Xildhibaano ka Tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo Shaaca ka Qaaday in
Ammaanka Magaalada Muqdisho Gacanta uu ka Baxay
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shir
Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka waramay xaaladda Amni ee Magaalada
Muqdisho oo ay sheegeen in iminka faraha ay ka baxday, ka dib markii ay ku soo
bateen Qaraxyada iyo Dilalka
Xildhibaan Maxamed Iidle oo ka mid ahaa Xildhibaanadii shirkaa Jaraa’id ka
hadlay ayaa si cad Afka ugu Bayaanshey in Amniga Magaalada Muqdisho iminka uu
faraha ka baxay isla markaana Xukuumaddu ay ku Guuldaraystay in ay wax ka qabato
Xildhibaanka ayaa ugu yeeray xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay wax ka
qabato arrimaha ammaan ee sii xumaanaya haddii kalena ay meesha Bannayso.
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in markii Xukuumaddan la
soo dooranayay in ay ku ballan qaadeen in Mas’uuliyadeeda koowaad ay noqon
doonto wax ka qabashada Amniga hase yeeshee arrintaa ay ku Guuldaraysatay
Xildhibaan Iidle ayaa sidoo kale ka hadlay Waddooyinka xir xiran isagoona
sheegay in Hay’ad gaar ah ay Wadada xiranto, Hay’adajha Ammaankuna ay
ilaashadaan ammaanka balse aysan raali ka ahayn in Wadada la xiro isagoona
hoosta ka xarriiqay in awooddarida Xukuumadda oo uu sheegay in ay ku Guulaysan
weyday wax ka qabashada xilka ka saaran ammaanka.

Xildhibaan Maxamed Jaamac oo isagana ka mid ah Xildhibaanadii Baarlamaanka ee
Shirkaas Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegey in Xukuumadda oo keliya aysan wax ka
qaban Karin ammaanka isagoona farta ku fiiqay in Doorkii Shacabka uu Banaan
yahay isla markaana looga baahan yahay Shacabka in ay gacan ka gaystaan sidii
wax looga qaban lahaa Ammaanka Magaalada Muqdisho.
Si kastaba waxaa isa soo taraya Dhaliisha loo soo jeedinayo Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya xilli Xukuumadduna ay sheegayso inay wax badan ka
qabanayso ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho , iyadoo Habeenkii Xaley ahaa
Magaalada ay ka dhceen Qaraxyadii ugu Badnaa , waxayna Qraxyadaan ku soo
beegmeen Xlli laba maalin ka hor uu Raiisul Wasaaraha uu socod ku marey Qaar ka
mid ah Wadooyinka Muqdisho
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka,Arrimaha Bani’aadannimada, Haweenka
iyo Carruurta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed
Diiriye ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xirtay Siminaar ku saabsan
dhowridda xuquuqda Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed iyo sida looga
hortagi karo amaba loo yareyn karo xadgudubyada loo geysto.
Faahfaahin....
Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka Puntland ayaa tibaaxay in Puntland ay
joojisey gebi ahaanba wada shaqayntii iyo xiriirkii kala dhaxeeyey Dawladda
Federaalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeedkaas oo ku qornaa Ingriisi HALKAN KA
AKHRI
Official Position of Puntland Government on Relations with Federal
Government of Somalia
PRESS RELEASE
05 August 2013
With reference to the public statement by H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole),
the President of Puntland, on the occasion of August 1 celebration held at
Puntland State House in Garowe – and in line with policy recommendations issued
on July 24 by the Puntland Joint Ministerial and Parliament Committee – Puntland
Government hereby suspends all cooperation and relations with the Federal
Government of Somalia (FGS). FULL PRESS RELEASE READ
HERE
Muqdisho, 05 Augst, 2013.. Shalay shir ka dhacay xarunta Madaxtooyada oo ay
isugu yimaadeen Xooghayaha Golaha Wasiirada & Baarlamaanka Mudane Calas Maxamuud
Jamac Juge, Agaasimayaasha Guud ee Wasaradaha Dowladda, Guddiga KMG Madaxa
Bannaan ee Xaqiiqa Raadinta Tacadiyada ka Dhanka ah Xuquuqal Insaanka (Human
Rights Task Force) iyo Danjiraha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya u fadhiya
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneva, Mudane Yusuf Maxamed Ismaaciil Bari-Bari.
Faahfaahin...
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo soo Dhaweysey Go’aankii Kampala
Iyadoo dhawaan Magaalada Kampala ee Dalka Uganda lagu soo Gabagabeeyay shirkii
Madaxweynayaasha Dalalka Ciidamadu ay ka joogaan Soomaaliya iyo Madaxweynaha
Dawladda Federaalka Soomaaliya isla markaana War Murtiyeedkii shirkaas ka soo
baxay ay ka mid ahaayeen in Maamul u samweynta Jubbooyinka looga Dambeeyo
Dowladda Federaalka ayaa waxaa arrintaa soo dhaweeyay Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Marwo Fowsiyo Xaaji Yuusuf oo Waereysi
siineysey Warbaahinta ayaa sheegtay in ay ku faraxsan yihiin in la aqbalay
Dalabaadkoodii ay shirka hor dhigeen oo ay ka mid ahayad in Maamulka Magaalada
Kismaayo oo ay ku jiraan Dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha lagu soo wareejiyo
Dawladda Soomaaliya.
Marwo Fowsiyo oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaa ku dartay in shirkaas lagu
go’aamiyay oo kale in arrimaha Maamul u samaynta Gobolada Jubbooyinka lagala
tashado oo ay Maamusho Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Uganda oo isaguna hadlay ayaa sheegay in Ciidamada
Kenya oo lagu soo eedeeyay in ay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyadii halkaa
ku Dagaalamay ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay qayb ka yihiin hawlgalka Amisom
wax Maamul Dekad iyo Garoon Diyaaradeed oo ay Maamushana uusan jirin.
Wasiirka arrimaha Dibadda Kenya Aamina oo iyaduna arrimaha laguu soo eedeeyay
Ciidamada Kenya ka jawaabaysey ayaa sheegtay in Ciidamada Kenya aysan dhinacana
la safneyn una taagan yihiin sidii ay u sugi lahaayeen Ammaanka Degaanada ay
kaga sugan yihiin Soomaaliya.
Isku soo wada duuboo Xukuumadda Keenya ayaa lagu eedeeyaa inay gacan siisay
Ciidamada uu Hoggaamiyo Axmed Madoobe oo Dagaal Magaalada Kismaayo kula galay
Ciidamo uu Hoggaaminayay Col. Barre Hiiraale iyo Ciidamo kale oo ay kala
Hogaaminayeen Rag Madaxweynayaal Sheegtey
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Shirkii Kampala oo la soo gabogabeeyey iyo Madaxweyne Xasan oo Museveni ku
ammaanay doorkiisa hoggaamineed ee Soomaaliya
Kampala, 04 August 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo oo shalay
iyo maanta ku sugnaa Kampala ayaa ku ammaanay Madaxweyne Yoweri Museveni
doorkiisa hoggaamineed ee uu ka qaatay arrimaha Soomaaliya.
Warka oo dhamaystiran
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 5, 2013
|