SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xukuumadda Ereteriya oo Aqoonsatay Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu Hogaamiyo Xasan Shiikh

In ka badan Labaatan Sano ayaa markii u Horeeyay Xukuumadda Eritireeya waxa ay si Buuxda u aqoonsatay Dawladda Federaalka Soomaaliya.Wakiilk Joogtada ee Xukuumadda Eritereya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa halkaa ka sheegay in Xukuumaddiisu ay Aqoonsatay DawladdaFfederaalka Soomaaliya.

Wakiilka ayaa ugu horenba Qaramada Midoobay ka sheegay in Dalkiisu aqoonsan yahay isla markaana la shaqaynayo Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Wakiilka ayaa soo hadal qaaday sida ay lagama Maarmaanka u tahay Dalalka ku yaala Gobolka a ay ugu wada Noolaan lahaayeen si nabad ah isagoona Mushkiladda Soomaaliya ku sheegay in dhankooda in ay Diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan sidii xal looga gaari lahaa.

“Ereteriya way ka soo hor jeedaa in Gobolku noqodo meel ay Colaaduhu ku soo noq noqdaan” ayuu si kulul u yiri Wakiilka isagoona dhankooda ballan qaaday in ay diyaar u yihiin sidii Gobolka oo dhan ay Nabadi uga Islaaxi lahayd.

Xukuumadda Ereteriya ayaa weligeedba ka soo hor jeeday aqoonsiga Dawladihii ku meel gaarka ee Soomaaliya soo maray iyadoona mar walbana ku andacoon jirtay in haba yaraatee aysan Aqoonsanayn Dawlad Soomaaliyeed oo Soomaaliya ka jirta.

Eretiriya ayaa lagu eedeeyn jiray weligeen in ay qayb ka ahayd Dhibaatada Soomaaliya iyadoo taageero Military iyo mid Dhaqaalaba u fidin jirtay Xarakada Shabaab oo la dagaalanta Dawladda Federaalka Soomaaliya,iyadoo Sanadkii hore ayay ahayd markii Eretetiraya ay shaaca ka qaadday in aysan wax taageera ah u fidin Shabaab waxaana eedeeyntaan u soo jeediyey Guddoga Dabagalka Cunaqabteyn Hubka Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Madaxda Somalia, Kenya, Ethiopia iyo Uganda oo kulan wada qaatay

WARSAXAAFADEED

Kampala, 04 August 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo oo shalay iyo maanta ku sugnaa Kampala ayaa kulan la qaatay dhigiisa Kenya, Ethiopia iyo Uganda ka hor shirkii madaxda waddamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Shirkan ay wada yeesheen Xasan Sheikh Maxamud, Uhuru Kenyatta, Hailemariam Desalegn iyo Yoweri Museveni ayaa diiradda lagu saaray sidii shirka Kampala uu u noqon lahaa mid miro dhal ah. SII AKHRI


Musaveni oo Dhex Dhexaadinaya Xasan Shiikh iyo Uhuru Kenyatta

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kamala ee dalka Ugandha ayaa sheegaya in Madaxweynaha Uganda Musavini uu u kala dab qaadayo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta kuwaa oo si aad ah isugu qabtay Xaaladda Magaalada Kismaayo. Iyo qaabka Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Amisom ay uga hawl galayaan Soomaaliya kaddib markii Dagaalo dhawaan ka dhacay Kismaayo ay garab siiyeen Ciidamadii Raaskaambooni oo uu hoggaaminayay Axmed Madoobe. SII AKHRI...


Puntland oo ka soo Horjeestay Heshiiskii Dhex Maray Dawladda Federaalka iyo Shirkadda Atlantic Marine And Offshore Group.

Eng. Siciid Maxamed Raage oo ah Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka Badda iyo la Dagaalanka Burcad Badeedka ee Maamulka Puntland ayaa xafiiskiisa ka soo saaray Warsaxaafadeed si aad uga hadlaya Heshiis dhex maray 30kii Bishii ina soo dhaaftay ee Luuliyo dhex maray Dawladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Gaashaandhigga Cabdixakiim Xaaji Maxamuud fiqi iyo Shirkad laga leeyahay dalka Holland oo lagu magacaabo Atlantic Marine And Offshore Group.

Warsaxaafadeedkan ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo la Dagaalanka Burcad Badeedka ee Maamulka la magac Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay u Madaxbanaan tahay ilaalinta Xeebaheeda isla markaana aanay Mas’uul ka ahayn Dawladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan marka ay timaado dhinaca Ilaalinta Xeebaha.

Warsaxaafadeedka ayaa ku tilmaantay Heshiiskii dhex maray Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Atlantic Marine And Offshore Group ee laga leeyahay Waddanka Holland inuu yahay mid ka hor imaanaya Heshiisyadii hore u dhex maray Xukuumadda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee ku aaddanaaa Ilaalinta Madaxbanaanida Dhulka iyo Biyaha Dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka  ayaa lagu soo Gabagabeeyay in Puntland ay sii wadi doonto inay ilaalsato Biyaheeda iyo in ay Tababarato Ciidamadeeda ilaaliya Xeebaha isla markaana ay ka hor tegi doonto wax walba oo ay u aragto inuu ka horimaanayo Madaxbanaanida amniga, Kheyraadka Dalka , iyadoo sidoo kale war Saxaafadeedkan lagu sheegay in Puntland aysan ogolaan doonin Heshiis kasta oo ay Dawladda Soomaaliya la gasho Dawlad aysan iyadu ogeyn ama Shirkad gaar loo leeyahay.

Halkan ka akhri Warsaxaafadeedka oo Ingiriisi ah

W/D AmIin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;