Golaha Wasiirada oo Meel Mariyey Heshiis Dhexmaray Wasaaradda Kheyraadka DFS
iyo Shirkad lagu magacaabo FishGuard
Warsaxaafadeed ka soo baxay golaha xumuumadda DFS ayaa tibaaxay in "Golaha
Wasiirada ay meel mariyeen heshiis adeeg oo dhex maray Wasaaradda Kheyraadka ee
xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo shirkad lagu magacaabo FishGurad [sic] oo
fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana heshiiskan uu
sahli doonaa in horumarinta kalluumeysiga dalka iyo kheyraadka kale ee dalka.
Waxayna shirkaddani bixin doontaa adeegyada iyo tababaro ciidanka illaalada
Badda."
Waxa kale oo ay meel mariyeen "Hindise sharciyeedka Shatiga dhoofinta iyo soo
dejinta (Import and Export), iyo sidoo kale sharciga sumada ganacsiga (Trade
Mark)", waxayna ka wada hadleen qodobo kale sida ku cad warsaxaafadeedka hoose:
War-saxaafadeed
Golaha Wasiirada oo shirkoodii maanta uga dooday qodobo dhowr ah
![](fishgurad.JPG)
Muqdisho July 25, 2013----Golaha
Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid
shirkoodii joogtada ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo looga dooday qodobo dhowr ah.
Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyntii warbixin ka dhegeystay Wasiirka Arrimaha
Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdikariin Guuleed iyo Wasiirka Gaashaandhigga Mudane
Cabdixakiin Faqi kawaasoo sharaxaad ka bixiyay dadaalka ay ugu jiraan xakameynta
amniga, waxayna xuseen in ay wadaan qorsheyaal ay uga hortagayaan falalka lidiga
ku ah amniga magaalada iyo dhamaamba gobolada dalka.
Golaha ayaa isla gartay
muhiimada bixinta mushaaraadka ciidanka dawladda sida, Boliiska, Nabadsugida iyo
Asluubta, oo markii ugu horeysay dawladdu bilowday waxaana loo qoondeeyey
mushaar dhan halkii Askari USD 160 (Boqol iyo lixdan dollar). “Talaabadan
mushaar bixintu waxay kor u qaadi doontaa kalsoonida ciidankeena, dawladduna
waxay xil gaar ah iska saareysaa sidii ciidanku ay bil walba u heli lahaayeen
mushaaraadkooda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay shirka golaha,
isaga oo sheegay in mushaaraadka ciidanka ay ka bixinayaan Qasnada dawlada.
Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale warbixin ka dhegeystay guddoomiyaha Bankiga
dhexe ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cadliye, isaga oo sharaxaad dheer ka
bixiyay qaabka maamulka lacagta soo gasha iyo mida ka baxda Bankiga dhexe, si
loo muujiyo hufnaanta nidaamka Bankiga dhexe. Isaga oo golaha u cadeeyey in
aaney jirin wax musuq maasuq la xariira oo ka jira Bankiga dhexe.
Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa meel mariyay heshiis adeeg oo dhex maray
Wasaaradda Kheyraadka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo shirkad lagu
magacaabo FishGurad oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska,
waxaana heshiiskan uu sahli doonaa in horumarinta kalluumeysiga dalka iyo
kheyraadka kale ee dalka. Waxayna shirkaddani bixin doontaa adeegyada iyo
tababaro ciidanka illaalada Badda.
Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale meel mariyay Hindise sharciyeedka Shatiga
dhoofinta iyo soo dejinta (Import and Export), iyo sidoo kale sharciga sumada
ganacsiga (Trade Mark), iyadoo loo gudbin doono golaha Baarlamaanka si ay u
ansixiyaan. Waxayna sharuucdani qeyb ka yihiin soo celinta nidaamkii iyo
sharciyadii dalka.
Ugu dambeyntiina, Golaha Wasiirada ayaa magacaabay Agaasinka Qaranka ee
Horumarinta iyo Tayaynta Hay’addaha Dawladda (National Institutional Capacity
Development Directorate), waxaana loo magacaabay inuu madax ka noqdo Cabdi
Sheekh Axmed, waxaana agaasinku uu hoos imaan doonaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Iyada oo agaasinkani uu hogaan u noqon doono Barnaamijyada horumarinta tayeynta
hay’addaha Qaranka.
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | July 25, 2013
|