Gudiga diyaarinta axdiga dawladda-dhexe [federaalka]
oo qayb ka ah labadii dhinac ee ay u kala dillaaceen gudigii loogu talo galay
inay soo diyaariyaan axdiga ku meel gaadhka ah ayaa qormada-koowaad [ama
daraafkii ugu horeeyey] soo ban dhigay. Daraafka dastuurka federaaliga ahi
wuxuu ka kooban yahay 30 baal oo ah warqadda A4 loo yaqaan. Korka waxaa kaga
sawiran calaaamaddii jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu ka hooseeyo cinwaan far
waaweyn ku qoran oo ah: “Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliyeed”.
Cinwaankaasna waxaa ka sii hooseeya: “Axdiga ku meel gaadhka ah”.
30’ka baalba waxay wataan saxiixa gudoomiyaha gudiga diyaariyaasha axdiga ku
meel gaadhka ah Xaaji Maxamuud M. (Barbaar), waxaa kaloo gudaha ku
taxan magacyada iyo saxiixyada dadkii axdigan diyaariyey oo 24 xubnood ka
kooban.
Hor iyo horraana, wuxuu axdigani qaybtiisa
1aad, qodobkeeda 1aad, ku soo qaddimayaa inay Soomaaliya tahay jamhuuriyad
federaal dimuqraadi ku meel gaadh ah, madax banaan, kuna dhisan caddaalad,
sinaan, nabad, shaqo iyo horumar; dhawraysana ku dhaqanka saraynta sharciga,
awoodda oo dhanna ay shacabku leeyihiin. Ayna adeegsanayaan hayadaha meelaha
metela si waafaqsan axdiga federaalka ku meel gaadhka ah.
Qaybta 2aad ee axdiga, qodobkiisa 2aad wuxuu
sheegayaa inay jamhuuriyadda federaalku ka kooban tahay dawladda dhexe ee
federaalka, dawlad goboleedyo, degmooyin, dawlado hoose, iyo tuulooyin.
Waxaana axdiga ku qoran in shuruuc kale lagu qeexi doono dawlad kasta
awoodeeda. Muuqaalka calanku waa kii hore, astanta jamhuuriyadda federaaliga
ahina waa tii hore, caasimaddu waa Muqdisho, laakiin wuxuu axdigu
leeyahay ilaa iyo inta nabadgelyadeeda laga sugayo dawladda dhexe waxay ku sii
shaqayn kartaa halkii kale ee ku haboon.
Qaybta 1aad ee axdiga, qodobkiisa 4aad wuxuu
leeyahay, shacbiga jamhuuriyadda federaaliga ku meel gaadhka ahi waa Islaam,
sunni- shaafici ah, sharci kasta oo si toos ah uga hor imanaya diinta
Islaamkana waa mid axdigan ka soo hor jeeda. Afka rasmiga ah wuxuu leeyahay
waa Soomaali oo uu ku macnaynayo Maay iyo Maxaad tiri. Afafka 2’aadna
wuxuu ku leeyahay waa Carabi iyo Ingiriis.
Qodobka 9aad ee Axdigu wuxuu xaqiijinayaa
inay muwaadiniinta dalku iyagoon loo eegayn lab, iyo dhedeg, dhaqaale, xaalad
bulsho, iyo aragti siyaasadeed ay xuquuqda iyo waajibaadka dalka u siman
yihiin sharciga hortiisa. Xagga waxbarashada axdigu wuxuu qirayaa inay ilaa
dugsi sare lacag la’aan noqon doonto, isla markaana ay barashada diinta
islaamku khasab ku tahay ardayda dugsiyada dawladda iyo kuwa gaar ahaaneedba.
Xagga xoriyadda isgaarsiinta wuxuu axdigu
leeyahay lama baari karo, lamana fara gelin karo, waraaqaha isgaadhsiinta iyo
qalabka casriga ah sida Web site’yada iyo E-mailada ay dadku ku wada
xiriiraan. Xoriyadda ra’yiga iyo xaqa banaanbaxa axdigani wuxuu ka qabaa in
qof kasta oo ka mid ah shacbiga soomaaliyeed uu xaq u leeyahay inuu ra’yigiisa
ku soo ban dhigo odhaah, muuqaal, qoraal, iyo qaab kasta oo uu dad weynaha ku
gaadhsiin karo faaf reeb la’aan. Inuu abaabuli karo, kana qayb qaadan karo
banaan bax lagu soo ban dhigayo ama lagu raadinayo xuquuq loo baneeyey Aadana
iyadoo aysan isticmaalka xuquuqda qodobka ku xusani waxba u dhimayn anshaxa
guud, mid gaar ahaaneed, nabad gelyada, iyo xasiloonida dalka iyo dadkaba.
Waxaa kaloo axdigan ku cad inay dawladda
federaalka ahi damaanad qaadayso xoriyadda saxaafadda, warbaahinta, madaxa
banaan, oo loo samaynayo sharci u gaar ah. Qodobka 19aad waxaa ku xusan
inay dawladda federaaliga ahi aqoonsan tahay in dalku yeesho hanaanka
xisbiyada badan.
