Qaybtan waxay dabasocotaa
maqalkii hore ee
qoralkaygu ka bilowday oo ahaa Magalda
Bosaso ayaan ku
dhamaystiraya qaybtan
Assalamu Calaykum
Waraxmatullahi Wabarakatuhu
Maqalkii hore waxa uu
noo marayay in Magalada wadooyinkeeda waa wayn ee
Baburtu marto ay Trafic /Police ay Baburtu ku
waydiinayaan inay baxsheen Canshuurtii Caymiska ,
Haddaba taasi haddii aanu halkasi ku dhaafno , bal
aannu eegno sida magaalada dhaq dhaqaaqeeda yahay
haddii ay tahay Ganacsiga, haddii ay tahay Howsha
Mamulka PuntLand Hayo, haddii ay tahay Sicir Bararka
iyo Dhaqaalaha Punt Land IWM (ETC).
Haddaba aan ku bilaabo dhaq dhaqaaqa Magaalada ,walaalayaal
Magalada Bosaso waxa ay noqotay Bar tilmamed Ganacsi
ee wadanka Somaliya oo -idil, Laga bilaabo Tan iyo
intii uu dagalku sokeeye ka bilowmay dalka Somaliya
Sanadku markuu ahaa 1990-kii ,Magalada Bosaso waxay
tahay magaalo saxmad ah oo dadku ku badan yahay ,markii
aad magaalada dhex marayso mahelaysid meel ad wax
yar ku hakato ,maxaa yeelay meelkastaa waxaa taagan
dad,magalada waa meel buuq badan oo shaqadeedu badan
tahay , lacagta laga isticmaalo wadanka ayaa ah
lacag ay soo daabacday PuntLand , lacagta waxay u'eg
tahay Lacagtii somaliya ,xagga muuqalka lacagta
lagama yaqaan lacagtii Qaranka somaliya, hasayeeshee
lacagtan waa ay ka adagtahay lacagtii hore ee
Somaliya, waxaa kale oo ay oga duwan tahay lacagtii
hore Xagga saxiixa, lacagta somaliga ahi markii aad
wadato oo aad rabto in wax lagaaga iibiyo waxa lagaa
eegayaa lacagta aad wadato inay ku jirto lacagaha
Muqdisho lakeeno oo
kaduwan lacagta PuntLand waxana lagu kala garanaya
sida ay lacagtu u samaysan tahay , haddii lacagtaasi
aad wadato waa lagugu soo celinayaa.
mar aan tagay Bangiga dhexe ee Dowladda hoose ee
PuntLand waxad arkayasa dad doonaya in laga badalo
lacagaha jeex jeexmay ,isla markaana waxa lasiinaya
qofkastaa caddadkii lacagtii uuwatay oo Cusub,
xafiisyada Bangiga haba duug ahaadeene walaalayaal
waxad arkaysaa qof warqad boshqadaysan jawaabtiisii
uu sugayay lagu siinayo, waxaad kale oo arkaysaa
qaanado ay kabuuxaan faylal(Filing), waxa
waardiyaynaya Bangiga Hal askari oo fadhiya irridda
hore ee laga soo galo Bangiga.
Magaalada meelkastaa waxa ka furan xafiisyo ay
leeyihiin dad muwaadiniin ah oo gacansigooda ay ku
wataan, Baabuurta Taargadooda (Car Registration)ka
waxad ku arkaysaa Magaca Puntland oo u qoran sidatan
-
Calaamadan labada shabeel iyo gaashaanka
waxaa la asaasay 10 October 1956.
Calanka Soomaaliyana waxaa la sameeyey
12 October 1954. Waxaana sameeyey marxuum
Maxamed Cawaale Liiban oo 5 June 2001 ku
geeriyoodey Toronto |
PLSomalia oo lamacno ah (PuntLand Somalia
04500)waxa Targada waa -(Numberkee) iyo Magaca u
dhaxeeya Calamaddii qaranka Somalia oo ahayd
Labadiishabeel oo Calanka labadiisa gees ku sawirnaa
iyo Midabkii Calankeena oo Xidigtiisii Dhexda ay
kaga taal.
Magalada Biyaheda iyo nalkeedaba waa siyaado
inkastoo magaalada ay sii fidayso haddana baahi taas
looqabo lama kulmin tan iyo intii aan dhex
mushaaxayay Bosaso Gudaheda, haddii aan kaftamo
magalada Bosaso waxa looga hadlaa Laba luuqadood oo
kala ah sidan.
Luuqadda koowaad waa Luuqadda Afkeena hooyo oo
qofkastaa oo somali ahi garan karo, luuqadda labadna
waa luuqadda laga isticmaalo qaybo kamid ahi Somalia
oo ah Luuqadda May Mayga(Eelayga Iyo Reer Dhoobeeyda),
dadka luuqaddan ku hadlaa aad iyo aad ayay ugu badan
yihiin magalada waxayna ka shaqaystaan Maqaayadaha ,
Harqaamada, Dakadda, Hotelada, Baabuurta oo ay
lasocdaan, Goobaha Ganacsiga sida Bacad layasha oo
ay gacan yarooyin u yihiin, Meelaha
Jaadka lagu iibiyo IWM (ETC).
Magalada markii aad wax yar xaafadaha dhexgasho
waxad arkaysaa Dhismo yaal badan oo qabyo ah iyo
kuwo la dhamays tiray oo markaas dagniin ubaahan ,
meelkasta way cabiran tahay, Xaqiiqadii qoraalkan
laguma soo koobi karo xaaladda kajirtaa Bosaso, mar
aan tagay Jaamacadda Bosaso ee layiraahdo East
African University (EAU)
waxan ku arkay in jaamacaddu ayku fadhido dhul aad
uwayn (illaah baa wayne) isla mar ahaantaana
magalada waxay u jirtaa in la'eg Illaa (2KM)oo
banaanka ah dhinaca waddada aadda Garowe iyo
Puntland inteeda kale, Jamacadda waxad ku arkaysaa
dad wax kabaranaya oo bishiiba qofkii laga qaado
lacag dhan (200,000Plshs) jaamacaddu wali qaybo
kamid ahi waxa ku socda Dhismo, Masjid wayn oo
dhismo qaybihiis ay ku socdaan ayaad arkaysaa,
Jamacadduna qayb qayb ayay u dhisan tahay tabeelo
wayn oo kuu tilmaamaya jamacadda ayaad wadada
dhexdeeda ku arkaysaa in ay ku qoran tahay East
African University Of Somalia Bosaso PuntLand State
Of Somalia .
walaalayaal xagga siyaasadda Bosaso ma'ahan meel
la'iska-warqabo ,qofkastaa tiisa ayaa dhibaysa,
Xagga Police-ka magaalada waa Ammaan dadkuna wada
shaqayn ayaa kala dhaxaysa Police-ka qof kastaa
wixii uu Mamulka kaga baahdo oo sharci ahi waa
ladiyaar, Dad bislaaday oo isku tashaday ayaad ku
arkaysaa bosaso, gaar ahaan markii aad xoogaa la
taagnaato dad ka sheekaysanaya arrimaha siyaasadda
waxad ka dareemaysaa dadka inyar oo Goosan ah mooyee
dadka intiisa kale inay raali yihiin oo ay qanacsan
yihiin, dadku Nabadda ayaa aad u qancinaysa iyo kala
danbaynta ,xabad ma maqlaysid.
Waxan indhaha saaray Nin Madaxda kamid ahi oo
soogalay Hotelkii aan daganaa ee Huruse,marka
ninkaasi waxaa lasocday laba wiil oo waardiyaal
ah(Body Guards) Wiilasha mid waxa uu watay Qori AK47
ah midna Bastoolad. Ma rumaynaysaan Hotelkii markii
ay yimadeen ayaa labadiiwiil waxaa laga qaaday
Hubkii ay wateen waxana ka qaadaya waardiyaha
Hotelka, markii ay soo baxeena qalabkoodii ayaa
lasiiyay, arrinkaas waa arrin aan kasoo faa'iiday in
goobo kamid ahi somaliya ay kajirto nidaamkaas tan
iyo intii aan ogaa oo uu dagaalka sokeeye ka jiray
Somalia.
Horay ayaan oga cudur daartay in anan awoodin soo
koobidda xaladda bosaso laakin qofka raba in uu
ogaado waxa ka jira Bosaso iyo sida ay howlaheeda u
socdaan waxa haboon inuu tago deeganka maxa yeelay
qoraal laguma soo kobi karo. Arrinka si kastaba
ha'ahaadee waxad dareemaysaa in meshaasi ay kajirto
fikrad ah aan isku TASHANO oo ay qabaan dadka reer
Bosaso.
Intaasi waxaan kusoo kobayaa Magalda Bosaso
haddii rabbi idmo, Mahadssanid , Qoralkan oo
dhammaan aan kaga hadlayo socdalkayga PuntLnad ,haddii
rabbi idmo waxad kahelaysaan Shabakadda Inter-Netka
ee somalitalk.com Insha allahu waxa noo xigi doona
magaloyinkan Hose Qardho,
Garowe, Lascanod, Burtinle, Bacadwayn iyo Galkacyo.
Qoralkan waxan u hibeyay
Shabakadda Inter-Net-ka
Somalitalk marka ay soo dhaaftana waxan u
doorbiday Madasha Somaliyed oo Wadanka kamaqan inay
arkaan xaaladda dalka kajirta.