dareensanyahay
waalid kasta iyo qof kasta oo la sheqeeyay ubadka Soomaaliyeed. Koritaanka
caruurtu wadamadeenii ma ahayn carqalad waayo waxa koritooda iska kaashan jiray
mujtamaca oo dhan. Hooyada, aabaha, walaalka, walaalsha,maclinka Quraanka,
jiiraanka ,iskuulka iyo dhamaanba mujtamaca oo dhami waxa ay ahaayeen qaar door
ka qaata korinta iyo tarbiyada ubadka. Halkan waxa doorkii intaas oo dhami uu ku
soo dhacay walidkii dhalay ubadka oo aad moodo in badan uu ku cuslaaday xilakani.
Maqaalo danbe ayaa hadii Alle yidhaa aan ku soo bandhigi doonaa xalalka
mushkiladahan qaarkood.
Waa socotaa…..
Fiiro gaar Ah:
Waxa aan halkan ku qorayaa waa waxa aan kala soo dhexbaxay
tajribadaydii 10 kii sano ee aan ku noolaa wadanka Kanada, iyo socdaalo aan ku
tagay meelo badan dadka Soomaalidu u soo qaxeen. Hadii ay jiraan macluumaaad
dheeraada ama tajriba tan ka duwan hadaad haysaaan ila soo wadaaga.
Qoraalka 2aad....
Mahadsanidin
Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com
Ottawa , Kanada
Faafin: SomaliTalk.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
.....Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Argagixiso Iyo Islaam Meel Ma Wada Galaan!!!
Saciid Cali
Dagaalka Argagixisada Iyo Soomaaliya…….Faalo (2)
Saciid Cali
Aragagixisada Soomaaliyeed Waa kuwee Talow!!!
Saciid Cali
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|