Xaaladda iyo Nolol Maalmeedka
Muqdisho
Muhammad Dhubat
Published: April 6, 2001
Muqdisho, Soomaaliya-(Muhammad Dhubat(Caddaawe)
Socdaal aan dhawaan dalka ku tagay ayaan waqtiga
intiisii badnayd ku sugnaa magaaladda Muqdisho,
waxaana ii suurta gashay inaan u kuurgalo xaaladda
iyo nolosha wadanka, gaarahaan magaalada Muqdisho
iyo nawaaxigeeda mudadii aan ku sugnaa. Waxaa
magaalada si weyn uga muuqda dagaalka sokeeye ee
dalka in mudaaba ka socday, burbur daran oo dad,
duunyo iyo deegaanba leh ayaa magaalada ka muuqda.
Dhibaatooyinka dagaalka sokeeye keenay oo aad u
balaaran qof kastaana guudahaan ka warqabo, ayaa
hadana waxaa saameyn gaara kugu yeelanaysa sida ay u
bedelantay magaaladii Xamar.
Arimaha aan sida goonidaa ugu kurgalay ayaa waxay
ahaayeen Amaanka magaalada, nolol maalmeedka,
shaqada, gaadiidka, waxbarashada iyo caafimaadka.
Guudahaan magaalada waxaa ka jiray deganaan,
waxayna dadku ii sheegeen inay hadda ku jiraan
waqtigii ugu fiicnaa xagga amaanka marka la eego tan
iyo intii daggaalkii sokeeye wadanka uu ka socday.
Waxaa dadka si weyn uga muuqda in qofba qofka kale
shartiisa uu ka baqayo. Magaalada Muqdisho ayaa ah
mid isku furan waxaadna aadikartaa magaalada
degmooyinkeeda midaad doonto. Xagga isbaarooyinka
magaalada dhexdeeda wax isbaaraa kuma arag, waxayna
dadku ii sheegeen inaysan jirin hadda wax
isbaarooyina magaalada dhexdeeda oo hadda dadku si
xora ayey isaga gudbaan degmooyinka magaalada. Hal
isbaaro ayaa waxay taalaa koontaroolkii hore Afgooye
ee ku yaalay Jaamicadda Gaheyr agteeda, waxayna
dadku ii sheegeen enay isbaaro leydani yihiin kuwo
taabacsan Hogaamiye kooxeedka Cismaan Caato oo
xaruuntiisa Xamar aysan meeshaa ka fogeyn, waxayna
10,000 toban kun maalintiiba ka qaataan baabuurta
rakaabka iyo xamuulka keliya.
Nolol maalmeedka magaalada Muqdisho ayaa weli ku
salaysan adeegii suuqa ee maalinlaha, waxaana damcan
loo adeegtaa hadba sida reer walbaa wax u haysto.
Marka waxaysiga dadka oo aad u kala duwan dartii
ayaan waxaan ka bilaabayaa adeegyada ugu hooseeya oo
dadka intooda badani helikaraan. Qadada ayaa ah
midda ugu weyn qofka ama qoyska Soomaaliyeed. Marka
aan eegno qiimaha ay qadadu ugu imaanayso miiska ama
go,gosha qofkii ama qoyskii Muqdisho ku nool. Qoysku
wuxuu suuqa uga soo adeegankaraa alaabooyinka
daruurigaa sidan. Qudaarta 1000 shillin oo u
dhiganta ilaa lix sents(6 cents) ayaa waxaad ku
helaysaa halgoob oo iskugu jirta cad basala, cad
bataataa, cad yaanyaa, xoogaa yaanyo shiishiida oo
weli lagu tiro(dhejiyo) warqaddii shamiitada, toon
iyo kabsar caleen.
Hilibka xirmo yar ayaad ku helee 1000 shillin
waana hilib geel, ariga iyo idaha hilibkooda waxaa
la gadaa xibin xibin(waslad waslad) ilaa 10,000
shilin (toban kun) iyo wixii ka sareeya xibintii ama
wasladdii. Hilibka geela waala kiileeyaa kiiladiina
waa 12,000(labo iyo toban kun). Saliida waxaa
lagadaa liitarkii saliid cadeyda 7000 todoba kun
shilin, waxaana ugu yar oo lagadaa 500 shan boqol oo
shilin intii reeri waxku sameysto maalintii. Saliid
Macasarada liitarkii waa 10,000 toban kun oo shilin.
Bariiska kiiladii waa 3500 sedex kun iyo shanboqol
oo shilin, Baastada oo iyana nuucyo kala duwana
ayaan qiimaheedu uu san bariiska ka fogeyn, Digirta
ayaa iyaduna ilaa 3000 sedex kun oo shilin koonbadii
tahay.
Caanaha magaalada muqdisho lagahelaa waa saddex nuuc
caano geel, caano lo,aad iyo caano booro. Caanaha
geela waxaa dhaladii(750milagram) la gadaa 2500,
labo kun iyo shan boqol. Caanaha lo,dana dhaladii
waa 2000 oo shilin. Caana booruhu wuu ka raqiisan
yahay caanaha xoolaha. Biyaha waxaa fuustadii la
guugu keenayaa 1000 kun shilin, laakiin haddii aad
gurigaaga tubo soo gashato waxaa unugii lagaa qaadaa
1000 kun shilin(unugu wuxuu udhigmaa shan fuusto).
Maqaayadaha waxaa looga qadeeyaa saxan bariisa
ama baastaa iyo cabitaankiisa waa 4000 afar kun oo
shilin, hilibka qiimihiisu wuxuu u dhexeeyaa 6000
ilaa 12,000 lix kun ilaa laba iyo toban kun oo
shilin. Hilibka maqaayadaha waxaa ugu raqiisan
kaluunka iyo digaagga, waxaana ugu qaalisan hilibka
ariga.
Xoohala suuqa iibka loo keeno ayaa ah kuwo aad u
wanaagsan, mar aan suuqa xoolaha Waxara Cade tegay
waxaan ku arkay xoolo aad u qurxan aadna raqiis u
ah, tusaale neefka arigaa ee ugu sareeyaa suuqa
waxaa lagadaa ilaa 220,000 laba boqol iyo labaatan
kun shilin oo u dhiganta ilaa 16 US Dolllars. Geela
isna waa ilaa 1,000,000 hal milyan oo shilin. Loda
ayaa ah 400,000 ilaa 800,000. Dameeraha ayaa
qiimahoodu u dhaxeeyaa 600,000 ilaa 900,000.
Shaqada dadka Muqdisho ku nool ayaa u badan xagga
ganacsiga waxayna dadku u badan yihiin kuwo subaxii
kalaha haba u bateen dumarka, oo runtii la orankaro
waa halbowlaha nolol maalmeeda qoyska Soomaaliga.
Shaqooyinka warshadaha iyo farsamooyinka ayaa
iyagana dadku u shaqatagaan sida warshaddaha
baastada, biyaha, doonyaha, saabuunta, bacyaasha,
bulukeetiga, barafka iyo kuwa cajiinka. Dhenaca
shirkadaha adeega(service) sida dhismaha,
taleefoonada, korontada, biyaha ayaa dad badani ka
shaqeeyaan.
Waxaa magaalada Muqdisho ka jira oo dadi ka
shaqeeyaan farsamo abuuro cusub sida
kaasafoortooyinka lacagaha lagu xafito(safe deposit)
waxaana lagu sameeyaa lacag aad kuga jaban ta midda
dibedda lagakeeno lagu iibsado, tayadeeduna aad ayey
u sareysaa, waxaadna ku arkeysaa kaasafoortadan
magaalada Xamar lagu sameeyay dhammaan meelaha
ganacsiga, xawilaadaha iyo xafiisyadaba. Sidookale
waxaa magaalada Muqdisho lagu farsameeyaa fuustooyin
shub kasameysan laguna shubto biyaha guryaha iyo
maqaayadaha, waxayna fuustooyinkaasi bedeleen
isticmaalkii aashuumada.
Magaalada Muqdisho waxaa ka jira waxbarasho kala
duwan oo nuucwalba leh sida dugsiyada caadigaa oo
heerkasta leh, dugsiyo farsamo laguna barto aqoonta
iyo isticmaalka kombuyuutarada iyo dugsiyo luuqadaha
lagu barto. Dugsiyada caadigaa ayaa ku shaqeeya
manaahij kala duwan una badan manaahij dibedda sida
Masar, Sacuudiga, Kuwait, Emaraadka Carabta iyo
Kenya, waxayna maamulada dugsiyadaas qaarkood ii
sheegeen inay manaahijta dibedda u geysay baahi iyo
dano waxbarasho awgeed.
Xagga caafimaadka waxaa magaalada weli si xadidan
uga shaqeeya isbitaaladii hore qaarkood, laakiin
waxaa aad magaalada ugu badan isbitaalo yar yar oo
ganacsi loo furtay gaarayana in ka badan
labaatameeyo iyo rugaha kale ee caafimaadka oo isugu
jira bukaan eegto, jiif iyo sheybaaro. Waxaa
dhaqtarku qofkii ku arkaa halkii mar 30,000 sodon
kun oo shilin. Daawooyinkuna waa qaali marka loo
eego dadku sida ay wax uhaystaan iyo awoodooda wax
gadasho.
Gaadiidka magaalada Muqdisho waa caasiyaal, costaro,
xaaji khamsiino iyo janta vinti kuwaatro(124) oo
magaaladda Xamar weli taxi ka ah. Basaska magaalada
waxaa lagu raacaa 500 shan boqol oo shilin. Laakiin
waqtiyada shaqooyinka la soo gelayo iyo marka laga
rawaxayo suuqyada galabtii waxay basasku dadka ka
qaataan 1000 kun shilin. Gobolada waxaa loogu safraa
badankooda basas sida Tata iyo baaruurta xamuulka,
waxaana baabuurtaas laga fuulaa(raacaa) meel kasta
kor, gudaha iyo dabadaba. Dibile ayaa weli dadku ku
danaystaa.
W.Q. Muhammad Dhubat(Caddaawe)
muhammad@ica.net
Faafin: SomaliTalk.com | 2001
Socdaalkii DHeeraa ee Shiike:
Qaybta 1aad
| Qaybta 2aad |
Qaybta 4aad |
Qaybta 5aad |
Qaybta 6aad |
Qaybta 7aad |
Qaybta 8aad