Casharka 34aad ee Siirada Nebi Muxammed SCW.
Asalaamu Caleykum,
HESHIISKII IBNU UBAY IYO QURAYSH
Nimankii qureysh ahaa waxay aad uga xumaadeen
muslimiinta iyo dhulka ay heleen iyo iney ka hoos bexeen cadaadiskoodii, sidaa
darteed waxay mar walba ku dadaalayeen sidii ay muslimiinta dhib ugu geysan
lahaayeen. Waxayna sameeyeen handadaado badan oo ay muslimiinta ku leeyihiin
"ha moodina haddaad naga fakateen oo aam Madiina tagteen inaad ku nabad
gelaysaan".
Sidaa darteed waxay warqad u soo direen Cabdullaahi ibnu Ubay
oo ay ku leeyihiin "waan ognahay inaad soo dhooweyseen Maxammed iyo dadkii
la socday oo aad u ballan qaaddeen inaad u hiilineysaan, haddaba ama iska saara
dadkaas ama duullaan ayaan idinku soo qaadaynaa oo iyaga iyo idinkaba waan idin
dabar goynaynaa'. Cabdullaahi ibnu Ubay, oo aan weli muujisan islaamka, ayaa
jawaab degdeg ah ku celiyey qureysh wuxuuna u sheegay in uu Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisa la dagaallamayo, qureyshna la jiro.
Rasuulka SCW markuu arrintaa maqlay, khudbad ayuu u
jeediyey muslimiintii, wuxuuna ku yiri "dhagarta iyo khiyaamada ay qureysh
idinku waddo waxaa ka daran tan aad idinka dhexdiinna isku waddaan (Aws iyo
Khasraj)".
Markaas ayaa muslimiintii ansaar ka hortageen arrintii Cabdullaahi
ibnu Ubay, halkaas ayaana arrintiisii ku fashilantay, maxaa yeelay wuxuu rabay
inuu qabiil ahaan u kiciyo Aws iy Khasraj oo Rasuulka SCW iyo muhaajiriinta ka
horgeeyo. Sidoo kale qureysh waxay soo saareen go'aan ay xaramka uga joojinayaan
dadkii reer Madiina.
Xaalka oo sidaas ah ayaa waxaa baxay Sacad binu Mucaad oo
muslimiita ka tirsanaa, ahaana odeygii Aws, wuxuuna aaday Makka si uu u soo
cumreysto. Markuu tegey Makka ayuu wuxuu ku degay Umaya ibnu Khalaf oo ay
jaahiligii saaxiibo ahaan jireen, oo markuu Umaya Madiina tago wuxuu ku dagi
jirey Sacad, sido kale markuu sacad Makka tago wuxuu ku dagi jirey Umaya.
Wuxuu
Sacad Umaya ku yiri "waxaad ii eegtaa waqti ay kacbadu firaaqo tahay si aan
u dawaafo". Markii ay kacbadii firaaqo noqotay ayey is raaceen oo kacbadii
tageen. Goor ay dawaafayaan ayaa waxaa arkay Abii Jahal, markaasuu yiri "Umayow
waa kuma ninkan kula socda", Umaya wuxuu yiri "waa Sacad binu Macaad".
Markaas ayuu Abii Jahal ku yiri Sacad "Ilaah baan ku dhaartaye hadduusan
Abuu Safwaan (Umaya) kula socon lahayn inaadan nabad ku laabateen maxaa yeelay
intaad dadkayagii iishey (bidcoobey) u yeerateen oo dejiseen miyaad haddana
dooneysaan inaad kacbada dhawaaftaan".
Sacad ayaa marka hadlay oo ku yiri 'haddaad
kacbada ii diiddo wax ka daran ayaan anna kuu diidayaa oo ah safarkiinna Shaam oo
dhaqaalihiinnu ku xiran yahay ayaan waddada ka goyn doonaa", Umaya ayaa
markaas Sacad ku yiri "Sacadow codka kor ha ugu dhigin abal xakam waa
sayidka dadka toggan jooga'e" markaasaa Sacad ku yiri "na dhaaf Umaya
Ilaah ayaan ku dhaartaye waxaan maqlay Rasuulkii Alle oo sheegaya in ay ku dili
doonaan (muslimiinta), Umaya waxa uu yiri: "ma makay (igu dili doonaan)?"
Sacad ayaa yiri: "ma ogi", Umaya hadalkaas si daran ayuu uga argagaxay,
markuu reerkiisii u laabtayna waxa uu xaaskiisii ku yiri: "ma waadan ogayn
waxa u Sacad igu yiri? waxay tiri muxuu kugu yiri? waxa uu yiri Maxamed ayaa u
sheegay in ay i dili doonaan, markaasaan ku iri Makka miyaa, wuxuu yiri ma ogi.
Ka dib Umaya wuxuu yiri: "Ilaahbaan ku dhaartaye inaanan Makka meelna uga
baxayn, hase yeeshee dagaalkii badar ayaa Abii Jahal soo khasbay isagoo ka-hanaya, waxay haweentisii ku tiri: 'ma hilmaantay wixii walaalkaagii reer
yathrib kugu yiri, wuxuu yiri meel dhow ayaan uga soo harayaa, dabadeedna
ciidankii ayuu raacay intii dhex la sii socdayna gaadiidkiisu diyaar ayuu u ahaa
ilaa uu badar tagay oo uu dagaalkii ka qaby galay laguna dilay.
Salaamu Caleykum,
Osman Billad
Waxaa Diyaariyey: Osman Bilad | osmanbilad@hotmail.com
200 2-08-22
FAAFIN: SOMALITALK.COM
|