SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Shirkii Kampala oo la soo gabogabeeyey iyo Madaxweyne Xasan oo Museveni ku ammaanay doorkiisa hoggaamineed ee Soomaaliya

Kampala, 04 August 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo oo shalay iyo maanta ku sugnaa Kampala ayaa ku ammaanay Madaxweyne Yoweri Museveni doorkiisa hoggaamineed ee uu ka qaatay arrimaha Soomaaliya.

Shirkii Madaxda waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo la soo gabogabeeyey, lagana soo saaray war-murtiyeed.

Madaxdii shirkan ka soo qeybgashay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay horumar ballaaran ka sameysey dhinacyada amniga iyo siyaasadda. Sidoo kale doorka AMISOM iyo ciidamada Ethiopia ayaa iyagana lagu ammaanay, lagana codsaday inay dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii ay ciidameeda dib-u-habeynta socota u dhameystiri lahaayeen, iyo sidii ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM loogu heli lahaa tasiilaadka ay u baahanyihiin.



War-murtiyeedka waxaa lagu xusay in dowladdu ay sii wado wadahadallada ay kula jirto dhammaan qeybaha kala duwan ee goboladda Jubbooyinka, isla markaana ay dowladda maamulkeeda wada gaarsiiso dhammaan dalka oo dhan.

War-murtiyeedka waxaa kaloo lagu xusay in AMISOM iyo hay’adaha QM ay raashinka iyo qalabka ay u baahanyihiin ay ka iibsadaan ganacsatada Soomaaliyeed oo aan dibedda looga keenin.

War-murtiyeedka waxaa lagu xusay in AMISOM ka shaqeyso sidii ciidamo isku dhaf ah loo geyn lahaa Kismaayo.

Madaxweynaha iyo wafdigii oo hoggaaminayey ayaa lagu wadaa inay dhowaan ku soo laabtaan dalka.

- DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), 
Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President, 
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com

Madaxda Somalia, Kenya, Ethiopia iyo Uganda oo kulan wada qaatay

WARSAXAAFADEED

Kampala, 04 August 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo oo shalay iyo maanta ku sugnaa Kampala ayaa kulan la qaatay dhigiisa Kenya, Ethiopia iyo Uganda ka hor shirkii madaxda waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Shirkan ay wada yeesheen Xasan Sheikh Maxamud, Uhuru Kenyatta, Hailemariam Desalegn iyo Yoweri Museveni ayaa diiradda lagu saaray sidii shirka Kampala uu u noqon lahaa mid miro dhal ah.

Madaxda waddamada Somalia, Kenya, Ethiopia, iyo Uganda ayaa lagu soo qaaday in dowladda Soomaaliya ay horumar ballaaran ka sameysey dalka, hase yeeshee ay jiraan caqabado fara badan oo u baahan in xal guud oo waara loo helo, kuwaas oo ka mid ah sidii Al-Shabaab loo soo afjari lahaa, sidii ciidadamada Dowladda Soomaaliya loogu heli lahaa dhaqaale iyo hubkii ay ku howlgali lahaayeen. Sidoo kale waxey madaxdu isla garteen inay muhiim tahay in AMISOM loo helo tasiilaadkii ay u baahnaayeen si ay amniga iyo kala danbeynta Soomaaliya u soo noqoto.



Kulankii Madaxda ayaa hadda socda oo saacadaha soo socda la soo gabogabeyn doonaa. Madaxweynaha ayaa khudbad taariikhi ah ka jeedin doono shirka oo uu uga mahadcelinayo waddamada ciidamada u soo direy Soomaaliya oo dhiigooda iyo maalkooda u huray sidii ay Soomaaliya u noqon laheyd dal nabad ah. Madaxweynahu waxuu ka warbixin doonaa horumarka ballaaran oo ay dowladdu ku tallaabsatay gaar ahaan dhanka dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab, tababaradda joogtada ah ee ciidamada Soomaaliya, iyo dib u habeynta socota ee hay’adaha amniga.

Madaxweynahu waxuu Kampala ku joogaa booqasho labo cisho ah oo uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa mas’uuliyiinta dalalka kale ee ka soo qeybgali doona shirka burrito ah.

- DHAMAAD –

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), 
Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President, 
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com +252 615 479911


Ra’iisul Wasaaraha oo xalay Saq-dhexe socod kumaray isgoys-yada magaalada Muqdisho

 Muqdisho August 4, 2013----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xalay Saq-dii dhexe ee 12:00am saacadda geeska Afrika, waxaa uu socod lug ah ku maray degmooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaana Isgoys-yada Beexaani, Sanca, Fagax, Cali-kamiin, Laba-dhagax, Baar-ubax, Black sea, Al Barako, iyo isgoyska Banaadir, waxaana socdaalkani uu ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladda amniga iyo howlaha ciidamada amnigu ay ka wadaan magaalada. SII AKHRI
 


Musaveni oo Dhex Dhexaadinaya Xasan Shiikh iyo Uhuru Kenyatta

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kamala ee dalka Ugandha ayaa sheegaya in Madaxweynaha Uganda Musavini uu u kala dab qaadayo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta kuwaa oo si aad ah isugu qabtay Xaaladda Magaalada Kismaayo. Iyo qaabka Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Amisom ay uga hawl galayaan Soomaaliya kaddib markii Dagaalo dhawaan ka dhacay Kismaayo ay garab siiyeen Ciidamadii Raaskaambooni oo uu hoggaaminayay Axmed Madoobe. SII AKHRI...


Puntland oo ka soo Horjeestay Heshiiskii Dhex Maray Dawladda Federaalka iyo Shirkadda Atlantic Marine And Offshore Group.

Eng. Siciid Maxamed Raage oo ah Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka Badda iyo la Dagaalanka Burcad Badeedka ee Maamulka Puntland ayaa xafiiskiisa ka soo saaray Warsaxaafadeed si aad uga hadlaya Heshiis dhex maray 30kii Bishii ina soo dhaaftay ee Luuliyo dhex maray Dawladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Gaashaandhigga Cabdixakiim Xaaji Maxamuud fiqi iyo Shirkad laga leeyahay dalka Holland oo lagu magacaabo Atlantic Marine And Offshore Group.

Warsaxaafadeedkan ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo la Dagaalanka Burcad Badeedka ee Maamulka la magac Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay u Madaxbanaan tahay ilaalinta Xeebaheeda isla markaana aanay Mas’uul ka ahayn Dawladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan marka ay timaado dhinaca Ilaalinta Xeebaha.

Warsaxaafadeedka ayaa ku tilmaantay Heshiiskii dhex maray Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Atlantic Marine And Offshore Group ee laga leeyahay Waddanka Holland inuu yahay mid ka hor imaanaya Heshiisyadii hore u dhex maray Xukuumadda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee ku aaddanaaa Ilaalinta Madaxbanaanida Dhulka iyo Biyaha Dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka  ayaa lagu soo Gabagabeeyay in Puntland ay sii wadi doonto inay ilaalsato Biyaheeda iyo in ay Tababarato Ciidamadeeda ilaaliya Xeebaha isla markaana ay ka hor tegi doonto wax walba oo ay u aragto inuu ka horimaanayo Madaxbanaanida amniga, Kheyraadka Dalka , iyadoo sidoo kale war Saxaafadeedkan lagu sheegay in Puntland aysan ogolaan doonin Heshiis kasta oo ay Dawladda Soomaaliya la gasho Dawlad aysan iyadu ogeyn ama Shirkad gaar loo leeyahay.

Halkan ka akhri Warsaxaafadeedka oo Ingiriisi ah

W/D AmIin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;