SOMALITALK.COM


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA - DADWEYNAHA
DOODA BBC-DA YAAN LAGA WEECIN JIHADEEDA

Shariif Macallin
Saxafi & Qoraa
Muqdisho
Shariif55@hotmail.com

Assalaamu Caleykum
Waxaan sallaan gaar ah u dirayaa Bahda Somalitalk

Anigoo la socday Dooda la xiriirta BBC-da iyo Qoraalkii Shariifka haddana Runtii indhaheyga ma rumeyn markii Weriyaha BBC-da C/risaaq Catoosh ka shanqariyay doodiisii aflagaadada ahayd iyo galgalashadiisii wadatay cabirka beeleed iyo caadifada Qabyaaladeed ilaa iyo haddana waxaan ku qanacsanahay inuusan qoraalkaasi lahayn Catoosh ee si kale wax u dhaceen, haddiise ay aragtidiisa tahay waxa meesha ku qoran ee cinwaankiisana wadata, lama yaabani oo waxaan u qaadanayaa ayaandarda umadda Soomaaliyeed ku habsatay ee qofna aan ka tegine macaa Aqoonyahankeedii iyo Saxafiyiinteedii galaafatay.


"Idaacada BBC-du ha cadayso mawqifkeeda ku aadan maqaalka Catoosh" siciid.cali 

Dooda abid furnaan doonta ee la xiriirta BBC-da iyo Laanteeda Afsoomaaliga sida ay u shaqeyso, danaha ka danbeeya, ujeedooyinka laga leeyahay kuma haboona in jidkeeda laga weeciyo lagana dhigo arrin Soomaali dhex taala, kadibna sidii aan isku heysanay iyo beelnimadii la isaga horjeednay aanu ku dabaqno, taasi waxaan u arkaa mid xaqiiqada lagu indha tirayo, laguna doonayo in la marin habaabiyo arrin weyn oo dhibaatooyinka Soomaalida heysta casrigan ka mida.

Waxaan is leeyahay NIN AY SOORI KAA QAADAY haddana qaali kugu ahaa inaad ka sabarto ma fududa, sidaa daraadeed ayaan ka mid ahay dadka doonaya inuu Weriye Catoosh laf ahaantiisa qaladkii uu galay ka soo noqdo, haddii aanu falkaa isaga lahayna cadeyn ka bixiyo, si ay noogu socdaan doodihii muhiim ahaa ku saabsanaa BBC-da, ugu danbeynta loo helo xaqiiqada dhabta ah ee Laanteeda Afsoomaaliga.

Marxaladihii ay soo martay BBC-da laanteeda Afsoomaaliga, xaalada ay xiligan mareyso, Yuusuf Garaad kadib waxa ay BBC-du isu bedeshay, loolanka ay kula jirto Warbaahinta Soomaaliyeed ee ka soo hartay, xaqiiqada weriyayaasha ka shaqeeya oo Catoosh ka mid yahay iyo arrimo badan oo ka hadal u baahan haddii ujeedadu tahay in la oodo, taasi waxaan qabaa inaysan shaqeyn doonin.


"musiibo kasta oo na heysata Soomaali kale ayaa hogaanka u heysa, xageedana laga mari karin" Shariif Macallin
Aragti ahaan waxaan qabaa in mushkilada oo dhami Soomaalida leedahay, maxaa yeelay musiibo kasta oo na heysata Soomaali kale ayaa hogaanka u heysa, xageedana laga mari karin, sideedaba Nin keligii garnaqsaday lagama gar helo, waxaana in la xusuusto u baahan sidiii xiligii Gumeysiga u jireen Soomaali aan yareyn oo ka horjeeda xornimo dalku qaato kana qaxweysata Gumeysayaasha, ayaa xili waliba u jiraan dad noocaas ah oo ka tegay Wadaninimadii una xishay fara qabsi adduun.

Arrintu si kastaba ha ahaatee iima muuqato baahi kalifeysa in Somalitalk lagu qarqiyo Naqdinta Weriye Catoosh waxaanan codsan lahaa in ay halkeeda ka sii socoto dooda BBC-da Laanta Afsoomaaliga sida aan horay u sheegayna loo oglolaan in masiirkeedii laga duwo.

Shariif Macallin
Saxafi & Qoraa
Muqdisho
Shariif55@hotmail.com

July 12, 2002

###

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan

 

 

 
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD