Musaveni oo Dhex Dhexaadinaya Xasan Shiikh iyo Uhuru Kenyatta
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kamala ee dalka Ugandha ayaa sheegaya in
Madaxweynaha Uganda Musavini uu u kala dab qaadayo Madaxweyne Xasan Shiikh
Maxamuud iyo Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta kuwaa oo si aad ah isugu qabtay
Xaaladda Magaalada Kismaayo. Iyo qaabka Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Amisom
ay uga hawl galayaan Soomaaliya kaddib markii Dagaalo dhawaan ka dhacay Kismaayo
ay garab siiyeen Ciidamadii Raaskaambooni oo uu hoggaaminayay Axmed Madoobe. Inta aan la isku keenin labada Madaxweyne ayaa Madaxweynaha Uganda Mosavini waxa
uu Magaalada Nairobi kulan kula qaatay Madaxweynaha Dalka Kenya Kenyatta kuwaa
oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo Muranka ka taagan Magaalada Kismaayo,
sidoo kale waxa uu madaxweynaha Ugandha Magaalada Kampala kulan kula qaatay
MadaxweynahaSoomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud kuwaa oo ka wada hadlay Xaaladda
Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose kaddib markii Dawladaha Kenya iyo
Soomaaliya ay isku fahmi waayeen qaabka loo wajahayo arrimaha Kismaayo.
Madaxweynaha Uganda ayaa waxa uu doonayaa in uu si ka fool ka fool isku soo hor
fariisiyo labada dhinac marka uu dhamaado Shirka Madaxda Ciidamada ay ka joogaan
Dalka Soomaaliya oo ka furmaya Magaalada Kampala iyadoo lagu waramay in
kulankaas uu ka qayb gali doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo
aad u daneynaya in la so oaf jaro dagaalada ka taagan Magaalada Kismaayo oo
dhawaantan dagaal dad fara badani ku dhinteen uu halkaas ka dhacay. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu doonayaa in Mamulka
loo samaynayo Gobolada Jubbooyina uu noqdo mid marka hore ka yimaada dhinaca
Dawladda si loo helo Maamul ay ku Mideysan yihiin dhammaan Beelaha wada dega
Gobolada Jubbooyinka , dhinaca kale Maamulka Axmed Madoobe ayaa isagu ka soo hor
jeeda Maamul ka yimaada dhinaca Dawladda Federaalka Soomaaliya isagoo ku
adkaysanaya in Maamulka haatan halkaa ka jira ay u dhan yihiin Beelaha halkaa
wada dega, balse arki doonee waxa ka soo baxa kulanka uu Garwadeenka ka yahay
Muzaveni oo lagu wado in ay wada yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo
Madaxweynaha Kenya. W/D AmIin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
....................................
Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Kampala
Kampala, 03 August 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa soo
gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda si ay uga qeybgalaan shirka
waddamada ay ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya. Madaxweynaha waxaa
wafdigiisa ka mid ahaa Wasiirka Difaaca, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada,
xildhibaanno, diplomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale. Waxaa sidoo kale Kampala ku
sugnaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen oo shirkii heer
wasiir maanta ka qeybgashay.
Maanta makhribkii ayuu madaxweyne Xasan Sheekh kulan gaar ah la qaadan doonaa
dhigiisa Madaxweyne Yuweri Musaveni oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada
dal, ciidamada AMISOM iyo shirka waddamada ciidamadu ay ka joogaan Soomaaliya oo
maalinta berri ah ka dhici doono Kampala oo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha
dalka Uganda.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu shirka berry khudbad taariikhi ah
ka jeedin doono oo uu uga mahadcelinayo waddamada ciidamada u soo direy
Soomaaliya oo dhiigooda iyo maalkooda u huray sidii ay Soomaaliya u noqon laheyd
dal nabad ah. Madaxweynahu waxuu ka warbixin doonaa horumarka ballaaran oo ay
dowladdu ku tallaabsatay gaar ahaan dhanka dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab,
tababaradda joogtada ah ee ciidamada Soomaaliya, iyo dib u habeynta socota ee
hay’adaha amniga.

Madaxweynahu waxuu Kampala ku joogaa booqasho labo cisho ah oo uu kulamo gaar
gaar ah la qaadan doonaa mas’uuliyiinta dalalka kale ee ka soo qeybgali doona
shirka burrito ah.
- DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the
Office of the President,
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2013
|