Ra’iisul Wasaaraha oo xalay Saq-dhexe socod kumaray isgoys-yada magaalada
Muqdisho
Muqdisho August 4, 2013----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee
Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa xalay Saq-dii dhexe ee
12:00am saacadda geeska Afrika, waxaa uu socod lug ah ku maray degmooyinka
magaalada Muqdisho, gaar ahaana Isgoys-yada Beexaani, Sanca, Fagax, Cali-kamiin,
Laba-dhagax, Baar-ubax, Black sea, Al Barako, iyo isgoyska Banaadir, waxaana
socdaalkani uu ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladda amniga iyo howlaha ciidamada
amnigu ay ka wadaan magaalada.
Kormeerkan Waxaa Ra’isul
Wasaaraha ku wehliyay Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabdullaahi Ebyan Nuur,
Warfaafinta Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiiru dawlaha Arrimaha Gudah
Mudane Mahdi Maxamuud Cali, taliyeyaasha Boliiska Jen. Cabdixakiin Daahir “Saacid”,
Ciidanka Xoogga S/guuto Daahir Aadan Cilmi “Indhaqarsho” iyo Nabadsugida Qaranka
Jen. Bashiir Maxamed Jaamac.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeerkan ka hor kulan ballaaran kula qaatay xarunta
Nabadsugida Qaranka dhamaan saraakiisha ammaanka, isaga oo kala hadlay xoojinta
sugidda amniga dalka, gaar ahaana magaalada Muqdisho, waxaana uu kula dardaarmay
in looga fadhiyo inay ka hortagaan falalka lidiga ku ah amaanka shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha ku weheliya kormeerkiisa ayaa ugu horeyntii ku
hakaday isgoyska Cali-kamiin ee wadada Soddonka halkaasoo ay kula kulmeen
dhalinyaro kubadda cagta ku ciyaareysay kuwaas oo ka faa’iideysanayay leyrarka
cadceeda ku shaqeeya ee wadadaasi ku xiran, waxayna sacab iyo mashxarad ku soo
dhoweeyeen madaxda, iyaga oo oranayay soo dhowaada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u degay dhalinyarada lana sheekeystay isaga oo weydiiyay
kooxaha ay u kala cayaarayaan, “Waxaan u kala baxnay labo xaafadood oo kala ah
kooxda Furayaasha iyo kooxda Cali-kamiin, waxaana ku gaarnaa halkan illaa
suxuurta” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyaradii goobta ku ciyaareysay. Ra’iisul
Wasaaraha ayaa mar kale weydiiyay inay jirto wal wal amniga, waxayna ku
jawaabeen “Maya amniga xaafada wuu wanaagsan yahay mana jiro wax wal wal ah”.
Intii uu ku guda jiray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdi Faarax Shirdoon
kormeerkiisan waxaa kaloo uu ku hakaday xaafada Laba-dhagax waxana uu halkaasi
kula kulmay mid ka mid ah ganacsatada Internet-ka kireysa oo xilligaasi ku
sugnaa goobtiisa ganacsiga iyadoo Ra’iisul Wasaaruhuna gudaha u galay goobtaasi
oo muddo kooban uu kula sheekeystay, xilligaasina waxaa ku sugnaa goobta
dhalinyaro adeegsaneysay aaladdaha bulshadu ku wada xiriirto sida Facebook.
Mudadii uu Ra’isul Wasaaruhu ku jiray booqashadiisa waxaa la arkayay dhalinyaro
raxan raxan u fadhisa goobaha maqaaxiyaha, kuwaasi oo aysan ka muuqan wax wal
wal amni ah, waxaana qaarkood ay naga salaamayeen dusha.
Taliyaha Boliiska Jen. Cabdixakiin Daahir “Saacid” ayaa intii lagu guda jiray
kormeerkan waxa uu warbixino siinayay Ra’iisul Wasaaraha isaga oo xusay in
ciidanka amniga ay 24-ka saac ku jiraan heegan, ayna ka hortagaan saacad kasta
falal amniga shacabka lidi ku ah, inkastoo ay jiraan falal qaraxyo ah oo kooxaha
nabadiidku ay la beegsadaan mararka qaar goobaha dadweynaha sida suuqyada iyo
goobaha ganacsiga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku hakaday goob ganacsi oo lagu tolo dharka,
waxaana xilligaasi shaqaalaha goobtaasi ay ku howlanaayeen tolista dharka.
Ra’isul Wasaraha ayaa weydiiyay qiimaha ay ku tolaan dharka iyo qaababka ay u
tolaan iyadoo sidoo kalana uu wax ka waydiiyay xaalamadaha Amni ee goobahaas.
Ganacsatadu waxay ku ammaaneen ciidanka amnigu inay sugaan ammaankooda inta ay
ku jiraan shaqadooda.
Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cabdi Faarax Shirdoon oo
warbaahinta kula hadlay isgoyska Al Barako ee degmada Hodon ayaa sheegay in
kormeerkiisan uu ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladdaha ammaanka caasimadda,
isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu arko habeen Saq-dhexe in dhalinyaradu ay
kubadd ku ciyaaraan xaafadahooda, wuxuuna tilmaamay inay tahay dadaalka ciidanka
ammaanka, isaga oo kula dardaarmay inay sii laban laabaan.
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2013
|