SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (9)

Siciid Cali Axmed | Saidahmed67@aol.com | Ottawa, Canada

December 25, 2003  

Aabo La’aanta Qoysaska Qurbaha: Dhibaatooyinka Qurbaha-9

Quraanka Alle waxa ku soo arooray amaro uu Ilaahay ku farayo waalidka in ay naftooda iyo ehelkoodaba ka badbaadshaan Cadaab kulul oo shidaalkeedu yahay dhagax iyo dad. Sidaaas oo kale waxa ku soo arooray axdiiista nabigeena (csw) in waalidku ay masuul ka yahiin caruurtooda iyo in ay masuuliyadaasi tahay mid la waydiin doono maalinta Qiyaamaha. Ubadka barbaarintoodu waa waajib si isku mid ah u saaran aabaha iyo hooyada, hadii uu midkood ka gaabiyo qaybtiisana shaki la’aantii jahawareer wayn ayaa ku dhaca tarbiyada caruurta qoyskaas. Maqnaanshaha uu aabuhu ka maqanyahay nolasha ubadkiisu aragtidayda waxa ay noqotay calaamad lagu garto qoyasas badan oo ka mida qoysaska Soomaaliyeed ee qurbaha deggan. Arinkanina (sidii aan horayba ugu sheegay maqaalo kan ka horeeyay) waxa uu dhibaato wayn u keenay tarbiyada caruurta Soomaalida ee qurbaha ku koraysa. Sidaa daraadeed anigoo ka duulaya muhiimada uu mawduucani u leeyahay qoysaska Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ayaa waxa aan maqaalkan ku eegi doonaa asbaabaha ugu waaweeyn ee keenay in aqalo badani ay noqdaan aqalo aan aabo joogin, waxa kaloon ku eegi doonaa dhibtooyinka ka dhasha maqnaanshaha aabuhu uu ka maqanyahay nolosha qoyskiisa.

Asbaabaha Keena Aaaba La’aanta

Sababaha dhaliya in aqalka Soomaaliga ahi uu noqdo aqal aan “aabo” joogin waxaa ka midda :

Dagaalada Sokeeye

Aabayaal badan ayaa ku dhintay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay. Carruurta agoonta ku noqotay dagaaladani waxa ay intooda badani ku nool yihiin dhulkii lakiin qoysaska Soomaaliyeed ee u soo carary dibaduhuna kama madhna (inkasta oo aany ku badnayn) .

Aduun Badsi (Hunguri)

Soomaalidu markii ay ay dhulkoodii ka soo qaxeen waxa ay qaar badani soo degeen wadamo ka dhaqano duwan dhulkii ay ka yimaadeen. Dhaqamadda dhulkeenii ceebta ka ahaa laakiin lagu arkay wadamadan loo soo qaxay waxaa ka midda in aad aragto gabdh xaas ah oo ninkeedii la joogo oo hadana dafiraysa in odaygeedii la nool yahay. Waxaad arkaysaa qof dumara oo akhyaarnimo ka muuqato oo inta ay tagto xafiisyada caydha laga qaato odhanaysa( inkasta oo uuna hadalkaasi aanu run ahayn) caruurtyda aabahood ilama deggana mana garanayo meel uu ku danbeyay. Waxaad arkaysaa aabo shaqaysata ama shaqaysan kara oo halkii uu caruurtiisa masruufka u soo shaqayn lahaa xaaskiisa ku dirqinaya (khasbaya)in ay noqoto hooyo kaliya. Waxaad arki aabo wadan kale ka shaqaysata oo caruurtiisa masruufi karayay lana daggi karaayay laakiin ka door biday in ay caydh ku ahaadaan dhul aanu joogin. Dhaqamadan aan kor ku sheegay oo dhami waa dhaqamo cusub oo lagu dhex arkay Soomaalida qurbaha deggan. Dhaqanadan oo ay sabab u tahay iiman daro iyo aduun badsi waxa ay keeneen in uu lumo qiimihii uu aabuhu lahaa. Waxa kale oo ay (dhaqanadani) dhaliyeen in caruur badan oo aabayaashood noolyihiin ay waayaan daryeelkii aabanimo ee ay u baahnaayeen. Aabaha iimaan daradani qaaday halkii uu caruurtiisa ku hogaamin lahaa anshaxa fiican waxa uu noqday mid u horseeda caruurtiisa akhlaaq aan fiicnayn sida beenta, tuuganimada iyo khiyaamada. Caruurtu marka ay waalidkood ku arkaan been, khiyaamo iwm iyaguna waxa ay inta badan dhaxlaan dhaqankaa ay waalidkood ku arkeen.

