Waxa aan ahay dadka Soomaaliyeed ee sida joogtada ah u
akhriyay boggoga Somalitalk. Saaka markii aan furay bogga Somalitalk ayaa waxa
aan ka akhriyay waraqad uu u soo diray boggan wariye ka mida wariyayaasha
idaacada BBC da uga soo warama geeska Afrika.
1. Ilaa iminka iima cadda wariyuhu cidda uu matalayo. Ma
shakhsigiisuu matalayaa mise waxa uu matalayaa idaacada BBC da. Tani waa
muhiim in la ogaado waayo haduu matalayo shakhsigiisa waa shakhsi waana in
jawaaabidu ay noqotaa mid shakhsi. Hadii ay tahay aragtida uu soo qoray mid
matalaysa laanta af soomaaliga ee idaacada BBC dana waxa ay cadaynaysaa
mustawaha suxufiyiinta Soomaaliyeed ee isugu yimid meeshaa. Si aanay ceebtu
u wada raacin suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya halkaa waa in
aragtidayda madaxda laantaasi ay cadeeyaan fikrada Mr. Catoosh in ay tahay
fikrada idaacada iyo in ay tahay mid u khaas ah.
2. Qofka wariyaha ahi waa in uu noqdaa qof ka koreeya
caadifada. Hadalaka ku qoran waraqada suxufugani ma ahayn mid ka koraysa
caadifada . Waraqada ka xanaajisay Catoosh iyo asxaabtiisa kaleba waxa ay
ahayd in si degan oo akhyaarnimo ah uu uga niqaashaan aragtiyaha ku qornaa
waraqadaa. Waxa laga yaabi lahaa hadii uu ka niqashi lahaa aragtiyaha in
canaanta badan ee ugu soo baxday boggan ay ka yaraan lahayd.
3. Idaacada BBC da iyo doorka ay ka ciyaarayso burburinta
iyo dhismaha ummada Soomaaliyeed aragtidu waa ay ku kala tagi kartaa.
Argatida qofi hadii ay khilaafto aragtida madaxada iyo shaqaalaha BBC da ma
aha taasi in loo dagaalamayo mansab iyo madaxnimo.
"Hadii aad hadasho oo hadalkaagu uu qof cajabin
waayo waxa aad moodaa hubka uu kugula dagaalamayaa in uu noqdo in uu qabiil
ayaad u xanaaqsantahay kugu tuhmo." Siciid.Cali |
4. Waxaan ka xumahay in qofka Soomaaliga ahi uu wax kasta
maanta ku eego aragti qabiil. Hadii aad hadasho oo hadalkaagu uu qof cajabin
waayo waxa aad moodaa hubka uu kugula dagaalamayaa in uu noqdo in uu qabiil
ayaad u xanaaqsantahay kugu tuhmo. Qofka caadiga ah ee Soomaaliga ah maxaan
la yaabaa hadii kuwoodii wararka u soo tabinayay iyo kuwoodii waxgardka ahaa
ay sidaas yihiin.
5. Waxaan aaminsanahay in idaacada BBC da dad akhyaar ah
oo umadooda daacada u ah iyo qaar daacadnimadooda calaamad dulsaarantahayba
ay ka shaqeeyaan. Waxaan odhan lahaa marka la naqdinayo BBC da malaa waa in
arintan aan la ilaawin. Somalitalkna marka uu maqaal qoro Editorka Boggu
khaasatan maqaalo ay aragtidu ku kala tagi karto waxa ay ila tahay in ay
cadahay marka uu aragtidiisa matalayo iyo marka uu matalayo aragtida mamulka
bogga.
Gabagabadii waxa aan odhan lahaa maqaalka Catoosh waxa uu
ahaa mid meel kaga dhacay sharaftiisa markaa ha la noqdo. Idaacada BBC duna ha
cadayso mawqifkeeda ku aadan maqaalkan.