December 25, 2003
Aabo La’aanta Qoysaska Qurbaha: Dhibaatooyinka Qurbaha-9
Quraanka Alle waxa ku soo arooray amaro uu Ilaahay ku
farayo waalidka in ay naftooda iyo ehelkoodaba ka badbaadshaan Cadaab kulul
oo shidaalkeedu yahay dhagax iyo dad. Sidaaas oo kale waxa ku soo arooray
axdiiista nabigeena (csw) in waalidku ay masuul ka yahiin caruurtooda iyo in
ay masuuliyadaasi tahay mid la waydiin doono maalinta Qiyaamaha. Ubadka
barbaarintoodu waa waajib si isku mid ah u saaran aabaha iyo hooyada, hadii
uu midkood ka gaabiyo qaybtiisana shaki la’aantii jahawareer wayn ayaa ku
dhaca tarbiyada caruurta qoyskaas. Maqnaanshaha uu aabuhu ka maqanyahay
nolasha ubadkiisu aragtidayda waxa ay noqotay calaamad lagu garto qoyasas
badan oo ka mida qoysaska Soomaaliyeed ee qurbaha deggan. Arinkanina (sidii
aan horayba ugu sheegay maqaalo kan ka horeeyay) waxa uu dhibaato wayn u
keenay tarbiyada caruurta Soomaalida ee qurbaha ku koraysa. Sidaa daraadeed
anigoo ka duulaya muhiimada uu mawduucani u leeyahay qoysaska Soomaaliyeed
ee qurbaha ku nool ayaa waxa aan maqaalkan ku eegi doonaa asbaabaha ugu
waaweeyn ee keenay in aqalo badani ay noqdaan aqalo aan aabo joogin, waxa
kaloon ku eegi doonaa dhibtooyinka ka dhasha maqnaanshaha aabuhu uu ka
maqanyahay nolosha qoyskiisa.
Asbaabaha Keena Aaaba La’aanta
Sababaha dhaliya in aqalka Soomaaliga ahi uu noqdo aqal
aan “aabo” joogin waxaa ka midda :
Dagaalada Sokeeye
Aabayaal badan ayaa ku dhintay dagaaladii sokeeye ee
Soomaaliya ka dhacay. Carruurta agoonta ku noqotay dagaaladani waxa ay
intooda badani ku nool yihiin dhulkii lakiin qoysaska Soomaaliyeed ee u soo
carary dibaduhuna kama madhna (inkasta oo aany ku badnayn)
.
Aduun Badsi (Hunguri)
Soomaalidu markii ay ay dhulkoodii ka soo qaxeen waxa ay
qaar badani soo degeen wadamo ka dhaqano duwan dhulkii ay ka yimaadeen.
Dhaqamadda dhulkeenii ceebta ka ahaa laakiin lagu arkay wadamadan loo soo
qaxay waxaa ka midda in aad aragto gabdh xaas ah oo ninkeedii la joogo oo
hadana dafiraysa in odaygeedii la nool yahay. Waxaad arkaysaa qof dumara oo
akhyaarnimo ka muuqato oo inta ay tagto xafiisyada caydha laga qaato
odhanaysa( inkasta oo uuna hadalkaasi aanu run ahayn) caruurtyda aabahood
ilama deggana mana garanayo meel uu ku danbeyay. Waxaad arkaysaa aabo
shaqaysata ama shaqaysan kara oo halkii uu caruurtiisa masruufka u soo
shaqayn lahaa xaaskiisa ku dirqinaya (khasbaya)in ay noqoto hooyo kaliya.
Waxaad arki aabo wadan kale ka shaqaysata oo caruurtiisa masruufi karayay
lana daggi karaayay laakiin ka door biday in ay caydh ku ahaadaan dhul aanu
joogin. Dhaqamadan aan kor ku sheegay oo dhami waa dhaqamo cusub oo lagu
dhex arkay Soomaalida qurbaha deggan. Dhaqanadan oo ay sabab u tahay iiman
daro iyo aduun badsi waxa ay keeneen in uu lumo qiimihii uu aabuhu lahaa.
Waxa kale oo ay (dhaqanadani) dhaliyeen in caruur badan oo aabayaashood
noolyihiin ay waayaan daryeelkii aabanimo ee ay u baahnaayeen. Aabaha iimaan
daradani qaaday halkii uu caruurtiisa ku hogaamin lahaa anshaxa fiican waxa
uu noqday mid u horseeda caruurtiisa akhlaaq aan fiicnayn sida beenta,
tuuganimada iyo khiyaamada. Caruurtu marka ay waalidkood ku arkaan been,
khiyaamo iwm iyaguna waxa ay inta badan dhaxlaan dhaqankaa ay waalidkood ku
arkeen.
Muskhiladaha Qoyska
Qodabka kore (Huguri Waynaantu) waxa uu door wayn ka
ciyaaray in uu bato khilaafaadka qoysaska qaatay dhaqanadaas aan hore
Soomaalida loogu aqoonin. Aabihii markii uu ka gaabiyay masuuliyadii
saarnayd ee uu raali ka noqday in uu tuug dhuumanaya ku noqodo aqalkiisi
waxa ay keenaty in uu qiimihiisii dhaco. Dhibaato yari marka ay ka dhex
dhacdo qoyska waxaa suurtogal ah in ninka loogu hanjabo in alaabta dibada
loo dhigayo (ileen aqalka marti buu ku ahaaye!!). Hadii uu alaabtiisa qaadan
waayana waxaaba dhacda in loogu yeedhaa Boolis alaabtiisa dibada u dhiga.
Marka uu arinku halkaas gaadho waxaa dhaawacma xidhiidhkii labada lamaane ee
is qabay, aqalkuna waxa uu inta badan ku dhamaadaa burbur iyo kala tag. Kala
tagan dhibtiisa ugu wayni wax ay soo gaadhaa caruurta kuwaas oo ay ku dhacdo
in ay waayaan aabihii hagi lahaa tusaalahana ay ka dhigan lahaayeen.
Gabagabo
Isku doo duub oo aaaba la’aantu waa mid khatar ku ah
aqalka Soomaaliyeed ee ka taagan wadamada Galbeedka. Aqalada Soomaalida ee
qurbuha qaarkood wuxa ay marar badan u eekaadeen aqalkii Dadka madow ee ku
Marykanka kaas oo aanay dhibtiisu ka qarsoonayn qofkasta oo aragti furan u
leh mashaakilaadka dadka madow ee ku nool Marykanka. Qaar badan oo ka midda
aqalda madowga Marykanka waxaa caado u noqotay hooyo kaliya iyo aabo aan
masuuliyadiisii ka soo bixin. Quraanka Ilaahay ee aan aaminsanahay waxaa ku
suggan in ninku uu yahay masuulka kowaad ee qoyskiisa. Hadii uu aqalku
dayacmana isaga ayaa if iyo aakhiroba dhibta ka timaada ka masuula. Waa
aragtidayda in uu Ninka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nooli uu ka gaabiyay
masuuliyadii saarnayd. Hadii la rabo in ubadkeena iyo qoysaskeena aan ka
badbaadino dhibaatooyinka mushtamacaadkan aynu soo degnayna waa in qoysku
noqdaa qoys toosan oo ka fog dhaqamada aan kor ku soo sheegay aabuhuna waa
in uu u soo noqdaa hogaaminta qoyskiisa..
Qoraalkii 8aad. |
Qoraalkii 10aad.... Guji....
Mahadsanidin