Garowe:
Murankii miisaaniyadda oo Go'aan uu ka Qaatay Cadde Muuse....
(Garoowe July 16, 2006):
Madaxwaynaha DGPL Cadde Muuse ayaa hortagay golaha wakiilada
DGPL wuxuuna u sheegay in miisaniyadda sideeda loo daayo
marka laga reebo xaaladaha deg dega ah oo la xiriira
ammaanka, waxana uu sheegay in miisaniyadda sidii loo
go'aamiyay loo meel mariyo islamarkaana sideeda dadka wax
loogu qabto. Go’aanka M/waynaha ayaa la xiriira kaddib marki
Guddiga dhaqaalaha Puntland ay M/waynaha, kuxigeenkiisa iyo
Wasiirka Maaliyadda u yeereen kadibna ay u soo jeediyeen in
Miisaaniyada dawlada aysan u bixin sidii loogu talagay oo la
bixiyo kharashaad ka baxsan Miisaaniyadda islamarkaasna aan
wax mushahar ah la siin shaqaalihii dawladda iyo ciidanka.
Axmed-barre oo ka mid ah
Xildhibaanada Guddiga Dhaqaalaha , ayaa M/waynaha u soo
jeediyay in loo baahan yahay in shaqaalaha Mushaarkooda la
siiyo si joogta ah gaar ahaan Ciidanka , wuxuuna sheegay in
Ciidanka oo aan mushahar la siin , aan lagu amri Karin in ay
ka shaqeeyaan arrimaha ammaanka iyo xuduudaha islamarkaana
aysan ka hawlgali karin hawlgalkasta oo loo diro isaga oo
sabab uga dhigay in niyadda ciidanku ay tahay mid diciifa
taageerada ay dawlada u hayaana ay tahay mid liidada waayo
ma helaan mushahaar joogto ah halka wasiirada,
agaasimayaasha, iyo inta ku cunta kugu dulnoolaaday ay bil
walba helaan mushahaar aad xad dhaaf u ah, taasina waxay
cadaynaysaa musuqmaasuqa baahsan ee ku jira DGPL oo aan
cidina si waadixa shaaca uga qaadin.
Wuxuuna codsaday , hadii
dhaqaale lagu bixinayo wax uu ugu yeeray xaalad abuur iyo
caafimaad in loo qoondeeyo oo loo siyaadiyo dhaqaalaha loogu
talagalay balse loo baahan yahay in markasta la helo
mushaarka gaar ahaana ciidamada ammaanka iyo kuwa
daraawiishta.
Axmed barre waxa uu yiri ma
seexanayno guri mana joogi karno amaanka oo xun, waxaana
amaanka gacanta ku haya waa ciidanka amaanka hadaysan helin
mushahaar wasiir gaari cad kuma soconayo waxaana loo baahan
yahay in ay dawladu alle ka yaabto oo ay siiso ciidanka
mushahaarka halka wasiir laga maslaxayo oo la siinayo
kharash aad u badan oo uusan xaq ulahayn.
Cadde Muuse , ayaa
garawsiiyo ka bixiyay hadalka Axmed-barre wuxuuna sheegay
dhibaatada ugu badan oo haysata in ay tahay wax uu ugu
yeeray xaalad abuur iyo warqado caafimaad , taa soo inta
badan ka timaada 2-da Gole ee dawlada waxana uu sheegay Cade
Muuse in uu sida ugu dhakhsaha badan loo bixinayo bil walba
mushahaarka ciidamada iyo kuwa shaqaalaha dawlada, hadalkan
Cadde Muuse hada ka soo yeeray ma'ahan mid dhagaha shacabka
puntland ku cusub balse waa hadalkii uu markii uu ahaa
musharax madaxtino ka jeedin jiray fagaarayaasha walina
hadaladii uu ku galay iyo balan qaadyadii uu shacabka ka
qaaday xiligii uu ahaa musharaxa lagama hayo Cade Muuse.
