SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ROMA

Masjidka Roma

 ITALY OO SI WANAAGSAN LOOGA CIIDDAY

Dunida Muslimiinta ayaa Maanta looga dabaaldegay Munaasabadda Barakeysan ee Ciidul Fidri, Caruurta Soomaaliyeedna ay u taqaano “Ciid Yareey”.

Waxaa isku soo dubaridey:
Khalid X. Cali Maalin “Deble”
SomaliTalk.com
Rome - Italy
amalroma@hotmail.com

Roma, Nov 25, 2003

Muslimiinta ku nool wadanka Talyaaniga ayaa si qurux badan carabkooda ku dhadhamiyay ama ku macaansaday Quraacdii ugu horeysay ee Bisha Shawaal, Soomaaliduna ay ku magacaawdo Soonfur.

Masjidka Muslimiinta ee ugu baaxadda weyn Yurub, kuna yaalla Duleedka Waqooyi ee Magaala Madax-da Talyaaniga ee Roma, ayaa saakay si wanaagsan looga ciidday.

Saakay, markii aan ku sii jeeday Masaajidka ayaa waxaan wadadda kula kulmay dadyow fara badan oo Muslimiin ah, una badnaa Bangladesh & Pakistan.

Maamulka Masaajidka ayaa go’aamiyay in la Sameeyo seddex Jameeco, Jameecada 1-aadna waxaa la tukaday 08:30 Subaxnimo halka labada kalena laga tukanayay Saacad walbaba mar.

Arintan ayaa ah mid ay aad uugu riyaaqeen dhammaan Muslimiinta ku nool Roma & Nawaaxigeeda maadaama ay dadka oo idil ka soo gaari karin Jameecadda 1-aad, waayo Baabuurta magaalada dhex yaaceysa ayaa Aroortii aad u badan, waxayna badanaa sababtaa inaysan dadka haleeli waayaan meelihii ay ku sii jeedeen ama uu waqtiga jidka uga lumo.

Immaamka Masjidka ayaa Khudbadiisa ugu duceeyay Dhammaad Ummadda Muslimiinta ah meel kasta ay joogaan, gaar ahaan Mujaahidiinta u dagaalamaya magaca Alle, wuxuuna dadka ku baraarujiyay inay Diintooda ku dhegganaadaan.

Waxaa noqotay mid aad loogu farxo, in Masaajidka gudihiisa & Banaankiisaba lagu arkayay Caruur fara badan oo wejigooda ka muuqatay Farxad & reyn reyn, caruurtani waxay badanaa maanta ka habsaameyn iskuulkoodii si ay ku soo gutaan Waajibaadka Ciidda Soonfur, waxayna si Buuxa ku sheegeen in Ciiddani ay si Aad ah u sugaayeen.

Carruurtaasi waxaa ka mid ahaa carruur Soomaaliyeed walowse ay aad u yaraayeen waxayna iyana ii sheegeen in aysan la mid aheyn Ciiddii ay ku ciidi jireyn dhulkoodi Hooyo, laakiin aysan marna ka habsaami doonin Xafladaha Diiniga ah ee ka dhacaya dalkan Shisheeye oo ay Martida ku yihiiin.

Mar aan carruurtaas mid ka mid ah weydiiyay, Maxaa ka xasuusataa Ciiddii kuugu danbeysay ee aad ku ciiddey Soomaaliya? Wuxuu iigu jawaabay: Haaaaaaaa, sidee ku iloobi karaa Wiifoow-gii aan safka u geli jirnay, Buufinadii aan la wareegi jirnay, Bastoolada-ha Baaruudda ah aan qarxin jirnay IWM.

Barxadda Masaajidka ayaa laga dareemayay inay Soomaalida ku yareyd, badanaa-na waxay u sii haajireen dalalka kale ee Yurub oo la moodo inay ka fiican yihiin dalkan Talyaaniga, Waxaase barxadda aan ku arkay dad badan oo ila deggan Roma oo aanan muddo arag.


Muqtaar-Liibaan-Yalaxoow (Roma)
Sawirka: Comp. & Graphics: Liibaan "Stammar"

SALAAMAHA CIIDA

Magaca Ummadda Soomaaliyeed waxaa kor u qaaday dhalinyaradii dhowaan ka soo galay Libia, kuwaas oo Naftooda ku soo biimeeyay Badda, Ilaaheyna uu badbaadiyay inkasto ay qaar kalena ay ku naf waayeen. Mid ka mid ah dhalinyaradaas ayaa Wacdaro ka muujiyay Masaajidka Al-Hudaa ee Roma, ka dib markii uu Cod Raaxa leh, qalad yarna ku jirin uu Salaadda Taraawiixda ku dujiyay 114 Qur’aanka Kariimka ah, dadkii Masaajidkaas ku dukanayayna aad ayay ula dhaceen.

Ammaanka masaajidka ayaa waxaa sugay Ciidanka Booliska waxaana la baarayay qof walba oo gacanta wax ku wadata, waxaase Baarista suurta geli waayay dadka faraha badan ee ku soo qulqulay Masaajidka & kuwa kale oo ka dawarsada agagaarka Masaajidka.

Bannaanka Masaajidka ayaa waxaa laga sameeyay Suuq yar oo lagu gadayay Dhar, Alaab, Cunno, Cabitaan, Kutubo & Cajalado Diini ah. Ganacsi weyn ayaa

Magaalooyinka waa weyn sida Napoli, Firenze, Bologna iyo Milano ayaa iyana si Xamaasad & farxad leh looga ciidday, waxaana ay Muslimiinta ku nool magaalooyinkan ay Salaadda Ciidda Fidriga ah ku dukateen dariiqyada ama Goobaha lagu ciyaaro Isboortiga, halkaas oo ay Dowladda Hoose uugu talo gashay, maadaama aysan laheyn Masjidyo waa weyn oo suura gelin kara in dad badani ay ku kulmaan.


Weriye Khalid iyo sawiiqaade Liibaan

Khalid X. Cali Maalin “Deble”

SomaliTalk.com

Rome - Italy
amalroma@hotmail.com

الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2003.

Singapore: 500 oo Qof ayaa Diinta Islaamka Soo Gala Sannadkiiba
Waxaana dadka sannadkan kusoo islaamay Singapore kamid ah Guji

Algeria: Toban Kawaanle oo Xabsiga Ladhigay Kaddib Markii ay Iibiyeen Hilib Dameeraad
iyo Xabsiyada Algeria oo laga siidaayey in kabadan 3,000 oo qof maamuuska Ciida awgeed.. Guji  Nov 23

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN
Siciid Westing oo ah nin Muslim ah oo deggan Denmark oo uu Jimcadii soo booqday Ibraahim Saalax ayaa sheegay in.. Guji..


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD