Golaha Wasiirada DFS oo Ogolaaday heshiis shirkad lagu magacaabo Bureau
Veritas Pre-Inspection, taasoo ka shaqeyn doonto hubinta tayada raashinka
dibadda laga keeno iyo weliba daawooyinka
Afhayeenka Xukuumada Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in Golaha
Wasiirada DFS "ay fasaxeen heshiiska shirkad lagu magacaabo Bureau Veritas
Pre-Inspection, oo ay horay u saxiixday dawladdii KMG aheyd, taasoo ka shaqeyn
doonto hubinta tayada raashinka dibadda laga keeno iyo weliba daawooyinka,
waxayna shirkaddani ka howlgashaa 120 dal oo caalamka ah, waxaana adeega
shirkadani uu saamixi doonaa in la horumariyo tayada iyo caafimaadka raashinka."
Waxa kale oo warsaxaafadeedku sheegay in Golaha Wasiirada ay kulankii
khaamiista kaga hadleen "howlaha shirkaddaha Amniga ee gaarka loo leeyahay
(Private Security Companies), kuwaasoo uu xusay in dawladdu dib u eegis ku
sameyneyso."
Warsaxaafadeedka oo dhammaystiran hoos ka akhri:
Shirka Golaha Wasiirada oo su’aalo lagu weydiiyay Taliyeyaasha Boliiska iyo
Nabadsugida
Muqdisho, August 1, 2013-----Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir
gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”,
iyadoo su’aalo lagu weydiiyay Taliyeyaasha Boliiska iyo Nabadsugida Qaranka.
Kulankana ayaa inta badan looga hadlay arrimaha ku aadan sugida amniga ee dalka,
waxayna goluhu warbixino la xariira ammaanka ka dhegeysteen Taliyaha Boliiska
Soomaaliyeed Jen. Cabdixakiin Daahir “Saacid”, iyo Jen. Bashiir Maxamed Jaamac,
iyaga oo ka warbixiyay howlgalada ay ciidamadu wadaan ee lagu sugayo ammaanka,
iyaga oo sheegay in 24 saac kasta ay ciidamada ammaanku baajiyaan falal lidi ku
ah ammaanka iyo shacabka.
Taliyaha Booliska ayaa waxa uu ka warbixiyay kooxo qarxiyay labo ka mid ah
baalayaasha ku shaqeeya Cadceeda oo ku yaala wadada Makka al Mukarama, isaga oo
tilmaamay inay soo qabteen dad looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen falkaasi,
ayna haatan ku jiraan xarunta dambi baarista ee CID-da, ayna soo bandhigi
doonaan natiijada baaritaankaasi. Iyadoo sidoo kalena taliyaha Nabadsugida Jen.
Bashiir uu xusay in ay laban laabayaan falalka ay uga hortagayaan kooxaha
caadeystay inay amniga shacabka khal khal ku abuuraan.
Afhayeenka Xukuumada Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo warbaahinta la
hadlay markii uu idlaaday kulanka Golaha Wasiirada ayaa xusay in sidoo kale
kulanka looga hadlay howlaha shirkaddaha Amniga ee gaarka loo leeyahay (Private
Security Companies), kuwaasoo uu xusay in dawladdu dib u eegis ku sameyneyso.
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in goluhu ay fasaxeen heshiiska shirkad lagu
magacaabo Bureau Veritas Pre-Inspection, oo ay horay u saxiixday dawladdii KMG
aheyd, taasoo ka shaqeyn doonto hubinta tayada raashinka dibadda laga keeno iyo
weliba daawooyinka, waxayna shirkaddani ka howlgashaa 120 dal oo caalamka ah,
waxaana adeega shirkadani uu saamixi doonaa in la horumariyo tayada iyo
caafimaadka raashinka.
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia
###
Dawladda Federaalka oo Qandaraas ku saabsan Ilaalada Badda (Difaac Xeebta)
la gashay Shirkad lagu magacaabo Atlantic Marine and Offshore Group
Warsaxaafadeed uu maanta July 30, 2013 faafiyey Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha
DFS ayaa tibaaxay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Qandaraas la gashay
shirkad lagu magacaabo "Atlantic Marine and Offshore Group", shirkaddaas
oo warbixintu sheegtay in
fadhigeedu yahay dalka Holand (Netherlands) waxaa loo igmaday in ay
Soomaaliya u soo diyaariso ciidan ilaalada xeebta (Coast Guard), soona agaasinto
qaabka ilaalinta (Surveillance ) halka loogu yeeray aagga dhaqaalaha badda
(Exclusive Economic Zone = EEZ) iyo waardiyeynta aaggaas, ilaalinta ammaanka
dekedaha, difaacida khayraadka dabiiciga iyo kalluumaysiga, badda ka ilaalinta
wax yaabaha sunta halista ah.
Shirkadda Atlantic Marine and Offshore Group waxay bixin doontaa adeegyada iyo tababaro ciidanka illaalada
Badda.
July 25, 2013 ayey ahayd markii Golaha Wasiirada DFS ay Meel Mariyeen Heshiis Dhexmaray Wasaaradda Kheyraadka DFS
iyo Shirkad lagu magacaabo FishGuard sida lagu cadeeyey warsaxaafadeed
maalintaas soo baxay in "Golaha
Wasiirada ay meel mariyeen heshiis adeeg oo dhex maray Wasaaradda Kheyraadka ee
xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo shirkad lagu magacaabo FishGurad [sic] oo
fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana heshiiskan uu
sahli doonaa in horumarinta kalluumeysiga dalka iyo kheyraadka kale ee dalka.
Waxayna [FishGuard] shirkaddani bixin doontaa adeegyada iyo tababaro ciidanka illaalada
Badda." (Halkan Tixraac)
Warsaxaafadeedka ku saabsan shirkadda cusub ee Atlantic Marine and
Offshore Group oo ku qornaa ingiriisi HALKAN ka akhri...
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 2, 2013
|