SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Golaha Wasiirada oo Meel Mariyey Heshiis Dhexmaray Wasaaradda Kheyraadka DFS iyo Shirkad lagu magacaabo FishGuard

Warsaxaafadeed ka soo baxay golaha xumuumadda DFS ayaa tibaaxay in "Golaha Wasiirada ay meel mariyeen heshiis adeeg oo dhex maray Wasaaradda Kheyraadka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo shirkad lagu magacaabo FishGurad [sic] oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana heshiiskan uu sahli doonaa in horumarinta kalluumeysiga dalka iyo kheyraadka kale ee dalka. Waxayna shirkaddani bixin doontaa adeegyada iyo tababaro ciidanka illaalada Badda."

Waxa kale oo ay meel mariyeen "Hindise sharciyeedka Shatiga dhoofinta iyo soo dejinta (Import and Export), iyo sidoo kale sharciga sumada ganacsiga (Trade Mark)", waxayna ka wada hadleen qodobo kale sida ku cad warsaxaafadeedka hoose:

War-saxaafadeed

Golaha Wasiirada oo shirkoodii maanta uga dooday qodobo dhowr ah
 

Muqdisho July 25, 2013----Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii warbixin ka dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdikariin Guuleed iyo Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdixakiin Faqi kawaasoo sharaxaad ka bixiyay dadaalka ay ugu jiraan xakameynta amniga, waxayna xuseen in ay wadaan qorsheyaal ay uga hortagayaan falalka lidiga ku ah amniga magaalada iyo dhamaamba gobolada dalka.

Golaha ayaa isla gartay muhiimada bixinta mushaaraadka ciidanka dawladda sida, Boliiska, Nabadsugida iyo Asluubta, oo markii ugu horeysay dawladdu bilowday waxaana loo qoondeeyey mushaar dhan halkii Askari USD 160 (Boqol iyo lixdan dollar). “Talaabadan mushaar bixintu waxay kor u qaadi doontaa kalsoonida ciidankeena, dawladduna waxay xil gaar ah iska saareysaa sidii ciidanku ay bil walba u heli lahaayeen mushaaraadkooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shirka golaha, isaga oo sheegay in mushaaraadka ciidanka ay ka bixinayaan Qasnada dawlada.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale warbixin ka dhegeystay guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cadliye, isaga oo sharaxaad dheer ka bixiyay qaabka maamulka lacagta soo gasha iyo mida ka baxda Bankiga dhexe, si loo muujiyo hufnaanta nidaamka Bankiga dhexe. Isaga oo golaha u cadeeyey in aaney jirin wax musuq maasuq la xariira oo ka jira Bankiga dhexe.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa meel mariyay heshiis adeeg oo dhex maray Wasaaradda Kheyraadka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo shirkad lagu magacaabo FishGurad oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana heshiiskan uu sahli doonaa in horumarinta kalluumeysiga dalka iyo kheyraadka kale ee dalka. Waxayna shirkaddani bixin doontaa adeegyada iyo tababaro ciidanka illaalada Badda.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale meel mariyay Hindise sharciyeedka Shatiga dhoofinta iyo soo dejinta (Import and Export), iyo sidoo kale sharciga sumada ganacsiga (Trade Mark), iyadoo loo gudbin doono golaha Baarlamaanka si ay u ansixiyaan. Waxayna sharuucdani qeyb ka yihiin soo celinta nidaamkii iyo sharciyadii dalka.

Ugu dambeyntiina, Golaha Wasiirada ayaa magacaabay Agaasinka Qaranka ee Horumarinta iyo Tayaynta Hay’addaha Dawladda (National Institutional Capacity Development Directorate), waxaana loo magacaabay inuu madax ka noqdo Cabdi Sheekh Axmed, waxaana agaasinku uu hoos imaan doonaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Iyada oo agaasinkani uu hogaan u noqon doono Barnaamijyada horumarinta tayeynta hay’addaha Qaranka.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | July 25, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;