Golaha sharci dejintu wuxuu ka kooban yahay
laba gole oo kala ah Golaha wakiilada (representative) iyo golaha odayaasha
(senate). Waxayna masuul ka yihiin sharci dejinta dalka, golaha wakiiladu
waxay ka kooban yihiin 337, waxaana lagu xulayaa bay leeyihiin 4.5, iyagoo
xilka hayn doona 4 sano oo ka bilaabata kolka xilka loo dhaariyo, lamana
kordhin karo. Golaha odayaashu wuxuu wakiil ka yahay bay leeyihiin danaha
shacabka Soomaaliyeed, awoodoodana waxaa ka mid ah ansixinta iyo talo ka
bixinta go’aamada ay golaha wakiiladu gaaraan.
Qodobka 40aad wuxuu isku ladhayaa labada gole
ee golaha wakiilada iyo golaha odayaasha, wuxuuna ugu yeedhayaa golaha
shacabka, tiradooda guudna wuxuu ka dhigayaa 450. wuxuu axdigu leeyahay
waa inay 450’kaas ka mid noqdaan 50 haween ah oo 4.5 lagu xulayo.
Qodobka 42’aad wuxuu qeexayaa awoodda
fulinta oo uu leeyahay waxaa leh golaha madaxtooyada iyo golaha wasiirada.
Wuxuu leeyahay golaha madaxtooyadu waa hayadda ugu saraysa qaranka; wuxuuna
golaha madaxtooyadu ka kooban yahay madaxweeynaha jamhuuriyadda iyo 3
madaxweeyne ku xigeen oo uu madaxweeynuhu u guddoominayo. Waxaana soo
xulanaya beelahooda isla markaana waxaa ansixinaya ergooyinka shirka ka qayb
gelaya; waxaana golaha madaxtooyada lagu salaynayaa awood qaybsiga 4.5. Golaha
madaxtooyadu wuxuu ku shaqaynayaa buu axdigu leeyahay hab guddoonka go’aamada
wada jirka ah.
Awoodda golaha madaxtooyada buu axdigu qabaa
inay ka mid tahay dejinta qorshayaasha dhaqaalaha, jaan gooynta arrimaha
siyaasadda, bulshada iyo sugidda nabad gelyada, waxay ogolaanayaan wasiirada
iyo wasiir ku xigeenada iyo kuwa ciidamada. Sida axdiga ku cad guddoomiyaha
golaha wasiiradu waa madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa, axdigu wuxuu leeyahay
wasiirku waa inuusan 30 jir ka yaraan, kaas oo aqoon jaamacadeedna leh.
Axdigan daraafka ah ee aan weli la ansixini
wuxuu qabaa inuu garsoorku ka madax banaan yahay awooda sharci dejinta iyo tan
fulintaba. Golaha sare ee garsoorku wuxuu ka kooban yahay guddoomiyaha
maxkabadda sare, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, saddex garsoorayaal oo laga
soo xulayo maxkabadda sare, saddex xubnood oo laga soo xulayo garyaqaanada
dalka; iyadoo uu golaha sare ee garsoorka ay golaha madaxtooyadu soo
magacaabayaan.
Qaybta 4aad ee axdiga qodobkiisa 56aad wuxuu
leeyahay dawladda dhexe ee federaalku waxay metelaysaa ciidamada qaranka iyo
wada jirka ummadda soomaaliyeed, awoodduna waxay ku dhisnaan doontaa awoodda
dawladda dhexe ee federaalka ah iyo awoodda dawlad goboleedyada iyo dawladaha
hoose.
Qoodobka 59aad ee axdiga ku meel gaadhka ah
ee aan weli la ansixinin wuxuu leeyahay wiixii aan lagu xusin axdigan waxaa
loogu noqonayaa dastuurkii 60kii. Qodobka 60aad wuxuu caddaynayaa inuu
axdigani dhaqan gelayo kolka ay hogaamiyayaasha siyaasadda ee shirka ka qayb
gelayaa ansixiyaan. Ugu dambayn baalka ugu dambeeya ee axdiga ku meel gaadhka
ah waxaa ku taxan ballan qaadyo 7 qodob ka kooban oo ay ka mid yihiin inay
dawladda ku meel gaadhka ahi ballan qaadayso inay la dagalamayso kana hor
tegayso argagixisada gudaha iyo caalamka nooc kasta oo ay tahay, iyadoo la
kaashanaysa bulsha weynta caalamka iyo dawladaha nabadda jecel. Intaas ayaan
ka xusi karaa milicsigii yaraa ee aan indhaha soo mariyey axdiga ku meel
gaadhka ah ee federaalka oo aan weli si rasmi ah loo ansixin, laakiin ay
diyaariyashu soo gudbiyeen.
Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Nairobi, Kenya
E-mail: imdeeq@hotmail.com
KARKII
HORE... GUJI......
... ELDORET:
Taxanahii Wararka c
AXDIGII
QARANKA EE KU-MEEL GAARKA AHAA EE LAGU SAMEEYEY CARTA, JABUUTI SANNADKII 2000
... GUJIom