Mar haday sidaa tahay Cade
Muuse maxaa la gudboon, marar badan ayaa shacabka , xisbiga
mucaaradka ah ee ramaas political party ay cade muuse u
jeediyeen in uu iscasilo maadaama uu fulin waayay
balanqaadyadii shacabka, islamarkaaana uu ka adkaan waayay
musuqmaasuq baahsan ee ku jira DGPL.
Wasiirka maaliyada ayaa
isna sheegay in ay u badan tahay warqadaha Caafimaadka oo
inta badan 2-da Gole , ay soo qortaan , Arday Jaamacado loo
diro , Dhaqaale deg-deg ah oo la siiyo saraakiisha ammaanka
marka ay yiraahdaan xaalad deg-deg ah baajirta , baabuur
tira-badan oo loo gaday dawlada iyo masuuliyiinta dawlada ,
kharashaad badan oo ku baxa safarada iyo booqashada ay
Masuuliyiitna DFKS ay ku yimaadaan gobolka.
Hadalkii
wasiirka maaliyadda oo ay ardaydu ka hadleen.....
Hadalkii wasiirka
maaliyadda DGPL ayaa ka xanaajisay arday badan oo reer
Puntland ah waxayna shegeen in uu hadalkaasi la mid yahay
hadal ka soo yeeray nin aan mas'uul ahayn oo iska hadlay.
Arday badan oo kulamo kala
duduwan ku kala qabtay xarumaha ardayda magaalada Garowe
ayaa canbaarayn dusha uga tuuray wasiirka maaliyada DGPl
waxayna sheegeen in aysan jirin hal arday oo dawlada
puntland ay u dirtay jaamacad mana jiraan arday ay xitaa
transportiga ka bixiyaan, wuuxuna ku quruxsanayaa hadalkiisa, beenta
uu ardayda ka galayna nooguma ahaanayo wasiir ayay dheheen
arday badani.
Ardaydaan ayaa sheegay in
ay mudaharaad ka muujinayaan arinta uu wasiirka maaliyada
kulakacay waxayna tusayaan shacabka reer puntland xaqdarada
ay ku socoto DGPL lagana galayo arimaha bulshada.
Ardaydani waxay sheegeen in
wasiirka maaliyadu uu iska hadlay loona baahan yahay in ay
dawladu is xisaabiso inta aan shacabku la xisaabtamin,
taariikhda kuma hayno dawlada Puntland oo dhistay school ama
jaamacad iyo mid ay maalgalisay toona sidoo kalena ma jirto
arday jaamacado loo diray ama halaga bixiyo ama transportiga
halaga baxshee waana hadalka soo yeeray hadalkii wasiirka
aan mas'uul ahayn waxayna ardaydaasi shegeen in ay ka
doonayaan jawaab dawlada been abuurka ay dawladu kula kacday
ardayda reer puntland.
Madaxwaynaha
DFKGS ayaa saaka laga filayaa in uu soo gaaro deegaanada
puntland.
Madaxwayanah DFKGS c/laahi
yuusuf axmed iyo wafdi uu hogaamianayo ayaa la filayaa in ay
saacadaha soosocda booqasho gaaban ku yimaadaan puntland
iyaga oo ka soo dagi doona garoonka conoco ee magaalada
caasimada u ah puntland ee Garowe.
Lama garanayo inta waftiga
madaxwaynuhu ay ku sugnaan doonaan puntland. DGPL ayaa
magacowday gudi qaabilsan qaban qaabada iyo soo dhawaynta
waftiga madaxwaynaha somalia c/laahi yuusuf axmed.
Cade muuse ayaa shaaca ka
qaaday in c/laahi yuusuf uu martiqaaday mana uusan shaacin
sababaha uu xiligan u martiqaaday waxaase la ogsoonayahay in
cade muuse uu golaha wakiilada DGPL soo hordhigay sharciga
macdanta puntland kana codsaday in ay ansixiyaan kahore
imaanshaha c/laahi yuusuf puntland taasi oo ay golaha
wakiiladuna ay meel mariyeen sharcigaas oo ka koobnaa 9
qodob.
Waftigaas oo hadda soo gaarey Garoowe ka akhri warbixinta
HALKAN....
c/risak koronto | Garoowe
Email: koronto@somalitalk.com
July 16, 2006
|