Muskhiladaha Qoyska

Qodabka kore (Huguri Waynaantu) waxa uu door wayn ka ciyaaray in uu bato khilaafaadka qoysaska qaatay dhaqanadaas aan hore Soomaalida loogu aqoonin. Aabihii markii uu ka gaabiyay masuuliyadii saarnayd ee uu raali ka noqday in uu tuug dhuumanaya ku noqodo aqalkiisi waxa ay keenaty in uu qiimihiisii dhaco. Dhibaato yari marka ay ka dhex dhacdo qoyska waxaa suurtogal ah in ninka loogu hanjabo in alaabta dibada loo dhigayo (ileen aqalka marti buu ku ahaaye!!). Hadii uu alaabtiisa qaadan waayana waxaaba dhacda in loogu yeedhaa Boolis alaabtiisa dibada u dhiga. Marka uu arinku halkaas gaadho waxaa dhaawacma xidhiidhkii labada lamaane ee is qabay, aqalkuna waxa uu inta badan ku dhamaadaa burbur iyo kala tag. Kala tagan dhibtiisa ugu wayni wax ay soo gaadhaa caruurta kuwaas oo ay ku dhacdo in ay waayaan aabihii hagi lahaa tusaalahana ay ka dhigan lahaayeen.

Gabagabo

Isku doo duub oo aaaba la’aantu waa mid khatar ku ah aqalka Soomaaliyeed ee ka taagan wadamada Galbeedka. Aqalada Soomaalida ee qurbuha qaarkood wuxa ay marar badan u eekaadeen aqalkii Dadka madow ee ku Marykanka kaas oo aanay dhibtiisu ka qarsoonayn qofkasta oo aragti furan u leh mashaakilaadka dadka madow ee ku nool Marykanka. Qaar badan oo ka midda aqalda madowga Marykanka waxaa caado u noqotay hooyo kaliya iyo aabo aan masuuliyadiisii ka soo bixin. Quraanka Ilaahay ee aan aaminsanahay waxaa ku suggan in ninku uu yahay masuulka kowaad ee qoyskiisa. Hadii uu aqalku dayacmana isaga ayaa if iyo aakhiroba dhibta ka timaada ka masuula. Waa aragtidayda in uu Ninka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nooli uu ka gaabiyay masuuliyadii saarnayd. Hadii la rabo in ubadkeena iyo qoysaskeena aan ka badbaadino dhibaatooyinka mushtamacaadkan aynu soo degnayna waa in qoysku noqdaa qoys toosan oo ka fog dhaqamada aan kor ku soo sheegay aabuhuna waa in uu u soo noqdaa hogaaminta qoyskiisa..

Qoraalkii 8aad. | Qoraalkii 10aad.... Guji....

Mahadsanidin


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com
Ottawa , Kanada 

Faafin: SomaliTalk.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

.....Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

Madaxweynaha France oo Mamnuucay Khimaarka
Arbacadii ayuu mamnuucay khimaarka Muslimiinta ee
Guji
Waa Maxay Cudurka "Mad Cow"
Cudurkaas oo hadda soo gaarey Maraykanka.. Guji

Taariikhda Muhammed Ali
Yaa ka fekerayey in baaskiil la xaday uu ahaa furaha bilowgii guulahii Muhammad Ali? Guji
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna .. Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji
USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

Dhul-beeraadkii Soomaaliya oo lagu beeray Daroogo...

Dal Biyo La'aan ah Degaan ahaana La Qurmiyey
Jamhuuriyada Soomaaliyeed waa hooyga budcada
Cabasho Shaneemooyinka Xamar iyo aflaamnta Jinsiga

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD