SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (8)

Siciid Cali Axmed | Saidahmed67@aol.com | Ottawa, Canada

August 18, 2003  

Xalalka Mushkiladaha Ubadka : Tarbiyad Toosan

Maqaalkii ugu danbeeyay ee mushkiladaha Soomaalida qurbaha waxa aan kaga soo hadalay qaar ka midda mushkiladaha ubadka Soomaalida ee qurbaha ku barbaaraya. In kasta oo aan jeclaa in aanan ka leexan manhajkii aan u qorayay maqaaladan (oo ahaa in marka hore aan soo bandhigo dhibaatooyinka ugu waaweeyn ee haysta jaaliyada ka dibna aan xigsiiyo wixii aan xal u arko) hadana dhibaatooyinka ubadka oo maalinba maalinta ka danbaysa sii badanaya iyo iyadoo mushkiladahaasi ay u baahan yihiinn xalal degdega ayaa waxaan maqaalkan ka leexan doonaa manhajkaas, waxaanan isku dayi in aan akhristayaasha qormadan iyo kuwa soo socodaba aan kula wadaago talooyin aan is leeyahay waxa ay wax ku soo kordhin kartaa toosinta iyo badbaadinta ubadka Soomaaliyeed ee Galbeedka ku barbaaraya..

Talada Kowaad : Cabsida Alle

Soomaalidu waa dad Muslimiin ah, dhib kasta oo haleeshana waa in ay xalkeeda ka raadiyaan diintooda. Qofkii fahma diinteenuna waxa aan ka qarsoomayn in Cabsida Alle ay tahay xalka lagu furdaaminayo dhamaanba mushkiladaha bulshada oo dhan. Balamaha uu Alle kitaabkiisa ku sheegay kuwaas oo aanu marnba ka baxayn waxaa ka midda “Qofkii Alle ka Cabsada, in mashkilad kasta uu Ilaahay waddo uu uga baxo u furrayo”, “Qofkii Alle Ka baqa in Alle arimihiisa fududaynayo”, “Qofkii raba in caruurta uu Alle u ilaaliyo in uu Alle ka baqo. Balanqaadyadaas iyo kuwa kale oo macnahaas xambaarsani waa qaar ka buuxa kitaabka Ilaahay iyo axaadiista Nabigiisa (csw). Sidaa daraadeed in ubadka lagu barbaariyo cabsida Alle iyo jacaylkiiisu waa xalka mushkiladaha ubadkeena, waayo ilmo ilaah ka baqayaa Gang ma noqodo, ilmo ilaah ka baqayaa drug ma qaato, ilmo ilaah ka baqayaa ma sinaysto, ilmo ilaah ka baqayaa wax ma dilo. Midda kale, waa in caruurtu inta ay yaryaryihiin lagu barbaariyo in ay u hogaamsamaan qawaaniiinta Alle iyo in ay ilaaliyaan xuduudiisa. Xadiis uu soo arooriyay Tarmidi oo ku sugan kitaabka Arbiciinka ee sheekha la yidhaa Nawawi ayaa waxa uu ina tusaalaynayaa in Nabigeenu caruurtu inta ay yaryaryihiin uu ku tarbiyadayn jiray ilaalinta xuduuda Ilaahay iyo mabaadiida waaweeyn ee caqiidada Islaamka oo ay ka mid yihiin in ilaahay oo kaliya lagu tiirsanaado iyo in la ogaado in wax aanu Alle rabin aanay dhacayn. Tusaalooyinka diinteena waxaa ka midda in caruurta inta ay yaryaryihiin la baro salaada. Waayo ilmahu hadii inta uu yaryahay caadaysto Salaada tukashadeeda waa ay u fududaanaysaa in uu ilaaliyo salaada marka uu waynaado. Dhaqankasta oo wanaagsanina waa sidaa salaada oo kale. Iyadoo kooban waa in caruurtu inta ay yaryaryihiin cabsida Alle iyo jacaylkiisa quluubtooda lagu beero waana in aan lala sugin arinkan inta ay ubadku ka korayaan waayo haday ubadku kugu ag waynaadaan iyaga oo aan tarbiyadan iimaaniga ah lahayn way adagtahay in la badalo dhaqankooda marka ay waynaadaan khaasatan kuwooda ku dhex barbaaraya mujtamacyada ay ku yrayihiin Muslimiintu.

Talada Labaad : Waalidku tusaale Fiican Ha noqdo

Waalidku waa in uu tusaale fiican u noqdaa ubadkiisa. Tusaalaha fiicani waxa uu ka mid yahay qaababka ugu toosan ee hooyada iyo aabuhu ay tarbiyada wanaagsan ugu gudbiyaan ubadkooda. Tusaale ahaan hadii aan aabaha iyo hooyada midkoodna aanu tukan, runtii way adkaanaysaa in caruurtooduna ay tukadaan. Caadooyinka xunxun ee caruurtu waalidkood ka qaataan waxaa ka midda beenta, khiyaamada, balwada iwm. Sidaas oo kale waxa ay ubadku ka qaataan waalidkood cadooyinka wanwanaagsan sida runta, amaanada, deeqsinimada iwm. Waxa la soo wariyaa in uu maalin Nabi Maxamed (csw) arkay hooyo inankeeda u yeedhaysa oo ku leh hooyo HOO (yacnii doonaysa in ay wax siiso), nabi Maxamed (csw) wuxuu waydiiyay waxa ay rabto in ay siiso ilmahaas ?. Waxa ay ku jawaabtay “timir ayaan rabaa in aan siiyo rasuulkii Allow ”. Wuxuu nabigu markaa u sheegay hooyadaa in hadii aanu arinkaasi run ka ahayn uu Ilaahay agtiisa BEENALAY u qori doono. Xadiiskani waa baraarujin uu Nabigu(csw) ku baraarujinayo hooyadan iyo Muslimiinta oo dhanba in la iska ilaaliyo qaladaadka caruurta agtooda lagu samayeeyo, waayo caruurtu si fudud ayay markiiba ugu dhagaan dhaqamada qaldan ee agtooda lagu sameeyo. Cilmi baadhisyo badan oo lagu sameeyay caruurtuna waxa ay sheegayaan in asbaabaha ubadku ay u kharibmaan ay ugu wayn tahay in ay waayaan waalid ay tusaale fiican u noqda. waxaana muhiim ah sida ay Culimada tarbiyadun inoo sheegaan in caruurtu aanay qaadan waalidka hadalkiisa hadii ficilka waalidku uu yahay mid khilaafsanyahay hadalkiisa. Sidaa daraadeed taladayda labaad waxa weeye in laga fiirsado ficilada caruurta lagu ag samaynay iyo in ficiladaasi noqdaan qaar wanaagsan oo raadeeya nolasha caruurteena .

Gabagabo:

Labdan talo waa xalalka asaaska u noqon kara mushkiladaha ubadkeena, hadii Alle yidhaa dona maqaalka soo socda ayaan ku eegi doonaa xalal kale oo camali ah oo arinkan ku saabsan .

Qoraalkii 7aad... Qoraalka 9aad....

Mahadsanidin


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com
Ottawa , Kanada 

Faafin: SomaliTalk.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

.....Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

Madaxweynaha France oo Mamnuucay Khimaarka
Arbacadii ayuu mamnuucay khimaarka Muslimiinta ee
Guji
Waa Maxay Cudurka "Mad Cow"
Cudurkaas oo hadda soo gaarey Maraykanka.. Guji

Taariikhda Muhammed Ali
Yaa ka fekerayey in baaskiil la xaday uu ahaa furaha bilowgii guulahii Muhammad Ali? Guji
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna .. Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji
USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

Dhul-beeraadkii Soomaaliya oo lagu beeray Daroogo...

Dal Biyo La'aan ah Degaan ahaana La Qurmiyey
Jamhuuriyada Soomaaliyeed waa hooyga budcada
Cabasho Shaneemooyinka Xamar iyo aflaamnta Jinsiga

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD