Qoraalkan waxaa looga dan leeyahay in dadka waaweyn la dareensiiyo xaaladda
ay ku sugan yihiin caruurta Soomaaliyeed ee ku nool Minneapolis si loogu
baraarugo isla markaana wixii laga qaban karo laga qabto. Waxaa kale oo
qoraalkan looga gol leeyahay in dadka wax garadka ah ama mas’uuliyiinta ah oo
ka gubanaya dhibaatada dhallaanka Soomaaliyeed meel kasta ha joogaane ay talo
ka dhiibtaan wixii ay la tahay wixii laga qaban karo iyo sida ku haboon in loo
daryeelo haddiiba ay suurtoobayso. Waxaad talooyinka ku soo aadin kartaan
mnwardere@yahoo.com
Waxaan kale oo aan ka cudurtaaranaynaa in aanan halkan ku sheegi karin
magacyada caruurta iyo weliba aanan soo bandhigi karin masawiradooda waayo
waxaan ixtiraamaynaa sirta iyo sharafta shaqsiyaadka arrintan hadal ka dhiibtay
iyo sharciga oo aanan noo ogolayn in aan caruur ku faafino qalabka warbaahinta
ayadoo aanan waalidkood fasax laga helin.
Qoraalkan waxaa kalifay in hadda la qoro ka dib markii ay qaylada isla
yeertay xilligan (Iskuuladaa xiran , jawigana waa wanaagsan yahay oo baraf iyo
qabow ma leh) Magaalooyin badan oo maraykanka ku yaal oo ay Minneapolis ka mid
tahay oo ay denbiyadii cirka isku shareereen. Waxaan nasiib darro ku soo aaday
waqti uu booliiska magaalada oo kaashanaya dadwaaweyn oo Soomaali ah ay qab
qabanayaan wiilasha iyo gabdhaha xaafadda oo lagu tuhmo inay denbi samaynayaan
oo habeenkii aan bilaabay wareysiga waxaa la qabtay 20 dhallin yaro ah inkastoo
13 markiiba la soo daayay.
Sidaa darteed waxaa dhib igu noqotay inaan helo kalsoonidii aan ka rabay
dhallaankaas oo marka hore oo dhan igu tuhunsanaa inaan jaajuus u ahay
booliiska oo aan u baaqi doono booliiska goor ay ahaatoba ka dibna la qaban
doono. Laakiin waan ku guulaystay aakhirkii ka dib markaan isu sheegay oo aan
cadeeyay ujeedadayda. Waxaa ila shaqeeyay kuwii i garanayay iyo kuwa
af-soomaaliga aadka u yaqaan – waxaase iigu dhib badnaa kuwa aan af-soomaaliga
aadka aan u garanayn oo xataa haddii aan af- ingriisi kula hadlay weli aan
qalbigooda hanan waayey oo ii arkay qof yaara ajnebi ku ah oo kale. Qaarkood
waxaa ii sahlay saaxiibadood oo ay soo raaceen.
Qoraalkan waxa uu ka waramayaa koofurta Minneapolis gaar ahaan xaafadda
Ceder oo noqotay meesha loogu badan yahay oo bartilmaameed u noqotay Soomaalida
Minnesota iyo xarunta ganacsiga Soomaalida ee Chicago iyo 24 Street.
Labada nin ee Soomaaliyeed oo waday taksiga oo la dilay isla bil gudaheed oo
la kala yiraahdo Maxamed Saalah iyo Axmed Xuseen Allah ha u naxariisto ayaga
waxaa dilay dad aan Soomaali ahayn marka inkastoo cabsi iyo welwel wayn ka
dhalatay dilkoodaas waxashnimada ahaa haddana qoraalkan arrintooda kuma soo
qaadanayno.
[Halkan
Eeg].
Oday baa la dilay ama la garaacay. Yaa garaacay (ama dilay)? [Dilay halkan uguma jirto
qur-gooyo]
Wiilal yar yar oo Soomaali ah baa ku goobtay!
Wiil Soomaaliyeed baa suuxsan oo isbitaalka yaal. Yaa dilay?
Wiilal Soomaaliyeed baa ku goobtay?
Wiil Soomaaliyeed baa dhabarka saddex tooray laga geliyay. Yaa ka geliyay?
Wiilal Soomaaliyeed.
Afar wiil oo Soomaali ah oo dilaya nin Soomaaliyeed ayaa laga riday oo waxay
rabeen inay telefoonka gacanta ka dhacaan iyo boorsadiisaba.
Tartankii cayaraha Soomaalida ee laba kooxood ee
Maine iyo Boston ku dhexmartay Porland ka akhri
Pressherald
Sawirada: Pressherald
GUJI... |
Booliiska ayaa qabtay wiilal Soomaali ah oo baabuur ku haysta qori.
Wiilal Soomaaliyeed ayaa qori ku qabtay wiil Soomaaliyeed.
Caruur Soomaaliyeed ayaa qamro caba, xashiish ayay dhuuqaan, boorso ayay
dafaan.
Falalkan ayaa dhagahayga ku soo dhacay oo waxaan ka maqlay dad igu yiri
annaga ayaa goob joog u ahayn oo shaahid u ahayn. Waxaa kale oo aan raadiyay
magacyada ay la baxeen kooxaha caruurta Soomaaliyeed ee lagu sheego Gangska oo
aan u haystay qatar ka dib markii la ii sheegay in aan naftayda halaagayo marba
haddii aan luuqyada ugu tago ama ay ogaadaan in aan wejiyadooda baranayo.
Magacyadooda waxaa la kala yiraahdaa Hot Boys, Somalia Mafia, Smokers, South
East Neggers, Supreme. iyo kooxda hadda isa soo caan bixinaya oo ah gabdho
Soomaaliyeed oo la yiraahdo 3W6 oo ayaga maraya hadda inay magac yadooda
derbiyada ku qoraan si loo barto in ay jiraan. Waxaa jira koox kulligood ka
horaysay oo ay Booliiska Minneapolis garan jireen oo laga raadin jiray
iskuulada oo la dhihi jiray Rough Tough Somali (RTS) laakiin kuwaasi suuqa waa
ka baxeen waxaa ku xigay oo ayagana hadda suuqa ka sii baxaya Hot Boys oo ah
kuwa loogu cabsi badan yahay oo la yiri ayagana waa weynaanayaan oo qaarkood
ayaa guursaday.
Dadka qaarkii waxay aaminsan yihiin in caruurta Soomaalida oo kala ah gangs
ay xataa magaalooyin ka kala yimaadaan si ay isu weeraraan ama baabuurta u
xadaan..
magacyada aan maqalno ee ah gangska aan kor ku soo sheegnay waa
magac u yaal oo wax gangs ah oo abaabulan ma jiro. Waxa jira waa caruur
xaafadeed oo ah ciyaal meelo isu dhow deggan ama isa soo raadsada oo isla socda
mararka qaarkoodna isu hiiliya.
Iskaashiga noocan ah waa mid America ay ku caan tahay waayo nolosha caruurta
nabad gelyo ma aha sida dadka waaweyn oo caga juglayn iyo cay iyo cabsi badan
ayaa la soo deristaa. Qaar badan oo caruur ah ayaa dareema inay u baahan yihiin
gaashaan buur iyo inay muujiyaan inay aag u xiran tahay oo calaamadahooda lagu
arko sida ay samaynayaan gabdhaha Soomaaliyeed ee xaafadda Ceder.
Waa ay jiraan ciyaal dhib badan oo dagaala ama wax dhaca laakiin waa yar
yihiin oo ma aha in dusha eedooda laga saaro caruurta badan ee soomaaliyeed oo
edebta badan ixtiraamkana badan. Waa in lala yimaadaa xeelad la isaga qabto
kuwa burcadka noqday iyo kuwo naftooda dayacay oo daroogada iyo alkolada caba
oo magac xumada u keenaya caruurta fiican. Caawimaad ayay u baahan yihiin ee
waa in la isu kaashadaa badbaadintooda intaanay kuwo kale halligin.
Qamrada:
Qamrada dhallaanka caba waa ay jiraan laakiin kama badna ilaa 6
qof. Sharciga dalkan waxaa qamriga gadan karaa qofka gaara 21 jir. Sidaa
darteed caruuurtu sharci ahaan ma gadan karaan laakiin caruurtu waxay ii
sheegeen inay sahal tahay in ay qamro gadan karaan waayo qof weyn ayay u dirsan
karaan. Nasiib darada xaafaddan haysata waxaa ka mid ah baararka qamriga lagu
gado oo ku badan iyo ayadoo xarun u ah soomaalida meelo kale deggan oo waa
meesha loo soo wareeg doonto. Dadka waaweyn qaarkood waxay leeyihiin markay
lacag ay qamrada ku gataan waayaan ayay na dhacaan. Caruurta kale ee aan
qamrada cabin waxay leeyihiin warkaas waa waxba kama jiraan waayo kuwa
qamrada cabba waa lawada yaqaan oo ilko ma leh tabar ay wax ku dhacaanna ma leh
waa uun dhul yaal.
Haddii aad Soomaali tahay oo aad ku nooshahay Minnesota laazim waxaad tahay
kii yimaada Ceder. Xaafaddan waxay leedahay saddex masaajid oo uu khayr badan
ka socdo.
Daroogada:
Nooca ugu badan oo ay caruurtu isticmaalaan waa xashiish.
Dadka waaweyn ayaa qaadka cuna laakiin ilaa 20 caruur aad u da yar yar ayaa
lagu qiyaasay kuwa ku hawlan hawlahaas. Caruurtu waxay ka dayriyeen xashiishka
oo ay yiraahdeen si xun ayuu ugu fidayaa.
Jir iibsashada:
Inkastoo qalabka warbaahinta luqadda ingriisiga lagu faafiyay (Pioneer Pres)
haddana dhallaanka Soomaaliyeed waxay yiraahdeen arrintaas waxba kama jiro.
Inkastoo aan la dhihi karin suurtogal ma aha haddana dhaqankii suubanaa ee
islaamka iyo Soomaalida ayaa arrintaas naga caawiyay oo waa ilaah mahaddii wax
muuqdo oo arrintaa ku saabsan ma jiraan. Caruurtu waxa ay cadeeyeen inay
arrintaas gabdho iyo wiilalba aanay xiiso u hayn lurna ku hayn, waxaase jira
dad badan oo rabi lahaa inay arkaan Soomaali arrintan samaynayso- xusuusnow
waxaan ka hadlayno waa dhallaan Soomaaliyeed ee ma aha dadka waaweyn..
Iskuulada laga tegey (drop out)
Waa ay jiraan laakiin tiro ahaan ma qiyaasi karo laakiin waa laba nooc. Kuwo
raba inay shaqaystaan oo guursadaan oo ku biiraan dadka waaweyn iyo kuwo uga
tago iskuulada daroogo awgeed ama la qabsan waayey kuwo danbe ayaa wel wel
badan waayo dhinacna kuma roona. Ogow caruurta Soomaaliyeed iyo dadka
waaweyniba kuwa maskaxda wax ka gaareen ama dagaalkii sokeeye ama jaha wareerka
qurbaha ama si kaleba wax ha u gaaraan waa badan yihiin cid kala saari kartaana
ma jirto.
Raaxada Afka Soomaaliga:
Kuwa yar yar oo aan la kulmay kuwooda aanan garanayn af-soomaaliga ayaa iigu
dhib badnaa in aan waraysto waayo sida dadka soomaaliyeed ee wax ku soo bartay
bariga Afrika [East Africa, sida Kenya iwm] ama Jabuuti qaarkood kuma raaxaysan karaan Af- Soomaaliga
raaxadiisa waayo dadka waaweyn ee ku soo wax bartay Soomaaliya waxay
dhagaystaan radioyo as-somaali ah, waxay aqristaan joornaalo af-soomaali ah,
waxay xataa aqristaan bogagga shabakadda internerka. Caruurta aan arkay
badankood waxaas oo dhan kuma raaxaysan karaan oo dadka waaweynina is ma fahmi
karaan.. Shabakadda Internetka waxay ka isticmaalaan e-mailka iyo siyaabo kale
oo ay jecel yihiin. TV-yada Soomaaliga iyo Joornaalada Soomaaliga waxa
ogeysiisyo ah oo ku soo baxa maba la socdaan. Marka qofkii raba inuu la
xiriiro waa inuu helaa hab kale oo lagula xiriiro.
Waalidka:
Walidka qaarkii wax u tar bay islahaayeen marka waxay soo kaxeeyeen caruur
aysan dhalin ama qaraabo kore ay yihiin waayo ma sahalana in la xukumo kuwa
aadan dhalin.
Kuwo badan waxay la socdaan ayeeyooyin iyo qaraabo durugsan. Qaarkoodna
Saaxiibada xun xun iyo Tvga xun ayay ka celin waayeen. Caruur badan ayaa
telefoonka gacanta soo daystay oo xor noqday oo xataa uma baahna telefoonka
reerka sidaa darteed waalidku maba garan karo cidda uu la saaxiibka yahay/tahay.
Waalidka qaar ayaa eedeynaya nidaamka cadaaladda ee dawladda oo ay leeyihiin
waa naga hiiliyay ama waa jilicsan tahay. Jawaabtii ka timid qolada xagga
ammaanka u qaabilsan xaafadda Ceder waxay yiraahdeen “arrintu ma joogto
dawladda iyo nidaamkeeda cadaaladda ee waxay mas’uuliyadda dusha uga dhacaysaa
waalidka oo la rabo inuu la socdo caruurtiisa meesha ay joogaan iyo inuu
ilaaliyo saacadaha habeenkii kuwaas oo caruurta aan la ogolayn inay keligood
joogaan banaanka (Curfew).
Waxaa kale oo ay sheegeen inay jeclaan lahaayeen in Soomaalida degan meelaha
kale aanay u ogolaan inay caruurtooda yimaadaan Ceder keligood waayo had iyo
jeer kuwa rabshada ka rida xaafadda markaan qabano waxaan ogaanaa badankood in
aanay deganayn xaafadda –Fadlan waalidow na caawi”.
Dadaalka Guddiga Masaajidka Shaafici
Khayr ilaahay ha siiyo ee waxaa is xilqaamay guddi masaajidkan ka socdo oo
bilaabay dacwo iyo inay dhallaanka waddooyinka ka ururiyaan oo ka caawiyaan
xagga cuntada qaarkoodna kaba caawiyay xagga jiifka ka dibna khayrka u sheegay.
Guddigan waxay reer Minnesota u soo hoyiyeen guul aan la qiyaasi karin ayagoo
ku guulaytay in ilaa 54 wiil ay masaajidka ku xiraan sidoo kale in ka badan 50
gabdhoodna masaakidka ku xireen oo ay ilaa hadda ku xiran yihiin. Barnaamijyada
ay u sameeyaan waxaa ka mid ah inay sabtida iyo axadda basas ku qaadaan oo
geeyaan dalxiis iyo cayaaro inta kalena aqoon u kordhiyaan.
Waxaa xusid mudan in markaad tagto meekaha ay caruuraha isugu tagaan ay kuu
sheegayaan ganska kuwii ugu weynaa waxay ku jiraan masaajidka oo waa hanuuneen.
Waxaa intaas ka sii daran in kuwaas qaarkood ay hadda ayagiiba u guntadeen
dacwada oo ay saaxiibadoodii ka haray ugu yeeraan jidka toosan. Waxaa muhiim ah
in dadweynaha Soomaaliyeed ay ogaadaan dadaalkan ay sameeyeen mutadawiciintan
oo aanan rabin in magacooda la faafiyo ayagoo ilaahay uun ajir ka sugaya waana
in la garab istaagaa.
Dadka waaweyn qaarkood
waxay leeyihiin ubadkan faa’iido ma leh oo waa kuwo dulaysan oo gangs ah oo
dhaqan celin waxba uma tarayso oo waa sidey u halaabeen. Falalka ay ku kacayaan
wax aan hore u aragnay ma aha oo waa mar marsiiyo haddii la yiraahdo ilmahan
waa jiran yihiin oo dagaalkii sokeeya ayaa wax u dhimay [ama layiraahdo
buufis ayay qabaan]. Ficilada ay
samaynayaan caruurta Soomaaliya joogto ma sameeyaan. Edeb iyo anshaxna ma leh,
waxna ma maqlayaan oo annagii bayba na leeyihiin waad danbaysaan, afka
Ingriisigana waaba naga badiyaan oo waa siday u lumeen.
Caruurta kuwii fiicnaan lahaana waxaa u jooga kuwan qariban oo waa kalluun
qurmay baa bad dhan qurmiya, in aan ka qabanno oo ka dhexsaarno ayuu xalka ku
jiraa.
Oday Soomaaliyeed baa igu yiri “wiilashan Soomaaliyeed ee meesha dhooban
iskama fadhiyaan meesha ama waxay sameeyaan ma waayin ee waxay sugayaan qof
dagan ama waxay ay darsayaan qodkii ay dhici lahaayeen mana ka soo raynayaan–KANU
GALBAY KU KALE MOOYEE!”
Caruurtu maxay leeyihiin:
“ Waalidiinow run isu sheega halkan Amerika ayaa
la dhahaa sidii caruur joogto Soomaaliya ma noqon karno afka Soomaaliga uma
baran karno dhaqankana uma baran karno. Annaga ma dooran in aan nimaaddno
halkan oo idinkaa na keenay. dawladeenii idinkaa riday oo dawlad kalena dhisi waayay oo na biday in aan ku korno halkan.
hadda haddaad nala yaabaysaan waxa soo socda ayaa ka
daran. ” Wiil Soomaaliyeed |
Wiil Soomaaliyeed baa yiri “ Waalidiinow run isu sheega halkan Amerika ayaa
la dhahaa sidii caruur joogto Soomaaliya ma noqon karno afka Soomaaliga uma
baran karno dhaqankana uma baran karno. Annaga ma dooran in aan nimaaddno
halkan oo idinkaa na keenay” Waxaa kale oo uu ku daray wiilkaas “dawladeenii
idinkaa riday oo dawlad kalena dhisi waayay oo na biday in aan ku korno halkan”
waxaa kale oo uu raaciyay “hadda haddaad nala yaabaysaan waxa soo socda ayaa ka
daran.”
Wiil kale ayaa yiri “ha u malaynina in aanan ogayn in waxan iyo wax ka daran
ay ka jireen Soomaaliya oo aad xataa lahaydeen baarar qamro ah iyo daroogaba, ha
isaga kaaya dhigina malaa’ik. Oo haddaad fiican tihiin sidaan maanta ma ahaateen
bal fiiri! car qaadka iska dhaafa! Dadka waaweyni munaafaqad baa ka buuxda.”
Wiil kale ayaa yiri “dadka waaweyn waa in ay iska aqbalaan sida ay xaaladdu
tahay waayo waxba kama qaban karaa marka yaanay ka wel welin”. Markaan
weydiiyay wax uu ula jeedo waxa uu yiri “haddii barnaamij la sameeyo marka hore
waxaa imaanaya inay maamulaan dadka waaweyn annagana amarkooda ma rabno tan
kale haddii aan rabi lahayn xataa kuwa kale ayaa nagu caynaya oo na dhahaya waa
daciif in la wad wado ayay rabaan oo ayaga isma wadi karaan”. Gadaal waxaan ka
ogaaday in wiilkaasi jiro 18 oo uu leeyahay baabuur oo uu meeshii u doono tegi
karo.
Wiil kale oo yiri xaafadda Ceder waxaan joogay 9 sano ayaa yiri “ annagu dad
xun ma nihin ee waxaan la’ nahay wax na fahmo” Gangsna ma nihin ee waxaanu
nahay caruur isla soo kortay oo isla wareegta. Dadka waaweyn lacag ayay
haystaan oo maqaayadaha ayay fadhiistaan oo shaah iyo cunto ka gataan annagu
lacagtaas ma haysanno waanan ku daalay gurigii la isku badnaa iyo TVgaba ee
waxaan u soo baxnaa banaanka xaafadda si aan u neecowsanno dadka waaweynina
waxay noo qabaan in aan gangs nahay oo meesha edebdarro u joogno”.
Wiilkaas waxa kale oo uu yiri” Labo sano ka hor ayaa laga qaaday tiirarkii
kubadda kolayga halkan mana la soo celin wax nashaad ah oo aan haysanna ama
barnaamij ah ma jiro oo haddii aan helno nashaaddaad iyo ama shaqo naloo
raadiyo ama nala mashquuliyo dhibba ma dhacdeen” Waxaa kale oo uu ku daray
hadalkiisii ‘odayaasha Soomaaliyeed iyo hooyooyinkaba in la ixtiramo haddii ay
rabaan ayagana hana ixtiraameen waayo waxaan had iyo jeer aragnaa ayagoo na soo
ag istaaga oo na yiraahda -Haa bal eega waa wax dhintay oo duloobay oo gangs
noqday”
Wiilkan yar waxaa u hadalkiisii ku soo gabo gabeeyay in ay dadka waaweyn ee
Soomaalida ahi joojiyaan yeeritaanka ay noogu yeerayaan booliska waayo
booliiska dhib weyn ayuu nagu hayaan oo annagoo aanan waxba galabsan ayuu nasoo
weeraraa oo na yiraahdaa derbiga madaxa saara . haddii wax la qaribo kuwa kor
ka yimid ayaa qariba cadaaladna ma aha in la isku kaaya duuduubo”
Wiilka yar waxa uu yiri “dadka waaweyn ha ogaadeen ama booliis u yeera ama
ha u yeerina annagoo aan barnaamij naloo samayn derbi istaag ma daynayno”
Talo:
1) waa in aan caruuta Soomaaliyeed loogu yeerin gangs ama dulli
2) Waa in la ogaadaa dhibta haysata sida luqadda la dheer yahay, iyo
culayska waxbarashada ay ku jiraan
3) In loo naxariisto oo dhinaca dhaqaalaha , guryaha, iyo baahidooda hoose
lala socdo.