Ummad-walba Diinteeda ayay ka heshaa
ilbaxnimadeeda(Dhaqankeeda) Ilbaxnimada Muslimiintu waxay katimid
Islaamka.Qaabka firkirka,dhaqanka,dhaqaalaha,Qiyamka, Dhar xirashada,Qaab
nololeedka iyo dhamaan hab dhaqanka Muslimiinta waxaa assal u ah Diinta
Islaamka. Taas macnaheedu ma aha in ay raaceen waxa Diintu farayso, ee
waxaa weeye in dhaqankoodu kayimid kuna salaysanyahay Islaamka. Tusaale
ahaan, markii qofka soomaaliga ah uu rabo inuu u hiiliyo qof kale oo ay
isku qabiil yihiin, wuxuu u baahdaa inuu Daliil kahelo Diinta.
Markaasuu daliil u soo qaataa maah-maah oranaysa ( Doofaar ficil la`aan
ayaa loo cadaabaa). Wuxuu naftiisa ku qancinayaa inuu cadaab ka baqayo
haddii uu u hiillin waayo qofka isaga xiga qabiil ahaan.
Dagaaladii qabiilka ku salaysanaa ee
Soomaliya ka dhacay, waxaa la isku dayay in Diinta lawaafajiyo. Waayo
xadaaradda iyo qiyamka ayaa ku salaysan. Waxaad maqli kartay erayadaan:
“Waa jihaad, waa difaacu nafsi, waa bannaantahay in aad iska dhiciso
qof-kii ku dulminahaya, mujaahiddiin. Taas macnaheedu waxaa weeye, in
kasta oo dagaaladu qabiil ama siyaasad ku salaysan-yihiin, misana majiro
qof ama qabiil ka fakan kara awoodda ay Diintu kuleedahay naftiisa. Sidoo
kale qisada Qaadka. Ninka qaadka cunaya naftiisu uma saamaxayso in uu
bareero oo qirto in naftiisu ka adkaaday, Laakiin wuxuu isku dayaa in uu
qiil baarto isga oo oranaya waa “Quutul Awliyo” Quraanka ayaa lagu
akhriyaa.
Dadka fidiya xadaaradda reer galbeedka
ee wax ku soo bartay wadamada aan Islaamka ahayn, waxay u baahanyihiin
inay daliil ka helaan diinta, si ay ugu xoojiyaan afkaartooda. Inkasta oo
laga yaabo inaysan iyaga qiimo wayn ugu fadhin Diintu,haddana way u
baahanyihiin in ay adeegsadaan. Waxaynu arki jirnay waqtiyadii shuuciyadu
xooga lahayd inay adeegsan jireen culumada diinta qaar kamid ah si ay
hanti wadaaga u diineeyaan ama uga dhigaan wax diinta waafaqsan. Sidoo
kale, dadka gudniinka gabdhaha diidan oo u dhaq-dhaqaaqa in la joojiyo,
waxay u baahdaan in ay helaan culumo diinta waafajisa afkaartooda. Mar
haddii xadaarada dadku Diin ku salaysantayay, wax la hirgalinkaro
majiraan ilaa diinta lawaafajiyo. Xattaa dadka salaadda ka wahsaday, ama
iska daayay, waxay u baahdeen inay ku-saleeyaan karaamo iyo iimaan xaddii
dhaafay, markaas ayay yiraahdaan “ Kacbada ayaan ku soo tukanay.”
Halkaas waxaa kuu cad in qofkasta oo u
baahan inuu afkaartiisa hirgaliyo ( ha xumaato ama ha samaatee ) isku
dayo inuu waafajiyo Diinta Islaamka.Sababtu waxaa weeye xaddaarada iyo
Qiyamkii dadka ayaa ku salaysan Diinta islaamka. Waa taas midda aan uga
jeedo xaddaaraddu waa islaam, ee ma-aha inay awaamirta iyo u jeeddada
Diinta u raaceen sida ay tahay.
Mar haddii kii wax dilayay, Kii balwadda
lahaa, kii casabiyadda iyo eexda ka shaqaynayay, kii salaadda ka tagay,
kii duulaanka qaadayay—mar haddii kuwaas oo dhan arrintooda ay diinta u
celiyeen, waxaad fahmi kartaa in assalka umaddu islaam yahay. Sidaas
daraaded, wax kasta oo u maddaas ka soo fula ay xaddaaradda islaamku
assal u tahay. Majiro wax ka baxsan xadaaraddaas, Shar iyo khayr halkaas
ayay u noqonayaan.
Hadda xaaladda Muslimiintu guud ahaan
gaar ahaan Soomaalida way liidataa. Liidnimadaas iyo dhaqan xumadaas
xagee laga keenay maxaase assal u ah?
Jawaab: Waxaa assal u ah afkaar iyo
mabaadi adag,qalloocan,runta ka fog, oo muslimiintu rumaysan yihiin iyaga
oo u malaynaya inay Islaam tahay ama Islaamka laxiriirto. Caqiidadaas aan
salka lahayn laakiin loomalaynayo inay Diinta assal ku leedahay ayaa
mas’uul ka ah hoogga iyo halaaga ku dhacay muslimiinta.
Taas ayay naf iyo maalba ku difaacayaan
oo kala dhax layaan.Waayo waxay u haystaan inay difaacayaan Diintoodii
xaqqa ahayd.
Xalkuna waa in markale loo fasiro oo loo
sheego xaqqiiqada Diinkooda iyo Caqiidada dhabta ah ee Islaamka. Kadib
markay ku baraarugaan arrintaas ayay boorka iska jafayaan, karaamiddii
iyo Cizigii Mulimiintana ay heli doonaan.
Halkan ka akhri
Qaybta 2aad
Shiikh Abdiraxmaan Maxamed jibriil-
jibriil1950@yahoo.com
Nairobi-Kenya.
1aad |
2aad
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan