TAAGEERADII LOO HAYAY BUSH, BLAIR IYO HOWARD OO WAX ISKA BEDDELAY
Ibraahim Saalax | SomaliTalk Denmark
Baaritaanno iyo tirakoobyo dhowaantan la
sameeyay ayaa lagu oggaaday, in rabshadaha iyo degganaansho la’aanta ka jirta
Ciraaq ay sababeen inay si weyn u dhaawacdo kalsoonidii iyo shacbiyaddii loo
hayay madaxda dalalka Mareekanka, Ingiriiska iyo Australiya.

George W. Bush |
Haddaba, tirakoob ay samayaysay Wargayska lagu
magacaabo USA Today ee ka soo baxda Mareekanka ayaa shaaca ka qaaday in
gaadmada iyo weerarada joogtada ah ee lagu ugaarsanayo ciidamada Mareekanka ee
jooga Ciraaq ay sababtay inay hoos ugu dhacdo taageeradii iyo shacbiyaddii loo
hayay madaxweynaha Mareekanka. George W. Bush.
Wargayska oo boggiisa internetka maanta oo
taariikhdu tahay 22.07.2003 ku soo bandhigay warbixintan iyada ah ayaa
tilmaantay in siyaasadda dhaqaalaha ee Bush ay raalli gelisay shacabka
Mareekanka 45%, halka 51% oo inta badan ahi ay ka biyo diideen arrintan.
Tirakoobkan ayaa sidoo kale lagu xusay in hoos
u dhacan dhinaca taageerada Bush uu misna sababay inay hoos ugu dhacdo
taageeradii loo hayay xisbiga talada dalka haya ee Jamhuuriga. Waxaa dadkii la
wareystay ay codkooda ku taageereen xisbiga Dimuqraadiga 53 %, halka 36 % ay u
codeeyeen Jamhuuriga.
Shacabka Mareekanka ee taageersanaa inuu Bush
ku soo noqdo madaxweyninimada doorashada soo socota waxay gaararayeen bil kahor
47%, halka hadda hoos isaga soo dhintay tiradaas 6, oo dadka doonaya soo
noqoshada Bush lagu qiyaaso ilaa 41%.
Sida laga soo xiganayo wakaaladda wararka ee
Faransiiska, waxaa dalka Ciraaq maalin walba ka dhaca weeraro ugaarsi ah oo
lala beegsanayo ciidamada Mareekanka ee jooga Ciraaq, waxayna wakaaladdu intaas
ku dartay in dhimmashada ciidamada Mareekanka lagu qiyaasay laga soo billaabo
koowdii bishii maajo ee sannadkan wax ka badan 80 qof.

Tony Blair |
Dhinaca kale, wargayska ka soo baxa dalka
England ee The Guardian ayaa sidoo kale maanta boggiisa internetka ku daabacay
maqaal sheegaya in taageerada iyo shacbiyaddii loo hayay Ra’iisal wasaaraha
Britain Tony Blair ay si weyn hoos ugu soo dhacday laga soo billaabo 3-dii
billood ee ugu danbeeyay, iyadoo taas ay ugu wacan tahay dagaalkii Britain sida
weyn uga qayb qaadatay Ciraaq.
Dadkii uu wargayska wareystay intooda badan
ayaa muujiyeen sida aynan raalli uga ahayn siyaasadda Blair, iyadoo 54 % dadkii
la wareystay ay sheegeen inayan taageeraynin Blair, halka 37 % ay ku qanacsan
yihiin Blair, waxaana labada tiro u dhaxaysa 17%, farqiga tirada danbe ayaa
ahaa 4 % bishii la soo dhaafay.
Hoos u dhacan ku yimid taageerada Tony Blair
waxaa laga yaabaa inay shaki ku sii beerto, kadib markii laga war helay
dhimashadii
Dr. David Kelly oo ahaa khabiirkii hub baarista ee Ciraaq. Blair oo
Jaamacad ku taalla dalka Shiinaha ka jeedinayay maanta khudbad ayaa yiri “
dooni maayo waxaan ka ahayn baarayaal dhexdhexaad ah oo dabagala siduu u
dhintay Dr. David Kelly”.
Tony Blair oo la hadlayay arday gaarayay 90
qof oo barta maaddooyinka saxaafadda, sharciyada, dhaqaalaha iyo sayniska ayaa
ku celceliyay inuusan ka qoomamsanayn dagaalkii uu ku qaaday Ciraaq, wuxuuna
yiri isagoo ka hadlaya arrintan “waxaan ku dhaqaaqnay waxay ahaayeen sax, haba
wateen culeys kasta”, wuxuu misna markale intaa raaciyay “waan qaatay go’aankan,
maxaa yeelay waxaan rumeysanahay inay u wanaagsan yahay dalkayga iyo dunida oo
dhan, sidaas ayaan ilaa iyo maanta aan rumeysanahay, sidaa darteed waxaa i
saaran inaan difaaco go’aankayga” ayuu yiri Tony Blair oo sida muuqata culeysyo
badani kala soo gudboonaadeen caddeymihii uu u soo bandhigay dowladdiisa markii
ciidamada Britain ka qayb galayeen dagaalkii Ciraaq.

Mr. Howard |
Sidaas si la mid ah, tirakoob ay si wadajir u
sameeyeen mac-hadka The Newspoll iyo wargayska ka soo baxa Australia ee lagu
magacaabo The Australian ayaa shacabka reer Australia rumeysan in saddex
meelood meel inuu Ra’iisal wasaaraha Australia Mr. Howard uu ka been sheegay
caddeymihii ay dowladdiisa kagala qaybgashay dagaalka Ciraaq. Hase ahaatee,
shacabka reer Australia ayaa sida tirakoobka ku cad taageersan inuu Mr. Howard
uu talada dalka sii hayo.
Shacabka Australia ayaa 67% rumeysan inaynan
waxna ka jirin hubka wax gummaada ee loo cuskaday weeraradii lagu qaaday Ciraaq,
sidaasna hoggaamiyaha dalkooda uu been ugu sheegay ama uu buunbuuniyay
warbixinno khaldan. Inkastoo ay jirto arrintan, haddana sida baaritaanka ay si
wadajir u soo saareen xarunta maxadka The Newspoll iyo wargayska The Australian
inuu Ra’iisal wasaaraha dalka Australia uu ku hoggaaminayo ninka ka soo
horjeeda ee Mr. Crean 40 dhibcood. Waxaa Ra’iisal wasaaraha taageersan 59%, halka Mr. Crean ay la jiraan dad gaaraya 19%.
Dhanka kale waxyaabaha maanta Ciraaq kusoo
kordhay waxaa kamid ah in Maraykanku uu sheegay in la diley labadii wiil ee uu
dhalay Saddam Xuseen.
ISHA:
usatoday.com |
politics.guardian.co.uk |
theaustralian.news.com.au
SAWIRADA: Google Images
Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax | SomaliTalk Denmark
ibra88@hotmail.com
Faafin: July 23, 2003
...TAARIIKHDII
HORE EE CIRAAQ ... HALKAN GUJI
...XAALADDA ADAG EE LA SOO GUDBOONAADAY CIIDAMADA MAREEKANKA EE
JOOGA CIRAAQ |