- Waraysi Garaadka Beesha
Gabooyaha oo Jooga Sweden
- Baaq uu soo saarey Gudoomiyaha
Beesha Gabooye ee Yurub & W/Ameerika
Nin u Dhashay Beesha Gabooyaha oo
Hargeysa Lagu Diley, Dadkii Arintaas Ka Mudaharaadayna Xabsi Loo
Taxaabay...
Waraysiga
Halkan ka dhegeyso
Hadaba
arintaas mudaharaadka iyo dilka ka dhacay Haregysa waxaan waraysi kala
yeelanay Garaad Axmed Diiriye Geylan, garaadka Beesha gabooyaha, asagoo
jooga dalka Sweden.
Garaad Axmed Diiriye waxa uu shaaca ka
qaaday in ninka la diley ee ka tirsan beesha Gabooyaha magaciisa la oran
jirey Khadar, ninkaas oo Haregsya dhowaan kusoo laabtay asagoo kasoo
laabtay Kuwait, waxana uu garaadku caddeeyey in ilaa hadda la diley ilaa
lix qof oo ka tirsan beesha.. Waxa kale oo Garaad Axmed uu sheegay in
dad aad u tiro badan loo taxaabay xabsiyada Haregysa.
Arinta dadka lagu xirxiray Hargeysa
waxaa ka hadashay hay'adda xuquuqda aadamaha u dooda ee Amnesty.
Waraysigii
Garaad Axmed Halkan ka dhegeyso
Faafin: SomaliTalk.com | May 20,
2005
NIN KA DHASHAY BEELAHA LA HAYBSOOCO
EE KU DHAQAN SOOMAALILAND OO LA DILAY, KA DIBNA WAXA XABSIGA LOO
TAXAABEY DADKII ISUGU SOO BAXAY IN AY KA MUDAAHARAADAAN CADAALAD XUMIDA
KA JIRTA SOOMAALILAND.
Horudhac.
“Askari ka tirsan Soomaaliland oo ah
(Somaliland Police Officer) ayaa sigaar weydiistey nin ka dhashay beesha
Gabooye , {Midgaan-Madhibaan} sigaar markii uu siiyey hal sigaar ah,
ayuu si baad ah u weydiistey mid kale, ninkii ka dhashay beesha Gabooye,
waa uu diidey, oo wuxuu ku yiri ma adigaa inala iibsaday” Ka dibna
askarigii Soomaaliland ninkii wuu dilay. Dadkii u badnaa beeshii Gabooye,
waxa ay isugu soo baxeen mudaaharaadyo nabadaysan, Askarigii haystay
ciidamada nabad galyada magaalada quruxda badan ee Hargaysa, waxa uu ka
muraaro- dilaacey Gabooye mudaaharadaaya, ka dibna waxa uu amray in
dhamaantood xabsiga loo taxaabo, illaa iyo hadana lama soo dayn.”
Baaq uu soo saarey Gudoomiyaha Beesha
Gabooye.
Gudoomiyaha Beesha Gabooye ee Qaarada
Yurub iyo Waqooyiga Ameerika Mudane Maxamed Ciise Caabdi (saaqa) ayaa si
weyn u canbaareeyay Taliska Boliska iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha ee
Waqooyi Galbeed iyada oo uu ku canbaareeyay inay si fool xun ula
dhaqmeen dadweyne u dhashay Beesha gabooye ee Waqooyi Galbeed oo
mudaaharaad nabadgelyo ah shalay ka dhigay Hargeysa iyaga oo ka
cadhaysnaa dil foolxun oo askari Booliska Dawlad Goboleed Somaliland ka
tirsani uu u geystay muwaadin beesha Gabooye u dhashay oo magaciisa la
odhan jiray Marxuum Khadar Aadan Cismaan Dhabbar.
Waxa uu Gudoomiyhu sheegay inay tahay
wax laga naxo in Booliska dawlad goboleedka Somaliland ay jirdil iyo
xadhig u geystaan muwaadiniin cabashadooda mudaaharaad nabadgelyo ah ku
muujinayay, waxaana uu gudoomiyuhu murugo weyn ka muujiyay sida foosha
xun ee loola dhaqmayo muwaadiniinta dawlad goboleedka Somaliland ee
Beesha Gabooye oo marba marka ka danbaysa lagula kacayo foolxumooyin
kasoo horjeeda dastuurka u degsan dawlad goboleedka iyada oo aan loo
kala aabo yeelin Rag, Dumar iyo carruur toona. Gudoomiye Maxamed waxa uu
ugu baaqay Hay'adaha u dooda xuquuqda adaamaha ee ku sugan Waqooyi
Galbeed gudaheeda, Xisbiyada Mucaaridka iyo dadweynaha ku nool
deegaankaas inay canbaareeyaan dhibaatada lagu hayo beesha Gabooye (Midgaan),
waxaana uu ugu baaqay Xukuumada Somaliland inay si degdeg maxkamada u
horkeento dhagar qabaha geystay dilkan, si loogu qaado sharciga dawlad
goboleedka Somaliland u degsan oo dhigaya in qofka si badheedh ah u dila
qof kale xukun dil ah lagu qaado, taasoo ay ku jirto maslaxada guud.
