SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAANSO

Feb 15, 2004   MAANSADA DAWO | DADNIMO

MAANSADA DADNIMO

Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon.
 
omarabdinur@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO


Maansadan DADANIMO waxaa curiyay Abwaan Cumar C/nuur Nuux (Nabadoon), waana maansadii labaad ee silsiladda DOODWANAAG, waxay daba socotaa maansadii DAWO ee uu curiyay Maxamed Cali Cibaar. Maansadan oo ka hadleysa dhinacyo badan waxa uu abwaanku ku tilmaamayaa dhaawaca gaaray guud ahaan dalkii dadkii Soomaaliyeed gudo iyo dibadba, wuxuu isku dayay bal in uu xuso cidda loo aanaynayo in ay mas’ uul ka ahayd dhibaatooyinka dhacay, isagoo sidoo kalena iftiimiyay sida uu xalka u arko.

Ninka dawanka ruxayee
Dareenkeyga kiciyee
Suugaanta daabacan
Maansadeeda dahabkaa
Soo diray akhbaartoow,
Inkastoon daldalan iyo
Doodaha ka gaabsado
Xaq difaac markay tahay
Duullaankiisa kama haro
Docdii aniga lay diro
Inuu daad ka soo galo

Dabcigaygu ma ogola,
Darmaanteydu waa taas
Koorihii dusheediyo
Qalabkii dagaalkaba
Mar horaan diyaarshee
Dariiqeen mareynaa?
Dadka kee is leedahay
Daacad iyo wax garad iyo
Damiir baa ku haray weli?.

Deelley dhasheediyo
Doodwanaag ma tirinnaa
Danyar ma u hibeynaa
Dulman ma ugu baaqnaa
Kama taagna doodduye
Xaggee diirad saarnaa?
Docdee uga haggaagnaa?
Maxaa dumay maxaa diday?
Maxaa daqarro gaareen?
Maxaa daafac naga raba?
Daneystaha la sheegiyo
Dabadhilifku waa kee?
Dambigana ayaa galay?.

Su'aalahan is daba yaal
Anigoo an kugu deeyn
Asxaabtana u kala dirin
Aan jawaab u doonee
Mid mid iigu soo daa.

Waxaa dumay dalkeennii
Midkii dawladnimo iyo
Mabda’ kala danbeyn iyo
Dadweyniyo xukuumiyo
Iskuul loo dareeriyo
Dugsiyada culuuntiyo
Danab iyo kumaandoos
Mashaa’ iikh duceysiyo
Mar lahaa dad maamula!!.

Saylac dacaladeediyo
Awdal daafaheediyo
Hargeysadaa dusheediyo
Deegaankii Berbera iyo
Burco dooxadeediyo
Durukhsiyo Afweyn iyo
Dusha Golis silsiladdii
Ceeragaabo daankaas
Laasqoray deggeediyo
Laascaano dayr baa
Dusha looga meershoo
Qolaa tiri anaa degey
Qaran dummayna yeelkii
Qolaa diiddan taasoo
Iga durug iddaa iyo
Damdam aan dhammaan iyo
Doodaa ka jira weli!


Doonyaha rugtoodiyo
Darka Beyla iyo Eyl
Boosaaso lagu daray
Qardho iyo Dangorayiyo
Dooxadii Nugaal iyo
Dusha Gaalkacyood iyo
Degmadii Goldogob iyo
Dalka bari kawada xiga
Qolaa deyr ku ooddoo
Nagu tiri anaa degey!
Qaran dummayna yeelkii!
Qolaa diiddan taasoo
Iga durug iddaa iyo
Damdam aan dhammaan iyo
Doodaa ka jira weli!

Docda Garacad hoosiyo
Deegaankii Hobyoodoo
Taariikho duuga leh
Cadaadiyo Dagaariyo
Dareemihiyo cawskiyo
Dhulka geelu daaqee
Gallinsoor ku soo dega
Dabaroow kolay tahay
Derri iyo dhul Ceelbuur
Qolaa deyr ku ooddoo
Nagu tiri anaa degey!
Qaran dummayna yeelkii
Qolaa diiddan taasoo
Iga durug iddaa iyo
Damdam aan dhammaan iyo
Doodaa ka jira weli!

Beledweyn kusii durug
Degga bari kasii aad
Ha ku daahin Buulaay
Deexdiyo Maxaas iyo
Jalalaqsi duleedkiyo
Buurane dariiqii
Qolaa dayr ku oodoo
Nagu tiri anaa degey!
Qaran dummayna yeelkii!
Qolaa diiddan taasoo
Iga durug iddaa iyo
Damdam aan dhammaan iyo
Doodaa ka jira weli!

Degmadeeda Cadaliyo
Jawhar degelladeediyo
Balcad daafaheediyo
Daayniilihii kore
Xamar daya dhammaanteed
Waa ley dardaarmoo
Anaa deyr ku ootoo
Qolaa tiri anaa degey
Qaran dummayna yeelkii
Qolaa diiddan taasoo
Iga durug iddaa iyo
Damdam aan dhammaan iyo
Doodaa ka jira weli!

Dalkii beeraleydiyo
Degmadii Afgooyiyo
Daamaha Shabeelliyo
Dihintii Qoryooleey
Dalagyadii baxaayiyo
Daldalaaddii muuskii
Digirtiyo galleydii
Daruurigii la cunijirey
Qolaa deyr ku ooddoo
Faliddii u diiddoo
Nagu tiri anaa degay
Qaran dummayna yeelkii
Qolaa diiddan taasoo
Iga durug iddaa iyo
Damdam aan dhammaan iyo
Doodaa ka jira weli!

Buurhakaba dalsamideed
Durdurkii Ishii Baay
Xudur duunyadeedii
Dambarkii Tiyeegloow
Illaa hawdka Diinsoor
Qolaa dayr ku ooddoo
Nagu tiri anaa degey!
Qaran dumayna yeelkii
Qolaa diiddan taasoo
Iga durug iddaa iyo
Damdam aan dhammaan iyo
Doodaa ka jira weli!


Doolow ka soo gudub
U durduri dhankaa Luuq
Dibu soo majiiroo
Garbahaarrey daaqeed
Baladxaawo deriskeed
Baardheeriyo dabaashii
Jubba dacalladiisii
Qolaa deyr ku ooddoo
Nagu tiri anaa degey
Qaran dummayna yeelkii
Qolaa diiddan taasoo
Iga durug iddaa iyo
Damdam aan dhammaan iyo
Doodaa ka jira weli!

Degmadii Bu’aaliyo
Dajuumiyo Sablaaliyo
Dif halkeey ku taaliyo
Dugaagiyo ugaadhii
Duunyada la maaliyo
Lo’da daaqsinkeedii
Qolaa deyr ku ooddoo
Nagu tiri anaa degey!
Qaran dummayna yeelkii
Qolaa diiddan taasoo
Iga durug iddaa iyo
Damdam aan dhammaan iyo
Doodaa ka jira weli!

Dekeddii Kismaayiyo
Dalxiiskeedii Waamiyo
Dooshii Jammaamiyo
Dal kaloo an dhaafoo
Danyartiisu badantahay
Qolaa deyr ku ooddoo
Nagu tiri anaa degey
Qaran dummayna yeelkii
Qolaa diiddan taasoo
Iga durug iddaa iyo
Damdam aan dhammaan iyo
Doodaa ka jira weli!

Dulucdiyo ujeeddada
Waxaan uga dan leeyahay
Dalkii waa burburay oo
Degma kasta qabiil baa
Ka sameystay doqoshyoo
Ku dahaaray xeyndaab,
Dabbaabaad wax guba iyo
Hubna loo dalbaayoo
Duul kale masruufaan
Maatada dayacan iyo
Deriskana u xoog weyn.

Waxa taa ka sii daran
Dal galbeed xorayn iyo
Diridhaba la sheegtiyo
NFD-ii warkeed daa
Gabbal baa u sii dumay,
Halkay door u hiilliya
Dadaal kale sugaayeen
Duufaantiyo dhibaatadu
Docdeenneyba uga timid!
Danna seeto weeyee
Darxumada aqbale oo
Gumeystihii dilaayeey
Kuba sii durkaayaan!!

*****************
Waxaa diday dadkeennii
Da’yartiyo barbaartii
Duqeydiyo waxgaradkii
Dumarkiyo caruurtii
Wax diyaarad qaaddiyo
Wax dabaal badaha maray
Ama doonni lagu guray
Dabadeedna laga rogay
Lagu daadshay halisoo
Dib dambana an loo arag

Dalandoolka qaarbaa
Saxaraha ku daaloo
Dirgix socodka gabayoo
Dad usoo gurmada iyo
Wax daneeya waayoo
Dabadeed dhurwaa cunay
Ama oon la dabargo’ay

Badhna dalal shisheeyiyo
Kuwi ina dabaayee
Dacdarada nabaday baa
Iska daabulanayoo
Ugu deeqay gogol iyo
Doolar quutulyoonoo
Dameeraha sidoodii
Ama dibi bal loo dhigay
Wayska daaqayaanoo
Maba digigaxanayaan.

Darka haree gudaha jira
Dabley bay u badanyiin
Dayday iyo dadqalatiyo
Duqa amarka siiyee
U dirsada colaadiyo
Mid ku daba duggaaloo
Marna daa an oran karin
Dockayeer munaafaqa.


Dumar iyo caruur iyo
Duqoowshiin fariistiyo
In yaroo damiir liyo
Xoogaa diinta weli raba
Meelkastana dab loo suray
Lagu didiyey Mooryaan
Iyaguna ducfiga galay
Nafta dooji mooyee
Iska daayey hawl iyo
Qaran dihashadiisii.

Sida doontii socotee
Dusha kuwii ka saarraa
Markey biyo u diideen
Hoosta qaar daloosheen
Oon daaya lagu oran
Illaa idil la wada degay,
Dockastood ka eegtaba
Dadkii qarankan baylahay
Midkii dibadda aadiyo
Midkii daakhilkii jiray
Dumar iyo raggiisii
Duqey iyo saqiirriyo
Digtoor iyo askari iyo
Dublamaasi koley tahay
Dawakh baa ka muuqdoo
Daqarraa ku yaalloo
Dubbaa madaxa uga dhacay!.
Dhiigna waa ka da'ayaa
Ee yaa dambiga galay
Ooy diyo u haystaan?!!

*****************
Dadkii qaranka dhaliyoo
Isku daranka keenoo
Dastuur lagu heshiiyiyo
Xeer kala dabaaliyo
Aan dhigin diiwaan qaran
Diintana an nagu hagin
Miyaa galay danbiga weyn?

Ma duqii kacaankiyo
Dawladduu xukumayee
Digdigtiyo sawaxankii
Diktaatoor u heeskii
Qabiil duugistiisii
Dad u sacab tummeenoo
Daacad runa u qaateen
Kuwii xume ku diidee
Dariiq saxa tilmaamee
War ka daa yiraahdiyo
Culumaa' u diinkii
Daldalaadi loo qoray
Danbi laga kasbaday baa
Dib ka soo butaacoo
Ina baday darxumadaan?

Baladii la duugiyo
Digo hoos ka nooleyd
Daacuunay dhaleen iyo
Dawdoowle saaqida
Dabadhilif hargaantiya
Dayday aan wax reebeyn
Duub aan xishooniyo
Oday dibad ka yimidoo
Ilmihiina daabulay
Isaguna ku daba jira
Ismadooriyaalkaas
Miyaa galay danbiga weyn?

Digtoorkiyo sargaalkii
Ducufada waxeediyo
Ku dallacay canshuurtee
Qabay deymahoodee
La lahaa duruufaha
Marku xaalku daranyahay
Duruustii la siiyaa
Xoogaa ku soo duxin
Oo way nadaba qaban
Iyaguna dufooboo
Duuflaale yaashiyo
Ma damqadaha liitiyo
Dullaal iyo mallaal iyo
Darbi jiif u kala baxay
Miyaa galay danbiga weyn?

