Garoowe:-Cadde
Muuse M/waynaha DG Puntland ayaa manta
goordhawayd Golaha Wakiilada Puntland
hortooda ka go’aamiyay in Miisaaniyada sidii
loogu talagalay loo meel-mariyo , marka laga
reebo arimaha deg-deg ah ee la xiriira
ammaanka.
Go’aanka M/waynaha
, ayaa la xirira kadib marki Guddiga
dhaqaalaha Puntland ay M/waynaha ,
kuxiogeenkiisa iyo Wasiirka Maaliyada u
yeereen kadibna ay u soo jeediyeen in
Miisaaniyada dawlada aysan u bixin sidii
loogu talagay oo la bixiyo kharashaad ka
baxsan Miisaaniyada islamarkaasna aan wax
mushaar ah la siin shaqaalihii dawlada.
Axmed-bare oo
ka mid ah Xildhibaanada Guddiga Dhaqaalaha ,
ayaa M/waynaha u soo jeediyay in loo baahan
yahay in shaqaalaha Mushaarkooda la siyo si
joogta ah gaar ahaan Ciidanka , wuxuuna
sheegay in Ciidanka oo aan mushaar la siin ,
aan lagu amri Karin in ay ka shaqeeyaan
arimaha ammaanka.
Wuxuuna
codsaday , hadii dhaqaale lagu bixinayo wax
uu ugu yeeray xaalad abuur iyo caafimaad in
loo qoondeeyo oo loo siyaadiyo dhaqaalaha
loogu talagalay balse loo baahan yahay in
markasta la helo mushaarka.
Cadde Muuse ,
ayaa garwsiiyo ka bixiyay hadalka Axmed-bare
wuxuuna sheegay dhibaatada ugu badan oo
haysata in ay tahay wax uu ugu yeeray xaalad
abuur iyo warqado caafimaad , taa soo inta
badan ka timaada 2-da Gole ee dawlada.
Dr. Maxamed
Cali Yuusuf (Gaagaab) Wasiirka Wasaarada
Maaliyada , ayaa isagu sharaxaad kooban ka
bixiyay dhaqaalaha siyaadada ah ee ka baxsan
Miisaaniyada meelaha ay ku baxaan , wuxuuna
sheegay in ay u badan tahay warqadaha
Caafimaadka oo inta badan 2-da Gole , ay soo
qortaan , Arday Jaamacado loo diro ,
Dhaqaale deg-deg ah oo la siiyo saraakiisha
ammaanka marka ay yiraahdaan xaalad deg-deg
ah baajirta , baabuur tira-badan oo loo
gaday dawlada iyo masuuliyiinta dawlada ,
kharashaad badan oo ku baxa safarada iyo
booqashada ay Masuuliyiitna DFKS ay ku
yimaadaan gobolka.
Arimahaas ,
ayaa sababa in ay timaado in la isticmaalo
kharashaad ka baxsan Miisaaniyada , waana
soo dhawaynayaa qodobada ay soo jeediyeen
Guddiga dhaqaalaha ayuu yiri Gaagaab
Wasiirka Maaliyada.
Si kastaba ,
waxaa meesha ka muuqatay oo ay isla qireen
Masuuliyiinta dawlada in kharashaadka ku
baxa dawlada oo ay u isticmaalaan waxyaalo
caafimaad kaafiy-karo mushaarooyinka
shaqaalaha oo dhan.
Isha:
Puntlandpost