Dhacdadan dilka ah ee imiku maaha tii u
horraysay ee lagula kaco muwaadin beesha Gabooye u dhashay, iyada oo ay
ahayd uun sanadkii hore ee 2004 dabayaaqadiisii markii lagu toogtay
gabadh uur leh oo u dhalatay beesha Gabooye walaalkeedna lagu dhaawacay
xaafada Dumbuluq ee magaalada Hargeysa, iyada oo sanadkii 2001ka
badhtamihiisiina Jeelka Hargeysa uu ugu dhex dhintay jidh-dil loo
geystay Marxuum Qorane Qadax markii ninkaasi lagu eedeeyay inuu ka
danbeeyay dilkii loo gaystay Fanaankii Axmed Gacayte oo sanadkii 1988kii
lagu dilay magaalada Hargeysa xiligaas oo Jabahdii SNM iyo Ciidamadii
Siyaad Barre ay dagaaladu ku dhex marayeen deegaanada Waqooyi Galbeed.
Ninkaas Jeelka hargeysa ku dhex dhintay oo la odhan jiray Maraxuum
Qorane Qodax Digaale ee lagu eedeeyay dilka Marxuum Axmed Gacayte ayaa
maxkamada deegaanka Hargeysa ay ku weyday dilkaas lagu eedeeyay, hase
yeeshee waxay maxkamada Hargeysa waagaas Qorane Qodax ay ku xukuntay
inuu jeelka Hargeysa kusii jiro amaankiisa awgeed iyada oo ka cabsi
qabtay hadii lasii daayo in magaalada lagu dhex dilo, nasiib darrase
waxaa uu qorane ugu dhex dhintay jeelka Hargeysa jir dilkii loo geystay
markii baadhistu socotay, ilaa iyo maantadan aynu joognana dawlad
goboleedka Somaliland wax magdhow iyo raali galin ah may siinin eheladii
ay dadkaasi ka geeriyoodeen.
Ugu danbayn waxaa uu gudoomiyaha beesha
gabooye ee Qaarada Yurub iyo waqooyiga Ameerika Mudane Saaqa uu ugu
baaqayaa, aqoonyahanka, culumaa’udiinka, waxgaradka, guurtida iyo guud
ahaan muwaadiniinta Somalida meel kasta oo ay joogaan inay canbaareeyaan
kana dhiidhiyaan foolxumooyinka iyo dhibaatada lagu hayo dadweynaha
Gabooye ee ku dhaqan deegaan goboleedka Somaliland. Waxaana uu
Gudoomiyuhu tilmaamay inay beesha Gabooye kaalin laxaad leh kaga jirto
horumarka iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan
dawlad goboleedka Somaliland, isla markaasna ay waajib dastuuri ah tahay
in beesha Gabooye ay xaq u leedahay inay hesho kaalinta hogaamineed iyo
maamul ee ay xaqa u leedahay si dadaweynaha ku nool Waqooyi Galbeed ay u
noqdaan qaar si cadaalad ah u qaybasada khayraadka iyo hogaanka dalka.
Kaysar Cabdilaahi
kaysar@europe.com
Tafatiraha the Somali Voice
London, UK
Oraahyadii ay ka yiraahdeen,
aqoonyahanada, culumaa’udiinka, iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
“Dilkaan iyo dhibaatooyinka lagu hayo
beelaha Gabooye ee ku dhaqan Soomaaliya gaar ahaan Waqooyi Galbeed
Soomaaliland ma ahan wax cusub, waxana ay ka tarjumaysa Jahliga iyo Dib
u dhaca haysta dadka ku nool deegaanadaas.” Yusuf Shabac, oo ah qoraa ku
nool Waqooyiga Ameerika.
“Ogaandenya weligeed meel gaari mayso
illaa ay ka ictiraafaan dadka kula nool deeganadooda, sida oo kale,
Somaliland weligeed waxba ma noqon mayaan illaa beelaha tirada yar ee ku
dhaqan deeganadooda ay u ictiraafaan in ay yihiin dad nool oo xuquuq leh.”
Dr. Barkhadle oo ah qoraa ku nool Dalka Kanada.
“Waxa Soomaliland u sugnaatey taariikh
mugdi ah, kol haddii ay xirayaan, kufsanayaan ama dilayaan qofkii aan ka
dhalan labada qabiil Isaaq iyo Gudabiirse ee maamula dawlad goboleedkaas.”
Sheekh Cabdikariim Yusuf, hogaamiyaha dallada culama’udiinka
Soomaaliyeed ee Yurub.
“Waa wax laga naxo, oo u baahan baarid
deg-deg ah, iyo in wax laga qabto waxa ay ku dhaqmayso dawlad Goboleedka
Soomaliland, waxa aan ka codsanayaa hay’adaha u dooda xuquuqda aadane ee
ka jira dunida in ay Soomaliland si deg deg ah wax uga qabtaan, inta
aysan laayin dadka ay dhowaan u taxaabeen xabsiyada Magaalada Hargaysa
ee u dhashay beelaha la yasay."”Ayaan Xirsi Magan, oo ah haweenay ka
tirsan baarlamaanka Holland.
###
Waxaa isku soo dubaridey oo soo tebiyey
Yusuf Shaba | yusufshaba@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 20, 2005
Halkan
waxaa ku qoran emailka lagala xiriiri karo: Madaxweynaha Somaliland
Dahir Riyaale Kahin, Wasiirka arimaha gudaha Ismail Aden Osman, Wasiirka
caddaalada Ahmed Hassan Ali Assowe, Taliyaha booliska Mohamed Egeh Elmi,:
Fax: +252 213 8324 ama
+252 252 3848
Email: sl_victory@yahoo.com
(sl_victory@yahoo.com)
Wasiirada arimaha dibada Ms Edna Ismail Aden
Fax: +252 828 3271
Email: slforeign@hotmail.com
|