Culimada dagaagtee
Iska diiday samahee
Dadka aan dhexgalinee
Ganacsiga ka door biday
Ama inay dawaafaan
Dubaay iyo Khaliijkee
Dukaanada camirayee
Ragga duubka waaweyn
Shaariqa la degay qaar
Dalkoodiina daayacay
Miyaa galay danbiga weyn?.

Mise Diin naceybkiyo
Xil daneyn la’ aantiyo
Sako diid an baraniyo
Duudsiga kan liitiyo
Dadweynaha xaqiisiyo
Iska doogso maalkiyo
Dalxiis kama dhargaankiyo
Dulmi wixii arlada yiil
Dadka qaar ku faanee
Qaarna diidi karinoo
Dantu aamus ay tiri
Ayaa dumiyey qarankoo
Dambigaba u aabbaa?!!!

*******************
Damqadaye dhulkaygow
Kheyraadka dihin iyo
Nimcadii dushaadee
Daa’in kugu manneystee
Doqon ruux ah mooyee!
Aan laga dayoobeyn,
Dadkaagiina uu yahay
Mid ku diirtay oo cunay
Dubaaxdiyo jirkaagii
Mid ku deyrshay oon arag
Diihaalka kugu yaal
Iska diiday gobannimo
Dulligana ku qaanacay
Kuma deyn karaayoo
Mana daahsan karayoo
Waqti bay dirqinayee
Dawadaadu waa maxay
Sideen kugu dabiibaa?!

******************
Bal waxaan deydayayaa
Geesi maanta duubtoo
Karti Rabbi ku deeqiyo
Mid damiir ku harayoon
Daxaleysan laabtoon
Qabiil duugin araggoon
Iimaanka laga dedin !.

Bal waxaan daydayayaa
Mid dalkiisa jecel oo
Mid dadkiisa raba oo
Mid dayuuska neceb oo
Dabka kuwa afuufiyo
Midka dira diraha wada
Beelaheenna kala dila
Dabadhilifka aan siin
Doolar uu ku hawl galo!

Bal waxaan daydayayaa
Aqoon yahan dahsoonoo
Dagaalkii sokeeyiyo
Dabkii ehelka lagu shiday
Damintiisa kara oo
Dadku aaminaanoo
Dar Ilaaheey noo haga.

Bal waxaan deydayayaa
Sarkaal daacadoo weli
Dalkiisii ku weynyahay
Darajaduu lahaan jiray
Dib usii gocanayoo
Dagaal uu u galo iyo
Aan ka daalin kheyrkoo
U diyaara qarannimo.

******************
Balse waxaan ka digayaa
Qofkii dawladnimo iyo
Dadnimiyo wanaag raba
Waa inuusan daah iyo
Dib ugurasho laasimin
Dangiigsina ku sheekeyn
Dad kalana ka sugin hawl

Waxaan kaloo ka digayaa
Deg deg iyo xawaariyo
Qorshe lagu daneystiyo
Damdamliyo Afmiinshaar
Danta guud ka door bida
Danihiisa gaarka ah.

Kaba daali maayee
Waxa iga dardaarana
Dooddana kusoo xiray
Midkii ciil diloodow
Waxan soo dareershiyo
Dhaxalkaa daneeyow
Dullinnimo ka kacayow
Daacaddoy ku soo durug,
Ninkii diida yeelkiis
Dabadhilifku yuu iman
Nacas daaman weyn iyo
Maangaab dan haw gelin
Hayska debed wareegee.

*******************
Intaas waxaan ku darayaa
Dad islaama baan nahay
Ilaah baa na daabacay
Isagaa na dilayoo
Dibna noo unkamayee
Waa inaan dadaal iyo
Daacadnimo ogaannaa

Waa inaan ducada badan
Rabbi ugu dadaalnaa
Wixii naga dahsoon iyo
Wixii naga dambeeyee
Dadku aysan weli arag
Cilmi qeybka loo degin
Loona daayo Mowlaha.

**Dhammaad***

Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon. omarabdinur@hotmail.com

MAANSADA DAWO | DADNIMO


Faafin: SomaliTalk.com | Feb 15, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD