SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Oo Muqdisho Loogu Soo Xiray Siminaar La Xiriira Dhowridda Xuquuqda Haweenka Iyo Carruurta

Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka,Arrimaha Bani’aadannimada, Haweenka iyo Carruurta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xirtay Siminaar ku saabsan dhowridda xuquuqda Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed iyo sida looga hortagi karo amaba loo yareyn karo xadgudubyada loo geysto.

Siminaarkan oo uusoo qaban qaabiyey Gudiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka islamarkaana ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha gudiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka,Xildhibaanno iyo xubno horey xilal kala duwan ugasoo qabtay dowladihii KMGka ahaa ayaa waxaa uu ka soconayey mudo Seddex cisho ah Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho ayadoo dhinacyada ka qeybgalayna ay mudadaasi si gaar ah ay isku dhaafsadeen aragtiyo la xiriira sida loo joojin karo xadgudubyada loo geysto Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed iyo sida loo ilaalin karo xaquuqda aas aasiga ah ee ay Bulshada ku leeyihiin.

Munaasabadda xeritaanka Siminaarkan ayaa ugu horeyn waxaa khudbad ka jeedisay Nuurto Sheekh Maxamed oo iyadu gudoomiye ka ah Somali Family & Child Care Organization (SFCC) ayaa ugu mahad celisay ka qeybgalayaasha Siminaarkan sida ay waqtigooda qaaliga ah ugu horeen mowduucaan dhowridda Xuquuqda Haweenka iyo Carruurta,sidoo kalena waxa ay u mahad celisay Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqda Aadanaha Baarlamaanka oo ay ku ammaantay sida ay juhdi badan u gelisay qabsoomidda Siminaarkan ayadoo dhanka kalena xustay in ka qeybgalayaasha ay aragtiyo muhiim ah isku dhaafsadeen mudada Seddexda Cisho aheyd ee uu Siminaarku u socday.

Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka,Arrimaha Bani’aadannimada, Haweenka iyo Carruurta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyaduna jeedisay khudbadda xeritaanka Siminaarkan ayaa ka qeybgalayaasha uga mahad celisay sida wanaagsaneyd ee ay uga qeybqaateen Siminaarkan mudada Seddexda Cisho ah ee uu socday waxaana ay dhanka kale ka hadashay muhiimadda ay bulshada u leedahay dhowridda xuquuqul Insaanka guud ahaan gaar ahaanna Haweenka iyo Carruurta oo iyagu xadgudubyo badan la kulma.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul Insaanka,Arrimaha Bani’aadannimada, Haweenka iyo Carruurta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa faah faahin ka bixisay xeerka Xuquuqul Insaanka Dalka iyo sida loogu baahanyahay in la helo ayadoo xustay in Gudigu uu muhiimad weyn siinayo sidii ay shacbiga Soomaaliyeed tallooyin uga dhiiban lahaayeen xeerka Xuquuqul Insaanka ka hor inta aanan la horgeyn Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Siminaarkan oo qeyb ka ah dadaallada uu gudiga Xuquuqul Insaanka,Arrimaha Bani’aadannimada, Haweenka iyo Carruurta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku doonayo in dalka uu ku wada gaarsiiyo muhiimadda dhowridda Xuquuqul Insaanka ayaa kusoo gebageboobay jawi aad u wanaagsan ayadoo dhinacyada ka qeybgalayna ay si aad ah u ammaaneen Siminaarkan islamarkaana ay sheegeen iney wax badan ka kororsadeen.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoonka Baarlamaanka

Email:- media@parliament.gov.so

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;