ITAXAADKA SOOMAALIYA [Qaybta 2aad]
Qaybta: 1aad |
2aad
Choose kaah for confidence, convenience
& competitive, rapid, reliable & responsive
|
Ku xiriirsan
Qaybtii 1aad....
. Itaxaadka iyo aragtida siyaasiyiinta Soomaalida:
. Hadda iyo Itaxaadka:
Itaxaadka iyo aragtida
Siyaasiyiinta Soomaalida.
Madaxda Siyaasadda Soomaalida siyaalo kala
duwan ayey uga hadleen Itaxaadka, walow siyaasiyiinta Soomaalida aan la kala
garan karin wax ay caqiido ahaan u rumeysan yihiin iyo waxa ay ku dangaara
isleeyihiin.
Aniga oo qaar kamid ah Siyaasiyiinta
Soomaalida soo qaadanay, bal ila arag waxa ay ka qabaan ururkan Itaxaadka.
C/Qaasim Salaad Xasan:
Waa Madaxweynaha DKG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya,
ee lagu soo doortay Carta, horayna waxa uu u ahaan jiray W/arimaha Gudaha ee
dowladdii M.S.Barre, waxa ay hadda col iyo cadaawo yihiin R/Wasaare Millas
Zinaawi, weyna isla afgaran la’yihiin xalka arimaha Soomaaliya, Zinaawi
waxa uuba C/Qaasim ku tiriyey inuu xubin ka yahay ururka Itaxaadka, halka C/Qaasimna
uu Zinaawi ku sifeeyey in Soomaalida uu ku colleenaya Diinta Islaamka ee ay
haystaan.
Mar ay Somalitalk.com ku soo booqatay xaruntiisa Muqdisho, su’aalihii ay weydiisay waxaa ka mid ahaa, ra’yiga
uu ka qabo ururada Islaamiga ah ee ka jira Soomaaliya, iyo argagixiso iney
joogaan Soomaaliya, waxa uuna ku celcelinaya in aysan jirin ururro
argagixiso ah oo ka jira Soomaaliya, awood ciidanna haba yaraatee aysan ku
lahayn dalka, waxa uuna tilmaamaa in arintu aysan ahayn ladagaalan argagixiso
ee ay tahay ladagaalanka shacabka Soomaaliya.
WARAYSIYADII AXMED DAWLO
[K/Afrika] |
|
Qodobkaa oo ahaa qodob uu aad ugu
dheeraanayo marka la su’aalo arimaha argagixisada hadalladii uu maalintii
ii sheegay waxaa ka mid ahaa "Haddii dagaalka lagu qaaday Soomaaliya oo
ka koobnaa, mid dhaqaale ooba la xiray shirkaddii Al-barakaad, sidoo kale
mid Borobagaan ah oo warbaahinnada oo dhan laga faafiyey in Soomaaliya ay
tahay goob hoy u ah argagixisada, dagaalkaasoo kale haddii lagu qaadi lahaa
dowladaha ugu waaweyn dunida weyba kici lahaayeen, marka Soomaaliya oo saan
u tabar daran goorta dagaalkan lagu qaado dhibaato intee le’eg bey nagu
yeelan kartaa".
Maxamed Abshir Muuse:
Waa gudoomiyihii jabhaddii S.S.D.F. waxa uu
ka tagay Siyaasadda G/Bari kadib markii uu doorashada Madaxtinimo ee lagu
aas’aasayey Puntland
uu kaga adkaaday Col.C/Laahi Yuusuf Axmed.
Sida ku cad waraysi uu bixiyey xilliyadii
uu dhexmaray dagaalka Jabhaddiisii S.S.D.F. iyo Itaxaadka, kuna dhexmaray G/Bar i iyo Nugaal. Waraysigaas oo uu la yeeshay Jornaalka afka carabiga uga
soo baxa London ee "Asharqal-awsat". Cadadkiisii 50790. soona
baxay.24-10-92. Su’aashii la weydiiyey oo ahayd nooga waran ururka Al-itaxaad
Al-islaami? Jawaabtiisii waxay ahayd sidatan.
(Waa koox ku gabaneysa shicaar diineed
wayna nagu khaldeen, horraantii waxay noo muujiyeen iney ku hawlan yihiin
tarbiyada dadka iyo faafinta diinta, saasaanna ugu dhiibnay Dakadda Boosaaso
kuna heshiinay iney ka qaataan 20%. Wixii ka soo baxa Dakadda, markaasey
bilaabeen shirqoollo iyo sidii ay wadanka ula wareegi lahaayeen annaguna
taasaan dareenay.), waxaana suurowda in hadda Jenaraalku uusan qabin
aragtidii uu markaa ka qabay, waase arin u baahan cilmi baaris dhab ah in
lagu sameeyo.
C/Laahi Yuusuf Axmed:
Waa aasaasihii maamul goboleedka Puntland,
haddana ah Madaxweynaha xoogga ku qabsaday
dowlad goboleedka Puntland, waana
hogaamiyaha kaliya ee aan isleeyahay waa ka mabda’ la dagaalanka Itaxaadka
iyo ururrada Islaamiga ah ee ka jira Soomaaliya, halka madaxa kale ee
Soomaalida ay ka tahay ku qaraabasho oo kaliya.
C/Laahi Yuusuf sida ay weydiisay Jariidada
afka carabiga uga soo baxda Qaahira ee caasimada Masar, laguna magacaabo
"Al-ahraam" soona baxay, 27-12-96. oo ay weydiisay su’aasha ah
muxuu yahay qodobada aad uga hadleysaan shirka Boosaaso?. Wuxuuna ku
jawaabay, ( waxaa ka mid ah in aannu mawqif mideysan ka qaadanno ururrada
argagixisada ah ee ku nool gobollada qaarkood).
Sidoo kale shirkii wadatashiga ee ahaa kii
lagu aasaasayey Puntland
laguna qabtay Garowe bilowgii 1998. waxa uu ka
jeediyey khudbad ay hadalladiisi ka mid ahaayeen. (Al-itaxaad waa cadaw
gudaha nooga jira, goobihii muhiimka ahaana gacanta ku dhigay, sida
Iskuullada, Gacansiga, iyo Masaajidda.) maalintii uu khudbaddaa ka jeediyey
hoolka shirka, anigu waxan markaa Safar ku marayey isla magaalada Garoowe,
warkana waxaa isiiyey raggii goob joogga ka ahaa khudbadaas, sidoo kale waxa
war bixin dheer ka qoray Wargayska ka soo baxa isla Garowe ee lagu magacabo
"Riyaaq", isagoo isla arintaa daba jooga ayuuna wargaysku waraysi
dheer kala yeeshay arintaa Caalimka daggan Garawe Sh.C/Qaadir Nuur Faarax (Gacamey)
oo uu sheekhu yiri hadal dheer oo uu cinwaankiisu ahaa, ( Inuu nin masuul
ahi hadalkaas ku hadlaa mahaboona).
C/Laahi Yuusuf waa Siyaasiga ay hadda R/Galbeedku
ugu kalsoonida badan yihiin, waxaa la oran karaa kalsoonidaas wuxuu ku
kasbaday waxaa ka mid ah, collaada ka runta ah ee uu u hayo ururka Al-itaxaad
iyo ururada kale ee Islaamiga ah ee ka jira Soomaaliya.
Cumar Xaaji Masalle:
Waa gudoomiyihii S.N.F. horay u ahan jiray
W/Gaashaandhigga ee dowladdii M.S.Barre, waana hogaamiyaha kaliya ee Itaxaadka la
diriray isagoo kaalmeysanayey dowladda Itoobiya oo iyadu u aragtay Itaxaadka
khatar ay lagama maarmaan tahay in la tirtiro, taasoo ay dawladda Itoobiya
ku guuleysatay in ay meesha ka saarto awooddii ciidanka Itaxaadka ee ka
jiray gobolka Gado, Jenankase hadda lama hayo Siyaasad ahaan halka uu xisaab
san yahay, waxaana muuqata inuu ku fashilmay Siyaasadda Soomaliya, taasna uu
qudhiisu garawsaday.
Waraysi uu Cumar Xaaji siiyey Jariidada
"Al-hayat" ee afka carabiga uga soo baxda London, soo baxday
19-8-96. iyagoo markaa su’aalo badan ka weydiinayey dagaalkii G edo ka
dhacay. 9-8-96. iyo ururka Al-itaxaad, isagoo arimahaa ka hadlayana wuxuu
yiri.
( Haddii Itoobiya ay wax ka qabaneyso
ururkan waa maslaxo labadeennaba na anfacaysa, ladagaalanka Itaxaadkana
waxaannu ku heleynaa kaalmo farabadan oo caalami ah, waayo dawladaha maanta
ugu waaweyn dunida waxay cadaw u arkaan qofkii qaata shicaar diineed, saa
awgeed baannu taageero buuxda uga heleynaa caalamka).
Isla dagaalkii labaad ee ka dhacay Gado.
12-6-97. oo ahayd maalintii ugu danbaysay maamulka Itaxaadka oo ka sii jira
degmooyinka B/Xaawo, Luuq, iyo Doolow, ayey BBCda Soomaaliga waraysi kula
yeelatay Cumar Xaaji isagoo jooga Mandheera, waraysigaas oo uu qaadayey
Wariye "Siciid Cali Muuse", ayey ka mid ahaayeen wax
yaabihii uu u sheegay in (Itaxaadku ay yihiin dad ajnabi ah oo ka kooban
wadamo shisheeye sida Faransiis iyo dowlado kale) mar uu wariyuhu weydiiyey
su’aal ahayad, "Oo meeshaba waxaa jooga la leeyahay wadaado malcaamado
ku haystee?" Ayuu ku jawaabay (taasi waa Abuukaata-nimada BBCda).
Cali Mahadi Maxamed:
CILMIBAARISTII
SUNTA
SOOMAALIYA |
Waa
qolaal soo koobaya meelaha loo malaynayo in sunta haalista ah kaga
duugantaahy dalka Soomaaliya.. Shakiib |
Waa Madaxweynihii ku meel gaarka ahaa ee
lagu soo dhisay Jabuuti 1991. kadibna noqday afhayeenkii S.S.A. hadaba
xilligii uu socday shirkii Soodare uu ee Cali Mahadi la jaalka ahaa Itoobiya
ayey Jariidad todobaad laha ah ee afka carabiga uga soo baxda London
"Al-wasad" waxa ay wax ka weydiisay ururka Al-itaxaad waxa uuna ku
jawaabay ( waa urur qalalaase ka wada gudaha Soomaaliya, waxa uuna u
shaqeeyaa dana ay leeyihiin wadama kale, waxa uuna doonayaa inuu annaga nagu
fuliyo).
Mudane Cali Mahadi walow uu maalmahan si
kulul u canbaareeyo Itoobiya, waagaas aragtidaa ayuu ka qabay Itaxaadka,
hadase wuxuu ka qabo lama oga, waxa uuna hadda xubin Baarlamaan ka yahay
D.K.G..
Xuseen Caydiid:
Waa madaxweynihii Salballaar, ahna
gudoomiyaha U.S.C./S.N.A. hadana ka tirsan golaha S.R.R.C. sanadihii
96-97-98. ayey Siyaasiyiin Soomaali ihi faafiyeen in Xuseen Caydiid uu gacan
saar la leeyahay ururada argagixisada ay u yaqaanaan R/galbeedka ee kajira
Soomaliya sida Itaxaadka, su’aalo arimahaas la xiriira ayey weydiisay
Jariidada afka carabiga uga soo baxda Qaahira ee "Al-musawar" soo
baxay 25-4-97. Su’aashii la weydiiyeyna waxa ka mid ahaa, muxuu yahay
xiriirka aad la leedahay Itaxaadka? Wuxuuna ku jawaabay ( wax xiriir ah
nagama dhexeeyo, meelaha aan ka taliyana awood kuma
lahan, saaxada Siyaasada
Soomaaliyana kama muuqdaan, burburkii Soomaaliya kadibna ururro Islaami ah
ayaa sameysmay sida Jamaacatu-tabliig, Itaxaad, iyo Islaax, kuligoodna waa
ururro bidco ah!!!).
Waa gaas Xuseen saa suu lahaa, waa nedhexe
oo ku beegan intii uusan tagin Adis-abab waa kii BBCda ka sheegay
in aysan Soomaaliya joogin ururro argagixso ah, ayna tahay been la faafiyey,
waayadaan danbase waa is rogay Siyaasad ahaan oo hadda waxa uu goor walba
sheegaa in Itaxaadku ay yihiin khatar argagixiso oo ka jirta Geeska
Afrika,
hadalkaasna wuxuu ku cadeeyey waraysi uu dhawaan siiyey Barta Internet-ka ee
Somalitalk.com.
Maxamed Qanyare Afrax:
Waa W/siirkii arimaha gudaha ee dowladdii
Salballaar, hadana waa hogaamiyaha U.S.C. Isaga ayaana hadda ka taliya
degmada Dayniile, Taariikhdiisa Siyaasadeed Qanyare kuma jirto inuu marna u
galay Itoobiya.
WARAYSIYADII IBRAAHIM
MAXAMEDDEEQ |
|
Ibraahim Maxamed deeq oo ka faallooday Qanyare marka uu wax ka qoray Siyaasiyiinta Soomaalida kuwooda jooga
Eldoret, ayuu ku tilmaamay inuu yahay nin ay hadalkiisa jecelyihiin dadka
neceb iyo kuwa jecel, anna saas waan ku soo arkay,
Aragtida uu ka qabo in argagixiso inay
joogto Soomaaliya waa tii ay ka mid ahayd su’aalihii ay Somalitalk.com ku
soo weydiisay markii ay ku soo booqatay halka uu daggan yahay ee
Deyniile.
Suu’aashii ay weydiisayna waxay
ahayd.
Somalitalk.com: Iyadoo la
adeegsanayo la dagaalanka Argagixisada ayaa waxaa badaha iyo hawada
Soomaaliyaba ku gaaf wareegaya maraakiib iyo diyaarado reer Galbeedka ah,
arrintaa maxaad ka leedahay?.
Qanyare: Aniga Danbiile in
lala diriro waan qabaa waana in uu cad yahay danbigiisa, Soomaaliya hadda
xarun Argagixiso kuma taal, xeryo ay ku tababartaana ma jiraan, way jiraan
dad aaminsan mabaadi' diineed mase ahan dad awood leh oo afkeenu waa isku
ammaan bey ku shaqaystaan, waxaana argagixiso lala diriri karaa markii ay
Dowlad dhexe oo Soomaaliyeed timaado oo danbiyada ka ilaalisa dadka, sidaa
awgeed markab Jarmal ah iyo diyaarad Ingiriis ah midna waxba kama qaban
karaan arrimaha Soomaaliya waana qorshe qaldan, Soomaaliyana hadda kaalmo
ayey u baahan tahay ee cirka xiin xiin xabad u noqon mayso.
sidaas ayey ahayd jawaabtii Qanyare ka
bixiyey su'aashii ahayd in argagixiso joogto Soomaaliya iyo in kale.
HADDA IYO ITAXAADKA:
15kii Maarso 1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu hoos kuqoranyihiin asaaseen xisbigii
SYC, kaas oo markay taariikhdu ahayd 1947 isubedeley xisbigii SYL:
C/qaadir Sakhaawadiin
Yaasiin X. Cusmaan Sharmaake
Sayid Xirsi Nuur
Maxamuud Cusmaan Baarbe
Daahir X Cusmaan Sharmaarke
Xaaji Muxumed Xuseen
Khaliif Hundow Macalim
Muxumed Faarax Hilowle
Muxumed Cabdulle Xayeesi
Cusmaan Geedi Raage
Dheere X Dheere
Muxamed Cali Nuur
Cali Xuseen Cali
Taariikh kooban ee SYL .. GUJI
|
WARARKA KALE: GUJI
SAWIR
|
|
Aan u soo noqonno su’aasha ah "Hadda
iyo Itaxaadka", haddii aan kasoo hadalnay waayo-waayo wixii uu soomaray
Itaxaadku, oo aan ku xijinay ra’yiga Caalamka iyo Madaxda Soomaalida
qaarkeed ka qabaan Itaxaadka, aan is weeydiinno su’aasha ah HADDA IYO
ITAXAADKA?.
Mar aan su’aashaa u bandhigay Macallin
wax ka dhiga Jaamacadda "Nairobi University" D.r. C/Laahi C/Qaadir
ayaa iigu jawaabay in Itaxaadku aysan hadda awood ciidan ahaan u jirin, ayna
yihiin marxalo Soomaali soo martay, waxuuna hadalkiisii ku soo koobay waa
laga soo gudbay Itaxaadka sidii looga soo gudbay S.Y.L. oo kale.
Dadka aadka uga warka haya Itaxaadka, waxa
ay rumeysan yihiin iney hadda uusan jirin aragti Itaxaad oo mideysan oo
khatar ku noqon karta R/galbeedka, waayo bey yiraahdeen waa urur dagaallo
kulul kaligii la galay qaar ka mid ah Jabhadaha Soomaalida iyo dowladda
Itoobiya, saa awgeed awooddii ciidan ee uu lahaa waa ay dhantaalmatay.
Baaritaannadii ay sameysay Somalitalk.com
waxay ku ogaatay in hadda aysan jirin is uruursi ciidan oo meel cad ku
uruursan oo ku abtirsada ururka Itaxaad, wey jiraan dad wali rumeysan
afkaarahoodii oo jooga Soomaaliya, sidoo kale waxaa xaqiiqo ah in hadda
aysan isku xirneyn dadkii ka tirsanaan jiray Itaxaadka, oo ayba firqo
firqooyin u kala siibteen, iyagoo isku haya arimo la xiriira fahamka Mas’alooyin
ka mid ah Diinta, taaso keentay in Culimo farabadan oo xubno ka ahaan jiray
ururka ay fagaarayaal ka cadeeyeen ineyba ka bexeen ururkaas, iyagoo leh
Itaxaadku mahayo tubtii saxda ahayd.
Qaar ka tirsanaan jiray madaxda Itaxaadka
oo ay Somalitalk.com la xiriirtay waxay u sheegeen in ayba diin ahaan uga
qanceen in xal lagu raadiyo cudud ciidan, waagii xitaa ay lahaayeen
Mucaskaraadka waxa uu sheegay Mas’uulkaas in Culimo badan oo ka mid ahaa
Itaxaadka ay ka soo horjeedeen uruurinta awoodda ciidan ee la rabo in lagu
raadsho dowlad Islaami ah oo ka dhisanta Soomaaliya.
Far fiiqidda Maraykanka ee uu hada ku hayo
Itaxaadka, dad farabadani waxay aamin-sanyihiin iney keeni karto is uruursi
cusub oo ay sameeyaan Itaxaadku, oo ay macquul tahay in xubnihii Itaxaadka
ahaan jiray ay abuuraan fikrad boor iska jafid ah, Sargaal sare oo ka
tirsanaa S.S.D.F.tii kana mid ahaa raggii ka qayb galay dagaalkii Bari, ayaa
igu yiri "Maraykanku sida uu hadda u buun-buuninayo Itaxaadka waxay
suura galin kartaa, Itaxaadkii aan ka adkaanay 1992, annagoo haysannay
taageerada shacabka oo aannu awood u helnay inaan baabi’inno ciidankii
Itaxaadka, ayuu hadda Maraykanku sabab u noqon karaa in ay dib u soo
abaabulmaan, iyagoo ka faa’iideysanaya neceybka goonida ah ee ay arintaasi
Soomaalidu ugu qaadikarto Maraykanka".
Oday kamid ka mid ahaa dad badan oo
dhagaysanayey maalin ay idaacad faallo ka diyaarisay Itaxaadka
Soomaaliya ayuu inta madaxa qabsaday afmugii la qayliyey "War Itaxaad waa
seexdayee yaan nalagu toosin". Mindhaa sida ka muuqatay wuxuu u arkayey
khatar la soo dhaafay.
Waxaa
isku soo dubaridey:
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
editor@somalitalk.com
December 27, 2002
-dhammaad-
URL: www.Somalitalk.com/baaris
Bilicda iyo Taariikh kooban ee Soomaaliya: GUJI....
www.Somalitalk.com/somalia/beauty
Taxanaha wararka shirka Eldoret GUJI...
www.Somalitalk.com/eldoret
Halkaas waxaa ku dhammaaday qoraalkii
Baaritaan cilmiyeedka ahaa ee oo
ku saabsan Itaxaadka Soomaaliya, Muxuu ahaan jiray, aragtida Caalamku ka qabo, aragtida siyaasiyiinta
Soomaalida, iyo Hadda & Itaxaadka. Ha u daym ala'aan cilmi
baarisyada SomaliTalk ay markasta u soo bandhigto akhristaasha.
WARAYSIYADII FAHAD YAASIIN
. Waraysigii
Jaamac Cali Jaamac...
. Waraysigii
Fahad ee Caydiid...
.
Waraysigii
Fahad ee Qanyare...
.
Waraysigii
Fahad ee C/Qaasim...
Halkan
ka akhri Qoraalkii Soomaaliya
Shalay & Maanta... GUJI...
|