SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

Maqaalkan wuxuu qayb ka yahay Maqaaladii Taxanaha ahaa ee Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (10)

Siciid Cali Axmed | Saidahmed67@aol.com | Ottawa, Canada

December 30, 2003  

TARBIYADA CARUURTA QURBHA (A)

Maqaalkii sideeddaad ee silsiladda mushkiladaha Sooomaalida Qurbaha waxa aynu ku soo eegnay laba arimood oo asaas u ah tarbiyad wanaagsan oo ay helaan ubadkeenu. Labadaas arimood waxa ay ahaayeen: caruurtu in marka ay da’doodu yartahay lagu barbaariyo akhlaaqda wanaagsan ee diinteena iyo dhaqankeenu ina farayo iyo in uu waalidku tusaale fiican u noqdo ubadkiisa. Maqaalkan oo ah mid daba socdda kuwii ka horeeyayna waxaan ku eegi doonaa edbinta caruurta iyo doorka ay ka ciyaarto tarrbiyada wanaagsan ee ubadka.

Edbintu Maxay Tahay

Marka ugu horaysa aan qeexno waxa aan Edbin uga jeedno. Edbin ugama jeedno sidda maskaxda ku soo degdegta “garaacid”. Edbin waxaan uga jeednaa in caruurta la baro in ay nadftooda ka ilaaliyaan akhlaaqda xun xun iyo wax kasta oo aan noloshooda u fiicnanayn. Sidaas oo kaleeto “Edbin” waxaan uga jeednaa in ilmaha la kala baro saxa iyo qaladka iyo in ay jiraan xuduudo aanu ilmuhu dhaafi karin oo hadii uu dhaafaana uu abaalmarinteeda mutaysanyo.

Qoyska Iyo Edbinta Carruurta

Aqalku waa meesha ay caruurtu ku barbaaraan, waana meesha ay edbintoodu ay ka bilaabmato. Cilmi baadhisyo badan oo la sameeyay waxa ay sheegayaan in xidhiidh toosi uu ka dhaxeeyo edebta caruurta (wanaaag iyo xumaanba) iyo qoyska ay ku dhexbarbaarayaan, sidaa daradeed waa muhiim in uu waalidku ogaado sifooyinka qoysaska kala duwan iyo saamaynta ay sifooyinkaasi ku leeyihiin barbaarinta ubadka. Celmi baadhisyadan waxa kale oo ka soo baxay in noocyada tarbiyada ee caruurta lagu soo uruurin karo sedex nooc. Nooc kasta oo noocyadan ka middina waxa ay ka dhalataa sifooyinka waalidka caruurta korinaya. Hadaba anigoo ka faa’idaysanaya natiijooyinka ka soo baxay daraasooyinkan ayaan maqaalkan iyo kuwa ku xiggaba aan ku soo bandhigi dooonaa sifooyinka sadexdan qoys iyo sida ay sifooyinkaasi u saameeyaan edbinta ubadka. Ujeedada aan ka leeyahay waxa weeye in aan soo bandhigo mawduucan muhiimka ah oo aan is leeyahay waxa uu waxuun ku soo kordhin doonaa waalidka Soomaaliyeed ee la doonaya caruurtoodu tarbiyd wanaagsan.

Nooca Kowaaad:Waalid Barbaarin Qalafsan

Aqalka koowaad waa aqal waalidku ay yihiin qaar u adadag sida birta. Waalidka Qoyskan waxynu ku tilmaami in uu yahay waalid tarbiyad qalafsan . Sifooyinka ugu waaweeyn ee aqalkan lagu garto waxaa ka mida :

1. Aqalku waa aqal sharciyo mutaxan leh, caruurtuna waa in ay sharciyadaa sidooda u fuliyaan hadii ay fulinwaayaana waxa ay mutaystaan ciqaab, ciqaabtaasina inta badan waa garaac iyo gacan.

2. Aqalkan, caruurta lama baro faa’idada ku jirta amarrada waalidkood iyo ujeedada ka danbaysa amaradaas waalidka. Wixii la faro waa in ay sidooda u fuliyaan hadii kale………

3. Qoyskan ilmuhu dareenkiisa ma cabiri karo, haduu cabirrana waalidku ma dhagaysto.

4. Hanjabaada iyo laaluushku waa hababka uu waalidkani u adeegsado edbinta caruurtiisa.. Waalidka aqaldan hadaladooda waxaa ka midda “aabo hadaad tukato “salaada” waxaan kuu iibin waxaasl”, “hadaad xijaabka qaadan waydo waa lagu garaaci ” iwm.

5. Aqalkani waa aqal sababta ay caruurtu wanaag u sameeyaan ay tahayj baqdin amaba laaluushka uu waalidku bixinayo.

6. Gaaricstu waa calaamadaha edbinta caruurta qoysaskan. Qalad hadii ilmuhu galo waxa lagu abal mariyaa dhengad (ul) amaba gacanta waalidka.

Midhaha Tarbiyadan

Qaabkani (style) waqtiga dhaw(short term) waxaa laga yaabaa in uu midho dhalliyo. Midhaha laga yaabo in uu dhaliyona waxaa ka midda in carruurtu ay waalidka ka baqaan sameeyaan wax kasta oo uu waalidku rabo. Waalidkan waxa laga yaabaa in ay ugu muuqato in edbinta noocani ay caruurtiisa u horseedayso tarrbiyad fiican, hadiise si cilmiyaysan loo eego waxaa suggan in tarrbiyada noocani ay tahay mid waqtiga fog aan shakhsiyada carruurta u fiiicnayn sabababahan soo socda awgood :

1. Garaacida iyo hanjabaadu waxa ay dhaawacdaa xidhiidhka uu waalidku la leeyahay caruurtiisa. Aqalkan xidhiidhka uu waalidku la leeyahay caruurtiisi waa mid awoodeed. Caruurtu sababta loo garaacayo ama loogu hanjabayo uma fahmayaan in ay tahay wanaagooda, waxay u fahmayaan in loo awood sheeganayo. Sidaa daraadeed waxa laga yaaba (sida ay yidhaahdaan culimada tarrbiyadu) in ay cuqdad ku abuurto ilmaha. Ilmuhu waxa uu waalidkii u arkayaa caddow in laga aargoosto ay tahay. Sidaa daraadeed tarrbiyada noocan ahi waxa laga yaabaa in ay dhaawacdo jacaylka ay caruurtu u qabi lahaayeen waaldikood.

2. Tarrbiyadani waxa ay carruurta bartaa in midba midka uu ka awood roonyahay uu u awood sheegto. Sidda isagaba ay waalidkiis ula dhaqmeen ayuu isna ula dhaqmi ilma kasta oo uu arko in uu ka awood waynyahay haba noqoto kuwa isaga la dhashaye. Tarbiyadani waxa ay ilmaha bartaa in dagaalku yahay habka kaliya ee lagu xaliyo khilaafaadka.

3. Ilmaha siddan loo soo tarbiyadeeyo waxaa fududaadta in uu dabagalo cid kasta oo ka awood rooon. Iskuulka marka u joogo waxa fuddud in uu sameeyo waxa ay rabaan ciyaalka ka awooda wayni. Tani waa khatar khaastana wadamada aan ahayn Muslimiinta ee iskuulku uu yahay meel caruuro badani ay la yimaadaan akhlaaqiyaad aan agteena ka wanaagsanayn. Sababaha ay carruurtu darooogada iyo akhlaaq xumadda u bartaan waxaa ka midda in ayana iska caabin karin kuwa akhlaaqiyaadkaa baraya oo inta badan ah kuwo ka awood roon.

4. Garaacida iyo hanjabaadu wadamada galbeedka waxa ay sababi kartaa in caruurta ay dawladu aqalada waalidkood ka kaxayso. Wadamadeenii hadii ilmaha la dhangadeeyo mujtamacu uma arkayn in ilmaha xuquudiisii lagau tuntay laakiin dhulalkan ay Soomaalidu qaxootiga ku tahay dhangadayntu waxa ay marar badan u soo jiidaa waalidka dhibaatooyin ay ka mid yihiin xadhig amaba in ilmaha iyo waalidkii la kala kaxeeyo.

La soco qaybta kale oo aan ku soo bandhigi doono noocyda kale ee tarbiyada caruurta

 

Qoraalkii 9aad.... Guji....

Wixii talo ah iigu soo hagaaji e-mailkayga.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com
Ottawa , Kanada 

Faafin: SomaliTalk.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

.....Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

Madaxweynaha France oo Mamnuucay Khimaarka
Arbacadii ayuu mamnuucay khimaarka Muslimiinta ee
Guji
Waa Maxay Cudurka "Mad Cow"
Cudurkaas oo hadda soo gaarey Maraykanka.. Guji

Taariikhda Muhammed Ali
Yaa ka fekerayey in baaskiil la xaday uu ahaa furaha bilowgii guulahii Muhammad Ali? Guji
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna .. Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji
USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

Dhul-beeraadkii Soomaaliya oo lagu beeray Daroogo...

Dal Biyo La'aan ah Degaan ahaana La Qurmiyey
Jamhuuriyada Soomaaliyeed waa hooyga budcada
Cabasho Shaneemooyinka Xamar iyo aflaamnta Jinsiga

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD