Hadraawi oo si Heer
sare ah loogu soo dhaweeyay Holland
SOCDAALKII HADRAAWI
EE HOLLAND
Waxaa maalintii jicmcaha ee ay bisha Nofeembar aheyd
14ka saacadduna ahayd 15:05 ka soo dagay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee
‘Schiphol Airport’ ee waddanka Nederlaan abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”,
oo socdaalkiisii nabadda ka bilaabay Nederlaan. Halkaasoo si weyn loogu soo
dhaweeyay, ubuxyo aad u quruxbaddana qoorta loo suray.
Abwaan Hadraawi intii uu joogay Nedelaan wuxuu kulamo
guud iyo kuwo gaar gaar ahba la yeeshay Somaalida ku dhaqan Nederlaan.
Wuxuu Abwaanku dadkii uu la kulmay ku booriyay ineey u guntadaan sidii ay
dhaqankooda iyo diintooda u badbaadsan lahaayeen. Wuxuu kale oo dadka ku
baraarujiyay ineey xil wayn iska saaraan ka qeyb qaadashada nabadeynta iyo
dib u dhiskii waddanka.
Kulamadaas oo qaar ka mid ah looga dooday sidii loo
hormarin lahaa Suugaanta soomaalida, ayuu Abwaanku ku sheegay in suugaantu
ay tahay keydka laga daalacan karo dhaqanka, hiddaheenna iyo sooyaalka
taariikhdeenna intaba.
Kulankii ugu weynaa uguna xiisaha badnaa oo ay
dadkii ugu faraha badnaa ka soo qeyb galeen ayaa lagu qabtay magaalada Den
Haag(Hague), maalintii axadda bishuna ahayd 16ka Nofeembar. Kulankaas oo
billowday 12:00kii duhurnimo, wuxuu soo gabagaboobay qiyaastii 21:00
fiidnimo, iyadoo ka soo qeyb galeyaashu ay halkaa ka wada afureen.
Kullankaas oo ahaa mid aad iyo aad u xiisa badan uuna
xiriirinayay tifaftiraha Radio Dalamar C/Maalik C/qaadir (Napoli), waxaa
ugu horeyn hadallo soo dhaweyn ah ka jeediyay C/laahi Aadan oo ku hadlayay
magaca Shacabka Soomaaliyeed ee reer Nederlaan, iyo gaar ahaan
qabanqaabiyeyaashii kulanka. Intaa kadib waxaa cashar gaaban oo diini ah ka
soo jeediyay Aweys C/laahi oo ka hadlay nabadda iyo doorka ay uga jirto
diinta isalaamka.
Intaa kadib waxaa la soo bandhigay Goosgoos la magac
baxay Rabbi lagama quustee ha la raadsho Nabaddii.
Goosgooskan oo ay isku soo dubbarideen Ururka ardayda Soomaaliyeed ee
Waddanka Nederlaan (SSV), ayaa ahaa mid lama iloobaan ahaa, oo runtii ka
soo qeyb galeyaashii kulanku ay aad ula dhacsanaayeen. Wuxuuna Goosgoosku
bannaanka soo dhigay marxaladda guud ee ay Soomaalidu ku sugantahay, dhinac
siyaasad, dhaqaale iyo Bulsho.
Gabagabadii qeybtii hore, ayaa waxaa abwaan Hadraawi
hadiyad guddoonsiiyay Maxamed Cali Cibaar oo matalayay ururka Ardayda
Soomaaliyeed ee Waddanka Nederlaan. Haddiyaddaasina waxay issugu jirtay,
kitaab lagu magacaabo Fahamka kitaabka iyo Sunnada oo uu
qoray Sh. Cismaan Cali Faarax oo kamid ardayda wax ka barata waddanka
Nederland, iyo Maanso lagu Magacaabo Isku-Dumma , oo uu tiryay
Maxamed Cali Cibaar.
Qeybtii labaad ee kulanka ayaa waxa ugu horreyn si
kooban taariikhdii abwaan Hadraawi uga warramay Maxamed Baashe, oo abwaan
Hadraawi ku tilmaamay Suugaanyahan daacadnimo iyo geesinnimo isku biirsaday
kuna xeel dheeraaday arrimaha bulshada.
Abwaan Axmed Faarax Cali “Idaajaa” ayaa isna halkaa
ka sheegay inuu abwaan Hadraawi yaqaannay muddo dheer , una ku bartay
riwaayaddii Hadimo ee uu Hadwaawi Curiyay. Wuxuuna sheegay inuu
Abwaan Hadraawi yahay nin jecel inuu tilmaamo qalooca, una madaxbannaanaado
fikirkiisa. Taasina waa tan keentay inuu ka horyimaado maamulkii milateriga,
“taasoo uu eeday”. “Haddii aad xukun milateri ka hortimaado waad eedeysaa”
ayuu yiri isaga oo ka waramayay xabsigii dheeraa ee Abwaan Hadraawi.
Gabagabadii kulanka ayuu hadraawi ka soo jeediyay
hadal qiimo badan oo dadkii kulanka ka soo qeyb galay ay aad ugu qushuuceen.
Isagoo hadalkiisii ku billaabay “walaalayaal kalgacalkii aad igu soo
dhaweyseen mid la mid ah ayaan idinku salaamayaa”, wuxuuna ugu horeyn ka
war bixiyay socdaalkiisii nabadda ee uu ku soo maray Soomaaliya. “Wixii aan
Soomaaliya ku soo arkay ma rumeysan karo wax aan filayayna ma ahayn” ayuu
yiri Abwaanka oo tilmaamayay soo dhoweyntii uu la kulmay iyo sida ay dadku
nabadda diyaar ugu ahaayeen.
Waxa kale oo uu abwaanku kula taliyay dadkii kulanka isugu yimid ineey si
wada jir ah waddankii wax uga qabtaan. “Qof aad boqol u dirto oo hadana
berri ku soo weydiinaya wax macno weyn ah ma sameyneyso. Laakiin waa inaad
kooxkoox isugu tagtaan oo aad waddankii mashruucyo gaysaan oo aad maal
gashataan. Taasaa ka kheyr badan oo ay dad badanina shaqo ka helayaan”,
ayuu yiri abwaan Hadraawi oo ka deyriyay ma shaqeystenimada ku sii
badaneysa waddankii, iyo baryo ku noolaanshaha.
Mar uu ka hadlayay mabda’iisa wuxuu yiri “waxaa
wanaagsan in qofka mar la barto ee ma aha in maalin walba yaad tahay la
yiraahdo. Qofkii raba inuu ogaado waxaan ahay iyo waxaan aaminsanahay ha
aqriyo gabayadeeyda, waayo qofka gabayadiisa waxaa laga dhex akhrisan karaa
qofka uu yahay.”
“Nin weyn inuu cid isugu yeero ma ahee inuu dad kala
geeyo ma wanaagsana. Waxaana quruxbadan in meeshii aad tagto gogoli kuu
taallo ee aan godobi kuu oollin” sidaasna waxaa ku dardaarmay abwaan
Hadraawi oo tilmaamayey sida loogu baahanyahay in laga shaqeeyo wanaagga.
Socdaalka Hardraawi oo ku dhamaaday jawi wanaagsan ayaa waxaa uu abwaanku
waddanka Nederlaan uga sii gudbay dalka Belgium, halkaas oo uu kasii
aadayey wadanka Norway.
Waxaa diyaariyey :Axmed Cali M. Khayre
E-mail:
aakhayre@hotmail.com
|