SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Golaha Wasiirada DFS oo Ogolaaday heshiis shirkad lagu magacaabo Bureau Veritas Pre-Inspection, taasoo ka shaqeyn doonto hubinta tayada raashinka dibadda laga keeno iyo weliba daawooyinka

Afhayeenka Xukuumada Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in Golaha Wasiirada DFS "ay fasaxeen heshiiska shirkad lagu magacaabo Bureau Veritas Pre-Inspection, oo ay horay u saxiixday dawladdii KMG aheyd, taasoo ka shaqeyn doonto hubinta tayada raashinka dibadda laga keeno iyo weliba daawooyinka, waxayna shirkaddani ka howlgashaa 120 dal oo caalamka ah, waxaana adeega shirkadani uu saamixi doonaa in la horumariyo tayada iyo caafimaadka raashinka."

Waxa kale oo warsaxaafadeedku sheegay in Golaha Wasiirada ay kulankii khaamiista kaga hadleen "howlaha shirkaddaha Amniga ee gaarka loo leeyahay (Private Security Companies), kuwaasoo uu xusay in dawladdu dib u eegis ku sameyneyso."

Warsaxaafadeedka oo dhammaystiran hoos ka akhri:

Shirka Golaha Wasiirada oo su’aalo lagu weydiiyay Taliyeyaasha Boliiska iyo Nabadsugida


Muqdisho, August 1, 2013-----Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo su’aalo lagu weydiiyay Taliyeyaasha Boliiska iyo Nabadsugida Qaranka.

Kulankana ayaa inta badan looga hadlay arrimaha ku aadan sugida amniga ee dalka, waxayna goluhu warbixino la xariira ammaanka ka dhegeysteen Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed Jen. Cabdixakiin Daahir “Saacid”, iyo Jen. Bashiir Maxamed Jaamac, iyaga oo ka warbixiyay howlgalada ay ciidamadu wadaan ee lagu sugayo ammaanka, iyaga oo sheegay in 24 saac kasta ay ciidamada ammaanku baajiyaan falal lidi ku ah ammaanka iyo shacabka.

Taliyaha Booliska ayaa waxa uu ka warbixiyay kooxo qarxiyay labo ka mid ah baalayaasha ku shaqeeya Cadceeda oo ku yaala wadada Makka al Mukarama, isaga oo tilmaamay inay soo qabteen dad looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen falkaasi, ayna haatan ku jiraan xarunta dambi baarista ee CID-da, ayna soo bandhigi doonaan natiijada baaritaankaasi. Iyadoo sidoo kalena taliyaha Nabadsugida Jen. Bashiir uu xusay in ay laban laabayaan falalka ay uga hortagayaan kooxaha caadeystay inay amniga shacabka khal khal ku abuuraan.

Afhayeenka Xukuumada Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo warbaahinta la hadlay markii uu idlaaday kulanka Golaha Wasiirada ayaa xusay in sidoo kale kulanka looga hadlay howlaha shirkaddaha Amniga ee gaarka loo leeyahay (Private Security Companies), kuwaasoo uu xusay in dawladdu dib u eegis ku sameyneyso.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in goluhu ay fasaxeen heshiiska shirkad lagu magacaabo Bureau Veritas Pre-Inspection, oo ay horay u saxiixday dawladdii KMG aheyd, taasoo ka shaqeyn doonto hubinta tayada raashinka dibadda laga keeno iyo weliba daawooyinka, waxayna shirkaddani ka howlgashaa 120 dal oo caalamka ah, waxaana adeega shirkadani uu saamixi doonaa in la horumariyo tayada iyo caafimaadka raashinka.


Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia
 
###


Dawladda Federaalka oo Qandaraas ku saabsan Ilaalada Badda (Difaac Xeebta) la gashay Shirkad lagu magacaabo Atlantic Marine and Offshore Group

Warsaxaafadeed uu maanta July 30, 2013 faafiyey Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha DFS ayaa tibaaxay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Qandaraas la gashay shirkad lagu magacaabo "Atlantic Marine and Offshore Group", shirkaddaas oo warbixintu sheegtay in fadhigeedu yahay dalka Holand (Netherlands) waxaa loo igmaday in ay Soomaaliya u soo diyaariso ciidan ilaalada xeebta (Coast Guard), soona agaasinto qaabka ilaalinta (Surveillance ) halka loogu yeeray aagga dhaqaalaha badda (Exclusive Economic Zone = EEZ) iyo waardiyeynta aaggaas, ilaalinta ammaanka dekedaha, difaacida khayraadka dabiiciga iyo kalluumaysiga, badda ka ilaalinta wax yaabaha sunta halista ah.

Shirkadda Atlantic Marine and Offshore Group waxay bixin doontaa adeegyada iyo tababaro ciidanka illaalada Badda.

July 25, 2013 ayey ahayd markii Golaha Wasiirada DFS ay Meel Mariyeen Heshiis Dhexmaray Wasaaradda Kheyraadka DFS iyo Shirkad lagu magacaabo FishGuard sida lagu cadeeyey warsaxaafadeed maalintaas soo baxay in "Golaha Wasiirada ay meel mariyeen heshiis adeeg oo dhex maray Wasaaradda Kheyraadka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo shirkad lagu magacaabo FishGurad [sic] oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana heshiiskan uu sahli doonaa in horumarinta kalluumeysiga dalka iyo kheyraadka kale ee dalka. Waxayna [FishGuard] shirkaddani bixin doontaa adeegyada iyo tababaro ciidanka illaalada Badda." (Halkan Tixraac)

Warsaxaafadeedka ku saabsan shirkadda cusub ee  Atlantic Marine and Offshore Group oo ku qornaa ingiriisi HALKAN ka akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 2, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;