SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

Mushkiladaha Soomaalida Qurbaha (7)

Siciid Cali Axmed | Saidahmed67@aol.com | Ottawa, Canada

July 17, 2003 

Mushkiladaha Dhaliinyarada

Maqaalo hore ayaan ku soo bandhigay qaar ka midda dhibaatooyinka horyaala Soomaalida qurba jooga ah. Maqaalkanina waa mid maqaaladaa daba socda waxaanan hadii Alle yidhaa ku eegi doonaa qaar ka midda dhibaatooyinka ugu waaweeyn ee dhaliinyarada qurba jooga ah.

Waalidka iyo Dhaliinyarada …Laba Aduunyo

Tobaneeya sanno in ka badan ayaa ka soo wareegtay waqtigii ay Soomaalidu sida xooga leh qurbaha u soo galeen. Caruurtii waqtigaas qurbaha la keenay iyagoo gacanta la hayo maanta waa ay koreen oo waa dhaliinyaro qaan gaadhay. Ubadkaasi waxa ay ku dhex barbaareen bay’ad ka dhaqan, luqad iyo diin duwan tii ay waalidkood ku soo barbaareen. Iskuulka, xaafada, asxaabta, TV iwm waxa ay door wayn ka ciyaareen argtidayda in ay soo baxaan ubad magaca ka ah Soomaali laakiinse wata dhaqamo badan oo aan ahayn dhaqan Soomaali. Waalid badani aad uguma baraarugsanayn raadka ay bay’adan cusubi ku leedahay barbaarinta ubadkooda sidaa daraadeed daba gal wayn kumay samayn is badbadalka nolosha ubadkooda ee ay keentay bay’adan cusubi. Arimahaas oo dhami waxa ay keeneen is faham la’aanta dhaqan iyo luqadeed ee ubadka iyo waalidkooda taas oo aad arkaysid marka aad booqato aqalada Soomaalida. Kala fogaantan dhaqan ee waalidka iyo caruurtu waxa ay reerka ku keentaa is qabqabsi. Waalidku arinkan waxa uu u arkaan in ubadkii ku caasiyoobeen, halka ay dhaliinyaraduna arkaan in waalidku uu yahay mid aan wax badan ka garanayn nolashan horu marsan ee taal wadamadan la soo martiyay. Is jiidjiitankani mararka qaarkood waxa uu keenaa in ubadka qaarkood ay ka cararaan aqalaladooda. Sida badanse waalidku waxa uu ku qasbanaadaa in ay aqbalaan waaqican cusub ee ubadkooda haba dhibsadaane. Labadan arimoodbana (in waqica loo hogaansado iyo in caruurtu cararaan) waxa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ugu waaweeyn ee dhaliinyarada Soomaaliyeed ee qurbaha ku barbaartay.

Qaloocsanka iyo Dibad Wareega Inamadda

Badiba aqalada Soomaalida ee qurbuhu waa aqalo ay barbaarinta caruurta gacanta ku hayso hooyo kaliyi. Maqnaanshaha aabaha ee nolasha caruurtiisu waxa ay keentay in inamo badani ay waayaan cid ay tiigsadaan (role model). Arinkanina waxa uu saamayn wayn ku yeeshay tarbiyada inamada Soomaaliyeed. Maqnaanshaha aabaha marka lagu daro shaqo la’aanta iyo dhaqaale yarida jaaliyadu waxa ay ka mid yihiin sababaha keenay dhaqamada cusub ee lagu arko dhaliinyarada Soomaaliyeed qaarkood. Dhaqanada qalafsan ee mudooyinkan danbe lagu arkayay magaalooyinka waaweeyn ee Soomaalidu degto waxa ka midda in la arko kooxo dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo si raxan raxan ah u socda xaafadaha iyo suuqyada dhexdooda xiliyada danbe ee habaynkii kuwaas oo waxa ay xiligaa qabanayaan ay calaamd su’aal wayni dul saarantahay.!! Iibinta daroogada iyo qaadashadeedu qariib kuma aha qaar ka mida dhaliinyaradeena. Waxa la sheegaa in da yarta Soomaalidu ay ku sii badanayaan jeelasha. Magaalooyinka qaarkood waxaaba caadi noqtay in maxkamadaha maalin kasta la soo taago inamo yar yar oo Soomaali ah, kuwaas oo lagu soo eedaynayo falal ay ka mid yihiin dagaal, tuugo iwm.

Dad ka midda dadkii aynu wadamadan ugu nimid khaasatan kuwii marka horeba aan jeclayn ajnabigu waa ay ka faa’iadaysteen dhacdhacan dhaliinyardeena waxaana dhacda (wadamada qaarkood oo uu ku jiro kan aan degenahay) in marka ay dhib yar gaystaan dhaliinyarada Soomaaliyeed aad arki raadiywyada, joornaalada iyo siyaasiyiinta qaarkood oo aan ka xishoonayn in ay dhaliinyarada Soomaaliyeed ku sheegaan budhcad (Gangs) khatar ku ah amniga iyo xasiloonida. Inkasta oo aan aaminsanahay in dhaliinyarada Soomaaliyeed aanay wali budhacad xoogan noqon, sidaas oo kale in kasta oo aan aaminsanahay in wali dhibaatadu aanay meel fog gaadhin hadana waxaan ka biqi in aan idhaahdo xaaladaha ay ku suganyihiin inamada yar yar ee Soomaaliyeed waa mid cabsi leh sidaas oo kale wa mid mustaqbalka ubadkaas khatar galin karta. Dhibaatooyinkan aan qaarkood soo taabanay waa qaar iminka dhibtoodu ay ku koobantahay inamda qaarkood oo waxaad ku doodi kartaa in badiba gabdhuhu ay nadiif ka yihiin , laakiin mustaqbalka fog dhibtan inamadu gabdhahana si toos ah amaba si dadban ayay u saamayn doontaa. Ugu yaraan gabdhaha qaarkood waxay noqonayaan xaasaska inamadan taas oo raad xoogan ku yeelanaysa nolosha qoyskaas.!! Mida kale, dhacdhacan qaar ka midda dhaliinyardeena waxa loo adeegsan doono in lagu dhaawaco sumcada jaaliyada Soomaaliyeed.

Inkirida Mushkiladu Waa Dhib Kale

Waa dhaqan in ruuxa Soomaaliga ahi aanu jeclayn in mushkiladiisa uu ogaado qof kale. Si kale hadaan u idhaahdo ma qirano mashkiladaheena. Soomaalida ka shaqaysa dhibaatooyinka dhalinyaradu waxa ay sheegayaan in dhbiaatada ugu wayn ee haysataa ay tahay qarsashada ama ogaan la’aanta waalidka ee mushkiladaha caruurtooda, mushkiladahaas oo inta ay bilowga yihiin wax laga qaban kari lahaa. Sidaa daraadeed qarsashada mushkiladaha dhaliinyarada ay waalidiinta qaarkood qarsanayaan waa mid door wayn ka ciyaartay kobcinta mushkiladaha dhaliinyarada.

Gabagabo

Waxaa laga yaabaa in uu maqaalkani u eekaado mid suurad xun ka bixinaya dhaliinyarada Soomaaliyeed. Ujeedada aan ka lahaa maqaalkani ma aha taa.! Ma lihi waa sidaas dhamaan dhaliinyaradeenu, maya waxa jira inbadan oo nadiif ka ah waxyaabaha aan sheegnay(maqaalo kale ayaan kaga hadli doonaa guulha jaaliyada). Wuxuun baan doonayaa in aan Soomalida ku baraarujiyo mushkilad soo if baxaysa oo laga yaabo in aan aad loogu baraarugsanayan. Waxaan ku soo gunaanadi maqaalkan in aan waxgaradka, culimada iyo hogaanka jaaliyadaha Soomaalidaba u soo jeediyo in mushkiladan si cilmiyaysan loo baadho xalalna loo raadiyo. Sidaas oo kale waxaan soo jeedin lahaa in mushkiladan marka la baadhayo iyo marka la xalinayaba xor laga ahaado khilaafaadka siyaasadeed ee saamaynta wayn ku yeeshay dadka Soomaalida meel kasta oo ay joogaanba. Siyaasada Soomaalidu xadad ayay maanta yeelatay laakiinse mushkiladaha dhaliinyarada iyo ubadka qurbaha ku korayaa xuduudahaa siyaasadeed ee Soomaalida ma yaqaananaan!.

Qoraalkii 6aad... Qoraalka 8aad....

Mahadsanidin


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Siciid Cali Axmed
Saidahmed67@aol.com
Ottawa , Kanada 

Faafin: SomaliTalk.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

.....Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

Madaxweynaha France oo Mamnuucay Khimaarka
Arbacadii ayuu mamnuucay khimaarka Muslimiinta ee
Guji
Waa Maxay Cudurka "Mad Cow"
Cudurkaas oo hadda soo gaarey Maraykanka.. Guji

Taariikhda Muhammed Ali
Yaa ka fekerayey in baaskiil la xaday uu ahaa furaha bilowgii guulahii Muhammad Ali? Guji
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna .. Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji
USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

Dhul-beeraadkii Soomaaliya oo lagu beeray Daroogo...

Dal Biyo La'aan ah Degaan ahaana La Qurmiyey
Jamhuuriyada Soomaaliyeed waa hooyga budcada
Cabasho Shaneemooyinka Xamar iyo aflaamnta Jinsiga

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD