SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Dawladda Federaalka oo Qandaraas ku saabsan Ilaalada Badda (Difaac Xeebta) la gashay Shirkad lagu magacaabo Atlantic Marine and Offshore Group

Warsaxaafadeed uu maanta July 30, 2013 faafiyey Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha DFS ayaa tibaaxay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Qandaraas la gashay shirkad lagu magacaabo "Atlantic Marine and Offshore Group", shirkaddaas oo warbixintu sheegtay in fadhigeedu yahay dalka Holand (Netherlands) waxaa loo igmaday in ay Soomaaliya u soo diyaariso ciidan ilaalada xeebta (Coast Guard), soona agaasinto qaabka ilaalinta (Surveillance ) halka loogu yeeray aagga dhaqaalaha badda (Exclusive Economic Zone = EEZ) iyo waardiyeynta aaggaas, ilaalinta ammaanka dekedaha, difaacida khayraadka dabiiciga iyo kalluumaysiga, badda ka ilaalinta wax yaabaha sunta halista ah.

Shirkadda Atlantic Marine and Offshore Group waxay bixin doontaa adeegyada iyo tababaro ciidanka illaalada Badda.

July 25, 2013 ayey ahayd markii Golaha Wasiirada DFS ay Meel Mariyeen Heshiis Dhexmaray Wasaaradda Kheyraadka DFS iyo Shirkad lagu magacaabo FishGuard sida lagu cadeeyey warsaxaafadeed maalintaas soo baxay in "Golaha Wasiirada ay meel mariyeen heshiis adeeg oo dhex maray Wasaaradda Kheyraadka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo shirkad lagu magacaabo FishGurad [sic] oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana heshiiskan uu sahli doonaa in horumarinta kalluumeysiga dalka iyo kheyraadka kale ee dalka. Waxayna [FishGuard] shirkaddani bixin doontaa adeegyada iyo tababaro ciidanka illaalada Badda." (Halkan Tixraac)

Warsaxaafadeedka ku saabsan shirkadda cusub ee  Atlantic Marine and Offshore Group oo ku qornaa ingiriisi hoos ka akhi

Somali Government signs landmark coastal protection contract

Tuesday 30th July 2013, Mogadishu

The Minister of Defense for the Federal Government of Somalia has signed a contract with The Atlantic Marine and Offshore Group to deliver structure, assets and services in order to develop an effective and sustainable Coast Guard in Somalia.



Instituting a Coast Guard is essential for the establishment of the rule of law within Somali waters and the Exclusive Economic Zone (EEZ). This contract clearly contributes to the stability and economic recovery of Somalia and is supporting the Country’s Six Pillar Policy.

With its Headquarters in The Netherlands, The Atlantic Marine and Offshore Group has set out the main objectives for the new structured Somali Coast Guard:
• Monitoring and Surveillance of the Exclusive Economic Zone
• Patrolling, controlling and securing the Exclusive Economic Zone.
• Securing trade and Ports
• Protecting natural resources
• Protection of fishing grounds from illegal foreign fishing boats
• Prevention of dumping of toxic materials
• Search, Rescue and Anti-Smuggling services

The Atlantic Marine and Offshore Group has developed a series of innovative Long Range Patrol Vessels, equipped with high speed intervention vessels. The Atlantic Marine and Offshore Group will build, maintain and operate the Coast Guard Fleet in compliance with Somali Coast Guard Directorate in a safe, effective and cost efficient manner.

The Atlantic Marine and Offshore Group has developed an education and training programme for the Somali Coast Guard Directorate and will develop a Coast Guard Training Centre to train Somali Coast Guard personnel, security officers and shore based support personnel.

The Atlantic Marine and Offshore Group will aim to hand over all development, training and operations aspects within medium term to the Somali Coast Guard Directorate.

The Atlantic Marine and Offshore Group will operate, on behalf of the authority and administrative command of the Federal Republic of Somalia - Somali Coast Guard Directorate and will adhere to all applicable embargoes and restrictions set by the United Nations.

ENDS

For further information please contact Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), 
Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President, 
engabdirahman@gmail.com +252 615 479911 or +252 699 998854

Faafin: SomaliTalk.com | July 30, 2013


Warbixin ay July 12, 2013 soo saartay kooxda Contact Group ee Qaramada Midoobay ayaa si qayaxan u cadaysay cawaaqibka ka dhalanaya haddii Soomaaliya aqbasho nidaamka xadaynta badda ee loo yaqaan EEZ (Exclusive Economic Zone for Somalia), taas oo ah in Soomaaliya waayeyso gebi ahaanab badda muranka la geliyey oo ay qaadan doonto Kenya.

Arrintaa warbixinta UN waxay ka tiri: "Marka Soomaaliya aqbasho EEZ ee nidaamka hoos imanaya UNCLOS, markaas waxaa loo baahan doonaa in Soomaaliya iyo Kenya ay bilaabaan wada xaajood labada dalba aqbalsan yihiin oo kusaabsan xuduud badeedka. Taasi waxay albaabka u fureysaa suurtagal in ay noqoto in dib loo xadeeyo xuduud badeedka badda ayadoo laga bedelayo xariiqda ku qotonta xeebta (perpendicular position) oo loo bedelo xariiq jiifta oo laacaysa loolka (Latitude line). Isbedelkaasi waxa uu xaqiiqo ahaan dhulka la isku hayo qaybtiis ama gebi ahaantiisba hoos geynayaa badda Kenya. Sababtaas awgeed ayey ahayd tii keentay in 8-dii October 2011 ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya cod ku diideen isku daygii ahaa in EEZ lagu soo daro nidaamkii Roadmap-ka," sidaas waxay ku caddahay warbixinta UN-ka ee S/2013/413 soona baxday July 12, 2013 boggeeda 249 iyo 250.

Waxaana warbixinta UN-ku cadaysay in Soomaaliya ay sannadkii 1972 cabirka baddeeda ku qeexday 200 mayl-badeed oo ah Territorial Waters.

Waxaa arrintaas (in Soomaaliya ay leedahay 200 nm oo territorial waters ah) ayidey go'aan ay June 6, 2013 soo saareen Golaha Wasiirada DFS, kaas oo qeexay sidan "Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran."

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;