SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (4)

Siciid Cali Axmed | Saidahmed67@aol.com | Ottawa, Canada

October 25, 2002

Dhabaatooyinka Dhaliinyarada(1)

Qaybihii ugu danbeeyay ee silsilada maqaaladan waxa aan ku soo bandhignay qaar ka mida dhibaatooyinka haysta qoysaska Soomaaliyeed ee qurbaha degan. Waxaan doonayay in aan halkaa ku istaajiyo faalaynta dhibaatooyinka qoyska, laakiin waxa aan arkay inta aanan ka gudbin in ay lagama maarmaan tahay in aan si khaas ah wax uga nidhaahno unug muhiim ah oo ka mida unugyada qoyska.Unugaasi waa unuga ugu mushkiladaha badan qoyska, waa dhaliinyarada.

Maqaalkan waxa aan ku soo bandhigi doonaa dhacdooyin dhab ah oo ku dhacay qaar ka mida dhaliinta Soomaaliyeed, ka dibna waxa aan raacin doonaa in yar oo faalo ah,

Hadii Ilaah yidhaahdo maqaal kale oo soo socda ayaan ku eegi doonaa mawduucan isaga oo faahfaahsan. 

Dhacdada Kowaad

Maalin dhawayd ayaa waxa magaalada Toronto ee wadanka Kanada ka dhacaday fal aad u fool xun aadna ii naxdin galiyay. Falkaas ka gaystay iyo ka loo gaystayba waxa ay ahaayeen laba dhaliinyara ah oo Soomaaliya. Falku waxa uu ahaa in labadaa dhaliinyarada ah uu midkood mid ka kale nafta ka qaaday. 

Dhacdada Labaad

Isla maalmahaa mudo yar ka hor ayaan siyaaro ku tagay magaalo ka mida magaalooyinka ay Soomaalidu aadka u degto, xaafad aan soo booqanayay hoosteeda ayaa waxa aan ku arkay warqad ay Booliis ka magaaladu ku dhajiyeen dhismahaa hoostiisa. Waraqadaa waxa ku sawirnaa dhawr inan oo Soomaaliyeed oo ay Booliisku raadinyaan. Falalka ay gaysteen dhaliintaradaasi ee loo radinayay (sida ay waraqadu ku andacoonaysay) waxa uu ahaa DIL ay gaysteen. 

Dhacdada Sadexaad

Inan aan saaxiib nahay oo qof u raacay maxkamada magaalo ka mida magaalooyinka ay Soomaalidu dagaan, ayaa waxa uu ii sheegay in markii uu halkaa tagay uu ku arkay wax uu aad uga naxo. Waxa uu ii sheegay in uu rumaysan kari waayay cadadka dhaliinyarada Soomaalida ah ee maalin kasta la keeno maxkamada iyada oo lagu soo tuhmayo in ay gaysteen falal aanay dadkeenu dhaqan u lahayn.

Dhacdada Afraad

Inan Soomaaliyeed oo darawal ka ah Bus ka mida Busaka ka shaqeeya magaaglooyinka Soomaalidu degto mid ka mida ayaa waxa uu ii sheegay in habayn habaynada ka mida ay koox dhaliinyaro ah oo Soomaaliyeed ay soo fuuleen buska uu wado. Mid ka mida dhaliinyaradi ayaa sida uu uu sheegay walaalkaasi waxa uu bilaabay in uu ku matago baskii. Gawaadhida gargaarka degdega (Ambulance) ayaan ugu yeedhay ayuu yidhi walaalkaasi. Markaa ka dib ayaa walaalkaasi waxa uu warsaday qolooyinkii la socday inankaas, kuwaas oo u sheegay ayuu yidhi in dhibaatada inakaa yar ku dhacday ay ahayd uu habynkaas oo dhan uu isku daray cabitaanka daroogo iyo khamri.

Dhacdooyinkaasi waa dhacdooyin dhab ah oo tusaale u ah wadciga ay ku sugayihiin qaar badan oo dhaliinta Soomaaliyeed . Waxa laga yaabaa in akhrista kasata uu ogyahay qaar la mida dahcdooyinkaa aan kor ku xusay.

Waalid kasta waxa u kala soo cararay ubadkiisa dhibtii ka dhacday dhulkeenii. Sidaas oo kale waalid kasta wuxuu la doonayay ubadkiisa in ay mustawahooda dhaqaale iyo tacliimeed ay noqdaan qaar dhaama kuwa ku nool dhulkii. Laakiin sida ka muuqata dhacdooyinka aan kor ku xariiqay waxa muuqata in aan yarayn oo dhaliinta Soomaaliyeed ay dhex dabaalanayaan dhibaatooyin waaweeyn oo khatar ku ah iyaga iyo wixii ay ku dhalaan dhulalkan. Waxaan ku baraarujin lahaa waalidiinta iyo intii danaynaysa xaaladaha Soomaalida qurbaha ku nooli in ay mawduucan dhaliinta Soomaaliyeed si gaar ah u eegaan

Socotaa…..Guji halkan.....

FG

Waxaan jeclaan lahaa cidii haysa tajaarib iyo waxyaabo kale oo la xidhiidha mawduucan In ay ii soo qoraan.

Silsilada maqaaladani waxa ay ka tarjumayaan tajribadaydii 10 kii sano een ku noolaa Kanada iyo safaro aan ku tagay meelo ka mida wadamada galbeedka ee Soomalidu degto.

Qoraalkii 3aad... Qoraalka 5aad....

Mahadsanidin


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com
Ottawa , Kanada 

Faafin: SomaliTalk.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

.....Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

Madaxweynaha France oo Mamnuucay Khimaarka
Arbacadii ayuu mamnuucay khimaarka Muslimiinta ee
Guji
Waa Maxay Cudurka "Mad Cow"
Cudurkaas oo hadda soo gaarey Maraykanka.. Guji

Taariikhda Muhammed Ali
Yaa ka fekerayey in baaskiil la xaday uu ahaa furaha bilowgii guulahii Muhammad Ali? Guji
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna .. Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji
USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

Dhul-beeraadkii Soomaaliya oo lagu beeray Daroogo...

Dal Biyo La'aan ah Degaan ahaana La Qurmiyey
Jamhuuriyada Soomaaliyeed waa hooyga budcada
Cabasho Shaneemooyinka Xamar iyo aflaamnta Jinsiga

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD