Casharka
35aad ee Siirada Nebi Muxammed SCW.
Asalaamu Caleykum,
OGGOLAANSHIHII
JIHAADKA
Markii
muslimiinta 13 sano la soo dhibayey, nooc walba oo dhib ahna lagu sameeyey,
iyagana aan Ilaahay weli u idmin iney dagaallamaan oo raddi ficil (gacan celin)
sameeyaan, intaasna lagu boorrinayey iney ku sabraan dhibka iyo wax walba oo
gaalada ka soo gaara, ayaa markii ay Madiina yimaaddeen, oo dad iyo degaanba ay
heleen, waxaa loo idmay jihaadkii waxaana soo degey aayadahan:
((WAXA LOO
IDMAY KUWII LALA DAGAALLAMAYEY (INAY DAGAALLAMAAN) MAXAA YEELAY WAA LA DULMIYEY,
ALLENA GAR GAARKOODA WAA KARAA, WAA KUWII GURYAHOODA LOOGA BIXIYEY XAQ DARRO IYO
IN AY YIRAAHDEEN RABBIGAAYO WAA ALLE, HADDAYSAN JIRINNA IN ALLE DADKA QAARKIIS
QAARKA KALE KU DIFAACO WAXAA LA DUMIN LAHAA SAWAAMICDA (MEELAHA YAHUUDU KU
TUKATO), BIYACA (KANIISADDA), MEELAHA LAGU TUKADO, IYO MASAAJIDDA DHEXDEEDA LAGU
XUSO MAGACA ALLE WAX BADAN, ALLE WAA U GAR GAARAYAA CIDDII U GAR GAARTA (DIINTIISA),
ALLENA WAXA UU AHAADAY (ALLE) QOWI AH OO CASIIS AH)), (Suuratul-Xaj 39-40).
Aayadahaas
wixii ka dambeeyey waxaa si is daba joog ah u bilaabmay isuna raacraacay
aayadihii ka hadlayey jihaadka, oo muslimiinta amrayey kuna boorrinayey iney u
dagaallamaan jidka Allaah iyo iney kalimadda Allaah noqoto midda koreysa oo
caalamka ka talisa. Waxaana uu Ilaahay u ballan qaaday dadka mujaahidiinta ah
iney leeyihiin labada wanaagsan midkood: Shahiidnimo ama Guul. Sidaa kale wuxuu
Allaah sheegay in dadka ku dhinta jihaadka aysan dhiman balse ay Ilaahay agtiisa
ku nool yihiin.
Jihaadka
qur'aanka iyo sunnaduba aad ayey uga hadleen uguna boorriyeen muslimiinta,
aayadaha iyo axaadiista ku soo arooreyna aad ayey u badan yihiin. Jihaaddku waa
waajib marna wuxuu noqdaa fardul ceyn marna fardul kifaaya. Wuxuu fardul ceyn
noqdaa oo qof walba oo muslim ah ku waajib noqdaa markii beled islaam ah lagu
soo duulo ama ciddii uu imaamka muslimiintu amro in ay jihaad u baxdo. Fardul
kifaayana wuxuu noqonayaa markii muslimiintu iska deggan yihiin oo iyagu
duullaanka qaadayaan, haddiise wax u quma la waayo dhammaantood waajibkii waa
saaran yahay waana dambiilayaal oo ciqaab bay ku muteysanayaan.
Sidoo kale
nusuusta islaamku waxay noo sheetay in cisiga islaamku uu ku jiro jihaadka,
markii laga tagana uu Ilaahay dulli badayo muslimiinta. Wuxuu Rasuulku SCW yiri
isagoo arrintaa ka hadlaya: "qofkii dhinta isagoo aan duullaan gelin (jihaad)
ama aan naftiisa ugu sheekayn jihaadka wuxuu dhintay dhimasho jaahili.
Allaahna sidoo
kale isagoo mu'miniinta ku boorrinaya jihaadka wuxuu yiri:
((ALLAAH WUXUU
DADKA MU'MINIINTA AH NAFTOODA IYO MAALKOODA UGA IIBSADAY INAY JANNO U AHOOTO,
WAXAY KU DAGAALLAMAAYN JIDKA ALLAAH, WAY LAYNAYAAN WAANA LA LAYNAYAA, WAANA
YABOOH XAQ AH OO KU SUGAN TOWREET, INJIIL IYO QUR'AANKA, YAA KA OOFIN BADAN ALLE
BALLANKIISA, KU BISHAARAYSTA (MUJAAHIDIINTOW) BAYCIINII AAD ALLE LA GASHEEN,
ARRINKAASINA WAXAA WEEYE LIIBAAN WAYN)), (Suuratul-Tawbah 111)
Haddana wuxuu
Ilaahay qur'aankiisa ku yiri:
((KUWA
MU'MINIITA AHOW MA IDIN TUSIYAA TIJAARO IDINKA KORINEYSA CADAAB DAR; WAXAAD
RUMEYNEYSAAN ALLAAH IYO RASUULKIISA, WAXAADNA KU JIHAADAYSAAN JIDKA ALLAAH
NAFTINNA IYO MAALKIINNABA, TAAS AYAANA IDIIN KHEYR BADAN HADDII AAD WAX
GARANAYSAAN)), (Suuratu-Saff 10-11).
Rasuulka SCW
wuxuu jihaadka uga hadlay axaadiis tiro badan kala duwan wuxuuna yiri: "Carraabo
jidka Allaah (loo carraabo) waxay ka khayr badan tahay adduunka iyo waxa ku jira".
Sidoo kale wuxuu Rasuulka SCW yiri "waxaa la ila soo saaray saacadda (qiyaamaha)
horteeda seef ilaa Allaah keliya laga caabudo, resqigeygana waxaa la yeelay
warankeyga harkiisa hoostiisa, dulli iyo xaqiraadna waxaa la dul yeelay qofkii
amarkayga khilaafa, qofkii dad isu ekeysiiyana (ku deyda) iyaguu ka mid yahay".
Sidoo kale xaddiis, uu Imaam Axmed weriyey qaybtiisa ugu dambaysa wuxuu Rasuulku
SCW ku yiri "markaad jihaadka ka tagtaan Alle wuxuu idinku ridayaa dulli,
idinkana qaadi maayo ilaa aad diintiinna u noqotaan".
Aayadaha iyo
axaadiista ku soo arooray baabkan jihaadka way tiro badan yihiin sidaan soo
sheegnayba, jihaadkuna waa waajib ka mid ah qaybaha islaamka ugu waaweyn,
Rasuulku SCW uu ku tilmaamay inuu yahay islaamka baarkiisa, qofkii inkiraana waa
gaal murtad ah oo dhiiggiisu bannaan yahay. Waayahan dambena waxaa soo baxay
kuwo murtadiin ah oo ka shakisan islaamka qaatayna fikradihii gaalada oo dhahaya
"muxuu islaamku jihaadka u waajib yeelay?". Kuwa noocaas u fekeraaya
ma mudna in loo jawaabo maxaa yeelay waa sufaho aan caqli lahayn oo murtadiin
ah, waxayse mudan yihiin in iyaga la weydiiyo, "haddaysan muslimiintu
jihaadin ma la nabad gelinayaa? adduunkase dad badan oo aan muslimiin ahayn baa
ku noole ma dagaallamaan miyaa?". Su'alahaas jawaabtooda qofkii wax garad
ihi waa garanayaa, jihaadkana waxaa nagu waajibiyey Allaah SW oo naga og waxa ay
maslaxadda iyo wanaaggu noogu jiraan.
Jihaadka
waajibnimadiisa waxaa ku jira xikmado iyo faa'iidooyin aad u tiro badan oo aanan
wada koobi karin, islaamkuna wuxuu meel walba ku gaaray wuxuu ahaa jihaad.
Jihaadku wuxuu muslimiinta ka saaray dulligii iyo dulmigii ay ku jireen saddex
iyo toban sano ee Makka oo aan jihaadka la waajib yeelin, kuwaas oo ahaa in
marar badan la isku dayey in Nabiga SCW la dilo, muslimiintana la dabar gooyo.
Jihaadku wuxuu sababay in islaamku dunida ku faafo, adduunkuna wuxuu xasillooni
iyo nabadgelyo ku noolaa markii ay muslimiintu hoggaaminayeen. Laakiin markii ay
muslimiintii ka tageen jihaadkii, Allaah dulli ayuu baday ka dibna waa la
qabsaday oo la gumeystay lana kala qayb qaybiyey. Adduunkiina wuxuu ilaa maanta
ka bixi la'yahay xad gudub iyo dulmi lagu hayo dadka muslimiint ah, meel walbana
lagu gawracayo, dhiiggooduna noqday wax aad raqiis u ah oo aan labo is weydiin,
qofka gaalka ihina wuxuu noqday mid aad qaali u ah oo ummad dhan loo rogo.
Haddaba
xaqiiqadu waxay tahay cisiga islaamku wuxuu ku jiraa Aljihaad Fii Sabiilillaah.
Waaggii ay muslimiintu jihaadi jireen qof muslim ah gaal kuma xadgdubin jirin.
Gabar marada laga xayday ayaa ciidamo dhan loo diri jirey. Sideedaba haddii
uusan bani aadamku Ilaahay ka cabsanayn ama bini aadam kale ka baqayn dhulka wuu
fasahaadiyaa. Allaahna isagoo arrintaa tilmaamaya wuxuu yiri:
((HADDAAN
ALLAAH DADKA QAARKIIS QAARKA KALE KU REEBI LAHAYN DHULKU WAA FASAHAADI LAHAA,
LAAKIIN ALLE WA FADLI U SAAXIIB (UGU DEEQAY)), (Suuratul-Baqara 251).
Jihaadku waqti
walba waa uu soconayaa, wuxuuna ku egyahay ilaa qiyaamuhu ka dhaco. Rasuulkuna
SCW isagoo tilmaamaya waqtiga uu jihaadku ku eg yahay waxaa uu yiri: "Jihaadku
wuu soconayaa ilaa yawmul-qiyaame". Sidoo kale Alle SW isagoo tilmaamaya
waxa uu qur'aankiisa ku yiri:
((LA DAGAALLAMA
IYAGA (GAALADA) ILAA (ADDUUNKA) GAALNIMO LAGA WAAYO OO DIINTA DHAMMAANTEED ALLE
U AHAATO, HADDAY REEBTOOMAAN (OO GAALNIMO IYO XUMAAN JOOJIYAAN) ALLE WUU ARKAA
WAXAY CAMAL SAMAYNAYAAN)), (Suuratul-Anfaal 39).
Ugu dambayntii
muslimiintu baabkan jihaadka ah waa ineysan fududeysan oo aysan hilmaamin,
hurdadana ka kacaan, Ilaahay diintiisana u dhintaan, diyaargarow iyo isticdaadna
sameeyaan, naf jeclaysigana iska daayaan kolley naftu markii loo qoray uun ban
baxaysaa kana hor mari mayso kana dib dhici mayso.
Asalaamu Caleykum,
Osman Billad
Waxaa Diyaariyey: Osman Bilad | osmanbilad@hotmail.com
200 2-10-19
FAAFIN: SOMALITALK.COM
|