SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Puntland oo Xiriirka u Jartay Dawladda Federaalka Soomaaliya

Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka Puntland ayaa tibaaxay in Puntland ay joojisey gebi ahaanba wada shaqayntii iyo xiriirkii kala dhaxeeyey Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaxaafadeedka hoos ka akhri

Mowqifka Dowladda Puntland ee Xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya
WAR SAXAAFADEED
05 August 2013
Iyadoo la tixraacayo khudbadii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) uu ka jeediyay Munaasabadii 1 August oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyadda Puntland – go’aankaasoo waafaqsan soo jeedintii Guddiga Wadajirka ah ee Golayaasha Dowladda ee July 24 – Dowladda Puntland waxay si rasmi ah u hakisay wadashaqayntii iyo xiriirkii ay la lehayd Dowladda Federaalka Soomaliya.

Warsaxaafadeedkaas oo ku qornaa: AF-SOOMAALI HALKAN KA AKHRI

Official Position of Puntland Government on Relations with Federal Government of Somalia
PRESS RELEASE

05 August 2013
With reference to the public statement by H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole), the President of Puntland, on the occasion of August 1 celebration held at Puntland State House in Garowe – and in line with policy recommendations issued on July 24 by the Puntland Joint Ministerial and Parliament Committee – Puntland Government hereby suspends all cooperation and relations with the Federal Government of Somalia (FGS). FULL PRESS RELEASE READ HERE

 


Ra’iisul Wasaaraha oo xalay Saq-dhexe socod kumaray isgoys-yada magaalada Muqdisho

 Muqdisho August 4, 2013----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xalay Saq-dii dhexe ee 12:00am saacadda geeska Afrika, waxaa uu socod lug ah ku maray degmooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaana Isgoys-yada Beexaani, Sanca, Fagax, Cali-kamiin, Laba-dhagax, Baar-ubax, Black sea, Al Barako, iyo isgoyska Banaadir, waxaana socdaalkani uu ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladda amniga iyo howlaha ciidamada amnigu ay ka wadaan magaalada. SII AKHRI
 


Puntland oo ka soo Horjeestay Heshiiskii Dhex Maray Dawladda Federaalka iyo Shirkadda Atlantic Marine And Offshore Group.

Eng. Siciid Maxamed Raage oo ah Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka Badda iyo la Dagaalanka Burcad Badeedka ee Maamulka Puntland ayaa xafiiskiisa ka soo saaray Warsaxaafadeed si aad uga hadlaya Heshiis dhex maray 30kii Bishii ina soo dhaaftay ee Luuliyo dhex maray Dawladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Gaashaandhigga Cabdixakiim Xaaji Maxamuud fiqi iyo Shirkad laga leeyahay dalka Holland oo lagu magacaabo Atlantic Marine And Offshore Group.

Warsaxaafadeedkan ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo la Dagaalanka Burcad Badeedka ee Maamulka la magac Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay u Madaxbanaan tahay ilaalinta Xeebaheeda isla markaana aanay Mas’uul ka ahayn Dawladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan marka ay timaado dhinaca Ilaalinta Xeebaha.

Warsaxaafadeedka ayaa ku tilmaantay Heshiiskii dhex maray Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Atlantic Marine And Offshore Group ee laga leeyahay Waddanka Holland inuu yahay mid ka hor imaanaya Heshiisyadii hore u dhex maray Xukuumadda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee ku aaddanaaa Ilaalinta Madaxbanaanida Dhulka iyo Biyaha Dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka  ayaa lagu soo Gabagabeeyay in Puntland ay sii wadi doonto inay ilaalsato Biyaheeda iyo in ay Tababarato Ciidamadeeda ilaaliya Xeebaha isla markaana ay ka hor tegi doonto wax walba oo ay u aragto inuu ka horimaanayo Madaxbanaanida amniga, Kheyraadka Dalka , iyadoo sidoo kale war Saxaafadeedkan lagu sheegay in Puntland aysan ogolaan doonin Heshiis kasta oo ay Dawladda Soomaaliya la gasho Dawlad aysan iyadu ogeyn ama Shirkad gaar loo leeyahay.

Halkan ka akhri Warsaxaafadeedka oo Ingiriisi ah

W/D AmIin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;